SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA CISMAN DAAHIR

Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com


Xuska maalmihii xoriyada iyo calanka Soomaalida iyo aragtida     Cismaan Daahir

  Ilaahay idin doori    Ducana waa noqotaa.  MAANSO

  • Inaan maanso daleeyoo      Deeley aan tiriyo
  • Ducaalow ma jeclaynoo      Mar horaan iska daayey
  • Waxse keena dareen             Oo dibaaqayga xanuunja
  • Oo i dan qaaba ma waayee   Ragii looga danbeeyee
  • Lagu siiyey digriiga                Uu sidii waxyi diin ah
  • Ugu soo degayaan                 Daalibkooda ahaa
  • Haday doodi gabeenoo         Dibnahoodi xidheen
  • Dib inaan ugu laabto              Dirqi bay noqotee
  •  
  • Dad ruuxaan wax ogeyn         Denbi looma xanbaarshee
  • Damaashaadka dhacaayiyo   Calanka loo digriyaayee
  • Loo dur baan tumayaa              Isagoon dad lahaynoo
  • Daluun dheer lagu tuuray          Oo durufaan ku ogaaye
  • Doodu wayga su,aale                Ma dib buu u dhashay
  • Daabacii badhtankiisa              Iyo xidigtii dayaxaa iyo
  • Daruuraa u ekayd                      Duulkii ay metalaysay
  • Dar maqnaa iska daaye           Labadii dusha saartee
  • Duligii isticmaarkiyo                  Daanyadii kaga raystay
  • Ma u dabaal degayaanoo         Difaac ma ugu jiraan
  • Dedaalkii lagu keeniyo              Dagaalkii halgankii
  • Daljirkii ku naf waayiyo              Wixii geesi nin door ah
  • Ku casheeyey dugaagu             Da,yartii la gumaadey
  • Hooyadii lagu dooxay                Hablihii dahabkooda
  • Iyo duruucdooda xaraashay      Isku soo wada duuboo
  • Wixii dhiig lagu daadshey         Ma dareensan yihiin
  • Dafiraadi ma fiicnee                 Hadii aan wax is doorinoo
  • Daman aanan ahayn                Dadkeenii waxa hasytiyo
  • Dalkeeniina ogahay                 Dar allaa la hadlaaye
  • Ducadaan badino                    Iyo daayinkay baryid mooyiye
  • Farxad aan la dekayno           Iyo damaashaad ma ekayn
  •  
  • Afartaa da,da maanso           Daruur hoortay gugii
  • Iyo dooxadii jarareed             Sidoodii ma u deexday
  • Deelkii aan ka bilaabay        Doc miyaan uga leexshey
  • Ilaahay idin doori                   Ducana waa noqotaaye
  • Dacwad baan furayaa          Oo dawan baan ruxayaa
  • Yaa daryaanka maqlaaya    Oo gabaygu uu damqayaa
  •  
  • Dawladaan hananiyo            Dooroonow calankii
  • Lixdankii degta saaray         Qarankii isku duubmay
  • Mar horuu kala daatoo         Dunidoo dhan ka suuray
  • Rabina nooma daraanoo    Cirka uu danab xoog leh
  • Iyo kama keenin dabaylo      Digaxaadh mariyee
  • Inagaa duminoo                     Deken daakin u qaadnay
  • Higaad deel iyo daal             Daalibkaan kala saarin
  • Alifkii dalab yeesho               Al baqraa dabartoo
  • Derbi aanu marayn                Iyo deri bay noqotaa
  • Dacdarooyinka maanta        Iyo duligaa ina haysta
  • Dulucdii saldhigeeda            Iyo halka ay ka dayaantay
  • Waa qabiil baan derejayn     Dawlad waynu ahaan
  • Laba weeye is diidan             Oo weligoodba dagaal
  • Iyo doodi ay ka dhaxaysay     Oo inagaa isku doonay
  • Dir dir baynu bilawnoo             Dariiqii ka habawnay
  • Sun aan daawo lahayn             Baan shacbigii ku duray
  •  
  • Digaale qayb lama siin             Reer duraan la ilaw
  • Dugsiiyaa ku shubtoo                duulkaasaa wada qaatay
  • Anagu diidney wasiir                  Iyo labadaa dibitaati
  • Dirir baan ka xignaa                   Qabyaalad baynu dan moodney
  • Garaadkeena danbeeya            Iyo jahli baa denbigaa lehe
  • Dur dur aan ka cabno                Iyo dareer baan filanaynee
  • Debaaq aad u qadhaadh          Iyo dacar baan kabanay
  • Markaasaynu deyowney            Oo intaan diintii ka baydhnay
  • Doxoraa noqonay                       Damiirkii ka dhintay
  • Daalin baan u gargaarey           Daciif baa laga hiishay
  • Xaqii baa la daboolay                Oo duudsi baa la jidaystay
  • Aano aano ku doon                    Iyo ayaan duul kale ceeshin
  • Iyo dhiig dad baa la banaystay  Duunyadii ummada
  • Iyo wixii deyn lagu keenay          Ama deeq nala siiyey
  • Baa afar tuug daldasheen          Dalacaad ku heleen
  •  
  • Intaa aan dulmi sheegay             Iyo qaar kaloo ka daraa
  • Oo dibnaha soo marinayn          Oo laga yeeshay dabeecad
  • Iyo distoor aan ku dhaqmayney    Wax ka daaya yiraahda
  • Ay dareenkiisa dhibayso             Iyo markay waydey daryeel
  • Baan dul ahaan cadawgeena     Dabin aan u galay
  • Markaasaay kala duushay          Oo midnimadii kala duushoo
  • Daaha aan u rogney                    Dib u soo celinteedana
  • Dedaallkeed ma hayno                Duqay beeshu u aydo
  • Daacadoo wax hogaansha          Danta guud ka shaqeeya
  • Iyo caadil diin ku dhaqmaaya       Soomaalaay dunjigaagaba
  • Daayinkay kama beerinoo            Weli daymo ma saarin                          
  •  
  • Afartaa da,da maanso               Daruur hoortay gugii
  • Iyo dooxadii jararee                    Sidoodii ma u deexday
  • Deelkii aan ka bilaabay             Doc miyaan uga leexshey
  • Ilaahaay idin doori                      Ducana waa noqotaaye
  • Dacwad baan furayaa               Oo dawan baan ruxayaaye
  • Yaa daryaanka maqlaaya         Oo gabaygu uu damqayaa
  •  
  • Halis ruux ka digaaya                Iyo abwaan waano ka diiday
  • Wax aqoon kugu daal                Wacdi kaa degi waa
  • Da,ina kuuma dhinee                Qalbigaa ku daboolan
  • Oo damiir baanad lahayn          mindidaa la isku dilaayo
  • Ninkaa daabka hayee               Marba ruux darayaa
  • Dabcigaaga yaqaana               Ood weligaa daba joogtey
  • Dawgii ay shalay eeday            Ee labada daarba ku seegtay
  • Iyo qabiil dawlad ku gaadh baa   damaceed na hayaayoo
  • Loo danaaniyayaayoo                   Weli loo dudayaa.
  • Hadii ay dux macaan                   Iyo haybi daawo lahayd
  • Inuun ruux  derejeeya                   Dan ku gaadhi lahaa
  • Duligay na baday                         Iyo dalkeenii did u eega
  •  
  • Dhulkii dooga ahaa                     Dhirtii duuda ahayd
  • Caradii dihinayd                         Nin dalxiisi jeclaa
  • daluumaa laga jeexoo               Saxaaruu ku danbeeyey
  • Duurjoogtii ku dhaqnaydna        Dabataagi ma joogto
  • Bad wixii dhex dangiigay           Dahab mood iyo nool
  • Dawladaa ka tanaaday              Oo markab qaaday dixdii
  • Iyo diyaaraad ku rartay               Waxay soo dejiyeen
  • Oo ku duugeen salka ciida         Sun daqiiqad ku laysa
  • Dulku neefle dhamaan                 Duunyo waa la helaaye
  • Dagaalkii ahligii                           Intee baan dad ku weyney
  • Intee baa dacdaraysanoo           Agoon haysan daryeel
  • Daacuunkii cudurkii                     Iyo intee duumadu xaaqday
  • Intee gaajo dilootey                     Intee daadku xanbaaray
  • Intee doonyo ku hoobtay             Oo mawjaduu dejiyeen
  •  
  • Dalandoolki qaxooti                 Iyo dibedii lagu yaacay
  • IYo degaan gaalo la eedye      Sidee baan u deyowney
  • Maxaa diif nagu taala               Maxaa ceeb na dul saaran
  • Halis aan dugsanayno              Duulka Eebe rogaayo
  • Da,yartaa ka xumaata              Guryahaa kala daatoo
  • Dulin uu ka galaaye                   Intee baan ubad diin leh
  • Ama hooyo daboolan                Oo xayadii ku dednayd
  • Dhaqan doorsamayoo              Maanta daaduf ku nool
  • Barbaartii dugsigii                     Duruustay ka barteen
  • Dureeyeen maskaxdoodoo       Gaaladii ku daydeen
  • Hooyadiina dibootoo                  Dirayskii muslimiinta
  • Iyo hagoogtii dusha xoortay        Oo surwaal aad ugu diiq ah
  • Iyo dabagaab xidhatay                Waxba aan u dedayn
  • Itee baa dhalin door ah                Madaxdii dalka hooyo
  • Beri daadihin lahayd                   Duruufaa qurbe yaala
  • Iyo dabayluu hafiyeenoo              ib u soo noqonayn
  •  
  • Intee daaci nin shiikh ah              Haduu joogo dalkii
  • La duraaman lahaa                      Dersi ruux ka dhegeysta
  • Dacwad daa hadalkeede            Dadab tii la gashay
  • Iyo dahabadii maqli waydoo        Dabuub waano u sheeg iyo
  • Markuu doodi badshey                 Denbi loogu sameeyoo
  • Dhashiisii laga deyroo                  Daymihiisu arkayn
  • Intee caaqil da,weyn                      Dalkii haybad lahaa
  • Bulshadu ay daba joogtey             Maalintay dihato
  • Ama ay meel ka dayaanto            Ama ay dirgan waydo
  • Dibnihiisa la dhawro                    Ilmihii uu debed keenay
  • Iyo duqdiisii ka dhaqaaqdoo      doc ay caawa jiraan
  • Wax dareen ah u hayn                 Daman oon is ogeyn
  •  
  • Afartaa da,da maanso                Daruur hoortay gugii
  • Iyo dooxadii jarareed                   Sidoodii ma u deexday
  • Deelkii aan ka bilaabay               Doc miyaan uga leexshey
  • Ilaahay idin doori                           Ducana waa noqotaaye
  • Dacwad baan furaayaa                Dawan baan ruxayaa
  • Yaa daryaanka maqlaaya            Oo gabaygu uu damqayaa
  •  
  • Murti aad u da, weyn                    Iyo hadaan doogta abaaro
  • Abwaan baa ku dardarmaay       Qabiil waa dugsi laawe
  • Nabar aan dawa lahayn                Milil hoos ka da,aaya
  • Iyo cudur weeye dilaa ah               Ducfigaan kartidiisa
  • Ku danaysan karayn                       Daalin baa ku adeegta
  • Boogta diirka ka qaado                 Weligooba damqa
  • Jahli baa u dugaal ah                      Baahi baa deriskii ah
  • Bulshaduu la degaana                    Weligeed isku duubni
  • Iyo dar caleen leh ma gaadho         Daluun bay ku dhacdaa
  •  
  • Diinta oo laga baydho                     Iimaankoo ku daciifa
  • Iyo dani bay dhalisaa                       Xin bay daadihisaa
  • Waxdaday dumisaa                         Dunuubtoo badata
  • Iyo dulmi bay hor kacdaa                 Dacar bay kicisaa
  • Nabaday durkisaa                            Dagaalay hurisaa
  • Safayn loo diririyo                            Iyo dakanay ka tagtaa
  • Nin doorkii talin laaye                     Ee samo dooni lahaa
  • Iyo duqayday salfataa                     Dhalintay dubataa
  • Qayladoo dami weyda                    Iyo baroor daa,im ahaata
  • Dumarkoo hengel qaata                 Iyo agoon bay dihataa
  • Mooryaan diirato ah                        Oo dad iyo duunyaba xaaqda
  • Jiri aan waxba deeqin                    Oo xaamilooyinka dooxda
  • Iyo daydaygay korisaa                    Degmadoo kala yaacda
  • Iniba gees u dareerto                     Dalka oo laga yaaco
  • Cidina daafici waydo                     Cadawgaagu degmaystoo
  • Xukunkiisa dumaalo                       Toban deyr u sameeyo
  • Dabka aan kala qaadan                 Isaguun daba jooga
  • Gumeysi aad u dilaasho                 Iyo daleel bay ku dhigtaa
  • Adigoo dalandoola                         Degaan aanad lahayn
  • Iyo u dugaala qaxooti                      Dunidu ay karahdo
  • Dawersi aad sharaf moodo           Iyo dibjir bay ku badaa
  •  
  • Afartaa da,da maanso                  Daruur hoortay gugii
  • Iyo dooxadii jarareed                     Sidoodii ma u deexday
  • Deelkii aan ka bilaabay                 Doc miyaan uga leexshey
  • Ilaahay idin doori                             Ducana waa noqotaay
  • Dacwad furayaa                             Oo dawan baan ruxayaa
  • Yaa daryaanka maqlaaya              Oo gabaygu uu damqayaa
  •  
  • Waxa daano na gaadhey              cidna daah kama saarna
  • Waa digniin hadalkaygu                Qabyaalad waa na dilootey
    Digaanyo aan waxba reebin          Iyo dulin bay nagu beertay
  • Docina nooma fayooba                  Caanihii weelka ka daataba
  • Dabadaa la qabtaaye                     Dariiqii laga baydhiyo
  • Hadaan daayin ilaah                       Iyo diintii aan lagu laaban
  • Toobadkeen la ducaysn                 Xaqii aynu dednay
  • Laga qaadin daboolka                   Dulmiga aan laga joogsan
  • Rucdigaa na dul saaran                 Daa,im baan ku ahaanoo
  • Ifka waa dabar go,                         Iyo dunidaynu ka suurno
  • Aakhirona waa degel naar ah       Dab cadaabta iblays
  • Sidii duulki fircoon                         Deris aan noqonaa
  • Midnimaa wax daweysa               Oo boogahaa damqanaayiyo
  • Dabiibaysa xumaantee                 Daliilkii rabigay   iyo
  • Dooroonow nebigii CSW             Dawgoodii ha la qaado
  • Qarankii dumay iyo                       Iyo dawlad aynu ku doono.
  •  

WA BILLAAHI TAWFIIQ
 Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com June 26, 2004

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

GABAYGII HOOYAA QOYSKU KU DHISNAA...

 

OSMAN DAHIR -2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD