somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
Ma Ogtahay !
Qoraaladda kuxusan bogga "Ma Ogtahay" waa ra'yiga akhristayaasha sootebiyey (qoraalka). Mana aha qoraaladani kuwo ka tarjumaya aragtida qoraayaasha somalitalk.com.
Ma Ogtahay akhristow in hadda aad si toos ah usoo daabici kartib ra'yigaaga qaybta MaOgtahay.

Guji halkan si aad u tagtid boggaas cusub ee MaOgtahay.

Eeg bogga Labaad ee MaOgtahay
Ma Og tahay in wax waliba ay ku fiican tahay daacadnimo...

Adam
February 5, 2000

Guji halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Og tahay akhrsitoow in tobankii qof ee ka mid ah ajaanibta ku dhaqan dalka Denmark laga helayo ilaa 4 qof oo leh aqoonta sare, halka tobankii qof ee dheenishka ah laga helayo labo qof oo keliya. Mise og tahay in ajaanibtaas ay in badan u qaxaan dalka Denmark dibaddiisa iyadoo sababtu ay tahay inaysan awoodin inay shaqo ka helaan dalka Denmark.

Ibrahim S.
Denmark
February 5, 2000

Guji halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtihiin in jaamacada ugu weyn sandiego lagu qabtey sadex muxaadaro oo ay cod-sadeen ardada jaamacadaas, gaar ahaan gabdhaha, gabdhahaas oo ahaa[non muslims] dadka jeedinaayeyna ay ahaayeen dad u dhashay isla wadankan mareekanka oo mar dhow muslimay.

kadib markii ay codsadeen ardadii jaamacadaas in loo sharoxo waxa uu yahay xijaabka iyo islamka guud ahaan ayaa waxa la yaabka leh waxa uu ahaa ka dib markii ay gabar macalimad ka ah isla jaamacadaas oo muslimtay mudo aan fogeyn ay ka hadashay. Markii ay dhameesartay hadalkeedii ayaa waxa la weydiiyey wixii sababta u ahaa iney islaamka qaadato waxa ayna jawaabteeda ka mid ahaa, waxay tiri markii aan Qur'aanka aqrinaayo waxa aan dareemayaa ayey tiri inuu aniga ila hadlaayo oo la isoo dajiyey waxa aanan dareemayaa ayey tiri shucuur aanan dareemeyn markaan xaaladaha kale ku jiro ama aan bible-ka aqrinaayo, hadana waxaan helay ayey tiri wax laabteyda ka maqnaaa oo aan luminaayey wax uu yahayna markaa aanan sheegi karin.

Mida kale ayey tiri aniga waxa aan ahaa cristian marka aan bible-ka aqrinaayana waxa aan dareemaayey ayey tiri sheekoooyin mac macaan & qisooyin hore laakiin qu'aanka waxa aan moodaayaa ayey tiri markaan aqrinaayo inuu ila hadlaayo aniga iyo waxa aan hada sameenayo uu ka hadlaayo waxa ay na aad uga hadashay macalimadaas xijaaabka ooy tiri waxaa gabdhaha ugu jiro dan weyn.

Waxaa kaloo la yaablahaa gabar kale oo ardada ka mid aheyd oo ka hadashay xijaabka ayaa tir aniga jaamacada ayaa hal bil oo dalxiisa isiisay inaan aduunka meel ka mid ah ku aado waxanan doortay ayey tiri [zinzibar] oo ah jaziirad yar oo ka tirsan wadanka tanzania, markaan arkay ayey tiri gabdho u dhashay wadankaas oo jaamacad dhiganaayey nolosha ay ku jiraan ayey tiri ayaan maalin maal maha ka mid ah ayaan go'aan saday ayey tiri inaan xijaab qaato, wax igu waaniyey ma- arag ayey tiri laakiin waxa aan u ar'kayey inuu ii fiican yahay ayaan u qaatay kuna quruxbadnahay. Waxa ay tiri ardadii aan isla soconay waxa ay u maleeyeen inaan muslimay lakiin waan ka dhaadhicin waayey ayey tiri inaan muslim aheyn.

Waxa ay tiri (gabadhii oo hadalkeedii sii wadata) makii aan muddo sidaa ahaado ayaan maalintii danbe hadana aan keenay inaan dhaho korkeyga nin mataaban karo imana salaami karo, waxaanan keenay inaan la soomo ramadaanka gabdhaha saaxiibadeyda ah markii uu fasaxa ii dhamaaday ayaa waxaan soo raacney ayey tiri diyaarad u soo socotey New York, diyaaradii dhexdeeda ayaan ku riyooday ayey tiri odey miskiin ahaa oon daris- aheyn oo i leh hadii aad intaas sameesay shahaadana ku darso. Marskaan diyaarada ka soo degtey ayaan muslimay ayey tiri .

Ilaahay awoodiisa badanaa

Abdi jiin
January 29, 2000

Guji halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Eeg bogga Labaad ee MaOgtahay

Mahaysaa arrin ama dhacdo muhiim ah. fadlan noogu soo gudbi bogga jawaab-celinta, ama si toos ah u soo daab
Allah Is Great
.
Ma haysaa arrin muhiim ah. Matahay mid xaqiiqo ah, islamar ahaantaana laxiriirta soomaalida. kusoo daabac halkan.
Taladiina iyo ra'yigiinu aad ayey muhiim noogu yihiin ee fadlan noogu soo gudbiya bogga jawaab-celinta.

Mahadsanidin.



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback