SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL/RA'YI

Reer Siidarow Ciid Mubaarak—iyo Farriin!

Qore:  C/Laahi Janno
Minneapolis, MN
 buugiyoqalin@hotmail.com

Markii aynu salaaddii Ciidda Carafo tukunay, baa aniga oo aynu isla soconno siddex wiil oo dhalinyaro ah ka soo wada baxnay sarta Konfenshanka ee ku taalla magaalo-faraska Minneapolis.  Inkastoo ay meeshu buuq badneyd, waxa aan dareemay gariirkii telefoonkeygii gacanta.  Jeebka ayaan si halhaleel ahi gacanta ula galay.  Cidda i soo wacday ayaan eegay.  Waa hooyadeey.

      “Guriga iiga sii hor mar,” ayaa ka mid ahaa hadaladeedii, “siina hagaaji ka hor intayan martida iman, oo maamooy daahyadii dhaqnaa ku xir daaqadaha.” 

Xaafaddii Siidar ayaan imid.  Sarta E (ii) la yiraahdo ayaan galay.  Mise…?!  Waan amakaagay.  Waa maalin Ciid.  Waa farxad.  Waa raxmad.  Waa maalin is-booqasho.  Waa maalin is-marti-gelin.  Waa maalin weyn….iyo hal elafeetar?  Labadii elafeetar ee Sarta E mid baa fadhiistay, oo shaqo-gabay.  Meeshana waxa tubnaa dad faro-badan oo salaaddii Ciidda ka soo noqday.  Inta yara is-buufiyay, ayaan si caro lehi jeebka ugala soo baxay telefoonkaygii gacanta.

      “Resident Service,” ayuu nin ka mid ah sikuuritiga igu yiri, “how can I help you?”

      “Meeshatan waa laysku xayiran yahay, oo elafeetarka ayaa fadhiyee ma ogtihiin?” ayaan ku iri.

      “Waan ka xunnahay in ay sidan dhacdo,” ayuu ninkii sikuuritiga ahaa iigu jawaabay, “waanse gudbinayaa farriintan.”

      “Laakiin maanta waa maalin Ciid ah,” ayaan la soo booday si uusan arrinka u dhayalsan, “dadku way isku xayirmayaan.”

        “Caadiyan, elafeetarka waa aynu xirnaa Arbaca walba subaxeeda si loo mariyo jekab,” ayuu igu yiri, “balse waxaynu u yeeraynaa kambanigii shaqada ku lahaa elafeetarkan.”

      Wada-hadalkayaga waxa uu ku billowday kuleyl, balse waan yara dabcay markii aan dareemay in ninkii sikuuratka ahaa uu diyaar u yahay is-fahan. 

      Hayeeshee su’aalo kale ayaa ii soo baxday: sarahan dhaadheer ee xaafaddan Siidar soo ma lahan guddi ina matala oo ay Soomaali ku jirto (Riverside Plaza Tenants’ Association, Board of Directors)?  Maxayse Soomaalida ina matasha qorshaha ugu darsan waayeen in maalinka Ciidda ahi aan la xirin elafeetarada?  Mise uma aysan indho-dheereen?  Su’aalahan waxa ay danqiyeen bukto hore (opened a can of worms).  Sidaa awgeed su’aalo kale ayey igu dhaliyeen: sideedaba maxaa loo xirtay baarkinka Sarta E?  Illaa iyo intee la’eg buuse baarkinku xirnaanayaa?  Muxuuse maamulka Riverside Plaza ku tala-galay in uu sameeyo si uu dhibta baarkin la’aanta ahi uga qafiifiyo dadka deggan saraha dhaadheer—iyo martidoodaba? Dadka meesha degganse miyeysan mudneyn in loo warramo, raalli-gelintoodana laysku taxallujiyo?   

Qiyaastii sanad ka hor, aniga oo hooyadeey uga soo adeegayay dukaanka Plaza ee dabaqa siddexaad ku yaalla, ayaa waxa ay isheydu qabatay islaan Aasiyaan ahoo cutushnimo la soo godantay.  Waxa ay si baqdin leh tallaabada ula raadsaneysay jaranjarta kor loogu raaco xafiiska laga xukumo saraha dhaadheer.  Arrintii way i danqisay.  Waxa ii soo baxday in sidoo kalena ay jiraan islaamo kale oo waayeel ah hayeeshee dhib ku qaba korista jaranjartaa—islaamahaasoo jeclaan lahaa elafeetar muuqda, elafeetar leh batoon ay riixan karaan markii ay u socdaan xafiiska laga xukumo saraha, elafeetar ay maamulan karaan oo ay af-yaqaanaan.  Bacihii aan adeegga ku siday inta dhigay, baan jeebka kala soo baxay telefoonkeyga gacanta.

      “Resident Service,” ayuu nin sikuuritiga ah igu yiri, “how can I help you?”

      “Haddii ay dadku rabaan in ay aadaan xafiiska maamulka,” ayaan hadalka uga billaabay, “xaggee u marayaan?”

      “Jaranjarta ayay soo qaadan karaan,” ayuu iigu jawaabay—waana runtiisa.

      “Haddiise ay yihiin dad naafo ahna?” ayaan u raaciyay.

      “Elafeetarka ayay soo qaadan karaan,” ayuu misana si boobsiis ahi iigu yiri—tanina waa runtiisa.

      Ha yeeshee meesha aan la rabay weli islama aynaan gaarin.

      “Haddee waayeelka xaafaddan deggan inta badani waa dad aan af-Ingiriisiga ku hadlin.  Marka sidee bay ku ogaan karaan in uu jiro elafeetar u qaada kor iyo xafiiska maadaama aysan badi ku hadlin af-Ingiriisiga?”

      “I don’t know,” ayuu iigu soo af-jaray.

      “Thank you,” ayaan aniguna u daba-dhigay, anigoo dareemay in uu fashilmay.

      Fashil noocma ah?  Fashil sababtoo ah haddii maamulka saraha dhaadheer uu u nugul yahay rabitaanka iyo baahida dadka deegaanka, waxa uu ninkan sikuuritiga ahi i siin lahaa jawaab waafi ah—jawaab markii ay ugu yartahay ay ka muuqato in ay la socdaan waxa la tabanayo; in ay ku gudo-jiraan in ay wax qabtaan iyo sidii ay u qaban lahaayeen; in uu yoolkoodu yahay qancinta iyo u qidmeynta dadka deggan saraha dhaadheer ee xaafaddan Siidar… in uu i siiyo jawaab wax un garowsi ah laga dhadhansan karo.  Taa caksigeeda, ninkii sikuuritiga ahaa ee xafiiska fadhiyay waxa uu hadal iigu gunaanaday jawaab laga akhrisan karo farriin ah: “Aniga waxa aan ahay waardiye meel fadhiya; heegan u ah difaaca ninka i shaqaaleystay; wixii dhib ahee adiga soo-galootiga ah ku heystana madaxay ka bannaan…waxbana hayga weydiinin, xitaa talaba ha ahaatee.” 

      Runtii, adduun ay caddaaladu ka maqan tahay waa adduun uu isla-xisaabtanku suulo.  Waa adduun uu la-xisaabiyihii la xisaabtamo lama-xisaabiyihii—waa adduun uu daalimkii xisaabinayo dulmanihii.  Waa adduun uu dulmanihii ku hoos jiro cagta “sharciga”, daalimkiina uu cuskanayo garabka “sharciga”.  Horaa loo yiri ri’ waliba shilahay is-dhigtaa lagu qalaa. 

Markii aan telefoonka isa saaray ayaan neef weyn soo tufay.  Bacaheygii ayaan siddada ku dhegay, una dhaqaaqay dhankii sartii ay hooyadey deganeyd.  Waxa aan garowsaday in ninkii sikuuritiga ahaa uusan qaladka laheyn.  In qaladku uu ka imanayo dadyowga deggan saraha dhaadheer ee xaafadda Siidar kuwaasoo badi isugu jira soo-galooti iyo wadani dan-yar ah, kuwaasoo ka sooman faham iyo cod mideysan oo ku aadan noloshooda xaafadda Siidar—ka sooman hal cod oo baahiya rabitaankooda iyo baahidooda.  Hal cod oo aan habaar iyo af-lagaado aheyn, balse dulmi-diid ah.  Xaq-doon ah.  Xushmad leh.  Caqliyeysan.  Cilmiyeysan.  Sharciyeysan.  Tanaasul leh.  

Qore:  C/Laahi Janno

Minneapolis, MN

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo tebi cinwaankan: buugiyoqalin@hotmail.com

Waxaan qoray: December 23rd 2007 | Faafin: Jan 2008

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2008


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxana hab fikikii qoraaga soo qoray maqaalka.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com