SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


RIYAALE MA KU NEGAAN DOONA HOGAANKA QARANKA SOMALILAND

QAYBTII LABAAD

 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

Waa qormooyin taxano noqon doona oo si goos goos ah usoo bixi doona 

Mobile: 00-92-300-2600907

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweynaha Somaliland Mr. Daahir Riyaale Kaahin waxaa hoos u dhacii ugu danbeeyey gaadhay hanaankii hawlaha guud ee qaranka Somaliland, dabcan marka hawlo guud laga hadlaayo waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaaya Hawlaha ugu muhiimsan ee bulsho kasta oo adduunka ku dhaqan qarankeed u qabato, ha ugu horayso Caafimaadka, Waxbarashada, xuquuqul insaanka, xuquuqda hadalka ee muwaadin kasta, "Freedom of Speech", isku soo dhawaynta beelaha iyo mujtmacayada alla isbaday, daryeelka muwaadinka iyo dhulkaba, balse taasi oo dhami waa qaar markaad eegto nidaamka uu hogaanka u hayo daahir Riyaale Meesha ka baxay.


Madaxweyne Riyaale iyo Safarkiisa berbera waxba kama bedelin mawqifka Somalilanderka

Akhristaha qiimaha mudanlow qormooyinkaygani oo taxano noqon doona waxaan jecelahay inaan todobaadkani ku bildhaamiyo hawlaha guud ee Daahir Riyaale iyo maamulkiisu dayaceen.

HAWLAHA CAAFIMAADKA

I  I  D  H  E  H


GUJI HALKAN.......

Caafimaadku waa shayga ugu horeeya ee qaran astaantii lagu suurayn karo, waa hawsha ugu horaysa ee looga baahanyahay in xukuumad kasta oo dunida daafaheed ka talisa muhiimadda ugu horaysa ka dhigto, waa daryeelka uu qaran mujtmacii ku horumariyo, balse markaynu u nimaadno Somaliland waxaasi oo dhami waxay u muuqdaan qaar aan xisaabtaba lagu darsan, akhristaha qiimaha mudanlow iska daa gobolada iyo degmooyinka dalka eh, caasimadda Somaliland oo ah halka hawl maalmeedka ugu weyn ee qaranku ka bildhaamo ayaad ka dheehan karta dayacaadaha iyo foolxumada weyn ee ka muuqda hawlahii caafimaadka Somaliland, ma jirto wax tirikoob ah oo Xukuumadda Daahir Riyaale ku samaysay dhakhaatiirta takhasuska ah ee dalka gudahiisa jooga (professional doctors), ma jiraan tallooyin caafimaad iyo barnaamijyo wacyi gelineed oo dalka laga hirgeliyey, Hospitalka ugu weyn caasimadda Somaliland oo aan sidaasi uga durugsanayn halka uu degenyahay Daahir Riyaale Kaahin, waa mid gorayadu ka haaday.  

Bukaan jiifka loo dhigo hospitalka hargeysa in ay daryeel caafimaad kala kulmaan waxaa ugu horaysa ee laga dalbada waa lacag adag oo ay damaanad u dhigaan, Miisaaniyadda Qaranka Somaliland ee la sheegay in %40 loo qorsheeyey madaxtooyada Somaliland kuma jirto qorshe caafimaad ama dawooyin ay xukuumaddu ugu tallo geshay inay dadka usoo iibiso, Haayadaha Qaramada Midoobay oo qaar ka tirsani ay wadanka keenan oxoga xidhmooyin dawooyin ah waxaa la geeya suuqo madow badanaana waxay ku dhacaan jeeb nin weyn.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta takhasuska ah ee nasiibka u hellay inay dalka dibadiisa wax ku bartaan oo aan la xidhiidhay ayaa wuxuu ii sheegay markii uu dalka dib ugu soo laabtay oo uu damacsana inuu rumeeyo daacadnimo maskaxdiisa in badan ku wareegi jirtay oo ahayd inuu dadkiisa si tabaruc ah wax ugu qabto, Dhakhtarkaasi oo aan jeclaysan in magaciisa la shaaciyo

ayaa ii sheegay in uu markii uu dalka yimid shaqo tabaruc ah ka dalbaday hospitalka weyn ee magaalada Hargeysa, wuxuu ii sheegay in muddo markii uu ka shaqaynaayey hospitalka uu kala kulmay karaahiyo iyo necayb badan dhakhaatiir badan oo uu la wadaagi jiray hawl maalmeedka hospitalka, waxyaabahii uu ii sheegay inay ku kala boodeen waxaa ka mid ahaa in ay ku wargeliyeen dhakhtarkasi inaanu qalliin ku samaynin qof aan laga qaadin lacag u dhiganta 700$ (todoba boqol oo dollarka maraykanka ah), ka dib markii muran badan dhex gellay dhakhtarka iyo dhakhaatiirtii kale ee hawlaha la waday ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah looga yeedhay wasaaradda caafimaadka iyo shaqada ee Somaliland, wuxuu ii sheegay dhakhtarku in uu warqad ka hellay agaasimaha guud ee wasaaradda, warqadaasi oo qeexaysay inuu Dhakhtarku si deg deg ah xafiiska Agaasimaha Guud u yimaado, balse markii uu dhakhtarku tegay xafiiska Agaasimaha wuxuu ii sheegay inuu markii uu gellay xafiiskiisa uu arkay raggii (dhakhatiirtii kale) ee ay ku kala boodeen musuq maasuqa oo xafiiska kagaba sii horeeyey, markii uu hore u gallay xafiiska Agaasimaha, wuxuu la kulmay documents uu ku saxeexanyahay Wasiirku xigeenka iyo agaasimaha laftigiisa oo qeexaya in aan bukaan jiifka hospitalka hargeisa imanaya aan qalliin lagu samayn Karin ilaa lacag u dhiganta 700$ dollar laga qaaado, ka dib markii aan dhamaystay akhriska documentska ayaa uu agaasimaha guud igu bilaabay hadallo ay ka muuqato cadho.

Ninkaa dhakhtarka ahi wuxuu ii sheegay inuu halkaa kaga hadhay hawlahii uu ka waday hospitalka magaalada Hargeysa markii uu u dul qaadan kari waayey musuq maasuqa iyo dhiig miirasashada lagu hayo muwaadiniinta masaakiinta ah ee bukaan jiifka ah.

Waxaana kuu caddaanaysa in heerka musuq maasuq uu gaadhsiisanyahay ilaa madaxda sare oo laba odhan karo waa silsilad taxan oo aan la garayn halka ay ku dhaman karto.

Bulshada Somaliland waxaa kaga darran in dhakhaatiirtii takhasuska ahaa uu mid weliba samaystay goobo caafimaad oo gaar ah, haddii aad magaalada Hargeysa joogto ama degentahay waxaad arkaysa xaafad weliba hospital si gaar ah loo leeyahay oo ka furan, dhakhtar weliba wuxuu daweeya oo keliya dadka inta iska bixin karta, balse waxaa meesha ka baxay adeegii caafimaad ee dadka masaakiinta ah, taa waxaa ka sii darran shakhsiyaadka sheeganaya dhakhaatiirta takhasuska ah oo mid weliba furanaayo goobo caafimaad (pharmacies), halkaasi oo uu ku bixinaayo talooyin caafimaad oo u badan qaar uu maskaxdiisa ka samaystay, ma jirto wax khibrad iyo hawl caafimaad oo uu hore usoo maray, waxaanay dhibanayaal badan ku keliftay inay ku sumoobaan dawooyin aan haboonayn oo dadkaa dhakhaatiirta sheeganaya u qoreen (prescribed illegal medications).

Qormadaydani waxay Mahad balaadhan usoo jeedinaysa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ahna Mulkiilaha Hospitalka Adna Hospital "marwo Adna Aadan Dhakhtar" oo runtii nafteeda iyo maalkeeda u hurtay inay hooyoyinka Somaliland u samayso hospital gaar ah oo aan wax kharashaad badan ah laga qaadin, waxaan kale oo u mahad celinaya qurbe jooga Somaliland oo badanaaba inta karaankooga ah isku daya inay gacan ka gaystaan hawlaha gargaarka caafimaad ee Somaliland, waxaan dhiiri gelin iyo tallo balaadhan usoo jeedinaya ganacsatada Somaliland in aanay shilinkooga ka dhigin oo qudhaata bariis iyo baasto iyo sonkor waddanka la keeno eh ay ka qayb qaatan horumarka dalkooga ee qaybaha bulshada ilaahayna ka doonaan ajar iyo axsanaad buuxda.

ADEEGYADA WAXBARASHADA SOMALILAND 

Waxbarashadu waa horumarka bulsho kasta oo dunida ku dhaqan, waxaana hubaal ah in ay waxbarashadu tahay midda horumarka dhaqaale ee dunidu isku dhaafeen maanta u ah calaamad lagu aqoonsado (education Is the basic development character of any nation in this universe)

Waxbarashadu waa haybadda sharafeed ee bulsho kasta oo koonkani ku dhaqan, waana furaha wax kasta oo bulsho ku dhaqani meel lagu furo, Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W) ayaa ilaahay subxanahu watacalaaye suuradii ugu horaysay ee uu ku soo dejiyey ahayd IQRA oo macnaheedu yahay akhri, oo nebiga lagu amraayey inuu waxyiga u dhaqaaqo.

Waxbarashadu waa hanaanka lagu hago nidaam kasta oo mujtmac doonayaan inay kor u qaadid ku sameeyaan, hadday noqoto hawlaha dhaqaalaha, caafimaadka, iyo ilbaxnimada. "Economic, Health and civilization of any population in this world"

Dawlad kasta oo shicib doortaan waxaa lagu qiimeeya miisaanka waxbarasho ee ay dalka ku soo kordhisay iyo baaxadda horumarineed ee waxbarashadu leedahay, daryeelka ay ku samayso macalimiinta iyo ardayda wax ka barta goobaha waxbarasho ee kala darajo sareeya sida kuwa dugsiyada hoose, dhexe, sare, heerarka jaamacadeed, kuuliyadaha madaxa banaan, Daraasadaha lagu sameeyo cilmi baadhisyada kala duwan (Education Research Centers), waxaa kale oo looga baahanyahay inay samayso nidaam waxbarasho oo u gaar ah "special education schedule or syllapus" waxaa Dawladda Waajibaadkeeda koobaad yahay inay daryeel baaxadleh ku samayso goobaha waxbarasho sida iskuulada, kuuliyadaha, Jaamacadaha, waxaa kale oo muhiimadda ugu weyni tahay inay Dawladdu mudnaanta ugu horaysa saarto daryeelka macaliiminta kala duwan ee wax ka dhigaaya goobaha waxbarasho, ha noqoto in uu macalinku helo mushahar ku filan isaga iyo qoyskiisa, guri iyo biyaha iyo laydhka ugu yaraan oo bilaash looga dhigo, iyo taakuulo gaar ah oo la siiyo, si looga ilaaliyo in goobaha waxbarasho ay noqdaan meelo uu musuq maasuqu gaadho. 

Somaliland markaad u timaado waxaasi oo dhami waa hal bacaad lagu lisay, Xukuumadda Daahir Riyaale markii ay xukunka la wareegtay talaabadii ugu horaysay ee ay ku dhaqaaqday waxay ahayd inay wasaaradda waxbarashada u magacawday shakhsi aan u qalmin, masuul ahaan, hadday noqoto heerkiisa waxbarasho ee uu ku kala saari karo ugu yaraan maxay kala yahiin waxbarashada heerka sare ee madaniga ah iyo ta aan madaniga ahayn (Acedemical higher education and non academic education), siduu qofka sidaasi ahi u garan karaa xuquuqda uu yeelan karo macalin iyo ardaygiis, Sidee uu u saxi kara khaladaadka iyo tusmooyinka qaloocan ee horyimaadda hanaanka waxbarasho ee Somaliland.

Ma jirto wax qorshe ah oo Miisaaniyadda la sheegay in dhawaan Baarlamaanku ansixiyeen lagu darray mushahar ku fillan macaliinta Somaliland oo ah halbawlaha ugu muhiimsan astaanta Qaranka Somaliland, Macalamiintu waa kuwii usoo banbaxay sannadkii 1991 inay dalkooga iyo caruurtooda si tabaruc ah ugu adeegaan, waa kuwii ka soo bilaabay inay wax ku dhigaan sabuurad laga sameeyey dhagax tooshyo iyo tamaashiir kooban oo haayadda Unicef bixin jirtay, Daahir Riyaale iyo ragga ku xeerani xaggay joogeen wakhtigaasi, sidayse caqliga u geli kartaa in miisaaniyadda la sheegay 40% loo qoondeeyey Madaxtooyada uu Daahir Riyaale ka taliyo.

Ma jirto wax qorshe ah oo lagu darray miisaaniyadda dayac tirka iskuulada Somaliland iyo weliba kordhinta adeega waxbarashada Somaliland, ma jirto barnaamijyo ay dawladdu ugu tallo geshay kordhinta aqooneed ee Reer guuraaga Somaliland.

Ugu yaraan waxaa ka jira dalka laba jaamacadood oo waaweyn Amoud University iyo Hargeisa University oo ku kala yaalla labada magaalo ee Hargeisa iyo Boorama, ma jirto wax taakulo ah oo dawladdu ka gaysato adeegyada kuuliyadaha ay jaamacadahaasi ka koobanyahiin, waxaana jira dhaliilo loo soojeedin karo maamulada labada Jaamacadood oo kharash badan ka qaada bishii ardayda wax ka barata, waxaa jirta arday leh karti iyo aqoon balse aan lahayn awood dhaqaale oo ay ku tahlaan waxbarashada jaamacadahaasi ee qaaliga ah, ma jirto awood dawladeed oo culays lagu saari karo jaamacadahaasi oo ay iskugu tageen macalimiintii kuwii dalka ugu aqoonta fiicna, uguna tayada wanaagsana.

Ma jirto wax dhiiri gelin ah oo masuuliyiinta Daahir Riyaale u magacaabay Wasaaradda Waxbarashadu ku dhiiri geliyeen waxbarashada sida gaarka ah loo leeyahay (the private education) oo ah isha qudhaata "the only single source" ee da’yarta Somaliland aqoon ahaan hayaan.

Warbixintaydani Waxay Amaan iyo dhiirigelin iyo Mahad usoo jeedinaysa dhamaan waxbarashada sida gaarka ah loo leeyahay "The private education services" kuwaasi oo dalka u horseeday horumar waxbarasho oo wax ku ool ah, waxaan idinku baraarujinaya inaad kor u qaad ku samaysaan hawlahiina waxbarasho, waxaanad Mudanayaal/Marwooyin ogaataan inaanay jirin wax idiin maqan oo aad xagga dawladda ka sugtaan "Cidina idinma maqna ceelna idiinma qodna" 

Warbixintaydani waxay dhaleecayn weyn usoo jeedinaysa Xukuumadda Daahir Riyaale oo dhawaan si arxan darro ah ula tacaamishay ardayda dugsiyada magaalada Hargeysa wax ka barta oo loo taxaabay xabsiga, Dastuurka uu qaranku ku ansixiyeen 97% kuma taalo qodob dhigaya xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay da’yarta Somaliland.

HEERKA XUQUUQUL INSAANKA SOMALILAND

Waxaan filaya in Marwo Raaqiya Cabdilaahi Oomar oo madax u ah ururka African Watch, ay inbadan ku xaradhay wergeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa heerka xuquuqul insaanka Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiisanyahay, balse anigu waxaan jecelahay inaan ka hadlo aqoon la’aanta baahday ee haysata booliiska iyo ciidamada militeryga Somaliland, taasi oo Maamulka Daahir Riyaale dayacaad weyn ku sameeyey ciidamada amaanka Somaliland oo laga dhigay qaar dadka dadqalato ku ah (horror commitments), waxaa ku yaalla Somaliland hal iskuul oo lagu tababaro Ciidamada Amaanka ee Somaliland, sida warbixin ka soo baxday taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland tibaaxday sannadkii 1999-kii.

Waxaa sannad kasta dhamaysta kuuliyadda tababarka ciidamada ee Madheera tiro ciidamo ah oo dhan 500 oo askari, balse waxaa ayaan darrada ugu weyni tahay in aan ciidamada la barin sidii loola tacaamili lahaa bulshada ay amaankeeda sugayaan, waxaa loo dhiiba qori iyo budh iyada oo lagu tababaro sidii uu u garaaci lahaa ama uu rasaas ugu furi lahaa shacabka Somaliland hadiiba ay isku dayaan inay xorriyadooda muujiyaan "Freedom of Speech". Iyada oo sida kalaba ay ciidamadu u bilaa daryeel yahiin ayaad hadana ka dheehan karta aqoon darrida weyn ee ka muuqata ragga madaxda u ah.

Ma jiraan wax kala sarayn xagga darajada ah oo loo sameeyey ciidamada Somaliland, ha noqdaan kuwa amaanka (police Forces) iyo kuwa qalabka sida (the para military forces).

Tusaale ahaan maalintii 18 May 2004, Waxaa kheyriyada magaalada Hargeysa damcay inay xorriyadda iyo xaqqa ay u leeyahiin inay mudaharadaan inay muujiyaan da’yar u badan arday wax ka barata dugsiyada dalka Somaliland, Waxaa loo dalbaday ciidamada kuwa ku jira xeryaha magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu xidh xidhay 500 oo dhalinyaro ah oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho, dhacdadii ugu foosha xumayd waxay dhacday markii laba hablood oo uur lahaa ( two innocent pregnant women) ay ciidamada amaanku ku garaaceen budh iyo laag iyaga oo kala dhacaayey adhaxda iyo caloosha, taasi waxay sabab u noqotay in labada gabdhood-ba uu ilmahii ay sideen ka soo dhacaan, ayna halkaasi ku dhiig baxeen, balse ciidamada amaanku waxay u qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa inyar ka dib ayey keenen hospitalka weyn ee hargeysa si loogu daweeyo, dad halkaa goob joog ka ahaa ayaa xaqiijiyey inay arkayeen labada gabdhood oo koomo ku jira (seriously in comma condition) ayaa kaga darane sariirahii ay jiifeen katiinad loogu xidhay, laba dumar ah oo ka tirsan ciidamada amaankuna dul taagnaayeen.

Eexashada (nepotalism) ayaa ah Somaliland wax iska caadi ah,waxaa tusaale ugu filan waxaynu ka soo qaadan karna, Wiil yar oo degen Xaafadda Maxamed Mooge (Kililka shanaad) ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa qudha ka jaray sannadkii 2003 wiil uu dhallay nin Suldaan ka ah degaanka magaalada Berbera, Wiilka dhibanaha ah ee la dillay oo ka dhashay qoys daciif ah ayaa waxaa ku booqday hoyga ay degenyahiin Raaqiya Cabdilaahi Oomar oo ka tirsan ururka African Watch, Raaqiya waxay la kulantay Aabahii iyo Hooyadii wiilka yar ee la dilay waxayna u sheegen ka dib markii ay damceen inay la xidhiidhaan maxkamadda gobolka Hargeysa, in loo sheegay in aanay maxkamaddu awood u lahayn inay dhegaysato kiiskooga, ka dib ayey hooyada iyo aabaha wiilka la dilay isku dayeen inay saldhigyada booliiska kiiskooga u gudbiyaan, balse waxaa loo sheegay in wiilkii wax dillay loo kaxeeyey magaalada Berbera, uuna dhallay nin Suldaan ahi awoodna aanay u lahayn ciidamada amaanku inay wiilkaasi iyo qoyskuu ka dhashayba la hor keeno cadaaladda.

Waxyabaha ugu foosha xun ee lala yaabo waxay tahay, in masuulka loo magacaabo Wasiir ama goob dawladeed isla marka loo magacaababa uu bedel ku samaynayo dhamaan shaqaalahii goobtaasi ka shaqaynaayey, uuna keenaayo shaqaale cusub oo horleh, oo isaga la beel ah ama ay qabiil ahaan isku jaan yahiin.

Qodobka kale ee aan jecelahay in ay akhristayaasha qiimaha leh ila dheegtaan waxay tahay warbixin layaableh oo aan ka soo diyaariyey Jeelka dhexe ee magaalada Hargeya:

Waa Sidee Xaaladda Jeelka Magaalada Hargeysa 

Jeelka magaalada Hargeysa oo ah xarunta Somaliland, waa meel lagu qeexi karo Cadaabtii ifka, Jeelku wuxuu ka koobanyahay Lix Hool oo waaweyn iyo dhawr makhsin oo yar yar, Jeelka magaalada Hargeysa wuxuu leeyahay seddex albaab oo waaweyn oo la iskaga gudbo, kadinka ugu danbeeya ayaa waxaa ku yaalla dhamaan hoolalka waaweyn iyo makhsinadaasi, lixda hool waxaa loogu kala yeedha "one-ka, two-ga, three-ga, four-ka five-ka iyo six-ka", kuwaasi oo maxaabiistu aad arkayso iyaga oo badana magac ahaan afka ku haya, Jeelka taariikh ahaan waxaa dhisay Maxmiyaddii Ingiriiska wakhtigii uu joogay dhulka Somaliland, muddo ku dhaw 20 sanadood na wax dayac tir ah oo lagu sameeyey gudaha jeelku ma jirto, markaynu ku soo noqono nolosha jeelka Magaalada Hargeysa waxaa maxaabiista loogu kala xidha sida tani

Hoolka 1aad: waxaa gala dadka dawladda ka tirsan ee la xidho ama salaadiinta waa hool weyn dhulku wax sibidh ah malaha "without floor" waa camuud saafi ah, gudaha hoolka waxaa ku yaalla hal suuli ama baltalmay (one toilet) oo qudhaata oo ay wadaagan in ka badan 100 maxbuus, injirta iyo tukhaanka dhex sabaynaaya (the danger insects) makhsinka ayaa ah mid iska caadi ah, inkastoo makhsinka koobaad uu ka yar daryeel fiicanyahay kuwa kale, makhsinku wuxuu leeyahay tiro daaqado ah (windows) oo aan ku qiyaasay 20-neeyo daaqadood, wakhtiyada qaboobaha bisha January ilaa april oo hargeysa ay ka dhacaan qaboob farabadan ayaa ay maxabiistu kala kulmaan cuduro aad u tiro badan, waxaana ku bata cayayaanka dhex sabaynaaya makhsinayada, ma jirto wax nadaafad ah oo lagu sameeyo hoolalkaasi.

HOOLALKA 2 ilaa 6aad: waxaa gela dadka iska caadiga ah oo ah shicibka lagu soo eedeeyo kiisaska kala duwan, dhulku waa sibidh jajaban, "rough floor" sida makhsinka koobaad ayuu leeyahay hal suuli ama baltalmay (one toilet) cayayaanka dhulka hoostiisa ka soo baxa waa wax iska caadi ah, maxaabiista ayaad arkaysa iyaga oo jidhkoogu wada nabar noqday cudurada dubka sare ee jidhka ku dhacaana saameeyen (skin infections), afar iyo labaatanka saacadood ee habeenkii iyo maalintii waxaa loo ogol yahay maxaabiista 30 daqiiqadood oo qudha inay dayrka usoo baxaan, inta kale waxay ku xidhanyahiin gudaha makhsinada, subaxa hore markay saacadda afrikada beri tahay 6:00 aroornimo ayaa ciidamadu usoo galaan gudaha hoolalka iyaga oo sida xoolaha u tiray maxaabiista ku jirta jeelka, hoolalka oo loogu tallo gallay in lagu xidho 40 qof, waxaa la galiya in ka badan 150 qof, iyaga oo goobaha habeenki la seexdo isku cidhiidhya (very small spaces), markaad gudaha ku jirto makhsinka waxay maxaabiistu u kala bixisay laba qaybood, "shidka iyo baska" shidku waxa weeyaan goobo ka yar nafisan baska, balse basku waa meesha loogu tallo gallay in la maro, halkaasi oo markii ay maxaabiistu isku bateen ay gogosha dhigteen.

Markaynu usoo noqono kiisaska maxaabiista ayaa iskugu jira qaar loo kala haysto, tuuganimo, dil, khilaaf, IWM, marka ugu horaysa waxaa la geeya maxkamadda magaalada Hargeysa, kuwaasi oo usoo jarta ama ku xukunta 14 cisho oo rumaan ah, balse waxay ku qaadata maxbuusku muddo 6 bilood ah in maxkamadda dib looga yeedho.

Waxaad arkaysa caruur aan da’doodu u fasaxayn ama ay xaarantahay in jeel lagu hayo oo ku jira jeelka Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo da’doodu u dhexayso 13 jir ilaa 17 jir, oo markaad u duur gasho lagu soo oogay dambiyo iska fud fudud sida Waalidkooga oo soo xidhay.

Cuntada loogu tallo gallay maxaabiista aan qoysaska ku lahayn magaalada Hargeysa ayaa ah mid bilaa daryeel ah, waxaa maxbuus kasta la siiya arabikhida loogu tallo gallay inay xayawaanku cunaan, taasi oo maxbuus kasta loo siiyo calaa garaam ah ( per gram), maxaabiista ku leh qoysaska magaalada Hargeysa ayaa seddexda wakhti waxaa u keena ehelkoogaasi.

CIQAABTA MAXAABIISTA EE KA BAXSAN DASTUURKA DALKA 

Gudaha jeelka weyn ee magaalada Hargeysa waxaa ka caan ah makhsin dadka maxaabiista ah si weyn loogu ciqaabo oo loo yaqaano "alla ka jeed" mid ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelka magaalada Hargeysa oo aan si qarsoodi ah kula xidhiidhay ayaa ii sheegay in makhsinka gudahiisa lagu diyaariyey wax alla iyo wixii qudhun ahaa sida cayayaan nool, saxarada bin-aadmiga, iyo xashiish badan, waxaa ku yaalla makhsinka alla ka jeed dhawr sil siladood, marka maxbuuska lagu dhex ciqaabayo makhsinkaasi magacaa loo bixiyey ayaa waxaa lagu shuba biyo si khashinka iyo qudhunku u kacaan, ka dibna waxaa labada gacmood iyo labada lugood lagaga xidha katiinad waxaana ul iyo shabuug lagaga garaaca caloosha iyo gacmaha, marka uu maxbuusku dhiig baxo ayaa lagu shuba milix si uu nabarku olol u sameeyo.

Waxyaabaha kale ee lagu ciqaabo maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee magaalada Hargeya waxaa ka mid ah bulaacado qofka madaxa loo geliyo, budh gacmaha lagaga garaaco, iyo askarta oo laag iyo feedh iskugu taga la dhaca maxabiista, waxyaabaha aan damiirku u dul qaadan Karin waxaa ka mid ah iyada oo meel lagu wada xidho, dadka miyirka qaba iyo dadka aan miyirkoogu dhamayn, Gebi ahaanba looma ogola maxaabiista inay helaan dharka adag ee dhaxanta ka celiya, iyo waxyaabo nolosha u daruuri ah.

Isku soo duubo lama qiyaasi karo xuquuq darrada ka jirta gudaha jeelasha Somaliland, cadaalad darrada ka jirta gudaha Somaliland.

Qormadaydu waxay si gaar ah ugu mahad celinaysa Haayadda qaramada midoobay u qaabilsan horumarka "United nation Development program commission" UNDP, oo inbadan ugu deeqday maxaabiista ku xidhan jeelasha magaalooyinka Somaliland deeqo kala duwan, kana diyaarisay warbixino kala duwan, Warbixintaydani waxaa kale oo ay dhiiri gelin ku samaynaya Masuulka u qaabilsan jamiiciyadda quruumaha ka dhexeysa "The United Nation" Somaliland iyo Somalia oo muddooyin dhawayd Socdaal ku yimid Somaliland gudaheeda inuu duurgal farabadan ku sameeyo xaaladaha rigliga ah ee ka jira gudaha Somaliland isaga oo weraysiyo la samaynaaya qaybaha bulshada ee kala duwan.

Todobaadada soo socda waxaan soo bandhigi doona, Wasaaradaha dalka Somaliland iyo heerkooga musuq maasuqu uu gaadhsiisanyahay, waxaan kale oo aan ka hadli doona henjabaadaha ay xukuumadda Riyaale la hor taagantahay Saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland, waxaan soo xigan doona weraysiyo aan ka qaaday dad ajanabi ah oo Somaliland booqasho ku tegay.

Kulaabo qaybii 1aad.....

LA SOCO HADDII ALLA IDMO TODOBAADADA SOO SOCDA

Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
Mobile: 00-92-300-2600907

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 

June 19, 2003

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD