Bal iska dhaafe, Nabigeena SCW waxaa la weydiiyey ruuxu hadduu uurka la
dagaalamaayo ka waran? Nebiga SCW wuxuu yiri: ?Waa xabaal nolalin qarsoon.?
Markuu ilmihii dhasho Ilaahey wuxuu dusha ka saaray Aabihii inuu hooyadii
quudiyi, hooyadii iney ilmihii nuujiso. Wuxuu yiri Allaah: ?Hooyooyinka
waalidaadka ah waxaa laga rabaa ilmahooda iney nuujisaan labo sanno oo kaamil
ah, middii dooneysa iney ilmaheeda nuugmada u dhameystirto. Kii ilmaha loo
dhalayna (waa aabihii) waxaa laga doonaayaa masruufkooda iyo
marashadooda.?Hooyooyinka waajib kuma ahan in loo dhameystiro 2 sanno nuugmada
ilmaha laakiin waa sida wanaagsan.
Waxaa kaloo ka mid ah wax yaabaha ay waajibka ka saarantahay waalidka ilmahooda
tarbiyadiisa iney hagaan oo toosiyaan. Waxey bani?aadamka oo dhan isku waafaqsan
yihiin oo ay ku howlanyihiin ilmaha maslaxadiisa adduunyo in lagu hagaajiyo.
Waxaa arkeysaa waalidiinta kuligood waxey ku hawlanyihiin sidii ilmihiisa wax
ugu baran lahaa. Iskuul iney geeyaan waa ku qasabyihiin, xataa haddey noqoto
iney qarash ka bixiyaan, qarashka in alle intey haayaan oo dhan way ku
bixinaayaan ilmahooda siduu iskuulka u tagi lahaa oo wax u baran lahaa.
Caafimaadkiisa hadduu xanuunsado way ku qasabyihiin iney isbitaal geeyaan.
Cuntadiisa, cabitaankiisa, iyo dharkiisa way ku hawlanyihiin, oo xataa waxaa
laga yaabaa aabaha iyo hooyada iney lafahoodu xataa u hilmaamaan sidaa ilmahaa
isagaa mustaqbalkiisa aduunyo ugu raaxeysan lahaa. Arintaas ayada ahna muslim
iyo gaal way ku dadaalaan, waa dhanka aduunyada.
Ibnu aadamka markuu sidaa yeelaayo, oo ilmihiisa wax barasho kula dadaalaayo,
uma badna inuu ilmihiisa u daneynaayo ee waxay u badan tahay inuu lafahiisu
daneysanaayo, inuu daneysanaayana waxaa ku tusaaya fikrad waxaa ku jirta barito
ilmahaan wax haku taro, isaguna lafahiisa wax ha u taro, laakiin ilmahaan kaliya
wax tar kuma jirto, maxaa yeelay iney saas tahay waxaa ku tusaaya?.haddii la
oran lahaa: ?Ilmahaada waxba ka faa?ideysan meysid, faa?idana kuuma soo wado?
waalidka waxey tarbiyeysan lahaayeenba ma jirto, farahaa laga wada qaadi lahaa.
Ficilkaa iyo shaqadaas ay waalidku sameynayaan waa naxariis Ilaahey SW ibnu
aadamka uu galiyey, hooyaduna naxariis ayuu qalbigeeda ku beeray, aabahana
naxariis ayuu qalbigiisa ku beeray, naxariistaa labadooda lagu beeray ayaa
waxay keeneysaa iney ilmahoodii dartood u dhibaatoodaan, oo hooyadiina hurdo oo
dhan ka tagto, dhibaato oo dhan faraha la gasho ilamahaas sidii ay ku barbaarin
laheyd. Aabihiina inuu uu duurkaa wareego, oo dhididka daadiyo, oo soo shaqeeyo
siduu ilmahaa wax ugu tari lahaa.
Waxaa laakiin ka muhiimsan, oo dadka intooda badan aynan wax dan ah u yeelay
waxa waaye waa mustaqbalkii Aakhiro. Sida marka waalidku ilmaha mustaqbalkiisa
adduunyo u dhisay, si ka daray ayaa ladoonayaa inuu Aakhiradiisa iyo
mustaqbalkiisa ugu dadaalo, oo uu iswaydiiyo ilmahaada ma janey gali doonaan? Ma
cadaabey gali doonaa? Ma Ilaahey baa u caroon doonaa? Ma ilaahey baa ka raali
noqon doona? Inuu dadaal noocaas oo kalaa dhiniciisa ka qaado waa lagama
maarmaan. Haddii kale ilmo aad intaasoo sanno aad jirkiisa dhiseysay, wax
barashadiisa dhistay, bari kamaalin tii Alle ayaa ku timid oo wuu dhintay
markaasna cadaab uu galay, marka maxaa u faa?ideysay? Adigana wax maada
faa?ideysan isagana wax umaaadan faa?ideyn. Wax alle wuxuu barteyna waa hal
bacaad lagu lisay.
Waxaa lagama maarmaan ah marka ilmaha sida adduunyadiisa loo daneynaayo, in
loo daneeyo aakhiradiisa, waliba ayadaa ka muhiimsan wax isku dhawna ma ahan.
Nebigeena SCW wuxuu yiri: ?Adduunka kuligiis markii la isku daro (Haweenkiisa,
dahabkiisa, dhaqaalihiisa, quruxdiisa, raaxadiisa, iwm) ma dhama aakhiro markii
loo fiiriyo ruux intuu bad weyn tagay oo farta dhex galiyey fartii ka soo
saaray.? Far badweyn ladhex galiyey maxey ka soo saarin? Sidaas oo kale aakhiro
iyo adduun lamidyihiin.
Allaahey SW wuxuu leeyahay: ?Kuwa Ilaahey rumeeyayow! Reerkiina, xaasaskiina,
iyo caruurtiina naar ka ilaaliya.? Sideebaa looga ilaalinayaa? Waxaa looga
ilaalinayaa in diinta Islaamka lagu toosiyo ilmaha, oo mustaqbalkiisa Aakhiro la
dhisaa. Taasi waa mas?uuliyad waalidka dusha ka saaran ilmahooda iney cadaab
Rabbi ka badbaadiyaan.
Sidoo kale Alle SW wuxuu leeyahay: ?Reerkaada iyo caruurtaada waxaa amartaa
salaada kuna samir oo adkeyso.? Nebiga SCW ayaa la amrayaa. Yacni, ilmahaada
diintiisa, aadaabtiisa, Aakhiradiisa waa mas?uuliyad iyo xilka aabaha iyo
hooyada saaran waaye.
Waalidka caruurtooda Ilaahey hortiisa waa laga xisaabtimi doonaa. Nebiga SCW
wuxuu yiri: ?Mid kastoo idinka idin kamid ah hawl ayaa loo xil saaray, hawshaa
loo xil saarayna waa mid lagala xisaabtami doono,? markaasuu Nebiga SCW sii
faahfahiyey: ?Ruuxa madaxweynaha ah dadka maamulkiisa hoos yimaada ayaa loo
diray, dadkaas qaabka uu u dhaqayna waa la weydiin. Aabahana reerkiisa iyo
caruurtiisa ayuu mas?uul ka yahay, waana lagala xisaabtami doonaa. Hooyadana waa
mas?uul, waxayna mas?uul ka tahay gurigeeda, caruurteeda, iyo ninkeeda, waana
laga xisaabtami doonaa.?
Hadduu waalidka caruurtiisa diin baray, akhlqaadiisa wanaajiyey, qur?aanka
baray, intaa kadib hadduu cunigii isaga xumaaday shaqo kuma lihid, haddii kale
sow mahan waalaguu haystaa. Ilaa uu cunuga ka qaan gaaraayo aabaha ayaa la
doonayaa inuu ilmahaas ilaaliyo. Haweentana ayadan shaqo ayaa loo xil saaray, oo
bulshada qeyb ka mid ah weeyaan. Howsha loo xil saaray waa guriga ninkeeda iyo
caruurteeda. Guriga waxaa loo yiri ha joogto, oo yeysan wareegin, waxaa la
doonayaa iney qabato tarbiyada caruurta, ilmaha iney tarbiyeyso oo laga war
hayo, oo xumaan oo dhan laga ilaaliyo.
Nebigu SCW isagoo la hadlaaya dadka waalidiintaa wuxuu yiri: ?Caruurtiina waxaa
bartaan salaada, 10 jir haddey gaaraana salaada haddey ka tagaan ku garaaca.?
Yacni, 7 jir markey gaaraan salaada bara, misaajidka ha yimaadeen, muslimiinta
ha la soo tukadeen, bulshada misaajidka ha ku soo xirmeen. Sida ognahay ilmaha
7 jir ama 10 jir markuu yahayba waajib diiniyan ah ma saarna, oo danbi loo qori
maayo, laakiin waxaa la doonayaa ilmaha yaraanta iney salaada la qabsadaan.
Hadhow markuu ku soo barbaaro bulshadaas iyo meelahaa kheyrka lagu hayo waxay u
fiican tahay mustaqbalkiisa danbe. Haddiise laakiin ilmaha faraha laga qaado, oo
uu misaajidka uu ka go?o, oo uu bulshooyin kale uu ku xirmo, oo uu dhaqamo kale
ku barbaaro, waxaa adkaan doonta markuu weynaado in dib loo soo celiyo.
Bal tusaalahaan ila eega: Waad aragteen laanta markey jilicsantahay, kolba
dhankaa doonto ayaa u jiidi kartaa, waana leexin kartaa, haddiise laakiin intey
weynaato oo ay adkaato, ma kuu suurto galeyso inaa leex leexisid ama aad
dhinacaa doonto u jiido. Ilamaha marka sidaas oo kale waaye.
Nebigu SCW wuxuu yiri: ?Ilmaha jiifka ku kala fageeya.? Yacni ha isla seexinina,
waayo ilmaha akhlaaq xumo iney isku bartaan baa la diidayaa. Waxaa wanaagsan in
gabdhaha qol gaar ah loo sameeyo, wiilashana qol gooni ah loo sameeyo. Waa
hadduu waalidka u heli karo. Hadduuse u heli kareynin inuu labo qol kala
seexiyo, waa inuu ilmo walba maro gooniya siiyo ama firaash gooniya. Haddii
xataa hal firaash lagu wada seexiyo waa in labo maro la wada huwinin. Haddii hal
maro la wada huwiyo waxaa laga cabsanaayaa inuu ilmuhu falaad xumo iyo akhlaaq
xumo isku bartaan.
Waa Walaalkaa Aad Ku Walaalowdeen Islaamka, oo ku leh: "Nabadgelyo Qofkii
Hanuunka Raaca Dushiisa Ha Ahaato."