Ogaadeeniya(Ogaden) 124 sano oo gumaysi ah iyo halgan joogto ah
Ogaadeeniya ama ogaden markana leeyahay uma jeedo qabiil waase dhulka iyo
shacabka soomaaliyeed ee ay gumaysto itoobiya.Laga yaabee in kuwa badani markaba
si kale wax ula boodaan oo yiraahdaan muxuu magaca u siiyey dhulkaas qabaail
badan ayaa deggan meesha , hadaba magaca aan kor ku qoray waa kan loo yaqaan
dhulkaas taariikhduna ay u taqaan xorriyadiisana lagu raadinaayo, dadka deggana
waa dad mid ah oo soomaali ah muslimiin ah isku dhaqan iyo isku af iyo taariikh
ah, wadaagana dhib iyo dheef labadaba marka laga reebo mid daba dhilif ah oo
meel kale madaxiisa alle u jeediyey ilaahayna ha soo hanuuniyo kaas wax kale uma
hayo.
Haddii aan u soo noqdo mowduuceenna oo aan cinwaan uga dhigay 120 sano oo
gumaysi ah iyo halgan joogto ah, waxaa wax lagu farxo ah in 120 sano oo ka soo
wareegtay maalintii ay reer yurub sida waxashnimada ah afrika u qaybsadeen ilaa
maanta oo gumaysigii weli joogo isagoo waji kale leh ay shacabka ogaadeeniya ay
halgankoodii sidii u wadaan .
Dhulkaas waxaa la qaatay 1884-1885 ilaa iyo maantana waxaa isu sii dhiibaayey
gumaysi kala nooc , mid cad iyo mid madowba, waxaana lagu laayey shacab fara
badan , oo u badan dumar iyo carruur iyo waayeel iyo dhalinyaro ,halka ay kuwo
intaa la dilay ka badan ay u dhinteen dhulkaas xornima raadintiisa iyo sidii
gumaysi looga xoroobi lahaa. Maanta oo aan joognona halgankaasi waxa uu marayaa
halka ugu wanaagsan in kasta oo marka caalamku ka hadlaayo dhul la gumaysto ay
ku soo koobaan falastiin oo 60 sano la haysto .
Anigoo aan falastiin raalli ka ahayn gumaysiga uu ku hayo iyo weliba
haysashada masaajid ka mid ah kuwa ugu khayrka badan masaajidada aduunka hadana
qadiyadda ogaadeeniya waxaad moodaa inay tahay mid la iloobay oo aan la siin
mudnanta ay leedahay. Shacabka ogaadeeniya waxay 120 kaas sano ku soo jireen
halgan iyo dagaal ay kula jireen gumaysiga iyaga oo aan haysan taageero la
sheegi karo oo ay ka heleen caalamka intiisa kale marka laga reebo taageerada
shacabka soomaaliyeed iyo dowladihii soomaliya soo maray ha ugu taageero
badnaato dowladdii Jaalle Maxamad Siyaad Barre ale ha u naxariistee. Shacabka
ogaadeeniya dagaalka ha ku jireene waxaa u dheer in ay weli haystaan
dhaqankoodii, hidohoodii, diintoodii ,afkoodii iyo astaan kast oo ay gaar u
lahaayeen kagana duwanaayeen shucuubta kale ee caalmaka.
Waxaa wax lagu farxo ah inaad aragtid gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah oo
duurka ku jira ayna timahoodu raamaysteen,degtana qorigu u saaranyahay isla
markaana aadan wajigooda ka arkayn wax niyad jab ah balse aad ka dareemaysid
niyad wanaag iyo farax ay ku qanacsanyihiin in maanta ama beri ay hanan doonaan
xornimadooda ,taasina waa tan keentay in 120 sano halgankaas jiilba uu jiil u
dhiibo .Shacabka ogaadeeniya kuma dagaalamaan qoriga keli ah ee waxay ku
dagaalamaan suugaanta oo soomaalida ilaahay hibo u siiyey soomaalida balse
dhulkaas iyo dadkiisuba ay ku sii sheegan yihiin ilaa casrigan aynu joogno ay ka
soo baxaan haween u gabyaaya sidii raggii gabayga caanka ku ahaa inkastaanan
dumarkaas wada arag ama maqal suugaantooda waxaa xusid mudan gabadha la yiraahdo
Roodo Ibraahim Cabdi Gure(Roodo afjanno), gabadhaas oo gabayadeedu ay maanta
caan ka yihiin soomaalida dhecdeeda.
Gabayga hoos ku qoran waa gabay ka mid ah gabaydeeda waxaana la yiraahdaa
Ileys waana gabay aad ka dareemi kartaan qadiyadda aan ka hadlayno iyo iimaanka
shacabka ogaadeeniya:
Ileys :Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano
Ogaadeenya iyo guud ahaan aganka noo gaaxsan
Ugaadhiyo dhirtiyo xoolahaa aradka daaqaaya
In ey ONLF leedahoo uun uunjirtiyo maadhka
Loo oratamaayiyo masnadan lagu ishaaraayo
Anagoon ka oon bixin cidkale iligta saareynin
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Ururkani in uu yahay bulshada aaba korinaaya
Ujeedadu in ey tahay xornimo iyo adaaftiisu
Itaal culus in uu yeeshayiyo aarmi lagu faano
Awoodana ku meel marahayiyo aaladiyo xoogga
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi soo dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Anshaxiyo in uu kala danbeyn ururku caadeystay
Asluubtana ku soo caana dhamay laguna aasaasay
Aqoon yahanadii loo xuloo waliba loo aayay
Usha kore in ay noo hayaan odayo loo doortay
Oy Siyaasiyiin wada aflaxay hagi umuurtiisa
Awaamiirta iyo maamulkana la ixtiraamaayo
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Isticmaarkan guunka ah sharduu qaato agabkiisa
Ikhtiyaarna aan yeelaniyo aabidnimo buuxda
Shartow aragsamow calankanaga uunka laga duubay
Udubkiisii loo taago oon u alalaasno
Arligiyo inaan ciidanada la isticmaaleynin
Inaan ooda laga qaadi karin oo walada jiifa
Oo ibaha noo tihiin cid kale lagu irsaaqeynin
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Shacabka ogaadeeniya gabay iyo hees keliya kuma cabiraan halgankooda marka
dagalaka laga soo tago,e waxaa ay aad ugu horeeyaan ciyaaraha hiddaha iyo
dhaqanka oo ay dhalin yaradu isugu yimaadaan goobo fagaare ah halkaana lagu soo
bandhigo ciyaaro aad u qurux badan oo ka turjumaaya halganka iyo nacaybka loo
qabo gumaysiga.
Hadaba aniga oo maqaalkayga soo gunaanadaaya waxaan shacabka ogaadeeniya iyo
shacab kasta oo u dagaalamaaya xoriyad u rajaynayaa guul iyo horumar waxaanna
umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ugu baaqayaa inay qadiyadda
ogaadeeniya ka dhigtaan mid xil ka saaran yahay ayna gaarsiiyaan caalmka meel
kasta oo ka mid ah si loogu sahlo in shacabkaasi uu gaaro xorriyadiisa goor ey
ahaatoba, waana in aan ogaanno in xoriyada iyo sharafteeda badi aanay ku
raaxaysan kuwa raadinaya markaas waayo weey u dhintaan balse waxaa miraha
xorriyada gurta ubadka ay ka tagaan kuwa dhiigooda u daadiyey sidii xorriyadaas
loo heli lahaa. Waxaan halkan ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto intii u
dhimatay halgankaas iyo shahiid kasta oo naftiisa iyo dhiigiisa u daadiyey
difaaca dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa, waxaana kuwa ku jira goobaha
dagaalka ama furinta leeyahay guul ama geeri waa labada qofka bani aadamka ahi
uu sharafta iyo karaamada ku leeyahay.
Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2008
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxana
hab fikikii qoraaga soo qoray maqaalka. |