- Garowe: Gudoomiyaha
Xisbiga Ramaas Daahir ciiro oo shirjaraaid oo uu qabtay
kaga hadlay arimo badan.
- Garowe: Kulan loogu
magacdaray wax is waydaarsiga dhalinyarada Maanta oo ka
dhacay Garowe.
- Bosaso: Ganacsato
kakala socota Gobalada puntland oo shir ku yeeshay Hotel
Karaama ee magaalada Bosaso.
Garowe: Gudoomiyaha Xisbiga
Ramaas Daahir ciiro oo shirjaraaid oo uu qabtay kaga hadlay
arimo badan.
May 18, 007: Gudoomiyaha Mucaaradka ah ee Xisbiga Ramaas
Daahir Ciiro oo maanta shirjaraaid ku qabtay magaalada
Garowe ayaa shirkiisa Jartaaid kaga hadlay arimo badan oo
isugu jira Siyaasada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Khilaafka
Golayaasha Dawlada, Siyaasada Gudaha iyo Dibeda ee Puntland
iyo arimo kale.
Gudoomiyaha
oo ka hadlayay shirkaasi Jaraaid ayaa sheegay ugu horaynba
in baryahaan danbe ay wajiyo nooc kale ah oo aan wax lagu
sheegaa jirin ay la soo baxday siyaasadii Puntland waxana uu
shegay in ay arintaasi sabab uu' u yahay Madaxwaynaha
Puntland oo aan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday,
Dayacayna Masiirkii umada Puntland.
Waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in Marka uu Madaxweynuhu uu u
anbabaxo dalka dibadiisa gaar ahaan halka safaradiisa inta
badan ay khuseeyaan ee Dubai uu ku galo Passapor Canadian ah
oo uusan marka horeba matalin Puntland isaga oo goostay Visa
dalku gal ah isla markaana ah muwaadin Canadian ah oo uusan
matalin mushtamaca Puntland taasina ay dhaxal siisay
madaxwaynaha in uu Hotel iska dago kana fakaro
caafimaadkiisa maadaama uusan ahayn siyaasi Puntland ma tali
kara oo ah Canadian.
Godoomiyaha ayaa intaas ku daray in Madaxwaynuhu sheegay
markii uu Bosaso ka soo dagay in ay puntland horumar marba
marka ka danbaysa ay ku sii tilaabsanayso hadalkaas oo run
ahaantii xaqiiqada ka fog waayo buuyiri gudoomiyaha Xibiga
Ramaas Daahir ciiro oo shirkiisa jaraaid kaga hadlaya
arintaas oo uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyay, ma aragno
horumarka Madaxwaynuhu sheegayo umada yaan been loo sheegin
oo waxaan jirin laga dhaadhicin mustaqbalkoodana yaan lagu
ciyarin.
Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ku dheeray arimaha dhaliyay
khilaafka ka jira Gudaha puntland oo maalmihii ugu danbeeyay
si wayn u soo shaacbaxay waxana uu arintaas sabab uga dhigay
Musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Golayaasha xukuumada waxana
uu sheegay in aritna sida wayn u kicisay khilaafka ay tahay
maqnaanshaha Madaxwaynaha uu ka maqan yahay dalka oo ah mid
fara badan isaga oo aan dib u soo eegayn xaalka dalka uu
maryo islamarkaana Daga Hotel oo uusan nina ka warqabin
halkaas oo markaasi si wayn uga fakaro Caafimaadkiisa iyo
wixii uu kula tacaali lahaa sidii uu u sii kobcin lahaa
Caafimaadkiisa oo in badan ka fakaro Caafimaadkiisa oo kalia
oo uusan ka fakarin xaalka Dalku uu marayo.
waxakale oo sabab looga dhigayaa ayuu yiri Gudoomiyaha
Ramaas Maxjarka sida wayn la isugu khilaafsan yahay oo laga
wado dhismihiisa meel ka mid ah Gobalka Bari, Maxjarkaas oo
qandaraas ahaan la siiyay Nin Sucuudiyaan ah oo sida la
shegay 100% qaatay halka ay ganacsatadii Puntlandna aysan
arintas gabi ahaanba aysan ku qanacsanayn oo ay si wayn uga
soo horjedo sida uu sheegay gudoomiyuhu, Arinkaas oo dhaxal
siisay Siyaasadii Puntland mid kala faquuqmatay iyada oo
arintaas darteedna isku casilay Wasiirkii Xoolaha Beeraha
iyo deegaanka Siciid Jaamac Qoorsheel,
Sidoo kale khilaafka siyaasada ah waxaa ka mid ah Dhagaxanta
laga rarayo Dekeda Bosaso taasi ooWasiirka Maaliyada Gaagaab
oo si wayn uga horyimid kuna tilmaamay khiyaano qaran
hadalkaas oo si wayn uga caraysiiyay Madaxwaynaha Puntland
keenayna in gaagaab shaqadii laga joojiyo Wasiirnimo iyada
oo ay hada miiska madaxwaynha ay saarantahay warqadii
Ruqsada ahayd ee Gaagaab shaqada Wasiirnimo looga
joojinlahaa Sida uu sheegay gudoomiyuhu, Waxana uu shegay in
ay arintaas ay ka soo baxday Agaasimaha Madaxtooyada
Caydaruus islamarkaana ay haatan saaran tahay Miiska
Madaxwaynaha iyana waan sugayna wixii ka soo baxa ayuu yiri
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahir Ciiro.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay gabi ahaanba
burburtay Siyaasadii, dhaqaalihii dalka.
Isaga oo arimaha dhaqaalaha ka hadlayana waxa uu Xaalka
dhaqaalaha puntland halka uu maanta marayo waa meel aad u
hoosaysa inaga oo filaynay markii aynu maamulka dhisanaynay
ee ahayd 1998dii ay wax wayn iska badali doonaan dhaqaalaha
puntland fikirkaas oo ay dad badani qabeen ayaan hadana wax
ka soo naasacadaaday aysan jirin iska daa horumar dhaqaale
la gaaree intii la haystay ayaaba sii bur buraysa, Falaartii
cirka loo tuurow Nin Walow Filo.
Shirkada Neesha ayuu gudoomiyuhu ku tilmaamay in aysan ahayn
shirkad Qaran oo ay tahay Shirkad Dad gaara ay iska
leeyihiin iyada oo ay shirkadaasi qaban wayday Hawlihii loo
igmaday waxana uu gudoomiyuhu shegay in waajibaadka shaqo ee
shirkadaas loo dhisay ay ahad in ay waxbadan ka qabato
Jidadka, Garoonada, wadooyinka waawayn ee ah halbowlaha
dhaqaale ee Puntland dhisida wadooyin Cusub, Banaynta
jidadka, Dayac tirka wadooyinkii burburay iyo arima kale,
waxana uuu shegay gudoomiyuhu iska daa in intas wax laga
qabtee ku wii markii hore la haystay ayaa gabi ahaanba ah
kuwo burburay oo aan maanta la isku halayn karin, ay gabi
ahaanba gabtay shirkadii loo dhisay ee Neesha oo noqotay mid
hawlgab ah.
Gudiimiyaha Xisbiga Ramaas waxa uu shirkiisa Jaraaid ku
shegay in ay isu soo taagayaan Doorashada soosocota ayna
kaga qayb galayaan Xisbi ahaan isla markaana waxa uu
mushtamaca Puntland ugu baaqay in ay u codeeyaan cida ay
rabaan oo aysan marna ka ogalaan Koox yar ah ooo baarlamaan
ku shegay in ay wax doortaan islamarkaana ay ku duudsiiyaan
masiirkooda iyaga oo ka gadanaya hadba cida ay lacag ka
helayaan halkaasina lagu waayayo Hogaankii hagi Lahaa
puntland.
Gudoomiyuhu waxa uu shegay in ay haboontahay in la qabto
doorasho xiligeeda oo aan laga dibdhigin waxana uu yiri sida
muuqata ma muuqato in ay xukuumadu ka go'an tahay in ay
qabato dorasho waayo looma jeedo sansaan doorasho oo
xukuumada ka Go'an sidaa darteed waxaan dadwaynaha Puntland
ugu baaqaynaa in ay u is taagaan sidii ay u badbaadin
lahaayeen dadnimadooda iyo dalkooda oo aysan ka ogalaan in
afduub lagu haysto oo kooxo yar oo danaystayaal ah ah dalka
iyo dadkaba ay afduub ku haystaan.
Ugu danbayntii gudoomiyuhu waxa uu ugu baaqay mushtamaca
Puntland in ay indhaha ku hayaan wixii dantooda ah isla
markaana ay si wayn ula Xisaabtamaan Cida Xilka u haysta oo
aysan ka warwareegin ay si kafool kafool ah ula
xisaabtamaan.
Garowe: Kulan loogu
magacdaray wax is waydaarsiga dhalinyarada Maanta oo ka
dhacay Garowe.
Kulan ay isugu yimadaeen dhalinyaro tiradooda ay gaarayso 50
meeyo loogana hadlayay Jiilka soo koraya iyo SIyaasada ayaa
waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay dhalinyaro fara badan
oo ay si wayn isula la fa gureen Xaalka jiilka soo koraya ee
Umada Soomaaliyeed Gaar ahaana kuwa Puntland waxana ay
dhalintaasi shegay in mushtamac soo koraya ama kobcaya laga
fiiriyo sida ama qaabka ay u fikiraan dhalinta wadankaasi ee
aanay ahayn halka laga fiiriyo madaxda dalkaasi.
waxay shegay in jiilka Somaliyeed ay dayaceen Kaalintoodii
waajibaadka ku ahayd ee ka saarnayd dalkooda isla mar
ahaantaasna ay yeelan waayeen fikir midaysan oo wax ku ool
ah.
Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale si wayn u dhaliilay qaabka
iyo siyaasada Puntland ee ka saaran dhalinta waxayna sheegan
in aysanba jirin xirii u dheexa madaxda puntland iyo
dhalinyarada isla markaana ay masuuliyiinta puntland gabeen
kaalintoodii ka saarnayd dhalainta.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta
puntland in ay wax badan ka qabtaan xaalka uu dalku haatan
marayo silamarkaana ay arimaha dhalinyarada siwayn looga
hadlo loogana doodo islamrkaana dhalinta laga siiyo ama laga
qayb galiyo siyaasada, fikirka.
ugu danbayntii shirkii ay yeesheen dhalinyarada oo loogu
magacdaray wax is waydaarsiga dhalinta maanta ayaa waxaa
laga soo saaray qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen.
1- in la joogteeyo kulamada noocaan o kale ah
2- in la badiyo xiriirka siyaasiyiinta iyo dhalinta
3- in la sameeyo doodo looga qaybqaadanayo is bedelka dalka
iyo qodobo kale oo badan
Bosaso: Ganacsato
kakala socota Gobalada puntland oo shir ku yeeshay Hotel
Karaama ee magaalada Bosaso.
Ganacsato kakala yimid Gobalada Puntland ayaa habeenkii
xalay ahayd isugu timid shir ay ku yeesheen Hotel Karaama oo
ku yaala Magaalada Bosaso.
Ganacsatadaan ayaaa waxa la sheegay in ay ka shirayeen
Maxjarka sida wayn la isugu khilaafsan yahay oo la shegay in
laga dhisayo meel ka mid ah Gobalka Bari.
Waxana ay shegeen in ay si wayn u canbaaraynayaa Ganacsato
la shegay in ay taageereen dhismaha Maxjarkaan oo ku sugan
Dubai.
waxay sidoo kale aad u dhaliileen canbaarayna ay u soo
jeediyeen Xukuumada Cade Muuse ee ku aadan dhisamaha
Maxjarkaan waxay ugu baaqeen Cade Muuse in uu faraha kala
baxo arimaha Ganacsiga Puntland oo uu maal mahaan danbe ku
wareeray kadib markii la soo xaalufiyay dalkii intiisii kale
ayaya yiraahdeen ganacsatadaan ku shirtay Hotel karaaama ee
magaalada Bosaso.
Waxay shegeen in xiligaan la hormariyay Ganacsiga gaarka loo
leeyahay ee maahan in jalfis loo dhigto oo markaas la cuna
qabteeyo Ganacsigii umada ay sida gaarka u lahayd.
Si kastaba ha ahaatee Xaalka Siyaasada, Dhaqaalaha Puntland
ayaa baryahaan danbe ah mid sii xumaanaya oo ay dadbadani ka
qayliyeen iayda oo aan lagaranayn halka uu ka imaanayo is
bedel xumida dhaqaale iyo tan Siyaasadeed oo aan ka ahayd
eedaynta loo tirinyo Madaxwayne cade muuse ee hurdada Badan.
A/rizak koronto
Garowe Puntland.
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007


|