KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha
Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
- WARBIXIN UU KENYA KASOO DIRAY SH.
MAXAMAD IDRIS
Nuxurka warbixinta oo kooban:
- Waxaanu booqannay xeryaha Ifo,
Xagardheer iyo Dhadhaab ee Keenya.
- Ku dhawaad 150,000 – oo soomaali ah
ayaa ku jira ...
- Olole gaalaysiin oo ba’an baa lagu
hayaa dadkaas...
- Waxaa dhallinyarada loo qaybiyaa
“condoms” si faaxishadu u taranto...
- Waxaa xeryaha laga sameeyey
shaneemooyin qurunka lagu faafiyo...
- Dadka waxaa loo baahigeliyaa inay
kaniisadaha halkaas laga dhisay galaan....
- Waxaa ka shaqeeya in ka badan 12
hay’adood oo gaalo ah...
- Waxaa laga cayriyey hay’addii muslimka
ahayd ee Al-xaramayn..
- Dadka waxaa haya nafaqo darro,
caafimaad xumo iyo waxbarasho la’aan...
- Dacwada iyo khayrku wuu ka socdaa...
dugsiyo... masaajid... maraakis...
- Waxaa loo baahanyahay gurmad degdeg ah
oo dadkaas soomaaliyeed looga badbaadiyo gaalaysiinta ay xerada ugu
oodanyihiin...
Waxaa si degdeg ah loogu baahanyahay:
- Guddiga hawsha hadda u xil saaran ee
ka shaqeeya in la hor mariyo sarana loo qaado
- Si deg deg ah in macalimiinta iyo
shaqaalaha maraakista 11 ah ee hadda jirta, isku celcelis 50$ (average)
tahay 100x50= 5000$ salka si fiican loogu dhigo.
- In sida ugu dhaqsa badan la dhiso
saddex madaraso oo dugsi sare ah......
saddexdaas madlab waa deg deg.
Sh. Muxamad Idris Axmad, Nairobi
6-7/1/2005
KU: CID KASTOO MUSLIMA
OO AKHRISA
Assalamu calaykum waraxmatullaahi wa barakatuhu.
Waxaan booqasho gaaban ku tagnay, aniga iyo
Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar, iyo Shariif & C/raxman
oo xagga farsamada ah, xeryaha qaxootiga ee soohdinta Kenya, kuwaasoo u dhow
degmada Dhadhaab ee raacsan gobolka Garissa. Xeryahaas qaxootigu waa saddex
xero oo kala ah : IFO, DHAGAXLEY, IYO XAGARDHEER. Waxaa ku jiraa qaxooti
lagu qiyaaso 150 kun oo qof waana wada soomaali, waxaan ka ahayn in yar oo Suudaan koonfureed ah.
Haddaan xeryaha sawir gaaban ka bixiyo
waxaan dhihi karaa: waa dad xero ku oodan, oo garaama ay u qaybiso hayada
gaalo oo ka badan 12, saldhig weyn oo siligaysanna ku samaystay Dhadhaab.
Waxaa dadkaas muslinka ah lagu wadaa olole aad u ballaaran oo ujeedadiisu
tahay in la gaalaysiiyo iyadoo laga faa'iidaysanayo gaajada iyo duruufaha
qaxootinimo ee ay ku jiraan.
Ololaha gaalaysiintu wuxuu ku socdaa xawli
weyn, gaar ahaan ka dib markii xeryaha laga baacsaday lagana fiijiyey,
hay'addii Sucuudiga ahayd ee Al-xaramayn taasoo si wanaagsan u daryeeli
jirtey qaxootiga xagga diinta iyo waxbarashada iyo raashinka intaba, muddo
10 sanadood ku dhow. Cariiri adagna gelisey hay'adaha gaalada. Dabadeedna ay
u adeegsadeen awood siyaasadeed in meesha laga saaro, iyagoo cadaystay iney
hawshoodii gaalaysiinta caqabad ku noqotay Al-xaramayn.
Ololaha gaalaysiintu wuxuu ku socdaa
siyaabo kala duwan sida:
- Tacliinta oo iskuullo caruurta loo
furay ilaa “secondary”, halkaasoo manhajka lagaga lumiyo, siiba
secondariga oo si talaabo talaabo ah loo marinhabaabiyo.
Marka hore xijaab ayaa gabdhaha loo tolay, markii xigteyna,xijaabkii
ayaa la yareeyey, markii xigteyna, surweelo ayaa loo geliya iyo khimaar
yar, martkii xigteyna waxaa loo sameeyey meelo ciyaaraha banooniga iyo
jimicsiga lagu boodo, markii xigeyna waxaa loo qaybiyaa gabdhaha iyo
wiilasha secondariga (condoms) [GALCAAR] si faaxishada loogu sahlo looguna dhiiri
geliyo, marka xigana waxaa loogu yaboohaa shaqooyin iyo jaamacado (waa
ballamihii iyo hunguri gelintii sheydaanka). Waxaa laga dhisay xeryaha
dhexdooda kaniisado badan, oo loo furtay iney goobo lagu ugaarto noqoto,
heer la yiraahdo qofkii jaamacad dibadaha ah raba hasoo galo kaniisadda.
- Gabadhu haddeey uur qaado, si gaar ah
ayaa loo tix geliyaa. Waxaa durba loo diyaariyaa dhoofin dibadda, guri
iyo lacag iyo raashin gaara, oo markey sinada ku uuraysato ayaa
mujtamaca laga sara mariyaa oo lala boodaa si sinada loo xoojiyo
- Waxaa la maal geliyaa goobo
shaneebooyin lagu magacaabo, oo xitaa liwaatka dadka loogu daaro, lana
dhiiri geliyaa dadka, filimadana loo keenaa si mujtamaca gaar ahaan
dhalinta loo fasahaadiyo.
- Waxaa hadba lasoo dhejiyaa qabiil
hebel in la qaadayo, mar shariif, marna baantuu, marna midgaan, iwm,
hadba wixii lasoo dhejiyo ayaa dadkoo dhan noqdaan oo kaararkeeda
samaystaan.
- Ardada iskuulka waxaa loo dejiyaa
baraamijyo looga gol leeyahay in lagaga mashquuliyo madarasada carabiga
iyo diinta ay ka bartaan, ama dugsiga, oo galab iyo subax ayaa la
mashquuliyaa, isla mar ahaantaas waxaa nidaamkooda ka mida in maalinta
Jimcaha uu iskuulku socdo si Jimcaha meesha looga bixiyo, oo Sabti ama
Axad loo fasaxo.
- Waxaa hay'adaha gaaladu aad u
xoojiyaan Suufiyada, oo lagu maal geliyo makarafoono iyo waabyo yar yar,
oo loogu tala galay in lagu tashwiishiyo dacwada xaqqa ah.
Marka kuwaasi wexey samaystaan waab yar, oo makarafoon weyni kor ka
suranyahay codka xerada inteeda badan u laliya, meel in yar u jirta
masaajidda Ahlu-sunnaha, halkaasna waxaa la fadhiisiyaa nin marduuf Qaad
ah loo gado oo la dhaho cajaladaha hadba mid saar. waxaana looga jeedaa
dicaayad iyo tashwiish iyagoo og inaan cidina raacayn.
- Wexey dhiiri geliyaan kooxo kubbada
cagta, iyo fagaarayaal salaadda lagaga tago.
arrimahaas iyo kuwa kale oon hadda lasoo koobi karin ayey hey'adaha
gaaladu u maraan ujeedadooda fasaadinta iyo gaalaysiinta.
Waxaan mulaaxadeeyey iney xeryaha qaxootiga u badan yihiin dad da' yar.
Dadkaas oo aad muxaadaraadka usoo buuxiya rag iyo dumarba. Marka muxaadarada
la qabto oo kumanyaal yimaadaan, waxaad is oraneysaa oday iyo habari ku
yaraa! waa arrin dhinac ka fiican iney iqbaal dadkii yar yaraa dacwada u
hayaan, haddana waa arrin khatar ah iney baylah yihiin in badani. Hay'adaha
gaalada sida WFP, CARE, UNCHR, LIVE MINISTRY, OXFAM, SAVE THE CHILDREN iwm,
wexey qaybiyaan qamadi caloosha dadka ka qabta, raashin wanaagsanna ma
keenaan. Waxay dadka ku gumaystaan jawaanada qamadiga laga shubo kaasoo
waababka iyo cariishyada la dulsaaro.
Cisbataallo cariishya ah oo ku yaalla waxaa
naloo sheegay in ka badan boqollaal caruur ah iney yaalaan; sababta oo ah
nafaqa darrada dadkaasi haysata.
Hay'addii Sucuudiga ee Al-xaramayn waxay
caruurta subixii u karin jirtey shurbad lagu daray saliid iyo sonkor, taasoo
nafaqo fiican caruurtu ka heli jirtey, in baddana soo jiidan jirtey
waalidiinta. Hadda hay'adaha gaaladu tii ayey ka barteen, laakiin wexey
walaaqaan buunsho aan sonkor iyo saliid midna lahayn!! Waqtiyaal kala fog.
Waxaa xusuusin mudan, naxdinna badan, in lacagta hay'adahaasi ololohooda
cirib tirka iyo gaalaysiinta muslimiinta ku wataan ay qayb badani ka timaado
dalal muslimiin sheegta!!.
Xeryuhu xagga biyaha wey ka ladanyihiin oo ceelal badan ayaa ka qodan, xagga
daryeelka caafimaad wey ka liitaan, xagga cuntadana wax nafaqa leh looma
qaybsho, qofkii si gaar ah wax u hela mooyaane.
BOOQASHADAYADII CULIMADA
Waxaa wafdigu gaaray magaalada Dhadhaab duhurnimadii maalintii Sabtida
1/1/2005. Waxaanu in yar ku deganey markas “Ibnu Taimiya” oo magaalada
Dhadhaab ay Al-xaramayn horay uga samaysay. Waa xarun weyn, oo geeda badan,
ay kuna dhex taalo madarasad dugsi hoose iyo dugsi dhexe iyo taxfiid [dugsi
Qur’aan], iyo masjid cariish ah haddana la rabo in la dhiso.
Waxaanu isla galabnimadii uga sii gudubney
xerada qaxootiga ee IIFO HALKAASOO AAN NADWO MAQRIBKII KA GALNAY, SUBAXDIINA
MUXAADARO bacdal fajar, dabadeedna jawlad [kormeer] ayaan ku soo marnay
maraakista Ahlu-sunuhu hayaan ee horay ay Al-xaramayn u haynjirtey, kadibna
10:30 am waxaan galay muxaadaro dumarka ah ilaa duhur. Sh. Umalna wuxuu ka
galay bacdal duhur muxaadaro xerada Dhagaxley. Casarkii ayaan kusii gaarney
xagga Dhagaxley waxaanan ka galay muxaadaro dumarka ah. Labada muxaadaro ee
dumarkaba si lixaad leh ayaa looga soo qayb galay. Waxaan labada meeloodba
kula kulanay duqaydii iyo guddiyadii ducaada, macalimiinta imaamyada
shabaabka.
Isla galabtiiba waan kasoo carrawnay
waxaanuna maqribkii muxaadaro ka galnay Dhadhaab, halkaasoo aanu habeenkii
Isniinta barinay subaxdii Isniintana waxaanu ku dhaqaajinay xerada
Xagardheer ee saddexaad, halkaasoo duhur iyo casar iyo maqrib intaba
muxaadarooyin laga galay. Goobaha dacwada duhurka ka hor ayaa lasoo
kormeeray.
Habeenkii Talaadadana aanu barinay, subaxdii Talaadadana
muxaadaro Sh. Umal iyo aniga aanu galnay, su'aalihii harayna laga jawaabay,
halkaasoo aanu barqadii kasoo gaddooney anagoo kusoo noqonay xerada IIFO, oo
masjidka jaamaca ee suuqa, nadwo bidcada iyo gaalada ka hadlaysa ay ka
dhacday, ilaa meel aanu dadkii ka marno aanu weyney.
Waxaa muxaadaraadku
intooda badan ku socdeen GAALADA IYO DHAGARTOODA, MUNAAFIQIINTA IYO
HAGARDAAMOOYINKOODA, KU BOORINTA DADKA INEY DALKOODII KU NOQDAAN, INAAN
GACAN SHISHEEYE LOO XIRNAAN, DIBAD U DHOOFKA IYO DHIBKIISA, TACLIINTA
ISLAAMIGA IYO AHMIYADEEDA, SUUFIYADA IYO KHURAAFAADKA intaasba digaandigaha
ayaa lagaga dhigay, iyadoo weliba qolada suufiyada oo xeryaha qaarkood fara
ba'an ku hayey xagga dicaayadda, laga dalbay munaadaro iney usoo baxaan inta
dhuumaalaysiga iska daayaan iyo gadaal ka hadalka, laakiin godadkooda ayey
salka ku aasteen, ama waa kala carareen, wax soo ban baxana waa laga waayey
iyagoo weliba dad badan loo diray.
Waxyabaha ay dadka ku hayeen waxaa ka mid
ahaa inaan Jimce la tukan karin, haddaan jimcayaasha dadkii meel lakala
fariisto ayaa la waayey, markii dambena wexey ku qasbanaadeen iney dadka
raacaan. Habeenkii Arbacada aniga & Sh. Umal waxaanu Gaarissa ka galnay
nadwo, la yiraahdo “Mas'uuliyatu Dacwa”.
Markaan isku soo duuduubo, jawladu wexey
ahayd mid aad naajix u ah, iyadoo loo baahnaa muddo intaa ka badan laakiin
waqtiga iyo duruuftu noo samixi weydey.
DACWADA XERYAHA
Hay'addii Al-xaramayn wexey xeryaha
saddexda ah ku haysey 17 Markas, ilaa boqol macalin, iyo 15 maamulayaal
xeryo, iyo shaqaale kale oo 15 ah. Ilaa 130 qof ayey dacwada bil walba
mushahar celceliskiisu [averagekiisu] yahay 40 $ u siin jirtey. Waa
mushaaharooyin 5000$ ka badan. Ilaa lacag gaareysa 6000$ oo kale wexey ku
bixin jirtey raashinka subaxdii caruurta la siiyo, buugaagta, kutubta,
dharka, iwm. Lacag ilaa 11000$ ayey bil walba xeryaha ku bixin jirtey.
Mirihii ay tacabtay iyo ardaydii ay soo saartay qaar dugsiga sare ayeey
gaarissa kaga bexeen. Boqolaal ka mida ardaydii soo martay madaaristaas,
qaar ka mid ahi hadda ayey macalimiin ka yihiin maraakista xeryaha, qaarna
jaamacdo dibadda ah ayey heleen, qaarna dugsiyada sare ee gaalada ayaa la
tagtay oo mawjadda ayaa qaadday.
Markii Al-xaramayn tagtay, waxaa damaashaad tuntay gaaladii, suufiyadii,
wixii sunada diidanaa oo dhan. Laakiin ducaadii iyo macalimiintii wexey
go'aansadeen ineyan is dhiibin oo saaxada ka bixin, ayna mintidaan ilaa
meesheey la gaarto. Wexey u qayshadeen walaalaha ducaadda Nairobi Sh Umal
iyo rag la mid ah, waxaana lagu dhiiri geliyey iney hawshii wadaan, wixii
laysu geeyn karana isu dumaan. Wixii hadba loo helana loo diro. ILAAHAY
FADLIGII hawshii ma istaagin ee wey socotey, cadawgii diintana laf dhuun
gashay ayey ku noqotay iyo lama filaan, jawlaadka walaalohood ducaaddana
wexey siisay dhiiri gelin, cadawgiina wey jebisey. Waxaa maraakistii hadda
la isugu soo reebay 11 markas markii la isku celceliyey, iyo ila 100
macalimiin, maamulayaal maraakista iyo shaqaale ah, nidaamkii hore ee Al-xaramayn
ayaana hawshii lagu wadaa. Waxaa laakiin meesha ka baxay cuntadii subaxdii
la siin jirey caruurta, buugaagtii iyo dharkii loo qaybin jirey, taasoo
hadda hay'adaha gaalaysiintu ku tartamayaan.
Masaajidda dacwa fiican ayaa ka socota,
taxfiidka Qur'aanka dad fiican ayaa ka soo baxa, marka laysku celceliyo ilaa
4000 oo arday ah ayaa maraakistaa dhigata. galabtiina dadka waaweyn ayaa
farta iyo duruusta loogu dhigaa.
MAXAA LOO BAAHANYAHAY?
...haddii la dadaalo Ilaahay
wuxuu ballan qaaday in xaqu sara maro...
|
Waxaan shaki lahayn in baahidu
ballaarantahay, dagaal qaraar oo masiiri ahina meesha ka socdo, iyadoo
hay'adaha gaaladu ku keliyaysatey meesha, laakiin haddii la dadaalo Ilaahay
wuxuu ballan qaaday in xaqu sara maro. Dhagarta gaalada iyo munaafiqiintuna
baaba' ku dambayso. sidaa darteed waxaa loo baahanyahay:
- Guddiga hawsha hadda u xil saaran ee
ka shaqeeya in la hor mariyo sarana loo qaado si uu qaab mu'asasa ah u
shaqeeyo oo booskii Al-xaramayn buuxin kara inshallaahu.
- Si deg deg ah in macalimiinta iyo
shaqaalaha maraakista 11 ah ee hadda jirta, oo ilaa 100 qof
mushaarooyinkoodana isku celcelis 50$ (average) tahay 100x50= 5000$
salka si fiican loogu dhigo, oo miisaaniyadaas 60,000 $ sanadkan cusub
ee 2005 meel la saaro.
- In sida ugu dhaqsi badan la dhiso
saddex madaraso oo dugsi sare ah, oo shahaada bixiya, kuwasoo la wareega
ardayda kasoo baxda dugsiyada dhexe ee hadda dhisan, si loo joojiyo
dhiig baxa maraakisteenna oo hadda dugsiyada sare ee gaalada ku shubma.
saddexdaas madlab waa deg deg.
- kadib in laysku dayo in dib loo soo
celiyo quraacdii caruurta ee nafaqada lahayd oo shurbaddii saliida iyo
sonkorta lahayd.
- kutubta iyo manaahijta iyo buugaagta
oo ardayda la siiyo.
- raashin nafaqa leh oo dadka loo
qaybsho
- dharka wixii la helo oo dadka la siiyo
- daryeelka caafimaadka oo la xoojiyo.
- masaajidda iyo madaarista jira oo la
dayactiro
- wasaa’isha dacwada sida ifdaaru
saaimka, udxiyada, kutubta, cajaladaha, oo la xoojiyo.
- ardayda dugsiga sare dhamaysa oo
farsamo iyo jaamacado iyo shaqooyin loo abuuro.
- istraatiijiyad in loo dego sidii
dadkan qaxootinimada looga saari lahaa oo dalkii Soomaaliya dib loogu
celin lahaa, dibadana looga celin lahaa.
Waxaan ALLAAH ka baryayaa inuu na waafajiyo sida xaqqa
ah, naguna sugo islaamka nagana dhigo kuwa Islaamka
iyo muslimkaba anfaca, aaamiiiiiiin....
Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi
wabarakaatuhu,
Sh. Muxamad Idris Axmad, Nairobi
6-7/1/2005
Shiikh Maxamed Idiris Waxaa lagaal xiriiri karaa email:
Email:
dalyaqaan@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2005
GALCAARIKII
BOOSAASO LAGU GUBEY.....
WARBIXINTII SOMALITALK EE
XERYAHAY QAXOOTIGA SOOMAALIDA SANNADKII 2000
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|