SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


W.t Cali Sh. Cumar Cismaan (Cali-Khayr)
E-mail: Caliqeyr72@hotmail.com


Da’ yar

  • W.t Cali Sh. Cumar Cismaan (Cali-Khayr)

Maansadaan la magacbaxday Da’ yar waxaa curiyay Cali SH. Cumar Cismaan ( Cali- khayr) oo ku nool Magaalada London ee carriga Ingiriiska. Maansadu waa tii 39aad ee taxanaha Doodwanaag, waxayna silsiladda ku soo biirtay 10-06-2005ta.

Maansadu waxay soo koobaysaa daraasad la xiriirta dhibaatooyinka la soo dersay da’ yartii soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba. Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo ka dhashay colaadaha sokeeye ee muddada dheer waddankii ka aloolasanaa.

  • Da’da maanso dulucdeed
  • Dayrtaan ma dabagelin
  • Mana daynin deelkii
  • Dib baan uga durkaayoo
  • Suugaanta doorkee

  • Darandoorri socotee

  • Doc walbaba iskaga timid

  • Dulduleelna laga daday
  • Waxba kuma ka dareyside
  • Ha is daalin, ha degdegin

  • Yaa igu dahaarneyd.


  •  

  • Diiriyow ha yeeshee

  • Danwadaha da’diisii

  • Dadaal loogu magac daray

  • Iyo kuwo ka sii daran

  • Doodwanaag ku daabacan

  • Daalacashadoodii

  • Dareenkaa i kacayoo

  • Niyaddii daciiftiyo

  • Daalkii illoobaye
  • Haddaan horay u daahoon

  • Halgankii dib uga dhacay

  • Maantaba diyaar ihi.


  •  

  • Diiwaanka dahabka ah

  • Damqashiyo dareenkii

  • Ninba dacal ka daadihin

  • Dadka iyo deegaankiyo

  • Duunyadiyo dalaggiyo

  • Dirrirtiyo dandarradii

  • Cudurrada dilaaga ah

  • Dabkan aan dameyn iyo
  • Dambiyadan la galayee
  • Dayday iyo duq daafaco

  • Daarihii daboolnaa

  • Dusha sare ka diirteen

  • Dilkan laysku dabarjaray

  • Abwaannadu ka deeyrsheen

  • Deelleey ku sheegeen

  • Waa dardaarankoodoo
  • Nin doorkaa dareemee

  • Damiin dhagaha uma diro

  • Daacuflahana wow dacar.

  •  

  • Nin dumaashidiis dilay

  • Soddohdiis ma daayee

  • Ma damqade dadkeeygow

  • Wax u daniyo wax u daran

  • Dad aan kala dayeeynoow

  • Dulmilow iyo dabadhilif
  • Danaystiyo dallaalkii

  • Dadkaan daba dudaayoow

  • Duke calaf ma daahshee

  • Doodwanaagtan digidda ah
  • Ma ku diirsan doontaan?


  •  

  • Daryeel iyo is daadihin

  • Degmo iyo dad wow dane
  • Abwaannada dalkeeygee

  • Deelleeydan dawiyee

  • Dadka nabad la doonoow

  • Daruurtaa da’aysee

  • Diiwaannada ku daabacan

  • Dadku daalacdaanoo

  • Danta guud difaacdo ah
  • Dirkii ugu darnaayee

  • Duruufahan is daba galay

  • Daqarradeey dilaacsheen

  • Darandeeriyeenoo

  • Dayooboo wareeriyo
  • Da’yartii ma lagu daray?


  •  

  • Danwadow dihaalkiiyo
  • Daalkii ba’naayee
  • Durriyada dulsaarnaa

  • Inaan daba galoon dayo
  • Dantaa ii direeysee

  • Dulucdiyo tixdaan dagay

  • Haba daahsanaatee

  • Doodwanaag ha lagu daro
  • Duruustana ha lagu dhigo.

  •  

  • Haddaan hoos u sii dego

  • Dantii aan lahaa iyo

  • Halkii lay damqinayiyo

  • Aan abbaaro doogtii

  • Da’ yar aan u hiilliyo

  • Duruufahey ku sugantahay
  • Diirka aan ka qaadoon

  • Marba heer la derisnee

  • Deeqow bal ila soco.


  •  

  • Darajada Ilaahay
  • Iyo doonistiisii

  • Isagoo daciifoo

  • Biyo daadanaaya ah

  • Marka riximka uu dego
  • Intuu dibad u soo bixin

  • Da’da hooyadeed baa

  • Diblad loo daraayoo

  • Dufankiyo dacaamkii
  • Dibnaheed ka daadago
  • Meel loo diyaarshuu

  • Kaydkeeda dihan iyo

  • Nafaqada ka doontaa
  • Daryeelkeeda bow dana

  • Diifteeda bow daran
  • Farxadduu dareemaa

  • Welwelkuu ku daalaa

  • Dareenkeey wadaagaan!!

  •  

  • Haduu dowgu saa yahay
  • Deelaaf darxumadii

  • Durriyadda waxow daran
  • Dubka iyo dahaarkaa

  • Damaqii ka daadago

  • Ku daanneeyo uurkoo
  • Dirrirtiyo dagaalkii

  • Dam ka dhigay dalkeenii

  • Dumarkii ma daynine

  • Door duqeedi laga dilay

  • Darxumeeyeen tuugoo

  • Dahabkiyo duruucdii

  • Darba kaga dulqaateen

  • Ayna gaajo daran iyo
  • Daryeel xumo la diristoo

  • Indhihii durkeenoo
  • Dub ka kacay dibnihiyoo
  • Daamankiina diismeen

  • Dudki iyo qax-darankii
  • Waxay daabulaysee
  • Duudkeeda saarnaa

  • Ma uu daawanaynoo

  • Isna waa daldalayoo

  • Ilmuu daadinaayee

  • Markuu daal tabcaanoo

  • Uurki lagu duqeeyoo

  • Daldalooshe waayuhu
  • Maxay ruuxdii daysoo
  • Asoon duniba wali arag
  • Ilma dilan ah soo baxay!

  •  

  • Kuu Weyne daayana
  • Dandarriyo rafaad baa
  • La soo dersi horraanoo
  • Hooyo diifi haysoo
  • Aan wax docan karayn bay
  • Fooshii dul timidoo

  • Aan daawo loo hayn

  • Diktoorrana warkood daa!!

  •  

  • Qalab haba dambeeyee

  • Ileys koronto deysiyo
  • Faaynuus la daaraa

  • Lagu diimayaayoo

  • Aan dagalka laga helin.

  •  

  • Dani reerki dabartaye

  • Duluf iyo dhar duugoo
  • Darafyadu dillaaceen
  • Yaa loo diyaarshoo

  • Dab intii la shiday baa
  • Duq ay deris ahaayeen

  • Degdedeg loogu doonoo
  • Iyaduna ma daahine

  • Daqiiqado yar dabeed
  • Duca-qabtadi waa timid!


  •  

  • Isku dadab dhankaas iyo

  • Dariiquu ka dhumay iyo

  • Soo durug haddeer iyo

  • Dowliga dallaca iyo

  • Dowlooy adkaysiyo

  • Waxa ay dadaashaba

  • Daa’imkaa la doonee

  • Ka dulqaadday diricii
  • Ama dabahabo- luuleey.

  •  

  • Diif iyo daryeel xumo
  • Daashaday horraan baa
  • Hooyadii dawaqiyoo

  • Damal caanaheedoo

  • Doobi laga darduurtiyo

  • Daawo lagu duraayoo

  • Dabar goyso dhiig da’a

  • Jiscinkii la doondoon

  • Digsiyadii dhammaantood

  • Laga qaad daboolkii

  • Daxashii dhex tiilliyo

  • Laga dayri xaalkii

  • Dibna looga soo noqoy!


  •  

  • Gacaliso dareenkiyo

  • Dhimmirkeedii doorsoon

  • Isku duubtay dirintii

  • Damaceedu jiif noqoy

  • Hurdadiise loo diid!


  •  

  • Dambi ma leh saqiirkuye
  • Markay gaajo daartuu

  • Afkii labada daan furay

  • In hooyadi dugsiisoo
  • Caano lagu daldalo iyo

  • Waa dalab ujeeddadu

  • Duruuftana ka diimoon!

  •  

  • Iyadooy dikaan iyo

  • Xanuun aan u diirnixin

  • Dubbe-culus la dhacayaan

  • Alla darajo siidii

  • Cunuggii daf siisoo

  • Ku duw tiri bal naasaha

  • Ha yeeshee dis kama helin

  • Danina seeto weeyee
  • Biyaa lagu dirqiyayoo

  • Dambar looga dhigay dayac!

  •  

  • Duulkuu Eebbe daayaa

  • Korriimadu ha daahdee
  • Ma dilaan duruufuhu

  • Doodse waxay ka joogtaa

  • Maxaa lagu dambayn iyo

  • Dariiqee la marayaa?


  •  

  • Waxan uga dan leeyahay

  • Dad yaroo dadaaloo

  • Daa’im duunyo siiyaa

  • Da’yar doonisteediyo

  • Duruustaba daneeyee

  • Danyar weey dayacan tahay.

  •  

  • Duulashaa daleenka ah
  • Aqoontiina laga daday

  • Daryeel caafimaad iyo

  • Aan digtoor dabiibaa
  • Cudurrada ka daaweeyn
  • Duumana dileysee
  • Darbiyada dushoodiyo

  • Dariiqyada dul daadsani

  • Goortay daryeel iyo

  • Cid danaysa waayeen
  • Duruuftaa direeysee
  • Dayday iyo wax dafid iyo

  • Dalaq dhaha waxii dagan
  • Dan hadday u moodaan
  • Dubaaqoodna galiyaan
  • Dambigeeda yayska leh?


  •  


  •  

  • Dawdar aan naxayn iyo

  • Dambiilaha dagaalkee
  • Dadka iyo dalkiisii

  • Doollar lacaga dhaafsaday
  • Ha leey doorto daa’imay

  • Ama dunida waan gubi
  • Hadduu duufsadoo helo

  • Daroogadana uu baro

  • Dilku inuu xalaal yahay

  • Doqonnimo xishood yahay

  • Dafid geesinnimo tahay

  • Daydaynimmana sharaf tahay

  • Dambigeeda yayska leh?


  •  

  • Hadduu nacas dullaal ihi

  • Qori deegta ugu raro

  • Kuwa daba dudaayee

  • Difaacaaya ku darsado
  • Dil ku dhaho wuxuu rabo

  • Dariiqyadana wada goo

  • Isbaarada duljoogoo

  • Kufso tii ad doontoo
  • Ha u nixin duq waayeel

  • Hooyadaa ha sii dayn

  • Dan kalaan ka leeyee

  • Dambiisheeda ii keen

  • Dambigeeda yayska leh?


  •  

  • Waxan uga dan leeyahay

  • Ubad aan duruus iyo

  • Dugsi waligi loo dirin

  • Oon khayrka lagu duwin

  • Diintana wax laga barin

  • Inuu daaqi halisoo

  • Dayac uu ku suganyahay

  • Ma ruux diiddan baa jira?


  •  

  • Ha ka degin ku soo durug

  • Qaar kaloo ka daranoo

  • Ka fogow dabkaan yiri

  • Aanse diirsan abidkood

  • Wixii maati didayoo
  • La sii daabulaayoo

  • Qaar diyaarad raaceen

  • Kuwo doonni lagu guray

  • Kuwo gaajo dilatoo

  • Saxaraha dushiisiyo

  • Meel dugaag ka buuxiyo

  • Duurka ay lugeeyeen

  • Doorkan aan abbaaree

  • Deeqow bal ila soco.

  •  

  • In kastoo mid diilmiyo

  • Mid dukaan samaystoo

  • Is dabbaraya uu jiro
  • Danta guud markay tahay

  • Xaalku waa dallaganahay

  • Duudsi iyo dhib baa jira

  • Aan qolo ka dooddiyo

  • Kuwo dabagalaa jirin

  • Hankii waa la dayriyay

  • Inta dawarsataa badan
  • Dhaqankiina doorsoon!

  •  

  • Dablin iyo Danmark iyo
  • Dalhi iyo Dakaar iyo
  • Danbosh iyo Danhaag iyo
  • Dallas iyo Darwiin iyo
  • Dibadahi la kala dagay
  • Da’dii duurka lagu dhalay

  • Dubbihii ku dhacay iyo
  • Dareenkaan la filanayn

  • In Islaamki laga dido

  • La dugsado dir gaalo ah

  • Kaba daran dagaalkii

  • Soomali kala diray!

  •  

  • Duuloow Eebba deyrshiyo
  • Dumar iyo rag dibbadiyo

  • Dariiqba isku dayneyn
  • Da’yartaa dayaysee
  • Diriskeedu dulli yahay
  • Kuna dayan dagaankiyo
  • Waxay daawanaayaan

  • Iyo darajo kala dheer.


  •  


  •  

  • Mid kalaa ka sii daran

  • Diijii cayaar iyo
  • Digdig beena mooyee

  • Ubadkii Ducaalow
  • Aqoontii dam weeyaan

  • Dugsiyada shisheeyaha
  • Qofba kii da’ diisa ah

  • Inuu dayr la galo buu

  • Diiwaanku qorayaa

  • Dagaalladi sokeeyiyo

  • Mid tahriib ku daaloo
  • Aan abid duruus dhigan
  • Iyo midu diktoor dhalay
  • Caqligaaba diidoo

  • Isku dow ma marayaan.


  •  

  • Macallinki dabuubtii
  • Iyo casharka loo diro
  • Kama daadegaanoo
  • Da’ yarteennii saaxiib
  • Sidii ruux damiineey
  • Hoostooda dayayaan
  • Wajigay dadbaayaan
  • Dadka kii damoodana
  • Waa dabeecaddoodee

  • Dagaal bay ku sii deyn.

  •  

  • Waxaa taas ka sii daran
  • Dadaal iyo dad daba galo

  • Dib la saxo duruustii
  • Daartooda ma daggana
  • Duqa iyo duqdiisane

  • Ayagaa ka daranoo
  • Luqadduba ka deginoon

  • Laba deel is daba dhigin!

  •  

  • Markay dawakh wareereen
  • Durba nace iskoolkii
  • Haddii subixi loo diro
  • Luuqyay ka dusayaan
  • Dibadahay wareegaan
  • Waxa ay la daahaan
  • Kuwo laga ducaystoo

  • La soo dayrshay waa hore

  • Dersi baa la siiyaa

  • Dayuusnimo ka kow tahay

  • Dhagahay durtaanoo
  • Daroogay daldalayaan
  • Dariiqyada dushood iyo

  • Darbiyaday dugsanayaa
  • Dadka gaal kan ugu daran

  • Dulligay la dirisyiin
  • Eeyahay daddaanshaan
  • Dadnimana is daayeen!

  •  

  • Dogob sii dumaayiyo
  • Duqow hore ma daahdee

  • Xaaladaha na daashaday
  • Da’dii barri daweyn leyd
  • Haddaan dayaca laga celin
  • Dalka iyo dibadahaba
  • Haddeey wada dulloobaan
  • Oon laba dareemeyn
  • Dadoow aan su’aalee

  • Ninka doon dagaysoo

  • Dakhalkeedu jabanyoo
  • Ka dabaashay wadihii

  • Dusha sare ka fuuloo

  • Dug ku yiri dareen li’ i

  • Iyo Soomaali yaa daran?!

  •  

  • Doqon daashku jiifiyo
  • Daartiisi dumiyoo
  • Dab ku shiday dadkiisoo
  • Ehelkiisi dubayoo

  • Damaaburada deeymoon
  • Iyo Soomali yaa daran?!

     
  • Dabuubtaydu waxay tahay

  • Dakhalkii dadweynaha
  • Bulshadaanan dayac tiran
  • Da’yartood waxbarinoo
  • Dariiq toosan aan marin

  • Saaddanbeey dayacan tahay
  • Asaaggeed ka dabamari

  • Cadowgeed u dagantahay!


  •  

  • Ha ka degin ku soo durug

  • Wali dood kalaa dhiman

  • Duriyaddan dagaagga ah
  • Markaan maalmo dabagalay

  • Dareenkood u kuurgalay
  • Dacwaddeey ku doodeen
  • Diirka aan ka qaadee

  • Deeqoow bal ila soco.

  •  

  • Dibjir mid aan u haystoo

  • Dhar dillaacsan haystaan

  • Daandaansadoon iri

  • Dereenkaagu waa see?

  • Ma taqaan dalkaadii?

  • Wali diin ma leedahay?

  • Mise waabad durantahay?!

  •  

  • Dakinnimadu yaab lehe

  • Dagganaan ayuu yiri

  • Hohe, dunidu ciil iyo
  • Dibindaabyo badanaa

  • Duruufuhu dhib kululaa

  • Nin dadkiisu liid yahay
  • Diracyada u daranaa

  • Maxay wiilal doorsheen

  • Gabadho daqal ka tuureen

  • Duni ugu mudnaan laa”

  •  

  • Isagoo i dayayuu

  • Dabadeed haddana yiri


  •  

  • Dorraad waad na dilayseen
  • Shalay waad na dayacdeen

  • Maantana ma digashaa?!”

  •  

  • Wuxuu iigu sii daray

  • Duqoowdii na daadshiyo
  • Hooyadii na dihatiyo
  • Eeddaday ma daashiyo
  • Darban habaryarteey iyo
  • Abtigeey ducaaliyo
  • Adeerkay daryeeliyo
  • Duubabkii la doortiyo
  • Culimadii digriga iyo

  • Dadweynaha dhammaantii
  • Dooddaydan gaarsii” .

  •  

  • Wuxu yiri “ dadkii ku dheh
  • Duuloow Eebbe doorshiyo
  • Dulmilowyo sheydaan

  • Oo dibad kasoo dagay
  • Ma duminnin dalkeennee
  • Dabkan adinka daaroo

  • Deetana na dooxoo

  • Middi daabka haaystoo
  • Noogu wacan dacdarradee

  • Maxaad isku dilaysaan?”

  •  

  • Wuxu yiri “dadkaygow
  • Fitno aan damayn iyo

  • Dugsi ma leh dagaalkuye

  • Naga daaya dirirtaan
  • Danta guud u daaddega

  • Dalka nabad u doorbida
  • Duunyadiyo dalaggiyo

  • Deegaankuba ha doogoo

  • Dadku nimco ha daaqee”.

  •  

  • Waxaan iri “duceysane
  • Diracyahaw la heli karin
  • Daa'imkii na uumaa
  • Caqli kuugu deeqoo
  • Nin dantiisa garannoo

  • Duruuf daashataad tahay

  • Daandaansigeygina

  • Daadiroow ka daawoow

  • Warkaad ii direeysana
  • Dadka anigaa gaarsiin
  • Anigaa dal iyo dibad
  • Diiwaannada ku daabici
  • Dariiqada islaamkiyo
  • Xaqna lama dahaaree
  • Farriintaada dahabka ah
  • Waa in lagu dadaalaa

  • Oo aan la daayicin.
  •  

  • Dareen dhacayse dabadii
  • Hadaan la isku duubneey
  • Dallaal kala diraa iyo
  • Haduu duul habaar qabo

  • Dab ku shidayo digilkii

  • Durba kama dawootoo

  • Adeer weey dallagantahay
  • Weyska daba madoowdahay
  • Midkii soo dabaashane
  • Midka kale ma dayi karo
  • Weyna wada dayacantahay”.
  •  
  • Waxuu yiri Duceysane
  • “Balaa nagu dakeeysoo
  • Dusha naga cuneeysee

  • Xal kaloon u doonnaa
  • Kuma daadageeysoo

  • Horaa loogu daalee

  • Adaa iga da'weynoo
  • Danta garan karaayee

  • Noo ducee adeeroow”.
  •  

  • Ana kama dibdhicinoo
  • Dabadeed waxaan iri “
  • Dalkan ba'ay dadkiisii
  • Daa'imoow dallaaliyo
  • U dir geesi daahira
  • Danbiyadan dabeyl marin

  • Danta guud difaacoo
  • Diinta nagu daryeeloo
  • Dumarkiyo dalleenkiyo
  • Da'yarteenna dayactiro
  • Dalka daafahiisiyo
  • Diilimaha xuduudaha 
  • Ka durjiyo cadaawaha
  • Deexdiyo duleedkiyo
  • Diisha wabiyo beeraha
  • Badda dacasha weyn iyo
  • Deeqaha berriga yaal
  • Ka darduurin maatida.

  •  

  • Rabbiyow na daba qabo

  • Rabbiyow na daadihi

  • Rabbow fitnada naga dami

  • Rabbow khayrka nala doon

  • Inta muslin dayacan iyo

  • Soomaali daawee

  • Dagdag nabad u soo celi
  • Doodwanaagna barakee”.
  • -----------------------------------

Aamiin
W.t Cali Sh. Cumar Cismaan (Cali-Khayr)
E-mail: Caliqeyr72@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Jun 17,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD