Cadde
Muuse Caburinta ka Dhaaf Shacabka Puntland
- Waxaa qoray Xuseen
Cabdi Ciise
Hussein_abdi@hotmail.com
Soomaaliya waxay soo martay
ugu yaraan saddex nidaam maamul oo kala duwan oo uu ugu
horreeyey kii ku dhisnaa habka xisbiyada badan asagoo aan
waxba ka badalin habmaamulkii gumaysigii ka horreyeey ee
xukunka u dhiibtay isagoo usoo tababartay dad uu ku kalsoon
yahay oo habkiisii sidiisii u raaca aanna waxba ka badalnayn
oo gumaysigii uu dad ahaan uga baxay wadanka laakiin uu
maamul ahaan u joogay wadankii hadday ahaan lahayd dhanka
Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo maamulka toona. Xukunkii
xukuumaddaas wuxuu noqday mid ku salaysan musuqmaasuq iyo
wax isdabamarin uusan qofka Soomaaliga ahi uusan helin wuxuu
xuquuq ugu lahaa dawladda, ha ahaadaan dhanka caafimaadka,
shaqada, daryeelka dadweynaha, nabadgalyada.
Waxaa ku xigay kii
Kacaankii 21 Oktoobar oo uu hoggaaminayey allaha u
naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre asagoo markaas ahaa
Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya afgambi aan
dhiig ku daadanna ku qabsaday wadanka kadib markii la dilay
Madaxweynihii wadanka Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke
oo asagu xukunka ku qabsaday doorasho ay xisbigiisu tirada
ugu badan ee xubnaha Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaa
jiray ku guulaystay. Xukunkii Jaalle Maxamed Siyaad Barre
wuxuu ahaa xukun ku dhisan habka Hantiwadaaga Cilmiga ku
dhisan, kaasoo ka fog Shareecada Islaamka lagana minguuriyey
wadanka Ruushka oo ay markaas isku dhawaayeen. Xukuumaddii
Siyaad Barre waxay caburisay dadkii, waxay hor istaagtay
saxaafaddii xorta ahayd, waxay laysay culamadii,
saraakiishii ciidamada, aqoonyahanaddii, waxay lumisay
kalsoonidii dadweynaha, laakiin waxay ku dadaalaysay in ay
shanta Soomaaliya soo celiso waqtiyadii xukunkeeda u
horreeyey, waxay wadanka aysan keenin Ciidammo cadow ku ah
mustaqbalka iyo aayakatalinta Soomaaliya, waxay samaysay
Waxbarasho lacag la’aan ah laga bilaabo dugsi hoose illaa
jaamacad iyo PhD taasoo wadanka mustaqbal fiican u horseedi
lahayd haddii uu heli lahaa maamul wanaagsan inkastoo
faragalintu ay dibadda ka socotay loona adeegsaday gacmo
soomaaliyeed oo ayagu dalkooda gacmohooda ku burburiya si ay
u gaaraan ahdaaftooda iyo cidda ay gacanta ka helayaan
labadaba. Aakhirkii waxaa ugu dambaysay inay bankiyadii
kacaan, in aamaankii uu ciriiri galay, in xarkii taleefanada
la goosto, in birihii ama tuubooyinkii biyaha lala baxo, in
shaqaalihii mushaarkii ay lahaayeen ay waayaan iyo in ugu
dambayntii xabbadii ka bilaabatay suuqaqii muqdisho kadibna
lagu yaaco oo qofwaliba meeshii uu ku ogaa qof uu ciil qabay
ku raadsaday si uga aarsado taasoo sababtay in waalidkii ay
caruurtoodii ka cararaan, in caruurtii oo aabohood maanta
shaqo tagay maydkiisii loo keeno amaba illaa iminka aysan ka
war haynin caruurtii meel aabohood ku dambeeyey.
Waxaa ugu dambeeyey xaaladdii fowdada ee cuntay wax kasta oo
nafi ku jirtay iyo waxaysan nafi ku jirin intaba. Xaaladdan
fowdada oo waddankeennu ku jiray inka badan 15 sano waxaa
samaysmay maamullo aan waxba dhaamin kuwii ka horreeyey
kuwaas oo danohooda ka hormariya danaha dalka iyo dadka
Waxaa la wada ogsoon yahay in haddii shacab la cadaadiyo ay
marka dambe xarigga goostaan taas waxaa tusaale u ah waddamo
aan ahayn Soomaaliya sida wadanka Indonesia, Georgia, South
Africa iyo Soomaaliya oo ilaahay ka dulqaaday
qabqablayaashii calooshood u shaqaystayaalka ahaa ee haddana
u adeegayey dano shisheeye leeyahay iyo dawladdii kaligi
taliska ahayd. Indonesia wuxuu xukumayey suhaarto muddo
kabadan 30 sano waxaa ilaahay qadaray in markii shacabkii ay
waxay dawladooda ka filaayeen ka waayeen ay muddo bil iyo
bar ah mudaharaadyo jidadka isugu soo baxeen iyagoo leh
Suhaarto ku doonimayno, illaa uu is casilay Suhaarto iyadoo
aan xabad lagu ridin.
Georgia waxay ahayd meeshii doorashada dadka la
musuqmaasuqay ka dibna ay dadweynihii reer Georgia iyadoo
qabowga iyo barafka ugu daran ay dhacayaan haddana si ay u
xaqiijiyaan go’aankooda in ay u adkeysanayeen wax kasta oo
ku dhacayey hadda in booliisku ku buufinayey sunta dadka
kaga ilmaysiisa burarna la dhacayeen.
South Africa waxay ahayd meeshii ay xukumi jireen caddaanka
tirada yare ee asalkoodu ahaa Ingriiska, dadkii waddanka
lahaa ee madowga ahaa ee tirada badnaa wax xuquuq ah oo ay
wadankooda kheyraadkiisa ku lahaayeen ma jirin sidaa
daraadeed waxay halgan u galeen inay iska xoreeyaan
caddaankii tirada yaraa waxaana hoggaaminaysay halgankoodaas
jabhaddii la oran jiray ANC (African National Congress) oo
uu hogaaminayey Nelson Mandella oo xabsi ku jiray muddo ka
badan 30 sano markii ay madowgii ka awood roonaadeen
caddaankii tirada yaraa ee xukumayey muddo nus qarni ka
badan ay markii dambe u ogolaadeen dadkii madoobaa
xuquuqdoodii Nelson Mandella xabsigii ka soo baxo illaa uu
madaxweyne ka noqday Koofur Afrika isagoo si xor ah loo soo
doortay.
Soomaaliya waxay ahayd meeshii ay shacabka Soomaaliyeed kala
kulmeen dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid ahaayeen dil,
dhac, bililiqaysi, kufsi iyo barakac farabadan oo ay
geysteen jabhadihii qabiil iyo dawladdii kalagi taliska
ahayd ee cilmaaniga ahayd. Soomaaliya waxaa ka dhacay wax
aan ka dhicin wadan adduunka ah sida dil dad jamaaci ah ama
wadareed oo ah in la iska xasuuqo dad badan oo sabab loo
xasuuqayaa aysan jirin aan ka ahayn inay yihiin qabiil hebel
mooyaane. Soomaaliya waxaa ka dhacay dhac oo dad farabadan
hantidoodii ay ku waayeen lagana dhacay iyadoo wax dambi ah
oo ay ka galeen aysan jirin, waxaa kaloo ka dhacay
bililiqaysi ama boob hanti guud iyo mid gaar ahaaneedba
taasoo ka dhigtay nin faqiir ahaa inuu ku taajiro maalin
gudaheed mid taajir ahaana uu ku faqiiroobo maalin gudaheed,
waxaa kaloo ka dhacay Soomaaliya in la kufsaday dumarkii
habartii waayeelka ahayd, tii dhalinyarada ahayd, gabadhii
iyo foodlaydii intaba iyadoo ay dhacayso in marmarka
qaarkood lagu hor kufsada ninkeedii, walaaalkeed, iyo
aabaheed hortooda
Wuxuu ogyahay qofkasta oo
Soomaali ah ogyahay inay waxaas oo dhan ay ka dhasheen
Caddaalad Darro iyo sad bursi ah in dad yari ay ku takri
falaan dhaqaalaha waddanka soo gala. Dadku markay arkaan
ninka wadanka xukuma, wasiiradiisa, iyo qaraabadooda inay ku
takrifalayaan dhaqaalaha wadanka oo iyagu qaadanayaan
lacagta ugu farabadan, baabuurta ugu qurux badan haddana
dhisanayaan guryaha ugu dhaadheer uguna waaweyn aysanna dan
ka lahayn masaakiinta, fuqurada, agoonta, iyo dadka
nidaamkaas u shaqeeya oo ayagu mushahaar ku noolka iyo
dadweynaha isugu jira mid reer magaal ah, mid reer baadiye
ah, arday, askar, iyo shaqaale isugu jira mid u dawladda iyo
u shaqeeya private sector kulli dadkaas oo dhami waxay ula
siman yihiin manaafacaadka waddanka kuwa gacanta ku haya,
kuwa maamulaya iyo kuwa xukuma intaba.
Haddaba waxaan u sheegi lahaa inay madaxda dawlad goboleedka
puntland ay dadka shacabka ah u dhaafaan xorriyadooda oo
aysan cabburin rayi’gooda, dooniddooda, iyo waxay ayagu
raalli ku yihiin oo ah inay isku xukumaan shareecada alle SW
taas oo ah mid loo siman yahay dadka adduunka oo dhan aanna
aqbalayn leexin, eex, qabiil qabiil kale gumaysta iyo
sadbursi xaggana allana loogu kala dhow yahay looguna sharaf
badan yahay kii ugu cabsi badan.
Waxaa Qoray Xuseen Cabdi Ciise
Hussein_abdi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 11, 2006
Xisbiga Ramaas oo si kulul uga horyimid Wareegto
kasoo baxday Madaxweynaha DGPL
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay
Guddoomiyaha xisbga Daahir Ciiro
Guji
Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada
Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...
Guji...
|