SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
Daabaco Boggan | Print

»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta



SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Mudane Faarax Macallin Dawaara oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya... Halkan ka dhegeyso...


Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim [12aad]

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah daawo: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir

 



Beesha Ismaaciil Ibraahiim oo ka tirsan beelaha gobolka Mudug oo Taageertey ku dhaqanka shareecada Islaamka.

(Galkacyo) Bayaan ay soo saareen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka culumaa'udiinka ,aqoomyahanada iyo waxgaradka beesha Ismaaciil Ibraahiim (Majeerteen) oo ka tirsan beelaha dega gobolka Mudug, kaasoo la sheegay in lagu taageerayo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo weliba in baahi degdeg ah loo qabo in beeshaasi ay sida ugu dhaqsaha badan haddii laga hirgelin waayo maamul goboleedka Puntland ay si iskeed ah ugu dhawaaqdo maxkamad islaami ah baaqaas ay beeshu soo saartay maalintii shalay ahayd ayay baaqaan soo saareen beesha Ismaaciil Ibraahiim oo ka midah beelaha waa weyn ee dega gobolka Mudug.

waxgaradka, Aqoonyahanka, Culumada  iyo dhalinyarada Beesha Ismaaciil Ibraahiim  oo ka tirsan beelaha gobolka Mudug, ayaa falanqayn dheer ka dib markii ay Arkeen isbedelada  weyn ee sida xawliga ah ku socda ee shacabka Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen goobihii dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta soomaaliya ugu nabadgelyada xumaa maantana noqday meelaha ugu ammaanka badan dalka ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay ku tilmaameen wax lagu farxo lana soo dhaweeyo.

Beesha Ismaaciil Ibraahiim (Majeerteen) ayaa si  qoto dheer leh waxa ay oga doodeen maalintii shalay xaflad aad u weyn oo ka dhacdey HOTEL TAAR CITY ee magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug  meesha dantu ugu jirto maanta inay tahay qaadashada shareecada Islaamka waxay beeshu go'aan ku gaartey oo ay wada saxiixeen qodobo dhowr ah waxaana ka mid ah sedexan qodob.

1. In laga bilaabo maanta  oo ay taariikhdu tahay 25ka bisha 11aad sannadka 2006 ay beesha Ismaaciil Ibraahiim  go,aansatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee waajibka ah sidii Allaah ku cadeeyey quraakiisa in ciddii aan isku xukumin wixii Allaah soo dejiyey(Shareecada Islaamka) inay yihiin wax aan habooneyn oo diinta islaamka ee muqadaska ah lid ku noqonaysa. 

2. Qododbka labaad ayaa waxa uu ahaa In haddii aan Maamulka Puntland qaadan ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay beel ahaan ka madax bannaan yihiin aysana hoos tegin wax shaqo ahna ku lahayn maamulkaasi waa hadii uusan si deg deg ah u taabo galin codsigaas ama bayaankaan beesha islaaciil ibraahiim    

3. Isku soo wada duuboo ugu danbayntii waxay beeshu ugu baaqaysaa in cid kasta ha ahaato shaqsi,koox ama  beel ay wax kaga maqan yihiin beeshaas inay la soo xiriiri karaan culumada beesha si xaqooda loogu xukumo shareecada Islaamka,laga bilaabo maanta.

Dadka ku saxiixan Bayaanka kasoo baxey Beesha Ismaaciil Ibraahiim.

1. Nabadoon Maxamed Ismaaciil Faarax (Kalkaal)
2. Nabadoon Bashiir Colaad Maxamed
3. Nabadoon Maxamed Colaad Maxamed
4. Caaqil      Yusuf Xaaji Axmed
5. Nabadoon Buraale Faarax Yusuf (Buraale)
6 Nabadoon Cabdulaahi  Jaamac Cali
7. Nabadoon Yusuf Cabdi Maxamuud
8. Nabadoon  Warsame Shiikh Gaani (Kubax)
9. Dr  Guuleed Barkhad  Cabdiraxmaan
10. Dr  Maxamed Cabdulaahi Yusuf
11. Shiikh Cabdirisaaq Saalax Suub (suub)
12. Shiikh Yusuf Axmed ow xaaji
13. Shiikh Huruuse cabdi Yusuf
14. Garaad Maxamed Muudir (yaasir)
15. Garaad Cabdulaahi Bashiir Yusuf  
16 Eng Guulwade Abdulaahi Yacquub
17 Maxamed Yusuf Ahmed
18 Yusuf Siyaad Warsame (raage)
19 Haruuse Maxamed Galan
20 Axmed Saalax Cabdiraxmaan (dhoonbe)
21 Jaamac Ismaaciil Yusuf
22 Cabdiqaadir Cabdi Daahir
23 Cabdiwali Maxamed Cismaan
24.Nuur Yaasiin Yaasir
25.Raage Afgaduud Yusuf
 
Waxaa qoraalkan Saxaafada u qaybiyay Afhayeenka beesha (Ismaacil Ibraahiim) Nabadoon Maxamed Ismaaciil Faarax (kalkaal)
 
                Wabilaahi Towfiiq
 
W/d Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)
Galkacyo.Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2006

»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD