SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL/RA'YI

Hadal macaan hawl ma ku dari karaa?

Nuur Xasan Xuseen (N Cadde) waa nin ku cusub masrixiyadda dhiiqada badan ee siyaasadda Soomaaliya laakiin waa ka hadal duwan yahay raggii hore ee siyaasadda ku jiray iyo kuwa hadda joogaba. Waa nin hadalkiisu macaan yahay oo si xirfadeysan isku dayaya inuu qanciyo qofkii wax weydiiya wariye ha ahaado ama qof iska caadi ah oo bulshada ka mid ah. Maalmihii hore waxuu u ekaa nin hadalka googoobaya oo aftahanimadu ka maroortay laakiin aragti taas ka duwan ayaa ka muuqata marka la qiimeeyo wareysiyadii ugu danbeeyey ee uu bixiyey. Astaan dhaqameedka ka muuqda Nuur Cadde ee ah in shacabka  maskaxdooda iyo qalbigooda la kasbado oo leys jecleysiiyo waa qodob muhiim u ah doorka siyaasadeed ee hogaamiye kasta. Nasiibdarro waa qodob ay dhinac mareen oo ka habaabeen C/lahi Yusuf iyo ninkii wasiirka koowaad soo maray Cali M Geddi.  

Dhaqankan toosan ee hadalka qaboow iyo beerjileecsiga shacabka een weliba lagu degdegayn jawaabaha ee la iska jirayo middi ku taag middi kale  waa qodob aasaasi u ah siyaasadaha hufan ee waxtarka leh laakiin siyaasi kasta ma gaari karo inuu adeegsado. Tusaale ahaan maalin dhow ayey telefishanka Universal waxey isku ku soo akhriyeenba, waxey xaruntooda keeneen markii ugu horeysay C/lahi Yusuf oo in muddo ah cusbitaal uga jiray wadamada dibedda laakiin aan xogtiisa dhabta ah ee caafimaad si sax ah loo ogeyn maadaama uu marna gelayo marna laga saarayo cusbitaalka. Wareysigii Universal aan u soo noqonee, Inkastoo sidiisaba dhibaato ka heysato C/laahi Yusuf xagga hadalka oo ay ku adagtahay sida uu iskugu toostoosiyo isagoo xiriir ah ayuu dhab ahaan xoogga saaray inuu yiraahdo hadal qaboow oo aan weligii laga maqal. Wuxuu xitaa isku dayey inuu saadaaliyo hawlaha culus ee dowladnimo ku saleysan tahay, sidii isagoo riyoonaya oon ogeyn in caasimaddii wadanku gubaneyso, Jubada hoose gacantiisa ka maqan tahay, Garowe iyo Boosaaso qalalaaso joogto u noqdeen, deegaanka Laascaano dagaal qarka u saran yahay ayuu tibaaxay jidad baan dhiseynaa, dugsiyadii baan fureynaa, hawlihii aasaasiga u ahaa bulshada ayeynnu soo celin doonaa iwm.

Waxaad mooddaa in qof kale oo warka u meerinaya uu dhiniciisa kale joogo maadaama uu hadba dhinacaas eegayo sidii inuu tilmaan qish ah qaadanayo. Xoogaa markuu toosnaa illeen waa nin aan wax wanaagsan in badan kuba hadline ayuu la kala baxay wasakhdii afkiisu bartay isagoo leh: Anigu waa idin daawan jiray marwalba, weligiin beenaaleyaal baad aheydeen, laakiin markan hadaad bedeshaan dhaqankiinnii waa soo dhoweyneynaa! Hadalka iigu yaabka badnaa wuxuu ahaa “ waxaa leydinka doonayaa inaad Soomaali u dhaxeysaan” taas soow looma qaadan karo qabiillo ayaa Soomaaliya isku hayee haw kala eexanina? Maxey tahay Soomaalida dhexdhexaadka laga noqonayo ( dib uga dhageyso internetka haddii aadan rumeysan) Maxaa masiirka nin madaxweyne sheeganaya ka dhigay  dabagalka wararka idaacad dibedda ka dhisan iyo wargeys waxa uu qoro? Hadalkii qaboobaa iyo qosolkii iska doondoonka ahaa waxaa nasakhay intaas.  

Nuur Cadde dad badan ayaa ka maqsuuday hadaladiisa wanaagsan runtiina waa nin waayo aragnimo in ku fillan soo maray, hayeeshee waxaa la isweydiinayaa ficil ma ku dari karaa? Wuxuu ku dhiiraday inuu yiraahdo Itoobiya khasab ayey ku tegeysaa haddii aan isku duubanahay, waa hadal meel fog u dhacaya qofkii nuxurkiisa gartay. Astaamaha kale oo qofka kalsoonida iyo daacadda qaba lagu garto waxaa ka mid ah inuu diido ammaan beeneedka munaafaqadda loo yiraahdo, dhowr qof oo la damcay amaan uunan muteysan Nuur cadde waa iska leexiyey. Taasi waa arrin aad uga duwan astaanta liidata ee ka muuqatay Cali M Geeddi mar uu la hadlay dad internetka isku ballansada oo isku sheega taageerayaasha dowladda. Qof dumar ah oo xiriirisa wararka bartaas ayaa amaan ka badbadis ah oo caruurta xitaa aan loo hoos gelin Karin ku dhoobtay Cali Geeddi isna iskama uusan qabane waa u riyaaqay oo weliba ilmo ku soo istaagtay oo hingooday, waa is cajabiyey oo dhulka meeluu isdhigo ayuu waayey. Qofkaas dumarka ah waxey leedahay adigoo kale nama soo marin waxaad tahay mutacallim PHD heysta? Hadde, Cali Phd ma heystee ogaada, iskama qabane qosolbuu ku ansixiyey, waxey tiri waxaad tahay Geesi, halyey, wadani shaqo badan. Miyuunan islaheyn Cali Geeddi dad wax uun caqli ah ku haray ayaa ku maqli doona? Waxa keliya ee Cali Geeddi uu xariifka ku yahay hadaan la dafireyn waa dhaqaalo raadin iyo dabadhilifnimo la isdhiibo iyadoon waxba lala hareyn. Taariikhda Cali Geeddi marka laga sheekeeynayo ayaa dad badan ka boodaan in Cali M Geeddi ahaa mid ka mid ah gacanyarayaashii Cali Mahdi! Dagaalkii ahliga ahaa ee Xamar lagu riiqmay Cali Geeddi wuxuu ka mid ahaa gacanyarayaasha firfircoon ee Cali Mahdi. Mar wuxuu u qaabilsanaa saadka, marna taakuleynta ciidamada. Markii dibuheshiisiinta loo aaday addisababa horaantii 1992 wuxuu ahaa la taliye aan ka harin Cali Mahdi. Taas soow ma caddeyneyso inuu si toos ah uga qeybgalay dagaalkii sokeeye ee sii fogeeyey xalka Soomaaliya? In siyaasad wax la yiraahdo aysan Soomaaliya ka jirin waxaa kuu caddeyneysa in Cali M Geeddi weli isku heysto nin door muhiim ah ku leh hogaanka siyaasadda ee Soomaaliya oo ay jiraan dad badan oo u coddeyn doona haddii doorasho dhacdo. Waa sheeko maroorta, mawjadihii isjiiray maraakiib baa hafatee yaa maroosin u tuura?       

Biyadhaca maqaalku waxa weeye: Nuur Cadde hadal wanaagsan oo soo jiitay bulsho u hamuun qabta hogaan cadaalad ku dhisan hawada u mariye hawl ma ku dari karaa? Taniyo intii la magacaabay wuxuu u dhexeeyey Nuur Cadde Baydhabo, Nayrobi iyo Addis ee caasimadda maata dooxatadu degtay ma tagi karaa? Mooryaanta dharka booliiska dadka ku leyneysa kuna dhaceysa ma ka dulqaadi karaa? Gudoomiyaha Gobolka ee aan horumarka sameyn muddo halsano ah inuu dad laayo mooyee shaqada ma ka bedeli karaa? Nabadsugidda aan nabadda sugeyn wax nabadda suga ma ku bedeli karaa? Wariyeyaasha la iska xirxirayo ammaankooda ma dhowri karaa? Idaacadaha afka la qabtay ma xorreyn karaa? Dadkii baro kacay guryohooda ma ku soo celin karaa isagoo ammaan u ballanqaadaya? Nuur Cadde hawl ma gudan karaa? Hadduu intaas yeelo wasiir koowaad dhab ah iga dheh haddii kale wasiir koowaad magaciis waa ba’ay.

Xasan A Kullane  kala xiriir: xkullane@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2008


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxana hab fikikii qoraaga soo qoray maqaalka.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com