Dhismaha Qoyska Muslimka ah... Qaybtii
6aad ee qoyska iyo guriga islaamka.... WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
GUURKA MAANTA ADUUNKA KA JIRA
Aad iyo aad bay u dhibaato badantahay arimaha ka jira
xaga guurka, waayo guurkii wuxuu noqday mid isaga dhan qaab daran oo
diinta waafaqsanayn.
Siyaabaha uu ku noqday waxaa ugu horeeya gabadha iyo
wiilka isdoonaya marka horaba xaga diinta iskuma doonaan, ee waxaa la isku
doonaa xoogaa xoolaa iyo gabadhoo cagaaran iyo wax kale, ee diin in la
isku qadariyo way dhimatay. Taasi waxaa ka abuurmay guurka noocaas oo kale
ah inuu sharcigaba waafaqin. Mida kale, dhibaatada kale oo timid waxay ka
timid xaga waalidka, waalidkii waxay noqdeen kuwo dhib badan, oo
kheyrkoodu yar yahay. gabar markaa ka doonato reer, hadday diintaada,
Islaamnimadaada, iyo wanaagaada ay yaqaaniin, markaa utagto waxay ku
leeyahay "hayee, odayaalbaa la siiyaa gabadha ee odayaal keen." War
gabadha ma odaybaa guursanaaya mase anaa guursanaaya, waa yaabe? Ma wiilka
gabadha kaa soo doonay siisid. War odayaasha lahadla, oo xaqa siduu yahay
tusiya! Waa dad kheyrkii oo dhan ka fagaaday, oo xumaan ku sifoobay. War
xagee laga helay gabar ay odayaal dhaqaan ninbaa dhaqa inantee. Gabadhese
aabeheed ayaa mas’uul ka ahe xagee laga keenay waxaan, war arintaan diinta
xagee ku qortay? Lama hayo waa caado jaahili, oo meelay ka timid aan la
garaneyn.
Haddii markii aad odayaal geyso oo gabadhii lagu siiyo,
maxaa lagugu oranayaa: Waxaa laleeyahay "aaway lacagtii sooriyada?
Awaaway tii abtiga? Aaway tii islaanta dhashay?" Yaa yiri dadka
iibsada. Rasuulka SCW xadiis saxiixa wuxuu kuyiri: "Sadex qofood
Ilaahey lama hadlo, danbigana uma dhaafo, cadaab ayeyna leeyihiin."
Sadexdaa qofood waxaa ka mid ah: Qof xor ah, axadkii iibsada lacag inta
kalabaxa lacagtaa cuna Alle naxariistiisa ma arkuu leeyahay. Haddaba
dadka ama raga gabdhaha laga soo doonayo oo ku xiraaya intaasoo dhaqaale
in laga bixiyo gabadha ay dhaleen inay iibsadeen ha ogaadeen, oo lacagtay
ku iimsadeen cuneen ayna xaaraan tahay. Laakiin ninka gabadha guursanaaya
waxaa waajib ku ah reerka uu gabadha ka guursanaayo inuu udhaqaaleeyo sida
waalidkii oo kale. Wiilka hooyadiis iyo aabihiis waxii uu heli karo isagaa
siinaya oo waajib ku tahay, laakiin xoolaha aad hablaha ku xiraysaan
la’idin ka soo doonay odayaashow ka hara haddaa diin leedihiin Allana aad
ka cabsanaysaan. Haddii kale waxaad ku haysaan "Sooriyaa labixin jirey
iyo gogol gabar laguma bixiyo aan lacag lagu bixineyn." Waayo waxaa
maalin walba la maqlayaa ayadoo la leeyahay "Haa, gogol qalalan inan
laguma bixiyo." Yaa ku yiri gogosha soo qoo, biyo ku daadiya haddaa
qoyaan doonaysaan.
Haddaba sharciga Islaamku sidaa ma ogola ee arrintaa
hala iska joojiyo. Ninkii isaga gabar guursada waxaa ku wanaagsan inuu
reerkeeda ixtiraamo, waxii uu heli karana u qabto siduu hooyadiis iyo
aabihiis u dhaqaaleynaayo oo kalena u dhaqaaleeyo. Taasi waa xuquuqda la
isku leeyahay, laakiin mida ku saabsan dhaqaalaha aan ka soo waranay, oo
odayaasha gabdhaha ku xirayaan lacag, ogow sharciga islaamka ma ogola
arinkaas. Sida diintu tahay aan ugu dhaqano Allena aan ka cabsano SW.
Gabarta marka labixinaayo waxaa ladoonayaa ninka la
siiyo inuu ku qanacsanyahay. Kafaa’ada Islaamka ogolyahay waxa weeyaan
xaga Islaamnimada, maxaa yeelay Islaamka dadkiisu kuligood waa walaalo,
axad walba oo muslimiinta ka mid ahna axadka kale waa u banaantahay inuu
guursado oo lana noolaado. Rabina quraanka wuxuu ku yiri isagoo noo
cadeynaya muslimiinta inay simanyihiin oo isku kuf yihiin: "Mu’miniintu
waa uun walaalo"
Sida ay xaqiiqadu tahay Rabbi ma kala qaadin, ee wuxuu
inoo sheegay muslimiinta inay walaalo yihiin. Haddaba ninyahow muslimka
ahow haddii gabartaadu soo doono wiil Islaam ah, oo aqlaaqdii iyo diintii
Islaamka leh, ha ku xujeynin qabiilnimo iyo xoolo haddaa iimaan leedahay,
maxaa yeelay mu’miniintu waa walaalo.
Ninyahow muslimkaa adiguna gabadha aad guursanaysid
waxa aad ku raacdo ha noqdo iimaanka iyo wanaaga siday diinta ugu socoto.
Gabaryahay muslimadaa adiguna ninka aad raacayso ha noqdo waxaa ku
raaceysid inuu diinta ku fiican yahay oo aqlaaqda Islaamnimada leeyahay.
Saas ayaa la doonayaa haddaa fulin waydaan ka bixi maysaan cariiri iyo
dhibaato.
Rabbi wuxuu inoo sheegay inaan dumarka ka guursano tii
ku cajibasi, oo idil, dumarkii lama kala qaadin, qabiil looma qaybin,
midabna looma qaybin, ee kuligood waxaa adiga aad doonaysid inaad ka
guursatid oo sharciga kuu ogolaaday ayaa laguu sheegay. Haddaba
muslimiintooy baraaruga, oo Rabigiin ka cabsada, oo waxa aad darbiyada iyo
suuqyada la wareegeysaan joojiya.
Gabadha muslimada ah, oo aad u wanaagsan, ee cafiifada
ah, ninka faasiqaa laguma dari karo, haddaysan ayada raali ka ahayn.
Faasiqa iyo faasiqada way isguursan karaan hadday isdoonayaan, laakiin qof
isagu wanaagsan, oo iimaankiisu uu muuqdo, iyo qof fisqi iyo macaasi
waaweyn lagu arkayo in la isku qasbo cadaalada ma ahan.
Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: "Ragga iimaanka leh
iyo dumarka iimaanka gabalkood gabalka kalo ilaaliyayaal bay u yahiin."
Waa dad is ilaalinaya oo isdhowraya markastaba. Muminiinta iyaga unbaa
walaalo ah wanaaga ku wada socda. Kafaa’ada lafiirinayaa waa xaga
istiqaamada iyo xaga aqlaaqda. Waxyaalaha ay fuqahadu gabalkood yiraahdeen
nasabka waa la eegayaa (Carab iyo Cajam), sancada waala eegayaa, daliil
loma hayo, waayo Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: "Qofka idin kugu
karaamada badan Alle agtiisa waa qofka idin kugu cabsida badanle. "
Axad axad ka karaamo badan majiro ilaa cabsida Alle ma’ahane. Cabsida
Allena waxaa layiraahdaa qofka inuu gudo xaqa uu Alle ku leeyahay, iyo
xaqa dadka iyo maqluuqa kaleba ku leeyihiin. Qofka waa inuu xaqa Rabbi
guto, oo xaqa bani’aadamkana guto, markaas ayuu taqi yahay oo Allena
kacabsaday.
Rasuulka SCW wuxuu yiri: "U guuriya hadduu idiin
yimaado axad diintiisa iyo aqlaaqdiisa raali laga yahay." Haddaa
samayn waydaan dhulka waxaa ahaanaysa fidno, bilaayo, iyo fasaad wayn.
Dadka Islaamka ahoow Rabigiina ka cabsada oo ku dadaala
nin diin iyo aqlaaq leh hadduu yimaado gabadha hala siiyo. Rasuulka SCW
waqtiguu joogay waxaa dhacday ninka lagu magacaabu Abuu Qurayfa in uu
guursaday gabarta layiraahdo Hinda binti Waliid. Ninkaasu wuxuu ahaa nin
ay xoreeyeen reer Ansaareed, gabarta uu guursaday waxay kamidtahay
qabaa’ilka ugu sharafta badan Qureysh. Ninka Bilaal Ibnu Rabaax wuxuu
guursaday ninka layiraahdo C/raxman Ibnu Cawf walaashiis. Halkaas waxaa ka
ogaatay inaan loo qaybin karin dadka Carab iyo Cajam xaga nasab ahaanta oo
aan lagu kala duri karin. Laakiin qofka hadduu diin leeyahay waa laga
guursan. Cali Ibn Abii Dhaalib ayaa lawaydiiyey oo layiri dadka bal
kawaran makala sharaf badan yihiin? Wuxuu yiri: "Dadka gabalkoodka
gabalka kale kuf ayuu u yahay, carabtooda iyo cajamtooda waana isla mid
hadday Islaamaan oo ay Alle rumeeyaan." Marba hadday muslimiin yihiin
oo iimaan leeyihiin wax lagu kala qaadi karo malahan ayuu yiri Cali.
Culumada ayagoo nasabka ka hadlaya, oo yiri dadka gabal
iskuma mid ma’ahan. Waala doonayaa labada qofood in la’eego, oo bal inay
wada noolaan karaan xaga aqlaaqda, laakiin waxa qabiilka layiraahdo iyo
waxyaalaha kale oo guurka lagu xiray, halaga saaro oo Rabbi halaga baqo.
Rasuulka SCW wuxuu cadeeyey ninkasta ee diin iyo dabeecad wanaagsan leh,
gabar diin iyo dabeecad leh hadduu soo doono in loo diido inaan loo
baahneyn. Xaqiiqada markii la fiiriyana xaalada sidaas weeyaane bal ku
dadaala oo Rabbi ka cabsada.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: July 14, 2003
Ha ilaawin in aad akhridid casharada
Siirada Rasuulka:
GUJI.HALKAN
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|