SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIGRI

Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com



Abwaan Xasan Bulxan Cali

 Digri

Maansadan la magac baxaday Digri, waxaa curiyay Abwaan Xasan Bulxan Cali oo ku nool Magaalada Caabud-waaq ee Waddanka Soomaaliya.

Maansadu waxay doco badan ka iftiimisay dhibaatooyinka qarada leh ee maanta haysata ummaddii Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba. Abwaanku wuxuu cabiray xalka musiibooyinka sii kordhaya, wuxuuna tilmaamay; in loo baahanyahay in lala yimaado dadaal badan, in dib loogu laabto ku dhaqanka diinta lagana fogaado hagardaamada shaydaanka. Waxa kale oo ay maansadu tilmaamaysaa in loo baahanyahay in lala yimaado towbad-keen iyo in la is cafiyo lalana badiyo digriga Eebbe, iyadoo laga baryayo inuu nagu toosiyo dowgii badbaadada.


1- Marka hore dabuubtayda
2- Duxda iyo ujeedkeeda
3- Daah karogidda hadalkayga
4- Inta anan duruusaynin
5- Daabaca ku dhigin buugga
6- Mahad iyo ammaan doora
7- Aan udiro abwaaniinta
8- Doodwanaagga curinteeda
9- Bilowgii diyaafadiyay.

10- Marka xigana dooddaydu
11- Dacar iyo dhunkaal maaha
12- Digashiyo colaad maaha
13- Inkir iyo difaac maaha
14- Dumin iyo waxyeel maaha
15- Daqar iyo nacayb maaha
16- Kala didi dadkaa maaha.

17- Balse waa dubaakhowga
18- Dacaskiyo walaahowga
19- Daannada rafaadkeeda
20- Dirirtiyo heshiin waaga
21- Docdee uga baxnaa weeye.

22- Wixii daanno ina gaaray
23- Burburkiyo dadkii yaacay
24- Degelkicii nahalakeeyay
25- Damiirlaawe mooryaana
26- Dadkii uu xasuuqaayay
27- Dariiqyada wixii yaallay
28- Marwo doora oo sharafle
29- Wixii la iska dooxaayay
30- Dad-qallada mindida dheerle
31- Dugaaggaan wax boobaaya
32- Diiratadaan hambaynaynin
33- Sidee loo dabraa weeye.

34- Manfacii degaankayga
35- Dahabkiyo macaadiinta
36- Kuwa daabbulee raraya
37- Deeradiyo cawsheenna
38- Dabataagta iyo siigga
39- Qaalmaha dareeraaya
40- Dekedaha ka dhoofaaya
41- Duunyada la baylihiyay
42- Dabargo’a nimcooleyda
43- Daallimiinta beec-geeya
44- Daraahiimta siisanaya
45- Dacwad aan kuxiri weeye.

46- Qab-qablaha dagaagoobay
47- Heshiiskana an doonaynin
48- Dabamaraya khayraadka
49- Meeshuu rabo uduulaaya
50- Lacag beena daabacaya
51- Masaakiinta duminaaya
52- Doollaraadku soo helayo
53- Madaafiic wax dabargoysa
54- Dekedaha kasoo rogaya
55- Sharci iyo dastuur celiya
56- Xabsi laba dibleynaaya
57- Sideen ugu dirnaa weeye.

58- Dawladnimada sharafteedi
59- Daawashadiyo calankeenni
60- Isku duubni qarankeenni
61- Duruustiyo iskoolaadki
62- Maamul kala dambaynteenni
63- Danwadaag israbiddeenni
64- Ciidamadii Daraawiishta
65- Milateriga deyrkeenna
66- Cadaawuhu ka diiqoodo
67- Shacabkoo damaashaadka
68- Farxad wada dalxiisaaya
69- Seen dib ugu helnaa weeye.

70- Dawdarnimada maaggeeda
71- Damiirli’ida xumideeda
72- Dayiciyo ismaandiidka
73- Degaannada la kala ootay
74- Dirka iyo qabiil sheegga
75- Dur-durkiyo tahriib aadka
76- Doonyaha lawada fuulay
77- Dadweynaha halaagmaaya
78- Meydka daadsan tiradiisa
79- Dalanbaabi kala yaaca
80- Dawarsigiyo heehaabka
81- Digarogashadeed weeye.

82- Dirri iyo bannaan diiran
83- Adoo diiqad haliseedka
84- Harraad uu dibnaha jeexay
85- Haddii ay daruur hoortay
86- Meel durugsan kahillaacdo
87- Fakarkiyo dareenkaagu
88- Reeraha dubaakhoobay
89- Duunyada naqgeyntooda
90- Doon jilicsan raridooda
91- Doog iyo xareed jiifta
92- Naqoo lagu durduursiiyo
93- Rug udayitinkeed weeye.

94- Toban saniyo daamoodki
95- Dawlad li’idi nagu raagtay
96- Derisyadeenna caydooda
97- Qaxootiga darxumadiisa
98- Digashadiyo haaraanka
99- Dacaayadaha sharafteenna
100- Kuwa doona xumeheenna
101- Barannoo ma diimoonin
102- Si uu doorkan magaceennu
103- Dibedaha u wada gaaro
104- Ducfnimadu waa liide
105- Dadaalkeena aan badinno
106- Aan ka durugno shaydaanka
107- Daneheenna aan garanno
108- Aan unoqonno diinteenna
109- Toobakeenka aan dalabno
110- Digrigiyo ilaah bariga
111- Dariiqii rasuulkeenna
112- Dawga toosan maristiisa
113- Udareera noloshiinna
114- Ayaan ugu dambeysiiyay.


--------------------------
Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 15, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD