SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Dugsiyadii Waxbarasha ee Muqdisho

Q.2aad

Dugsiyadii  Hoose iyo dhaxe ee  ka jiri jiray magaaladda Muqdisho xilligii maamulkii barre waxaa ka mid ahaa Dugsigii Hoose dhexe ee 1da maajo kaasoo ku yiilay ka soo hor jeedka dhismihii caanka ahaa ee African Village. 

Dugsigan ayaa waxaa uu la qayb saday masiibaddii guud ahaaneed ee dalka saameysay gaar ahaanna taabatay Dugsiyaddii wax barasho ee dalka ka jiray, kuwaasoo noqday kuwa ka baxay kaalintii ay bulshada ka joogeen.

 

Dugsigan oo ka mid ahaa dugsiyaddii lagu dhisay Mashruucii loogu magax daray iskaa wax u qabso sanadkii 1974tii ayaa waxaa loogu magac daray maalinta lagu maamuuso shaqaalaha soomaaliyeed oo ah maalinta 1da Maajo. 

Dugsigan ayaa sanadkii 1982dii wixii ka danbeeyey, waxaa dhismahiisa loo kala qaaday laba School oo loo kala bixiyey Sheekh Madar iyo 1da maajo, si kastaaba ha ahaatee dugsiyadaan ayaa dagaaladii sookeeye waxaa  ka mid noqdeen dugsiyada uu la haray dagaalkii sokeeye, hase yeeshee wixiii ka danbeeyey sanadkii 1993kii waxaa uu loo bixiyey magac kale kaasoo ah Iimaamu Shaafici. 

Dugsigaan  Imaamu shaafici ayaa hadda waxaa uu yahay mid ka kooban Hoose, dhexe iyo waliba sare.


Waxaa dugsigaan  hadda dhigta qaybtiisa sare  in ka badan 829 arday, muuqaalka aragtida ee dugsigaan ayaa ah mid in dhahaagu ay jecleysanayaan haddana waxaa u dhan qaybihii dugsigaas uu ka  koobnaa, mar aan gaaray dugsigaas waxaan ku arkay dhir wada doog ah, Masaajid, garoon lagu cayaaro Kubadda Baaskitka,.

Dugsigaan ayaa waxaa ardeydooda ay leeyhiin Baabuur horay usoo qaada, mar aan kala sheekeystey mid ka mid ah maamulka imaamu shaafici waxaa uu ii sheegay in dugsiga uu yahay mid lagu barto lacag, waloow uu ii raaciyey in dugsigaasi ay hadda dhigtaan arday gaareysa illaa 20 arday oo ah sida uu ii sheegay ah tabarucaad  mar hadii ay yihiin yatiin Ama agoon.



Akhri: Xaggee ku dambeeyey Dugsigii Hoose/dhexe ee Xamar Jadiid ee Degmada H/wadaag...

KAWAANKA MAGAALADA MUQDISHO... GUJI....

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....