XUQUUQDA AY ISKU LEEYIHIIN LABADA QOF OO ISQABA
Xaqa ugu horeeye oo labada qofood laga doonaayo waxa
weeyaan waa in ay noqdaan labo qofood oo isjecel, oo walaala ah, oo
iswanaajiya, oo isku xiran. Sababtaasu waa maxay, waxwalba waa inay ka
wada hadli karaan, oo katashan karaan. Wax walba dad kamidaysan inay
yihiin oo wanaag ah, xumaantana iska celin karaan, waayo intaysan
isguursan walaaley ahaayeen, diinta islaamka ayaa walaaleysay,
walaalnimadii Islaamka oo awal isku xiriiriya oo walaalo ku noqda lagu
yiri, waxaa ku sii korortay mid aad u cajiib badan oo isku xiraan guur ah,
oo jirkoodii la'isku soo dhaweeyey. Waayo Allaah wuxuu quraanka ku yiri:
"Mu'miniintu waa uun walaalo, ee wanajiya walaalihiin dhexdooda".
Iyagoo awalba halkaa ku jirey, oo maslaxada, wanaajinta
dhexdooda, wax isa siinta ay ka dhaxeysey baa haddana guur siidhexmaray,
marka waa inay sii laba laabaan, oo ay noqdaan dad isjecel iskuna
naxariista. Waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa kuyiri: "U
naxriista waxa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisanaya waxa samawaadka
jooga."
Waa inay ayagu isku naxariistaan si Alle ugu
naxariisto".Dad iswanaajiya, oo wanaaga ku dadaala waa inay noqdaan. Si
fiican dad iskugu xiran, ma'ahan dadka kala shakisan inay noqdaan labadaa
qofood, laakiin waa dad aad iskugu xiran inay noqdaan.
Arinta labaad waa in ay is'aaminaan, qof walba waa inuu
kan kale aaminaa. Hadday in yar oo shaki ah kala qabaan ma wada noolaan
karaan. Maalintii uu midkood guriga soo galo, oo midka kale uu wax ku
tuhmo, aqalkaas burbur iyo dhibaataa ku soo food yeelatay, ilmaha aabo
la'aan iyo hooyo la'aan ayaa soo qaabishay. Waa marka odayga iyo habarta
kala shakiyaan, oo uu ninka ka shakiyo xaaskiisa, gabadhuna ka shakiso
ninkeeda, oo ay nafsadeeda iskugu sheekeyso ninkaan dad kaluu hoos wax uga
wadaa, isaguna uu uga shakiyo balaayey hoos kawadaa. Waayo labo qofood iyo
sadex iyo wixii ka badanba Allaah SW ayaa micigooda ah, dadka shirkada
ahna Alle ayaa micigooda ah, wax shirko noqdana waxaa ugu cajiib badan nin
iyo naag isqaba. Shirkadooda hadday wanaajiyaan aqalkoodu barakuu
yeelanayaa. Hadday qaa'iniin noqdaana Ilaahey dhexdooduu ka baxayaa,
markaasaa burbur iyo dhibaato halkaa Alle ka bilaabayaa.
Waxay aqaladu u hagaagi lahyihiin waa noocaas,
la'ismaba aaminsanaba, qofba qofka kale ayuu tuhunsan yahay oo waxbuu ku
tuhsanyahay.

Wiriiri (ama Jinac) waxa uu u egyahay quraanyada,
qaniinyadiisun aad ayey u xanuun badan tahay. |
Tusaale ahaan: Kawaran funaanada aad qabtid haddaa
ku tuhuntid inuu wariiri kuugu jiro kawaran sow meel walba kuma cun
cunayso, oo madhaheysid maradaa la'iigu jiraa, xataa jirka wuu iska kaa
barbararin wax ku cunin ayadoo la'arag, waayo niyadaadaa saas ka
dhaadhicisay. Marka xaaska aad qabtid waa maradaadii. Inay maro kuutahay
Allaah ayaa inoo cadeeyey, oo wuxuu yiri: "Haweenyahay ninkaadu waa
maradaadii, haweenkuna aratir ayey idiin yihiin."
Haweenku aratirbey idiin yihiin, nimanku adinkuna
aratirbaad utihiin. Labis waxaa lagu yaqaanaa in la dhowro. Maro kasta
mida ugu qorux badan saddex maalmool gudahood waa wasaqaysataa, markay
wasaqaystana laba tuuree waa ladhaqaa inta saabuun loo soo gado, waala
waraa, kabacdii waala feereeyaa, markaa ka gadaalbaa la xirtaa. Islaanta
aad qabtid waa marada aad qabtid sidaa u ilaalinaysid u ilaali. Gabartana
ogow saddex maalmood marbay wasaqeysan, dhaqidbayna kaa rabtaa, haddii
aadan dhaqinah maalinta danbe ayadoo dhan way kuu soo ureysaa. Markaasaa
arkaysaa nin iyo naag oo ilmo isku dhalay oo isu soo uraaya, oo qofba
qofka kale sanka ka qabsanaayo xumaantay iskula joogaan darteed. Markaasey
ayadu waxay ku leedahay: "waxaas ayaa icabiidinaayo ee banaankuu iga
yaalaa". Isaguna wuxuu leeyahay: "Wallaana tan habeen usoo hoyadeen
ee halkee ka'aadaa". Sababtaasuna waxay ku dhacday saddex maalmood
gudahood markey ku wasaqeysatay dhaqiday u baahneyd ayuu dhaqi waayey, oo
wanaaga fari waayey. Ayaduna markuu ninkaan shan bari gudahood ku
wasaqeystay ayeyna dhaqin, oo wanaaga aysan tusin, marka qof walba wuu soo
uray.
Dhaqida ladhaqaayo waa maxey? Waa in lawaaniyo
qofka, xaqa in loo sheego, xumaanta laga reebo, in loo dardaarmo, in la
wanaajiyo oo laga soo galo wixii Ilaahey yiri umada halagu wanaajiyo. Saas
ayey wax ku wanaagsanaanayaan.
Marka walaalayaal haddaa dooneysaan aqalada inaad
wanaajisaan (rag iyo dumarba) qaata Ilaahey SW areyada uu ku hadlayo.
Sababtuu Rabbi aratir uga cabiray ninka iyo haweenta dharbay isu yihiin
waa wax cajiib badan, xikmo aad u fagbaa ku jirta layiraahdaa. Waxay
muslimiintu markay cabirayaan leeyihiin: "Sida aan jirku aratir uga
maarmin baysen ninka iyo haweentu u kala maarmin". Sida aratir kasta
oo jirka saaran uu degdeg isigu badalo baa labada qofood qof walbaaba
degdeg isugu badali karaa. Xanaaqbaa ku imaan kara, waxbuu ka caroon karaa,
wax unbaa dhici kara. Waxay u baahantahay marka wanaaga in laga shaqeeyo,
sida dharka loo wanaajiyo oo kale, haddii kale waxba mahagaagayaan.
Abuu Dardi Zowjadiisa markuu ladardaarmayey muxuu ku
yiri: "Kolkaan caroodo i-raali-geli markaad carootaan ku raali
gelinayaayey, sidaa haddaana yeelina walaahi in aanan wada noolaan doonin."
Walaalayaal wanaajiya aqaladiina. Ninka iyo naagta waa
inay is aaminaan. Aratirbay isku yihiine dhar ha iska dhigteen. Sifiican
dad isku aaminsan waa inay noqdaan, oo qofba qofka kale kalsooni aad u
weyn ku qabo.
Xuquuqda kaloo laga rabaa waxa weeyaan Ixtiraam. Waa
inay is ixtiraamaan, qofba qofka kale waa inuu qadariyo, markuu hadlaayo
waa inuu dhagaysto, wuxuu u diraayo waana inuu ka yeelo, waa inay isku
jajaban yihiin. Laakiin halkee ixtiraam ka jiraa markay iskugu wacaayaan:
"Odayga aqalka iska leh, gabadha ilmaha iidhashay, ilmahayga aabihiis,
taan wada joogno, tii ina heblo ahayd". Subxaana"llaah! Af adkaa, bal
waxay iskugu yeeraayaan arka. War Rabbi halaga baqo SW oo si naxariis leh
iskula hadla. Odayga afkiisa wuu ka ilaalin wuxuuna ka baqanayaa haddii uu
isagoo magaceeda ugu yeeraaya la'arko in layiraahod "Wuu jecelyahay!".........Oo
haddii lagu yiraahdo islaantaada waa jeceshahay maxaa kafiican?
Soomaalidaa waxay tahay wax aad u qaab daran waxay
qabaan hadday arkaan nin naakta u ad adeegaya, waxay dhahaan: "way
sixratay, Alla taas way sixirtey ninka". War haddii la iswanaajiyo
masixirbay noqotay? Koormay sixirtay sharcigaaba saas faraayee? Miyiina
arkin Xadiis saxiixa oo caa'isha laga waraysanaayo Nebiga SCW? Rasuulka
ka waran markuu aqalka joogo ayaa la yiri? Waxay tiri: "Haweentiisuu
u adeegi jiray, salaada markay soo xaadirtana horay ayuu ka tagi jiray".
Rasuulka Aqalka ayuu ka shaqeynayey, oo xaasaskiisuu caawinaayey isagoo ah
Kheyru Khalqi’llaah.
Dumarka Nebigu maxay oran jireen mararka qaarkood: "Rasuulka
anagoo lajiifna marada aan kula jiifnaa dhiiga xaydku naga gaarayey,
Rasuulka intuu naga qaado oo dhiiga xaydka meeshuu ka gaaray ka soo dhaqo
ayuu ku tukanaayey."
Nimanka Soomaaliyeed maxay qabaan fikrad jaahili ah oo
markay islaanta uu qabo dhiiga xaydka ku dhaco waxay leeyihiin: "Naa ha
iisoo dhawaanin wajigaa nabro iigasoo baxayaane." Waxaa umalaysaa inay
Yahuuda wax ugaleen, waayo Yahuuda ayaa saas aaminsan inaa naag dhiig
qabta loo soo dhawaanin, oo naagta xaydka qabta guriga looga baxo. Waxaa
arkaysaa haddii ayadoo nabro kugu yaalin la arko "Ma naag dhiig qabtaa
kugu neefsatey" lagu leeyahay.
Amu Salama waxay leedahay: "Anoo Rasuulka la hurda
ayaa dhiigii xaydka iga yimid markaasaan tagay oo dharka loogu tala galay
ayaan soo xirtay. Rasuulku wuu i arkay markaasuu yiri: "Ma
dhiigiibaa kugu dhacay?" Haa. Kaalayoo ilasoo jiifo." hal go' ayaan
lahuwday tiri Nebiga SCW.
Markay Caa'sha ka sheekaynayso Nebiga dhaqankiisa waxay
tiri: "Markuu dhiig xayd nagu dhaco farjigeena bas ayuu Nebigu maro ku
aadin jiray, jirkanaga intiisa kale caadi ayey u aheyd". Markaa wax
cunayno meesha aan anigu weelka afkayga ka qaaday Nebigu afka saaran jiray
dhareerkaygu meesha uu ku yaalo ayey leedahay Caa'isha A.K.N.
Adigana waaba ka faaninba islaanta aad qabtid inaa wax
lacuntid iyo inaa dhareerkeeda tiraahdid wuu carfayaa, si si kaley kula
tahayba. Qolada ciyaal micno malaha ama ciyaal elfiska loo yaqaan baa
intey banaanka joogaan dhahaan: "Waan jeclahay abaayadey weeyaan,
wadnahayga ayey ku taallaa" hadhowdiina maba ahan tii waa dabeer cusub,
si kaleyba noqonba, marka horena wuxuu leeyahay: "Abaayadey weeyaan
biyahaan kadhex arkaa."
Waxaa kaloo laga doonaya labada qof oo isqaba inuu
qofba qofka kale wanaag ladoono. Siduu Rasuuslka SCW xadiis saxiixa ku
yiri: "Axadkiin ma rumeynin (Allaah iyo maalinta qiyaamada) ilaa
uula jeclaado wuxuu la jeclaaday nafsadiisa… walaalkiis wuxuu nafsadiisa
la jecelyahay."Wanaaga, kheyrka, iyo caafimaadka, way inay isla
jeclaadaan.
Waxaa kaloo ka mida xuquuqda ay isku leeyihiin
zowjeynka in ay diinta Alle waqti walba isku baraarujiyaan, oo ay isu
noqdaan kaalmo. Siduu Allah quraankiisaba ku yiri: "Isku kaalmaysta
wanaaga iyo taqwada."
Iyagoo ka amba qaadaya xadiiskii saxiixa ee uu Nebigu
yiri: "Allaha ha u naxariisto nin kacay ee dukatay habeenkii, markaasna
zowjadiisana ama zowjkeeda baraarujiyey markaana tukaday."…..oo haddii
gabadha hurdada isku dhasijasay ama ay ku adkaatay inay kacdo markaa
wajiga biyaha uga sayriya Alle u naxariisto. Sidoo kale gabadhana waa
tahay hadday ninkeeda baraarujiso oo wajiga biyo ugu sayriso oo markaa
tukadaan Alle ha unaxariisto Nebigu SCW yiri.
Kuwo maanta isqabaa siday u badanyihiin ma salaadbay
isku kiciyaan? Waa maya. Waxaa dhici jirtay waayihii hore ninka iyo
naagtiisa oo isku kiciya caano, salaadana aan isku kicin. Walaalayaal
waxay guryaheenu u burbureen oo musiibadu noogo dhacday noocaas weeye, ee
aqaladeena aan wanaajino, oo aan u soo laabano diintanada waxay noodirayso.
Raga iyo dumarka xuquuqda ay isku leeyihiin taas ayaa kamidah.
Waxaa kaloo xuquuqda la isga doonayo ka mid ah waa in
ay isxurmeeyaan xaga sudohnimada, kalaqabida ilmaha wax lakala qabo waa in
la xurmeeyo. Waa inuu ninku xurmeeyaa sharaf iyo qiimo badanna u yeelaa
gabarta uu qabo dadka ku yimid madaxeeda, oo ehelkeeda ah. Waa inuu
wanaajiyaa aabeheed, iyo hooyadeed, iyo walaalaheed. Ayaduna waa inay
ninka ehelkiisu aad u wanaajisaa. Haddaan la'ilaalin xurmadaas wax wanaag
ah oo lagaarayo majiraan.
Waxaa arkaysaa nin kugu oranaya: "Maxaa naga galay
habartii waalney oo inanta dhashay." Islaanta xaaskaada dhashay
hooyadaa oo kale waaye, ixtiraamey kugu leedahay, qadarinbay kugu leedahay.
Gabarta waxaa laga doonayaa ninka aabihii markuu u yimaado inay qadariso
sida ay ninkeeda u wanaajineyso si ka badan oo kale, maxaa yeelay waa
aabeheed oo kale, ixtiraam iyo soodhawayn ayuu ku leeyahay.
Waxaa arkaysaa wax yaab badan islaan lagu leeyahay: "Ninka
hooyadiis iyo aabihiis ma arki karto." Iyo nin lagu leeyahay: "naagta
hooyadeed iyo aabeheed ma arki karto, walaalkeed ma arki karo."
Markaasaa ladoonayaa in wanaag lagaaro, nololbaa kajirtaa laleeyahay
gurigaas. War waxaas diin maahee Rabbi halaga baqo SW.
Waxaa ka dhexeeya labadaa qofood in ay isdhaxlaan, waa
xaquuq caan ah oo labadooda dhinac walba ka imaan karta. Siduu Ilaaheyba
quraanka ku sheegay: "Hadday haweentu dhimato ninka wuu dhaxlaayaa,
hadduu asagu dhintana ayadu way dhaxleysaa."
Allaah asagoo ka sheekaynaya dhexdooda wuxuu yiri: "Ninka
iyo haweenka dhexdooda jaceyl, naxariis, ixtiraam ayaa dhax yeelay."
Halkaas waxaa kagaraneysaa ninka iyo gabadhu inay
isjeclaadaan, waa in labo qofood oo is rabta ay yihiin, waa inaan ninka
iyo gabadha aysan guurkooda ahayn inta lix halaad laga qaato ama dhowr kun
oo lacaga layiraahdo: "jiido ma ayadaa kaa xoogbadan." Waayo
Rasuulka SCW xadiis aad u farabadan ayuu ku yiri: "Haweenta aad
guursanaysid iska soo eeg, uu raga u fasaxay inay dumarka soo eegaan ay
guursanaayaan." Soo eegidana macnahu loolama jeedo inta kaxaysto ayaa
baararka kasoo cashaysiinayaa (kaasi waa dayuus).
Labada qofood waa kala ajinabi, laakiin waxaa
ladoonayaa ninku inuu gabadhu arko sow ugu qanco, ama uu dad u dirsado si
loogu soosifeeyo. Mana ahan ninku hadduu gabadha yiraahdo: "Waan
arkayaa, oo hala iisifeeyo siday u taalo." Dhib malahan, laakiin waxaa
lagaadoonayaa saldhigaa aad gabadha ku doonaysid inuu diin noqdo. Rag
waxaad arkaysaa kugu oranaya: "War gabar qurxoon iisoo raadi anaa dhar
u gashan doonee." Ma dhar galinbay kaa yeeli doontaa mid horay u
qaadan diidayba amarkii Ilaaheeda, say u yeesho aad ayey u adagtahay.
Marka raxmada muxuu Alle u soo hormariyey? Waayo xikmad
waynbuu Ilaahey ka leeyahay halkaa. Ninka iyo gabadhu waxaa lagayaabaa
inay isjecelyihiin marka hore, laakiin raxmada waxaa loodaba mariyey,
waxaa ogaanaysaa marka xanuun yimaado, ama gaajo iyo dhib yimaado, ama
gabartaanu inta walacdo aad u tabcaanto dhib yimaado, xubigii faraha
badnaa oo la isku qabay wuu yaraanayaa, maxaa yeelay quluubta bina'aadanka
waa daciif waxna maxalin karto. Maxaa soo haraaya waa raxmadii, isu
naxariista, nololbaad isla soomarteen, dad isu wanaagsan baad ahaydeen,
dhibka qofka soo gaara qofka kale waa inuu u dul qaato una naxariisto.
Gabartii aad lasoo noolaan jirtay oo aad isku
fiicnaydeen, oo waagii dhaqaalo la'aanta lasoo wada noolaa, oo waagii
dhibaatada lasoo wada joogey, markaa xoogaa noolaatid inta dhankeeda
iskaga baxdid, xaga iyo xaga ku guurso. Waxay raga qaar yaqaaniin, waxaasu
diin ma ahan Ilaahey halaga xishoodo. Raga waa loo ogolyahay afar inay
guursadaan, sharcigaa u fasaxay, laakiin waa inay eexasho jirin, oo
cadaalad loo noqdaa dhamaan.
Rasuulka SCW wuxuu u sheegay ninka muslimkaa markuu
lahaydlayey: "Ninka mu’minkaa gabar mu’minada yuu u caroon, haddaa
aqlaaqdeeda qaar kamid ah nacdid wax aad jeclaataa ku arki doontaaye."