SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CARRUURTA

Waalidka wal-walsan ee Qurbaha jooga

Said Hashi (Abu Sami) 
shwarsama@hotmail.com

  • Law isku dhufte isagaa u dhutiya.

wiilRuntii intii muddo ahba waan ka gaabsaday qoraaladii iyo daalacashadii website yada Somalia wax ka qora . Shalay subax ayaa aniga oo ilma u wata school qabow xuna u dhacayo ayaa baabuurkii aan watay hortiisa waxaa si xun ugu kuftay hooyo soomaali ah oo afar ciyaal ah iyana school geyneysa, malaha jilbaab weyn oo ay qabtay baa jilaafeeyey amaba qoyaan baraf.

Runtii aad baan uga tiiraanyooday mawqifkaas, isku jaho uma soocono, baabuurkuna nama wada qaado, sideedana isma naqaan, waxaan hoos ka iri war Ilaahow ummaddaan waddankeedii ku celi. Sidaas darted baan is iri bal caawa waddankii akhbaartiisa iyo dawladda cusub ka war doon,  deedna waxaan daalacasho ugu dhaqaaqay SOMALITALK oo aan oran karo waa websiteka ugu macquulsan waxa wax ka qora somaliya, haddiiba waxaa iiga soo booday maqaalka  kolkaasaan ku boday maadaama aan ka mid ahay waalidiinta uu sheikhow la talinayo.

Hadaba in yar haddii aan ka iraahdo arrintaas aniga oo ka codsanaya inuu shiekhow raali iga noqdo, dulqaadna yeesho wixii meelka dhac ula ekaada.

Sheikh Jabril waxyaalaha uu dul marey ee uu waliba ku raftay waa wax jira runtii. Laakiin gunaanadkii ma siinin Fatuma talo wanaagsan. Inkastoo aanan daalacan Fatuma qoraalkeeda oo laga yaabo inuu ka ogyahay wax iga daahsoon. Talada wanaagsan ee la rabay inuu siiyo fatuma waxay ahayd inay isaga soo kacdo meesha haddii ay sahay heli karto. Ma arag sheikh dad kula talinaya Yurub ilmo ku hay. Waxaan u maleynayaa inuusan shiekhow arag Yurub ama Maraykan ee dhibka waalidiintu ka sheegayso dhag ka maqal ku tahay, Carabtuna waxay tiraahdaa : ((WALISA KHABARU KALMUCAAYANAH)) yacni aragti iyo maqal isku mid ma ahan.

....Talada sheikhow wuxuu ku soo koobay ilmaha meesha u daa wax ha ka barteene!!!Cajiib!!! wuxuu yiri Soomaaliya ha keenin ciyaalka waayo gaajo iyo silic iyo saxariir iyo jiro ayaa jira!! Cajiib!! Labadaas arimood ayaa aniga iga dagi waayey...

Talada sheikhow wuxuu ku soo koobay ilmaha meesha u daa wax ha ka barteene!!!Cajiib!!! wuxuu yiri Soomaaliya ha keenin ciyaalka waayo gaajo iyo silic iyo saxariir iyo jiro ayaa jira!! Cajiib!! Labadaas arimood ayaa aniga iga dagi waayey runtii waayo waa mare war reer Yurub ilmo ka aflaxaya oo xitaa cilmi adduun baranaya waa yar yahay, anigu ka hadli mahayo nin isaga oo 18 jir iyo ka weyn soo galay.

Tan kale xitaa haddii uu cilmi adduun barto diin iyo dhaqan akhlaaq iyo cisi lagu holi mahayo, taas dabcan ugama jeedo dadkoo dhan baa xun laakiin aqlibiyadda ayaan  ka hadlaynaa ee waa jiraan ilmo cilmi diineed iyo mid duniba ka bartay. Waxaase is weydiin leh maxay ku taraysaa aqoontiisu hadduusan aqoon Ilaahiis amaba uusan wax lagu tukado aqoon amaba ay u siman yihiin waalidkiis iyo franjigu.


Ha dilina carruurtiina ka cabsi Faqri (saboolnimo) anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba dilkooduna waa gaf wayn.. Suurat Al-Israa: Aayadda 31aad.

Gaajada aad sheegtayna waxaan ka leeyahay: War wixii maleeshiyaad diini ka idlaatay ay hoobiye iyo gantaal dadka ku garaacayeen 14ka sano dadkii waa kaas Soomaaliya wada nool oo barwaaqaysan, naftana ilaah baa leh, irsaaqaddana Ilaah baa bixiya, waana weynaha qurankiisa ku yiri: ((NAXNU NARSUQUHUM WA IYYAAKUM)) Suuratul Isra'aa aayadda (31). yacni annaga ayaa irsaaqayna iyaga dhallaanka ah iyo idinka waalidkaaba.

Marka inay rabi tallo saarato oo ay Fatuma iyo wixii la mid ahi ka soo galab caraabaan weeye talada meesha ku habboon. Waayo ilmihii luma maanta waa la is weydiin qiyaame, laakiin ilmihii gaajo u dhinta waalidkii oo waayey wuxuu siiyo ama hoobiye ku habsado la weydiin mahayo. Irsaaqaddana saan u sheegnay weeye waa taas shinbirkuba asaagoo calool maran hiiraysta deedna soo galab caraaba isagoo calooshu u buuxdo. Rabbi in la isku xiro oo iimaanka la quweeyo kaliya baa loo baahan yahay ee taas kula tali Fatuma. Ganacsiga aad sheegtayna ha ka qabsato waddankeeda.

Mushkiladaha Haysta Soomaalida Qurbaha
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad 6aad | 7aad 8aad| 9aad| 10aad [Qoraaladii Siciid Cali Axmed | Ottawa, canada]

Tan kale ee sheekhow ku celceliyey waa sacuudiga. Dalkaas wuxuu yahayba waa dal khayraysan. Waxaan ka fahmay meesha in fatuma joogi jirtay dalkaas intaysan qaban Yurub. Taas aniga ayey igala mid tahay waayo anigu mudda aan laba sanno dhammeyn ayaan soo moogahay sacuudiga oo aan deganaa in ka badan 25 sanno haddana Yurub baan warka ka soo tabinayaa.

hajj
XAJJKA 1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad 6aad 7aad 

Markii sacuudiyeenta isla kaftano oo aan ku niraahno hadalada sheikhow tibaaxay waxay na oran jireen war idinku haddii aad soomaali tihiin ha hadlinina waayo waddankiinii ayaad barqadii dab galiseen idinka isku diin iyo isku mad-hab iyo isku luuqa ah. Marka law isku dhufte isagaa u dhutiya. Khalad ma saari karno nimankaas . Gurigaygii baan dab soo galinayaa ee gurigaaga ii fasax aan degee. Caqli ma ahan. Meeshana sidaad u sheegtay xaramkii Ilaah baa ku yaal sidaas oo ay tahay dee xaramka laftigiisu maamul ayuu u baahan yahay iyo kala dambeyn anagana soomaali ahaan arrimaahaas way nagu yaryihiin baryahaan dambe, oo waxaaba laga yaaba haddii naloo fasaxo in qolo oran lahayd waa goofkayagii Eebaheyaan ku dhaartaye inaan qof dambe dawaafayn.

Cabsida laga Qabo Mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed | Ibrahim Salah | April 1, 2001

Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?  | Maxamed Cali | May 6, 2001

Sidaad sheikhow la socotidba markii uu qofka xajka u socdo waa inuu isaga oo nadiif ah oo aan dayn lagu lahayn soo socdaalo. Marka miyeysan fiicneyn marka hore inaan anagu heshiino oo dilka iska dhaafno oo hantida la bililiqaystay isku celin deedna anaga oo nadiif ah xaramka inaan wax ka dagno codsano. Taasi sacuudi difaac igama ah laakiin waa iga tusaaleyn. 

Intaas waa intaan ka haleelay ka jawaabidii maqalka sheikha. wa billaahi tawfiiq. 

Said Hashi (Abu Sami) 
shwarsama@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Afeef: Aragatida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com


Soo Booqo Bogga Macluumaadka Islaamka: GUJI SomaliTalk.com/Islam
© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

Gabdhaha Soomaaliyeed oo Gelaya Waqti Dagaal Dhaqameed oo Dhexdooda ah.. GUJI
tugofwar

 


Ma'Usheegtay Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka.. Guji


XAAFID QUR'AAN

cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey Guji..

 



HTML CD