SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

GARGAAR DEGDEG AH::: Buro Weyn oo Halis Ku Ah Nolosha gabar Yar oo Soomaaliyeed
  • Magac: HALIMO HIRE HUSEIN
  • Da': 2 Jir
  • Miisaan: 10kg
  • Magaalada: Muqdisho
  • Xaalada Caafimaad: Liidata

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa si naxariis leh looga cadsanayaa in ay ka qayb qaataan gargaarka gabar yar oo ay halis gelisey buro kasoo baxday xubnaha taranka iyo kaadi & saxara mareenka, buradaas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii weynaaneysa, sida ku cad warbixinta dhakhtar Dr.Cabdi Ibraahim Jiya ee hoos ku qoran. Warbixintii ugu dambsyey ka akhri hoos:



Xaliimo Xire Xuseen | Muqdisho, Soomaaliya
Waxaan qarinay wajiga gabadhan yar anagoo dhawreyna sharafteeda.
Muqdisho: (June 30, 2005): Maanta ayaan gabadha ku booqday sidoo kale mar kale waxaan waraysi la yeeshay Dr.Cabdi Ibraahim Jiya wuxuuna ii sheegay in gabadha ay u baahantahay qaliin dagdag ah waayo burada uga taala xubinta taranka marba mar ka dambeysa way sii kordhaysaa, marka dambe waxay keeni doontaa inay kaadida ku xiranto, sidoo kale wuxu sheegay nafaqo darada ka muuqata waxaa ugu wacan buradaas hadii laqalo inay dib u soo kabsan doonto, wuxuu sheegay in dad fara badanay la soo xiriireen kuwo waa war doon kuwo waxbay soo direen kuwo waxay sheegeen in ay wax ugu qabanayaan oo ay la xiriiriyaan Takhaatiir joogto dibadaha, isagoo sheegay in gabadha hal qof oo Ilaahay siiyay lacag uu qali karo lacagta ku baxaysana ay noqon doonto 18-kun oo Doolar isagoo sheegay in lacagtaas 50% laga dhimi karo haddii la geliyo isbitaalo ay leeyihiin hay'adaha samafalka (waa haddii la helo qalab ku haboon qalliinka noocaan ah - waxaase sida aad hoos ku arki doontid uu dhakhtarku ku talinaya in cisbtaal dibada dalka ah la geeyo), sidaa darteed dhammaanteen waxaan u taagannahay in aan wax u qabano gabadhaas, mar aan maanta damcay in aan ka qaado sawir waxaan awoodi waayay in aan fiiriyo oo aan sawiro gabadhaasi burada oo uga taal meel aad iyo aad uga naxaysid oo ku galayso Jiriiraco.

Sida kucad warbixinta dhakhtarka ee hoos ku qoran (Af-Ingriisi) waxaa dhakhtarku cadaynayaa in aad u muhiim u tahay in gabadhaas yar lagu cisbitaal ka baxsan Soomaaliya oo haysta qalab ku haboon qalliinka noocaas ah, maadaama aan cisbitaalada Soomaaliya wax looga qaban karin.

Qoyska ay ka dhalatay gabadhan yar oo aan awoodi karin in ay dhakhtar geeyaan awgeed ayaa tabarucaad waxaa loo weydiinayaa dhammaan jaaliyada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida kaga dhaqan tahay, sidoo kale waxaa gargaar loo weydiinayaa cisbitaal kasta oo arintaas wax ka qaban kara.

"Gabadhan ayaa Aabbaheed ka keenay halka ay dagganaayeen ee Godey, kaddib markii hooyadii dhashay ay dhimatay, waa labo jir nolosha ku dhiban, aabaheed isagoo daawo u raadinaya ayuu u soo boqoolay magaalada Muqdisho oo illaa iyo haddana aysan jirin wax uga hirgalay arrimahaasi..." Akhri mucaawinada ay soo gaarsiiyeen gabdhaha Soomaaliyeed

 
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Muqdisho

FG: Dr. Abdi Ibrahin Jiya waxaa lagala xiriiri karaa:
Email: drjiya8@hotmail.com
Phone:
2525.9.87444 ama 252-1-270362

MEDICAL REPOT
NAME: HALIMO HIRE HUSEIN

AGE   : 2 YRS OLD

WT     : 10 kg

DATE : 23-06-2005

This is to certify miss Halima Hire Hussein reported in this hospital with problem of huge mass for the pelvic Region   as you seen the picture

Miss Halima has this mass for long time around one year also patient has mal nutrition and safer anemia.

This patient as surgical doctor we cannot do operation for the local hospitals.

Dr.Cabdi Ibraahin Jiya| Al-Hikma Hospital | Muqdisho, Somalia
Phone: 2525.9.87444 / 252-1-270362 |Email: drjiya8@hotmail.com
So that she need to send abroad to treat or to do opacities.

Your truly              

Dr. Abdi Ibrahim Jiya.

Surgical doctor for

Al-Hikma Hospital

drjiya8@hotmail.com

 

Fadlan u gargaar gabadhan yar, ugu gargaar wixii aad awoodid....

Waxaa toos loola xiriiri karaa Dr. Abdi Ibrahin Jiya:
Email: drjiya8@hotmail.com
Phone:
2525.9.87444 ama 252-1-270362

Waxaa qoraalkan iyo sawirada isku soo dubaridey::
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Muqdisho

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD