SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHABEELADA HOOSE

Shiikh Yuusuf Indha-Cadde “Warbixintii Qaramada Midoobey waxay ahayd mid xaqiiqda ka fog, haddii aan nahay Maamulkana waxaan dagaal kula jirnaa Beerisa Xashiishka ”

            Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Shiikh Yuusuf Siyaad (Indha-Cadde) ayaa saakay  shir jaraa’id ku qabtay Hotel Amiira oo ay ka qaybgaleen dhamaan saxafiyiiinta qaybaheeda kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wuxuuna warsaxaafaadeedkaasi ku faahfaahiyay warbixinta Qaramada Midoobey ay ka soo saartay gobalkaasi kaddib markii Shiikh Yuusuf (Indha-Cadde) lagu eedeeyay in Gobalka uu ku leeyahay beero xashiish ah, wuxuuna warbixintaan ku tilmaamay mid la dhoodhoobay oo runta ka fog, wuxuuna warsaxaafadeedka uu soo saaray ku bilaabanayaa sidatan:

            Maamulka Gobolka  Sh/hoose wuxu aad uga xun  yahay  warbixinta ay soo saareen guddiga la socodka cunabateynta hubka Soomaaliya 4-tii oktobar 2005, loona gudbiyay golaha amaanka 5-tii oktobar 2005 gaar ahaan intii ay quseeynaysay gobolka Sh/hoose iyo maamulkiisaba, marka 1-aad gudigaasi  UN-ku ma imaanin Gobolka Sh/hoose lamana soo xiriirin qof ka tirsan maamulka Gobolka, meelaha keliya ee ay soomaaliya ka tagaana ay tahay Goboladda Somaliland iyo Puntland, waxa kaliya oo ay  been abuurka ka sameeyaana ay tahay Goboladda koofurta, gaar ahaan  Gobolka Sh/hoose, meelaha si cad warbixinta been abuurka uga sameeysay Gobolka Sh/hoose iyo maamulkiisa waxaa kamid ah.  

1-     Waxey sheegeen  in gudoomiyaha gobolku uu ku leeyahay gobolka Sh/hoose 10 beerood  oo xashiishka lagu beero, arintaas oo ah mid ka fog xaqiiqda, waxaa la ogyahay in maaamulka gobolka Sh/hoose uu yahay gobolka loogula dagaalanka badan yahay daraooagada sida xashiishka, iyo wixii lamida, waxaan aad uga xunahay in ay ka soo baxdo gudiga uu  UN-ka u xilsaaray hab socodka cunaqabateynta hubka Soomaaliya warbixin sidaas xaquuqda uga fog arrintaas oo gebi ahaanba ah arrin qiimaha ka qaadeysa warbixinada ay UN-ku soo saaraan, maadaama arrintu u eg tahay in guddiga warbixinta ka qaatay dadkii aan ka gubnay beeraha xashiishaka, maamulka Gobalka Sh/hoose ma fileynin in lagu beena abuuranayo waxaan jirin, balse waxaa bulshada caalamka ka sugeynaya in ay nagu dhiiragelinayaan la dagaalanka Muqaadaraadka, sida xashiishadda IWM.

2-     Waxaa kalloo dhalanteed ah in maamulka Gobalku ka qaato hay’adaha samafalka lacag baad ah oo dhan 15% lacagaha ay ku howlgalaan, arrintaas oo ah arin aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana saxaafadda ku wargelineynaa in ay la xiriiraan madaxda hay’adaha NGO-da caalamiga ah, kuwa local-ka iyo kuwa UN-ka oo ka shaqeeyay guud ahaan Gobalka Sh/hoose ayna arrintaas baaraan haddiiba ay tahay arrin ay wax ka jiraan, maamulka Gobalku waxa uu gacan siiyaa Hay’adaha samafalka ka shaqeeya isaga oo howlaha qabanayaan ku gacan siiya, sida nabadgelyada iyo ka qaybqaadashada mashaariicda ay fulinayaan, maamulka Gobalku wax shuruud ah kuma xiro hay’adaha ka howlagalay Gobalka Sh/Hoose.

3-     Waxaa warbixinta ku jirtay in maamulka Gobalka Sh/hoose uu ka dajiyay ciidan iyo hub Gobalka Galguduud, arrinaas oo ah mid xaqiiqada ka fog, waayo maamulka Gobalka Sh/hoose wax ciidan ah uma joogaan kama taliyo Gobalka Galguduud, Waxaa kale oo wax kama jiraan ah in maamulka Gobalka Sh/hoose uu hub ka helay wadanka Erateriya iyo wadan kale toona, sidaas daraadeed waxa uu maamulka Gobalku soo jeedinayaa.  

Ø      Wuxuu ku martiqaadayaa saxaafadda gudaha iyo dibadaba in ay yimaadaan Gobalka Sh/hoose ayna baaraan warbixinada been abuurka ah oo ay ka sameeyeen gudiga UN-ku gobalka Sh/hoose.

Ø      Wuxuu ku marti gelinayaa guddiga UN-ku u saareen la socodka cunaqabateynta in ay yimaadaan Gobalka Sh/hoose si ay u helaan xogta dhabta ah ee ka jirta Gobalka Sh/hoose, ayna ka noqdaan warbixinta been abuurka ah ee ay ka qoreen gobalka Sh/hoose.

Ø      Maamulka Gobalku Wuxuu u qaadanayaan haddii ay guddiga UN-ku imaan waayaan ama ay ka noqon waayaan warbixintaas been abuurka ah in arrintu ay tahay warbixin loogu talagalay in si bareer ah lagula dagaalamo Gobalka Sh/hoose iyo madaxdiisa, isla markaana maamulka gobalku waxa uu qabansanayaa qareen caalami ah isagoo dacwad ku soo oogaya guddiga soo qoray warbxinta been abuurka ah oo uu ugu gefay sumcadda maamulka gobalka iyo guddoomiyaashiisa. 

Maamulka gobalku wuxuu mar kasta gacan siiyaan mashaariicda horumarinta gobalka, sida nabadgelyada, caadimaadka, waxbarashada, wadooyinka, bacaadcelina iyo danyarta gobalka, maamulka Gobalka waxaa u dambeysay gacan siinta bulshada 6/7/2005 in Kanaalka Birimo Suguntaariyo loo qodo beeraleyda danyarta ah ee ku dhaqanka Gobalka Sh/hoose, maamulka gobalku wuxuu kabaa bil kasta mushaarka shaqaalha isbitaalka Marka. 

            Maamulka Gobalka Sh/hoose wuxuu aad uga xun yahay in UN-ku uusan wax la taaban karo ka qaban muddadii uu maamulka Gobalku jiray oo ku dhow saddex sano, iyagoo mar kasta sheega in ay wax ka qabanayaan meelaha nabaddu ka jirto, iyadoo la og yahay in Gobalka Sh/hoose uu ka mid yahay meelaha ugu ammaanka badan Soomaaliya, balse Gobalka Sh/hoose loogu abaal guday dacaayado iyo magac dil ay ku sameeyaan maamulka iyo madaxdiisaba, arrinaas oo muujineysa in aysan raali ka ahayn wax qabadka dadka Soomaaida ahi ay gaaraan. 

            Warsaxaafadeedkaas kaddib ayaa weriyaasha ka qaybgalay waxay guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) weydiiyeen dhowr su’aalood, wuxuuna sheegay in ay layaab ku noqotay warbixintii Qaramada Midoobey kuna tilmaamay mid runta aad uga fog, Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay in 45 maxbuus ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Marka, kuwaas oo uu sheegay in lagu soo qabtay iyagoo ka ganacsana xashiishada ama cabaya ama beeraya, isla markaana waxa uu sheegay in lagu riday xukuno kala gadisan.

            “Markaan arko waagii calanka Qaramada Midoobey aad baan u farxi jiray maantase calankaasi waxa uu noqday mid la isku dulmiyo” ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indhacadde oo sheegay in uu u shaqeyn jiray Qaramada Midoobey, isagoo sheegay in Qaramada Midoobey looga baahnaa in ay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diyraan Gobalka Sh/hoose intii aysan qorin warbixintaasi., waxaana halkaa lagu daawadey cajalado Video ah oo laga soo duubey beerihii Xashiishka  oo la  gubayo iyadoo ay daawanayeen dad aad u fara badan iyo dad lagu soo qabtey Xashiishada  iyaga oo ka ganacsanaya , beeraya iyo cabaya  oo xabsiga la dhigay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2005


picture of a marijuana plant

Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey...

Warbixin Dheer oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha, Qaadka, iwm.

Qoraalka UN-ku waxa uu si gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan: GUJI...


Qamada Midoobey oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD