SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Inj. Axmed Cabdi Maxamed “Guulwade”
Rotterdam, Holland


                 Dib allow u soo celi 

Maansadaan la magacbaxaday Dib Allow u soo celi, waxay ka soo maaxatay maskaxdii Inj. Axmed Cabdi Maxamed “Guulwade” oo  hadda ku nool Magaalada Rotterdam ee waddanka Holland. Maansadu 25-04-2005ta ayay ku soo biirtay taxanaha maansooyinka Doodwanaag, waana maansadii 37aad ee silsiladdaas. 

Abwaanku wuxuu soo bandhigayaa dareenkiisa  ku wajahan xaaladda ay maanta Soomaaliyi ku sugantahay, isagoo dhinacyo kala duwan wax ka iftiiminaya. Waxa kale oo ay maansadu soo koobaysaa howlaha muhiinka  ah, ee wax ka qabashada u baahan, kuwaasoo ay lagama maarmaan tahay in uu ku hamiyo ruux kasta oo maanta danaynaya inuu gacan ka gaysto dib u soo celinta sharaftii iyo karaammaddeennii luntay. 

  • Bahda Doodwanaagoow.

  • Diracyada dadaalkiyo

  • Dadnimiyo wax qabad iyo

  • Daryeel hagar la’aan iyo

  • Daacadnimada muujoo

  • Deelleyda curiyoow.

  •  

  • Ragga doorka maanta ah

  • Damiirkooda wacan iyo

  • Dareenkooda garashiyo

  • Daljirnimo u gaariyo

  • Danta wadajirkeenna ah

  • Dar Allee u duubtoow.

  •  

  • Ragga dulucda maansada

  • Dardar iyo wax qabad iyo

  • Doorrooni sharaf iyo

  • Digtoonaansho xeel iyo

  • Dulqaad samirka dheer iyo

  • Daraasaadka bixiyoow.

  •  

  • Anigiyo dadweynaha

  • Docda Rottardam iyo

  • Deegtaa ku nool baa

  • Salaan soo diraynee

  • Daacad iyo walaalnimo

  • Dar Allee guddoonsada.

  •  

  • Walow aan ka daahoon

  • Doodaha dib uga dhacay

  • Durba waysku dayayaa

  • Docda inaan ka raacoon

  • Duruus waayo-aragnimo

  • Dadka aan u fidiyee.

  •  

  • Waayahan dellegan iyo

  • Duruufaha adkaadiyo

  • Diihaalka faafiyo

  • Daalkiyo dhacsaashiyo

  • Dabaylaha baddalan iyo

  • Darxumada ma moogiye.

  •  

  • Qarankeenni dumay iyo

  • Dowladnimo la waayiyo

  • Dambarsamaha calankiyo

  • Diilimaha xuduudkiyo

  • Dalkayaga dayacan iyo

  • Damqashada ma moogiye.

  •  

  • Dulmigaa  fidaayiyo

  • Deelqaafka yeeriyo

  • Daandaansi kibir iyo

  • Duullaan colaad iyo

  • Dagaallada sokeeyiyo

  • Dilka dhacay ma moogiye.

  •  

  • Dadka la isku diray iyo

  • Dirka kala didaayiyo

  • Deris iyo xigaal iyo

  • Danyarteenna la’atiyo

  • Daadduunka cayrtaas

  • Dibadaha ma moogiye.

  •  

  • Dul ahaanba deeqdiyo

  • Duxda iyo anfacadiyo

  • Duunyadiyo maalkiyo

  • Dalaggii dalkeennee

  • Dibadaha la geeyiyo

  • Dabar go’ama moogiye.

  •  

  • Dagaal-oogeyaashiyo

  • Dib ka naaxayaashiyo

  • Daaxuurro baaskiyo

  • Dabadhilif shisheeyiyo

  • Doc-ka-yeerro dudayiyo

  • Danaysiga ma moogiye.

  •  

  • Degdeg la isla doodiyo

  • Dulmigoo la daayiyo

  • Dantoo la isku raaciyo

  • Dowlad lagu heshiiyiyo

  • Deggenaansho nabadaan

  • Dar Allee baryaayaye.

  •  

  • Darajaale Eebbaan

  • Dalabka u diraayoo

  • Duco aan dhammaan iyo

  • Dikri iyo xusuus iyo

  • Dabacsani khushuucaan

  • Ilmada ugu daadshaye.

  •  

  • Wixii aan durraansaday

  • Ma dayoobayaan male

  • Sida aan danninayoo

  • Damankaan xumaadaa

  • Doorsoomi doonee

  • Dulqaadkaa inoo sad ah.

  •  

  • Bahda Doodwanaagow

  • Doorrooneyaashaan

  • Dabuubta u dulmarayow

  • Dulucdiyo ujeeddada

  • Daaha aan ka qaadee

  • Maandeeq dad yow xiga?

  •  

  • Dirka yay wadaagaan?

  • Dubka yaysku nooc yiin?

  • Derisna u sokeeyoo

  • Dabinnada la dhigayiyo

  • Darxumada u diidoo

  • Dawacada ka celin kara?

  •  

  • Maalintii ay dagantaba

  • Dadqallada u doobshiyo

  • Dugaagga u heshiiyiyo

  • Doqomada dayacayiyo

  • Dibjir yaa ka dhowroo

  • Dar Alle u halgami kara?

  •  

  • Daanyeer dulmaayiyo

  • Dawaco iyo weer iyo

  • Docwareen durduriyiyo

  • Dibiyada dinnaahshiyo

  • Doofaar markuu dudo

  • Yaa daa ku oran kara?

  •  

  • Dibadda iyo gudahaba

  • Daryeel lagama maarmiyo

  • Daacad iyo wax qabashee

  • Dariiqii wacnaa iyo

  • Diintii Islaamkiyo

  • Dowga yaa ku duwi kara?

  •  

  • Doc kastoo la eegaba

  • Dab ayaa ka baxayoo

  • Deelqaaf  abuurmiyo

  • Dulmi baa ka yeeree

  • Dakanada qabiilkiyo

  • Dulli yaa ka jiri kara?

  •  

  • Cadow dooxataa iyo

  • Dooyo uu dirsanayiyo

  • Duul wada dagaayaa

  • Deydeyaaya maantoo

  • Middiyaha u daabtee

  • Durba yaa ka didin kara?

  •  

  • Dusha sariyo hoos iyo

  • Deegtiyo gadaal iyo

  • Dacashaa horeetiyo

  • Daa’irada gaabka ah

  • Dadxun baa ka doodee

  • Dabar yaa la dhigi kara?

  •  

  • Marka duumo baas iyo

  • Daacuun calooliyo

  • Darato iyo caal iyo

  • Uu cudurku daa’imo

  • Dabiib yaa u noqonnoo

  • Dawadii u qori kara?

  •  

  • Jaahilnimo darteed iyo

  • Dammiinnimo ka sii daran

  • Dan hadday u mooddoo

  • Ka dul maro saageed

  • Daah furid aqooneed

  • Dugsi yaa u dhigi kara?

  •  

  • Diintii islaamkiyo

  • Dariiqii xaqa ahaa

  • Sharcigiyo dastuurkiyo

  • In la kala dambeeyiyoo

  • Dow qura la wada maro

  • Yaa dardaaran fari kara?

  •  

  • Cidlo lagu dayoobiyo

  • Duur loo dagaagiyo

  • Dawarsiga shisheeyiyo

  • Dibadaha ha daysee

  • Dalka hooyo doorkaan

  • Degdeg yaa dejiyi kara?

  •  

  • Damac dheereyaal iyo

  • Dageyaal wax diirtiyo

  • Dibir-seexateeyaa

  • Dibnaha u qaniinaye

  • Duudsiiyeyaashiyo

  • Doqon yaa ka dhicin kara?

  •  

  • Wabiyada durdurayiyo

  • Daadkaa xareeddiyo

  • Dooggaa baxaayiyo

  • Dalaggaa u yaallaba

  • Dammanaa daldalayee

  • Dacay yaa ku xiri kara?

  •  

  • Daljirkii u doodee

  • Dar Ilaah u duubtiyo

  • Ducaqabihi daadihin

  • Dayday baa  dubaaxdoo

  • Deldeshoo dilaysee

  • Difaac yaa u noqon kara?

  •  

  • Labadeeda daraf baa

  • Sii kala durkaayoo

  • Dulmigii horreeyaa

  • Dakanada abuuroo

  • Weli lama dawaynine

  • Midnimo yaa ku dumi kara?

  •  

  • Daqarradi dillaaciyo

  • Dhiiggii da’aayiyo

  • Dilka iyo xasuuqii

  • Darxumadi ma suuline

  • Dib in loo heshiiyiyo

  • Dadnimo yaa wax qaban kara?

  •  

  • Duunyadii la dhacay iyo

  • Dahabkii la qaatiyo

  • Ducda xoolihii iyo

  • Deyntii maqnayd iyo

  • Dhaxalkeeda duugta ah

  • Degdeg yaa u heli kara?

  •  

  • Qabiilkii la duugiyo

  • Dulli iyo xumaantii

  • Ummaddeenna daashaday

  • Dib haddii an loo fagan

  • Ma dhaceen dagaallee

  • Dawo yaa u jirin kara?

  •  

  • Haba la isla doodoo

  • Ha la kala dareeroo

  • Derisnimo ha dhimatee

  • Dunji dhalashadii iyo

  • Damqashiyo dareenkiyo

  • Dunta yaa adkayn kara?

  •  

  • Afrikada docdaa bari

  • Dirirkii ka daalacay

  • Dayax iyo ifkiisii

  • Demi maayo nuurkoo

  • Ducadaan  u hayniye

  • Allow nabad la daa’imo.

  •  

  • Allow daacad noo kaco

  • Allow deeqsi noo baxo

  • Allow dowlad noo dhali

  • Allow daawo noo sahal

  • Maandeeq ha darartee

  • Dib Allow u soo celi.

 Aamiin Aamiin Aamiin

----------------------------- 

Waxaa Curiyay:

Inj. Axmed Cabdi Maxamed “Guulwade”
Rotterdam, Holland

Faafin: SomaliTalk.com |  Jun 3,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD