SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Ninkii malaa'igtu u sujuudey
Xiriri, Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

May 15 2001

adancadde
Adan Abdulle Osman (Cadde)
Madaxweyne: 1960-66
abdirashid
Abdirashid Ali Sharmarke
Madaxweyne: 1966-69
siyad
Mohamed Siad Barre
Madaxweyne: 1969-91
Qaasim
AbdulQasim Salad Hassan
madaxweyne: 2000 - hadda
galaydh
Ali Khaliif Galayd
Ra'iisul wasaare: 2000 - Hadda
seydika
Seyid Mohamed Abdulle Hassan
dhagaxtuur
Dhagax Tuur
wafti
wafdi

Sadex wiil oo quraysh ah ayaa (luuf) ama dhagaxtuurasho meel ku ciyaarayey kii ugu horeey oo ahaa ina Abubakar A'Siddiq (RC) ayaa dhagaxii tuuray oo la helay meeshii loogu talagalay markaasuu yiri isgoo faanaya "wiilkii labada magaalo ee waa weyn u dhashay i dheh, isagoo u jeedah Makkah iyo Madina, wiilkii labaad oo ahaa ina Cusmaan Bin Afan (RC) ayaa dhagaxiisii isna tuuray markasuu la helay oo yiri "Anigana wiikii shahiidka i dheh" wiil sadexaad oo la ciyaarayey ayaa isna tuuray oo lahelay markaasuu yiri "Anigana wiilkii ninkii malaa'igtu u sujuudey i dheh" markaasay yiraahdeen oo waa kuma?.. waa Nebi Aadam (CS)

Hadaba Sheekadani waxay ku tusaysaa wanaaga iyo fadliga uu ilaahay ku manaystay bani'aadamaka isgoo ilaahay (SW) ku sheegay quraankiisa inuu karaameeyey bani aadamka oo uu Khaliif ama Madax uga dhigay dunidan aynu ku noolahay. Si uu hawshaa bani aadamku u guto ilaahay wuxuu bani'aadamka siiyeye maskax, arag, maqal, urin, dareen iyo xoog, weliba intaa kagama harine wuxuu ilaahay u soo dhejiyey kitaabo uu ugu soo dhiibey Rasuulo, iyaga ka tirsan oo mani'aadam ah si ay ugu sharax dadka howlaha la doonayo inay qabtaan.

Laakiin markii hore hadii bani'aadam la wada ahaa, waa lakala baxay ilaahayna wuxuu quraankiisa ku yiri isgoo qolo canaanaya "Xoolaha iyagaa ka liita" mar kalana wuxuu yiri ilaahay (SW) "Dhagaxaa Dhaama saa dhagaxa qaarbaa ilaahay cabsidiisa darteed la soo daata ama ilo biyo ihiba ay ka burqadaane".

Sidaa darteed markaynu aragnay sharafta bani'aadamka ilaahii abuuray ku manaystay, iyo in ay tahay bani'aadamnimadu wax hadii aan lagu shaqayn laga bixi karo maxaad ka qabtaan hadaan Soomaalida bani'aadamka ka yara saaro, ka fogayn maayo, waxaan ka dhigayaa kuwo hal derejo oo keliya ka hooseey, "Bani'aadam xigeen".

Waxaa igu kalifey inaan taa iraahdo markaan maqlay wararkii ku saabsanaa dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay Xamar todobaadkan, kaasoo ay ku dhinteen 60 qofood oo rayid u badan, in ka badan boqolaalna ay ku dhaawacameen, sababta uu u bilowdayna ilaa iyo hadana aan si wanaagsan loo garanayn laakiin dad badan oo dhex-dhexaad ihi ay ku sheegeen inuu ahaa kala shaki laba maleyshiyo oo keliya. Hadaba, anigu ma diidani in dagaal sokeeye uu sifudud oo kedis ah uga qarxi karo meel xamar oo kale ah oo hubku cidwalba gacanteeda ku jiro, laakiin ta aan la yaabay waxay tahay sida ay wax caadi ah aduunka ula noqotay in boqolaal soomaali ihi dhimato oo aanay xataa war xiisa leh u noqonay hadii la sheego, sidaa darteen wakaaladaha wararku ay ka door-bidaan sheegidiisa, warka gabar yar oo 4 bilood jirta oo Falastiiniyad ah oo lagu dilay Qaza ama doorashada ka socota talyaanigaba, waayo horaa loo yiri "If dog bites a man it is not a news but if man bites a dog that will be news".

Hadaba mar hadii aynaan karaamadeenii bani'aadamnimo aynu u qiimo ridnay sida shilin soomaaaligeenii uu u qiimo dhacay oo aan aduunkuba sida dhabta ah bani'aadam inoo aqonsanayn, maxaad ku diideen inaan bani'aadam xigeen noqono oo daayeerka wax la qabsano, waa haduu isaga qudhiisu inaga ogolaado, waayo waxaa dhici karta inuu ina diido oo yiraahdo rabsho diyaar uma ihiye dadkaa yaan la igu so darin!!

Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Posted: April 20, 2001

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD