SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
Daabaco Boggan | Print


Dawladda Itoobiya xaq miyaa in  khayraadka soomaaliyeed ay daldalato kuna bedelato Maandooriyaha cagaaran ee Qaadka ! 


ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..



Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...


Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG::: Ka akhri halkan.....



Baaq ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beesha Xasan Ugaar (Ciise Maxamuud)

Bayaan ay Garoowe ka soo saartay beesha Abokor Ciise ayaa lagu taageeray ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaana bayaankaas taageeray ilaa 100 xubnood oo ay ka mid yihiin Culumaa'udiin, Ganacsato, Waxgarad, Aqoonyahan iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Axmed Barre oo ah Xildhibaanka beesha Xasan Ugaar ee Barlamaanka Puntland iyo C/qaadir Cilmi oo ah Xoghayaha Dawladda Hoose Garoowe. Waxana uu u qoraa sidan:
_______________________________
17/11/2006 Garowe-Puntland Somalia

Beesha Xasan Ugaar oo Bayaan lagu taageerayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka ka soo saaray Garoowe-Puntland

Anagoo ah beesha Xasan Ugaar ee Abokor Ciise, markii aan shirar iyo kulamo kala duwan oo ku aadan wacyiga Puntland ee waqti xaadirkan yeelanay.

Markaan aragnay in:-

  • 1-Kacaanka Islaamiga ah ay horkacayaan Maxaakimta Islaamiga ah ee Midoobay uu ka bilowday Soomaaliya gaar ahaan Gobbolada koonfureed.
     
  • 2-Cadaalad darada ka jirta maamulka sii liicaya ee Puntland.
     
  • 3-Xaqiridda iyo ku tumashada xaqq-darada ah ee lagu hayo dadka islaamka ah
     
  • 4-Caburinta aan maangalka ahayn uu maamulkaasi ku hayo xoriyada iyo is hortaaga diinta Islaamka.

Waxaan go'aansanay in:-

  • 1-La qaato kitaabka ILAAHEY iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
     
  • 2-Maamulka Puntland ee hadda jira ee uu horkacayo Gen. Cadde Muuse uu xilka ku wareejiyo culumaa'udiinka ka soo jeeda Puntland si ay ummada ku dhaqan gobboladaas ugu xukumaan shareecada Islaamka.
     
  • 3-La taageero cid alla iyo cidii ku dhaqanta Shareecada Islaamka.
     
  • 4-Cadowga diinta Islaamka gaar ahaan Itoobiyaanka ay wadanka isaga baxaan.
     
  • 5- La burburiyo xabsiyada iyo ciidanka la magac baxay Ashahaado la dirirka ee ka jira gudaha Puntland.
     
  • 6-Dalka Soomaaliya dhamaantiis la gaarsiiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
     
  • 7-Laga waantoobo dadka qabiilka ku qaraabanaya ee oranaya qabiil baa shaar diimeed noo soo gashaday.
     
  • 8-Midnimaada Ummada Soomaaliyeed waa mid muqadas ah oo lama taabtaan ah, cid kala sheegan karta dalka oo Soomaali ahna aysan jirin.
     
  • 9-Dastuurka Ummada Soomaaliyeed inuu noqdo kitaabka ILAAHEY.

Xubnaha beesha ee soo saaray bayaankan lagu taageerayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo gaaraya ilaa 100 xubnood oo ay ka mid yihiin Culumaa'udiin, Ganacsato, Waxgarad, Aqoonyahan iyo siyaasiyiin waxaa ka mid ah:-

  • 1) Axmed Barre (Xildhibaanka beesha Xasan Ugaar ee Barlamaanka Puntland)
  • 2) C/qaadir Cilmi (Xoghayaha Dawladda Hoose Garoowe)
  • 3) Cabdifataax Maxamed Daahir (Ganacsade)
  • 4) Warsame C/llaahi Diiriye

Afhayeenka Beesh Xasan Ugaar
Ku Dhaqanka Shareecad Islaamka
Axmed Barre
Mail: axmed.bare1969@hotmail.com
Garoowe-Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006


Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG
Khilaafkan cusub ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha uu aqbalay soo jeedintii culumada Puntland ay... Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD