SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

Maxamed Dhagaafe Cilmi
m_dhagaafe@hotmail.com



Maxamed Dhagaafe Cilmi 

Ummadyahay 

Maansadan Ummadyahay waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo iminka ku sugan magaalada Adis-Ababa ee wadanka itoobiya maansadan oo soo baxday 10/7/2007  ayaa waxa ay tahay maanso wadani ah oo Abwaanku kula hadlaayo Ummadwaynta Soomaaliyeed maansadan oo su`aalo iyo talaba isugu jirta.  Akhris wacan

                        Ummadyahay  
 

  1. Ummadyahay Halaagiyo
  2. Holaciyo dhibaatada
  3. Horta maxaad u jeceshiin.? 
     
  4. Maxaad horumarkiiniyo
  5. Inaad Nabad ku hoyataan
  6. Hagaaggii u deedeen
  7. Collaadaha u hurisaan.? 
     
  8. Hooyo iyo Aabiyo
  9. Horintii koraysaba
  10. Maxaa hanaddadeenii
  11. Hubka loogu laayaa.? 
     
  12. Hayb waysku raacnaa
  13. Hadalkaan wadaagnaa
  14. Hidaha iyo dhaqankana
  15. Diin quraan ku hiranaa
  16. Misna kala habownoo
  17. Qabiilbaa nakala horay. 
     
  18. Hanaan dowladdeed iyo
  19. Wixii nagu haboonaa
  20. Aan helnoo haleelnee
  21. Dadka ma u horseednaa
  22. Hilinkii wacnaayoo
  23. Nabad mow habaynaa.? 
     
  24. Haah dhaha jawaabtoo
  25. Halyeeyada dalkaygow
  26. Aynu harumar gaarnee
  27. Calankeena hoostagay
  28. Hiil u tara dhamaantiin. 
     
  29. Hurgumada qabiilkana
  30. Halmar aan ka gudubnee
  31. Diiwaan ku haga oo
  32. Hubka dhiga dhamaantiis.
  33. Waynu kala habownoo
  34. Habqanka iyo yaacii
  35. Hareeraha aduunkaa
  36. Qofba meel ku heermee
  37. Hugunkiyo collaaddii
  38. Aankasoo hanuunnee
  39. Qoloqolo ka hara oo
  40. Ku hungoobi maynee
  41. Qaranimo haloo kaco. 
     
  42. Hareer kale ka eegoo
  43. Ciiddeena hadankaa
  44. Macdantuna ay hoostaal
  45. Wabiyada halcanayiyo
  46. Baduhuna hareerraha
  47. Nooga heeranyiinoo
  48. Halkaad dalag ku beertana
  49. Horay ay usoo bixin
  50. Duunyaduna hirdoogliyo
  51. Howd caleenle miratoo
  52. Rabaa noo hibeeyoo
  53. Hodan nooga yeelee
  54. Aduunyada nin haystiyo
  55. Nin helaaba uu jrin
  56. Hantideena weeyee. 
     
  57. Inagaa ka hurudnee
  58. Hanqaltaaga beentaa
  59. Ina hoday dhamaanteen
  60. Hohe aan ka gudubnee
  61. Qayrkeen halkuu tagay
  62. Higso oo la jaanqaad
  63. Haysu jeedin adiguye
  64. Soomaalaay halmida noqo
  65. Noqo noqo halmida noqo.. 
     

       Dhamaad

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi

Adis-Ababa Ethiopia

Email: m_dhagaafe@hotmail.com

Tel..  +251913123411 

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 31, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD