London: Shirwaynaha
Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee London
Shir ay shalay soo
qaban-qabiyeen xubno dhallinyaro ah oo aad u fir-fircoon
kana tirsan Jaaliyada Puntland iyo Jubaland ee reer UK ayaa
lagu qabtay magaalada London, shrkaas oo gogol xaar u ahaa
mid weyn oo lagu ballan san yahay in lagu qabto isla London,
UK, 27ka May 2007 oo dhalliyaradu qaban-qaabadeedii
diyaariyeen.
Shirka shalay ka dhacay
London waxay qaar ka mid ah gudiyada Beelaha dega Puntland
iyo Jubaland isla soo qaadeen islana garteen:
· Arrimo dhowr ah oo ku
saabsan danaha mustaqbakla fog iyo kuwa dhowba ee labadaas
degaan iyo dadka ku nool.
· In lasoo dhammaystiro guddiyada Jaaliyadda.
· In dadka imaanaya shirweynaha warbixin laga siiyo marka
hore xaaladaha labadaas degaan, gaar ahaan midda Jubaland oo
xasaasi ah xillaga lagu jiro, kadibna laysla garto wixii dan
loo wada arko oo wadajir looga qaban karo.
· Waxaa kaloo in badan waxgaradka shirka kasoo qaybgalay
intii ka hadashay badankood ku nuux-nuuxsadeen, ayagoo
tusaaleyn iyo sixitaan ula jeedana carrabka ku dhufteen,
dhibaatooyinka iyo cabashada Maamul-Goboleedka Punltand ka
soo yeera in wax laga qabto, Jaaliyadduna doorkeeda ku
yeelato. Waxaa arrimaha la carrabaabay ka mid ah:
· Sidii loo heli laha Amni iyo Caddaalad dadka degaanka
Puntland dhammaan wada raali gelisa intii la kari karo.
· Sidii Dawlad-Goboleedka Puntland loogu gudbin lahaa hadba
talada loo garto inay dan u tahay wadajirka, horumarka iyo
caddaaladda ummadda reer Puntland, wixii khaldanna loo sixi
lahaa.
· Sidii jaaliyaddu ay uga qaadan lahayd doorka ay ku
leedahay degaannada ay ka soo jeedu iyo waddanka lajoogo
sidii wax looga qabsan lahaa loolana saan qaadilahaa
arrimaha ka soconaya oo saamayn ku yeelan kara jaaliyadda
nafahaanteeda iyo gobolada ay ka soo jeedo intaba.
Dadka qaban qaabinaya kulankan ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Dr Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji – (Shir-guddoomiye)
2. Axmed Siciid Geele Garoon– (Shir-guddoomiye kuxigeen)
3. Maxamuud Cisman Dicin- Xaynwade
4. Xasan Maxamed Salax - Xasan Soomaali
5. Dr Maxamed Xassan Barre
6. Aadan Guureeye Kaarshe
7. Gudi Ciise Nuur
8. C/risaaq Khaliif Salxaan
9. Ugaas Burhaan Cilmi Xirsi
10. Prof Xuseen Xasan Faarax
11. Inj Maxamed Salaad Weyrax
12. Xuseen Axmed Xasan Fiqi
13. Dr Maxamed Cismaan Cabdule
14. Cabdilaahi Axmed Aadan
15. Xirsi Xaaji Jaamac
16. Cali Abshir Ciise
17. Axmed Maxamuud Sardheeye
18. Axmed Geele Xuseen
19. Ibraahim Abtiile
20. Col Qamaan Axmed Gamuute
21. Col Abdiqani Ashkir Ali
22. Cismaan Jaamac Yuusuf
23. Xasan Nuur Jibriil
24. Ciise Xaashi Xasan
25. Inj Maxamed Xaaji Xaashi
26. Ciise Cabdule Cali
27. C/raxmaan Maxamed
28. Faarax Dalmar
29. Axmed Faarax
30. C/salaam Maxamed Xaaji
31. Maxamed Jaamac Qodax
32. Xuseen Saleebaan
33. Maxamed W Boss
34. Yuusuf Cali Fanax
35. Maxamed Xasan
36. Axmed Maxamuud Cabdale (Kudar)
37. Maxamed Faarax Naakhuute
38. Suldaan Gacamey
39. Saleebaan Cabdisalan Ibraahim Cali
Shirka weyn ee kadhacaya Magaalada London
Kulankaasu wuxuu dhici doonaa 27/05/2007 oo ah maalin Axadda
ah Saacadu marka ay tahay 1 Duhirnimo wuxuuna ka dhici
doonaa magaalada London, UK. Ciwaanku waa: 20 Merrick Road
Southall UB2 4AU, wuxuuna u dhow yahay Station-ka “Southall
Train Station”, waxaad kaloo soo raaci kartaa Basaska kala
ah: 195,H32,120; waxaad kaloo soo raaci kartaa Khadka
Treinka British Rail-ka ka soo baxa Paddington soona mara
Ealing Broadway.
Wixii intaas dheer kala xiriir
Ibraahim Jamac Farah [Abtiile] 07960580485
Ahmed Siciid Gelle Shoodhe 07949951057








Diyaariye:Maxamuud Maxamed
Xasan Shire
Soo gudbiye: A/rizak koronto
Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2007


|