SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Garoowe: Wadaadada Qaadiriyada oo weeraray masaajid ku yaal Garoowe...

Habeenimadii Sabtida ee Axaddu soo geleysey (May 20, 2007), wakhtigii salaad cisha, ka hor ayaa waxaa soo weeraray maasjidka Al-Raxma oo ku yaal bartamaha magaalada, koox debleey ah, mar uu tafsiirka Quraanka Kariimka ah ka socday masaajidka.

Dad goob joog ahaa, ayaa u sheegay SomaliTalk, in ay niman hubaysan soo galeen deyrka masaajidka, dabadeedna rasaas fureen.

Weerarkaas masaajidka wax khasaare ah ma uusan geysan dhimasho iyo dhaawac toona.

Beryahaan danbe, waxaa magaalada Garoowe dhexdeeda lagu arkayey baabuur farabadan oo nooca tiknikada ah iyo sidoo kale, rag aad u hubaysan oo ka tirsan Qaadiriya ee Gobolada Puntland, iyadoo uu haatan ku sugan yahay wadaadka ugu sareeya Qaadiriya gobolada puntland, magaalada Garoowe.

Waxaa beryahaan danbe ay dadku isla dhexmarayeen waxa ay u danleeyihiin Qaadiriyada oo aan waligood la arag iyagoo sidaan oo kale u hubaysan.

Waa markii ugu horeysay oo la arko baabuur iyo ciidan aad u hubaysan oo ay wataan Qaadiriyadu.

Waxaa ku cusub Garoowe, in arintii ahaan jirey isdhaafsi hadalo kulkul ay haatan isu bedeshay xabad.

Maamulka Puntland ayaa hada ka hor dood cilmiyeed isugu keenay labada dhinac masaajidka Saxaaba ee magaalada Garoowe , kaas oo amaankiisa aad loo adkeeyey ayna ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo ka trisan dowlada iyo daweyne aad u fara badan.

Waxyaalihii laysku mari waayey ka dib markii kitaabta laysu soo gurtay ayaa waxaa ka mid ahaa, in la masaafaysto gabdhaha oo ay culumada kale ku sheegeen wax diintu inaga xaaraantimaynayso, halka Qaadiriyaduna ay arintaas difaaceen, iyagoo tusaale, u soo qaatay waxay ugu yeereen dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ahaa kaasoo labada qof isla baxaan maadaama ay iyagu isdoorteen, balse taas culumada kale ayaa ku tilmaantay mid laga soo gudbay oo wakhtigii jaahiliyada ee diinta ka hor la isticmaali jirey.

Buurtinle ayeey ahayd meeshii haatan ka hor ay ku dhinteen uu ku jiro iimaankii masaajidka , wakhti lagu guda jirey salaadii cishaha, ka dib markii bambo lagu soo tuuray masaajidka dhexdiisa, taas oo khasaare ba'an geysatay, xiligaas ka horna waxaa jirey in gacmaha laysula tago tiro ka dhawr jeer.

Haatan, inkastoo ay arintu cusub tahay hadana majirto cid ku mashquulsan sidii loo xalin lahaa.

Isku soo wada duub oo dadku waxay isweydiinayaan, " nin masaajid weeraray cida uu cafinayo".

Kalluumaysatadii ay soo qabteen ciidamada ilaalada xeebaha DGPL oo la sii daayey.

Waxaa Axadii May 20, 2007 ooda laga rogay dhamaan maxaabiistii ay soo qabteen ciidamada ilaalada xeebaha ee Puntland.

Siideynta maxaabiistaan ayaa timid ka dib xiiriir dhex maray maamul goboleedka Puntland iyo safiirka Masaarida ee Soomaaliya.

Tirada maxaabiista ayaa lagu sheegay 45 oo saddex ka mid ah yihiin kabtanno.

Tirada marakiibta ayaa iyana ah labo markab oo laga Leeyahay isla dalka Masar, maxabiista baxarida oo mudo 3 toddobaad la hayey ayaa maanta dib loogu soo celiyey maraakiibtii ay saarnaayeen oo ku xiran dekada magaaladan Boosaaso, waxaana ka muuqatay farxad sida ay sheegayaan dad goob joog ahaa.

Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya Saciid Maxed Mursi ee oo muddo ku sugnaa magaladan Boosaaso ayaa ku amaanay maamulka Puntland siidaynta baxrida reer Masar.

wasiirka dekedaha iyo kalluumaysiga iyo Safiirka dalka Masar Saciid Maxed Misri ayaa shir jaraa'id si wada jir ah ugu qabtay xarunta wasaaradaa.

Saciid Maxed Raage ayaa ugu horayn Saxaafada uga waramay sababta keentay siidaynta maxbiistan waxana uu sheegay in ay isku afgarteen maamulka Puntland iyo Safiirka Dowlada Masaaridu.

Walina waxay maraakiibtii iyo shaqaalhii ku sugan yihiin magaalada Boosaaso, oo ay dhaqso uga shiraacan doonaan.

Shirkii Nabad-gelyada Gobolka Mudug oo soo geba-gaboobay:

Shir looga hadlayey nabad-gelyada guud ahaan gobolka Mudug oo uga socday odayaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa la soo geba gabeeyey, lays kuna af gartay dhamaan waxyaalihii ay kawada hadleen cuqaashu.

Gobolka Mudug waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa loo aanaynayaa dhacdooyinkaas inta badan in ay keenaan, aanooyin qabiil, kala dhac gawaari, daaqsinta xoolaha iyo ceelasha oo laysugu yimaado iwm.

hay'ada DRC ayaa u fidisay gogasha ay isugu yimaadeen odayashaan oo dhowaantaan shir kan lamid ah ugu qabatay odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal magaalada Garoowe.

Qodobada laysku afgartay labada dhinac ayaa waxaa ka mid ahaa. in aan la difaacin gacan ku dhiiglaysaha, in lasu soo celiyo wixii la kala dhoco sida gawaarida , in dadka lagu wacyi geliyo in la sii xoojiyo wada noolashaha dadka walaalaaha ah ee ku nool gobol kaas, in layska kaashado dhinacyada wax wada qabsiga gobolka iyo qodobo kale oo fara badan.

mid ka mid ah odayaasha ka soo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo lagu magacaabo, Yuusuf Xaashi Cilmi ayaa u sheegay saxaafada in ay odayaasha labada dhinac oo isku duuban ay wacyi gelin ku soo sameeyeen dadka ku nool Gobolka Mudug, Waqooyiga iyo Koonfurtaba.

Gobolka Mudug ayaa ah gobol ay wada degan yihiin dad ka wada shaqeeya dantooda guud oo isku dhexnool, xaga ganacsiga iyo wax wada qabsiga kaleba, balse dad yar oo wax ma garata ah ayaa mararka qaarkood ku kaca falal burcad nimo.

Isku soo wada duub oo, maanta ka dib dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, gobolka Mudug wuxuu ka mid yahay gobolada ugu degan Soomaliya, waxaana ku soo barakacay kumayaal dad ah oo ku soo cararay dagaaladii magaalad caasiimada ah ee Muqdisho.

Dowlada Hoose ee Garoowe oo boorka iska jaftay:

Waxaa lagu dhaliili jirey duq-magaalooyinkii hore ee soo maray Garoowe, kuwa aan waxba ka qaban daryeel ka degaanka, sida nadaafada wadooyinka, dhulka sida sharci darada ah loogu habsado oo bilicda magaalada wax weyn u dhima.

Hada, duqa magaalada Garoowe, C/qaadir Cismaan Foodcade ayaa dadku ku amaanayaan wax ka qabadka bilicda iyo nadaafada magaalada caasiimada ah ee ay isugu imaanayaan dadka badan ee ka kala imaanaya dhamaan gobolada DGPL , kuwa Soomaaliya amaba caalamka.

Waxaad ku arkaysaa magaalada meelo badan oo dhegax iyo guryo sharci daro ahaa ka dhisnaan jireen oo iminka si fiican looga shaqeeyey. meesha ugu nadaafada xumeyd ayaa ahayd Togga Majo-Maqarsho ee biyaha siiya dooxooyin badan oo ku yaal gobolka Nugaal.

Majo-maqarsho wuxuu ahaan jirey meel nadiif ah oo ay ka cabaan xoolaha nooc kasta, sida geela, lo'da, ariga, fardaha iyo dhamaan nafleyda kale iyo sidoo kale dadka.

Balse, sana dadaan danbe ayaa Togga Majo-Maqarsho wuxuu musqulo iyo kudaafad u ahaa dadka soo barakacay.

Maanta mar aan soo maray Togga ayaan waxaan ku arkayey iska-rogooyin iyo dadweyne ka wada olole nadaafadeed waxaana ka muuqday bilic wanaagsan.

Togga Masho-maqarsho wuxuu u dhaxeeyaa meelaha ay dadku ugu badan maraan.
Wuxuuna u dhaxeeyaa Magaalada iyo Jaamacada Puntland State University, Garowe Teacher Training College, Isbitaalka Guud ee Garoowe, Xeradii Ciidamada Militeriga Soomaaliya qeybtii Konton iyo Afraad iyo waliba iminka oo laga dhisay guryo hoteelo ah oo aad u qurux badan, sidaas awgeedna waxaa isdaba maraya oo togga goynaya dadka u socda meelahaas muhiim ka ah. Waxaad ku arkaysaa magaalada baabuur ay cod-baahiyaal cod dheer ku xiran yihiin oo lagu wacyi gelinayo dadku in ay dhawraan nadaafada.

Maxamuud Cumar Bill
Garoowe
mcbille@gmail.com
252-5-794242

May 20, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD