MUXUU WAALIDKA FAA'IDEYSANAYAA MAADAAMA UU CARUURTA DIINTOODA KU DADAALAY?
Waalidka wax barbaarinaya ee ilmihiisa tarbiyeynaaya, oo diinta kula dadaalaaya
wuxuu faa?ideysanaayaa:
I. Aduunyada ilmo diinta ku koray wax ka wanaagsan oo ka macaan oo Ilaahey SW uu
adoonka siiyay ma jiraanba. Saas daraadeed buu Nebi Sakariye CSW markuu Ilaahey
baryaayey wuxuu k duceystay: ?Ilaahayow waxaa I sii saa caruur wan wanaagsan.?
Halkaa waxaa ka fahmeenaa caruur oo dhan ineyna wanaag aheyn. Caruurbaa
dhalmadoodu qasaaro tahay, oo qasaaro aduun iyo mid aakhiro kuugu filan. Laakiin
caruurta kuwuu Ilaahey uu kuu hagaajiyo oo uu kuu toosiyo, kuwaas baa
caruurnimadooda iyo faa?idada aad ka heleysid ay fiican tahay.
II. Aakhiro markuu tago Ilaahey SW oo uu darajo Janada ka siiyo, waalidkiina
meeshaan ayaa laga galin. Hadduu waalidkii hooseeyo, oo uu meel isaga ka
hooseysa uu la yimid, waalidka isagaa u shafeeco qaadaaya, kabacdiina meel
wanaagsan ayuu aabihiis iyo hooyadiis geynaayaa.
III. Hadduu adduunka kaaga haro, oo aad adigu ka hor dhimatana, ilmahaadii
fiicnaa way kuu soo duceynayaan, ducadiisa Ilaahey SW wuu kuu aqbali. Sadaquu
kuu soo bixin, qabrigaada kuugu imaaninin ayadoo maalintey ugu baahi badan
tahay, oo aad wax walba u baahantahay. Nebiga SCW wuxuu yiri: ?Ibnu aadamka
hadduu dhinto camal u soconaaya ma jiraan, camalkiisa oo dhan wuu go?aayaa ilaa
3 wax mooyaane. Waxa weeyaan: (1) Sadaqatu jaariya, (2) Cilmi intuu dadka baray,
qofkii cilmiga uu baray ay dadka sii barayaan oo lagu dhaqmaayo, (3) iyo ilmo
wanaagsan oo u soo duceeya.?
IV. Ilmaha diinta yaqaana aabihiis iyo hooyadiis ayuu wax walba ka hor
marinayaa, baari ayuu u noqonayaa, ayagiibuu xanaaneynayaa, xoolihiisa oo dhan
ayuu u huraayaa. Haddii ay waaweynaad oo gaboobaan gacanta kuma seyraayo ee
gacanta ayuu ku haynaa ilaa ay qabriga ka galaan.
Beertii aad beerato baad miraheeda guraneysaa. Ruuxii beer wanaagsan beerta, oo
tufaax beerta, tufaax unbuu goosan. Laakiin ruuxii qare dameeraad beerta, qare
dameeraad qaraar unbuu guran.
Ninkii ilmihiisa tarbiyeysan waaya duurka unbuu galin. Waa waxa maanta dadkeena
haysta. Waalidiintii dhamaantood waxay noqdeen dad aan mas?uul qaadi karin.
Caruurta markey dhashaan waxa uu diyaar u yahay in wax lagu shubto, waayo waa
weel faaruq ah, weelkaas waxaa lagu shubi karaa wax wanaagsan iyo wax xun, adigu
kolba tii aad ku shubato unbaa heleysaa.
Ilaahey SW wuxuu leeyahay: ?Kuwa Ilaahey rumeeyay oo mu?miniinta ah
caruurtoodana ay iimaanka ku raacday, caruurdooda ayaa meeshay joogaan la
geyneynaa.? Yacni, Aakhiro markii la tago ilmaha darajada ugu sareysa oo uu
helay ayaa waalidkiisna lala geynayaa. Tusaale ahaan hadduu waalidkii uu dhinto,
oo uu naar u waajibtay, Ilaahey SW ilmihiisa baa u tagaaya Ilaahey buu u erga
geynaayaa. Ilaahow waalidkey cadaabka ka badbaadi ayuu oranayaa, Ilaahey SW
ducadii wuu ka aqbalayaa. Marka waxaa laga yaabaa inuu sabab u noqdo waalidkiis
oo la cadaabi lahaa Rabbi SW inuu sababkiisa cadaab kaga badbaadiyo.
Haddii maanta la dhihi lahaa: Waalidkaa danbi ayey galeen oo waa la xiray,
ilmahaas intuu dawlada u tago oo uu kala hadlo, oo sidaa lagu sii daayo,
waalidkaas nicmo intee le?eg ayuu tirsanayaa. Nicmo aad u weyna ayuu tirsan
lahaa waalidkaas. Maxaa u maleyneysaa cadaab Alle haddii laga badbaadiyo? Waa
nimco aan caadi aheyn.
Waxa laga rabaa waalidiinta iney ilmahooda ku dadaalaan tarbiyada caruurta.
Waxa lagu tarbiyeynaayana waa iney noqotaa Tawxiidaka {LAA ILAAHA ILA LAAHU,
MAXAMED ARASUULU ALLAAH} waa intuu yaryahay cuniga, waana inuu qabto, ka dibna
waa in macnaheeda iyo waxa ka danbeeya la baro. Waa in labaro in aysan jirin
cid wax tari karta ama wax dhibi karta ama wax la weydiisan kara oo Alle aheyn
ineysan jirin.
Nebiga SCW saxaabiga la yiraahdo Ibnu Cabaas isagoo wiil yar ah yaa Nabiga SCW
wuxuu ku yiri: ?Wiilyahow! Ma ku baraa weerooyin? Ilaahey xifdi oo diintiisa
ilaali Ilaahey wuu ku xifdinaayaa. Alle xifdi wax walba oo aad u baahato Ilaahey
wuu ku siinayaa. Haddaa cid wax weydiisaneysid Ilaahey kaligiis wax weydiiso,
haddii cid wax ka magan galeysid Ilaahey kaligiis magan gal. Waxaa ogaataa
ummada oo dhan haddey isku tagto in ay dhib ku soo gaarsiiyaan ay isku dayaan,
kuma dhibi karaan ilaa wuxuu Ilaahey kuu qoray mooyaane, hadday isku dayaan iney
ku anfacaan oo ay wax ku siiyaan kuma siin karaan ilaa wuxuu ilaahey kuu qoray
mooyaane. Qalinkii iyo waraaqihii wax lagu qoraayeyna wey ingageen.?
Saas ayuu Nebiga ku yiri cunugaa yar, ma saas ayey caruurteena garanayaan? Waa
maya! Laakiin waxay yaqaanaan maadooyin aduunyo. Haddaa wax adduun ka weydiiso
wey kaaga jawaabayaan, laakiin 19 jirka muslimka ah oo maanta jooga arimaha
noocaas haddaa weydiiso inuu garto aad bey u yartahay. Maxaa yeelay horeybaana
loogu soo tarbiyeynin.
Caruurta waa in la jecleysiiyaa Alle SW iyo Nebi Maxamed SCW. Qalbigooda waa in
iimaanka Ilaahey iyo Nebiga SCW rumeyntiisa loo galiyo. Waa in jannada la
jecleysiiyo oo looga sheekeeyaa, markuu jeclaadana waxaa loogu darayaa wadadaas
ayaa loo maraa. Naarta looga sheekeeyo, xumaanteeda iyo cadaabkeeda kulul,
dabadeedna loo sheego wadada lagu gali. Ilmihii markaas wuxuu ku barbaarayaa
isagoo tawxiidkii iyo caqiidii ka dharagsan. Hadhowna ilmo wanaagsan ayuu
noqonayaa insha?allah!
Waxaa ayadana lagama maarmaan ah ilmihii in lagu tababaro oo la baro intuu yar
yahay arkaanta Islaamka. Salaadii waa in la baro, weesadii waa in la baro,
qaabkii loo dahaaro qaadanayey waa in la baro, istiijadii waa in la baro, iwm.
Caruurtu inta badan waxey ka dhaqan qaataan aabaha iyo hooyada. Marka aabaha iyo
hooyada waxa ay yihiin ayey caruurtu noqonayaan. Sidaa daraadeed Nebigeena SCW
wuxuu yiri: ?Ilmo walba oo dhasha waxaa lagu dhalaa caqiido wanaagsan iyo fidro
wanaagsan, markaa ka dib ayuu wuxuu qaadanayaa falka waalidkiis. Haddey
waalidkiis yuhuud yihiin marku dhasho ka dib ayuu yahuudi noqonayaa, hadduu
majuusi yahayna {majuusi waa kuwa dabka caabuda} kuwa dabka caabuda ayuu
noqonayaa, haddey muslimiin yihiina muslim ayuu la noqon.?
Wax alle waxey aabaha iyo hooyada laga arkaa unbey caruurtu sameynayaan. Sidaa
daraadeed baad arkeysaa ku barbaara hooyo iyo aabe aan diinta Islaamka ku
dhaqmeynin (yacni, magac kaliya Islaamka ka haysta) sidaa hadda dadku u badan
yihiin, laakiin qaabkii iyo nadaamkii Islaamka uusan ka muuqanin, ilmahaasi
noloshiisa waxaa laga garanayaa guriga ay ku soo barbaareen. Haddii ay hooyo af
xumo badan oo ninkeeda la dagaalanta, oo qaxar ah..ogaada ilmo qaxar ah unbey
dhali. Aabe isagana af xun, oo sigaarka caba, qaadka cuna, guriga xumaanta la
yimaada, ilmihii wuxuu aabihiis ku arkay unbuu sameyn.
Sheekh culumada Somaliya ka mid ah ayaa wuxuu yiri: ?Waxaa aad ula yaabay gabar
yar oo 2 sanno jir ah ayaa caruurteyda ka mid ah, gabadha yartaa ee 2 jirkaa ee
guriga joogta xijaabka sida ay u qaadaneyso iyo salaada ay u keeneyso, raga
ajaanibtaa ay uga carareyso waa la yaabeysaa. Wax u aqriyeyna ma jirto oo aan ka
aheyn iney hooyadeed ka aragtay. Hooyadeed oo waxay aragtay markii guriga la soo
gargaraaco dhahaysa ?yaa waaye?? rag ajaanib ah haddey yihiin dib u sii
carareysa unbey aragtay oo soo xijaabaneysa.?
Sidaa daraadeed anigaa xun ilmaheygana wanaag baan ka doonayaa aad ayey u kala
fagyihiin.
Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ilmaha qur?anka la baro. Ayaamahaan danbe
caruurta iskuulada ayaa lagula dadaalaa, laakiin dugsigii waa la hilmaamay iyo
quraankii kariimka ahaa. Sidoo kale markaa adigu soomeysid inaa iyaguna
soomisid. Ma ahan in soonka lagu leeyahay, laakiin saxaabada saas ayey sameyn
jireen oo caruurta yar yar ayaa la soomin jiray.
Waxaa kaloo la doonayaa in caruurta lagala dagaalamo akhlaaqiyaadka xun xun,
sida cayda, dabeecada xunta, af xumada, naclada, shaxda iyo turubka, iwm. Waa in
sidoo kale lagala dagaalamo filimada iyo shaleemada, heesaha, sigaarka iyo
qaadka, iwm. Waa in uu waalidka ilmihiisa ka war hayaa had iyo jeer, habeen iyo
maalin. Waa in sidoo kale ilmaha lagu tarbiyeeyo xishoodka, oo uu waalidku baro
xishoodka. Waayo Nebigeenu SCW wuxuu leeyahay: ?Xishoodka waa qeyb weyn oo
iimaanka ka mid ah.? Waa in beenta laga ilaaliyaa, waa in cadaalada la baraa,
waalidkana ilmihiisa cadaalad u sameeyaa si ay hadhow ugu deydaan. Waa in lagu
tarbiyeeyaa geesinimada, dadka waa weyn ixtiraamkooda, ixtiraamka martida,
ixtiraamka dariska, akhlaaqiyaadka wan wanaagsan oo dhan waa in ilmaha lagu
tarbiyeeyaa. Yacni, bulsho ahaan waa inuu ilmaha ku barbaaro, xumaan oo dhanna
waa in uu ilmaha ka barbaaro.
Waxaa iyadana lagama maarmaan ah inaa ilmaheena xaaraanta ka ilaalino. Ilmaha
haddaa xaaraan quudiso, oo xaaraan ku barbaaro waxey u badan tahay inuu qaatumo
xumo ku danbeyn doono. Maxaa yeelay Nebigeena SCW wuxuu tilmaamayaa ruux safray,
oo aad u dhibaateysan, ayna ka muuqato jirkiisa rafaad iyo dhib, markaasuu
gacmaha kor u taagayaa oo oranayaa: Yaa Rabbi?Yaa Rabbi. Nebigu SCW wuxuu yiri:
?Maryihuu xiran yahay waa xaaraan, cuntadiisa waa xaaraan, guriguu dagan yahay
waa xaaraan, wuxuu ku barbaaran waa xaaraan, sideebaa kaas oo kale duco looga
aqbalayaa??
Marka caruurteena waa inaa xoolaha xaaraantaa ka ilaalino, waa inaa ka ilaalinaa
ribada, xoolaha tuugnimadaa, iyo xoolaha baqshiishka lagu soo helay. Caruurteena
waa inaa xalaal siino, waayo qeyb weyn waxay ka qaadaneysaa hadduu xalaal quuto
mustaqbalkiisa Aakhiro iyo diintiisa.
Waxaa ka loo la doonayaa ilmaha inaan la habaarin, waayo haddaa nahay soomaali
waxaa aad noogu badan inaa ilmaha habaarno ama aan nacladno. Ilaahey SW waxaa
jira saacado uu ducada aqbalo, ilmahaada marka aad habaareysid, oo aad ku
dhaheysid: Inkaar kugu dhacday iyo ilaahey ku cadaab iyo, haddalada noocaas oo
kale ah waa hadalo laga dido, baritana ilmahaada adigan unbuu kaa raaci sidii
aad laheydeen unbuuna dhihi.
Waa in gabdhaha gaar ahaan asturka la baro, iney xijaabtaan, raga ajaanibtaa
iney iska ilaaliyaan, iyo iney inantu yartahay xijaabka ku barbaarto, si markey
waynaato ay culeys ugu noqonin, oo shey caadi ah oo nolosheeda ka mid ah ay u
noqoto.