SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

MAC.HADKA AL IMAAM ABII CAAMIR AL BASRIYI  TAXFIIDUL QURUAANKA KARIIM AH IYO BARASHADA TACLIINTA AASAASIGA AH . 

Waxaan war bixiintaan idiinkaga heynaa hurumarka laga gaarey mid ka mid ah dugsiyada quraanka lagu barto ee muqdisho sidii ay isu bedeleen waxkasto tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ayaa waxaa ay saameen weyn ku yeelatay dhinacyada dhaqaalaha caafimaadka ganacsiga iyo waxbarashada iyada oo intaba ay si xowli ah ay u soo kobcayeen mudadii uu burburku jiray. 

 

mac.hadka al imaam abii caamir al basriyi li taxfiidul quruaanka kariim ah iyo barashada tacliinta aasaasiga ah . 

waa dugsigii ugu horeeyey oo noociisa ah oo la furo  loona  kiraayey  guri dhagax ah

c/weli  maxamed xasan  oo ah maamulaha mac.hadka al imaam abii caamir al basriyi oo ku yaala  degmada hodan ( kaasa bobolaare ) oo dhinaca ku haaya saldhigii booliisa ee degmada hodan  ayaa sidaan uga war bixiyey dugsi quraan kooda . 

Dugsiga waxaa la furay 01/06/2004 waxaan ugu talagalney in ay wax ku barato cidkasta oo danaynayso xifdisana  quraanka kariimka ah  mudo laba sano iyo bar ah waana tajwiid  

manhajka wax barashadeenune waa carabi , anagu sidii horey wax weyn ayaan ka bedelney oo looxii iyo anqaastii  waan isla deyney waxaana ku bedelay buug iyoi qalin waayo qada waxaa ka fudud qalinka waxaan sameynaa sanaadiiq yaryar qadu dharka ciyaalkane waa haleysaa , 

Waxbarashada aasaasiga ah waxaan ugu talagalney in uu ardaygu ku dhameysto waxbarashada dugsiga hoose mudo sadaxsano ah isla markaane quraanka oo dhan ku xifdiyo mudadaas aan soo sheegney , 

Cabdiweli waxaa  kale oo uu sheegay in ardayda lagu rawixiyo bas laguna geeyo ardaykasta gurigiisa isaga o xusey in wada shaqeyn ay la leeyihiin waalidiinta iyo dadaka dagan xaafada kaasabobolaare waxaana dugisga wax ka dhiga afar macalin , 

Cabdinasir sh: siciid iyo axmed bedri khaliif oo labaduba ka mid ah da,yarta machadkaas waxlagu baro ayaa waxey sheegeen in ay ku faraxsanyihiin xifdinta quraanka kariimka iyo tacliinta aasaasiga ee machadkaas lagu baro waxeyna xuseen in ay ka kala yimaadeen xaafadaha  magaalada , 

Dhibaatooyinka nagu so noqnoqdo waxaa ugu badan xaga dhaqaalaha oo ma jirto hey.ad aan hoostagno waxaana aan ku tiirsanaha waalidiinta ardayda oo aan ka qaadno bishii ardaygii $10 arbaca iyo isniinta waxba ma qaadno waa halmar bishiiba  waxaana jirta ciyaal agoon ah iyo kuwo masaakiin ah oo aan heyno waxna barno waxaana ugu shaqeynaa hab iskaa wax u qabso ah sidaana waxaa yiri maamulaha machadka c/weli maxamed xasan . 

mac.hadka al imaam abii caamir al basriyi waxaa wax ka barta arday gaareyso 110 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho da.doodu u dhaxeyso 14 ilaa lix jir hada waxbarashada ugu sareyso oo ay marayaan waa ilaa juska 18 aad ilaa bilow  

fasaladu waa afara fasal, 

  • fasalka kopowaad waxaa ku jira 30 lab ah 

  • fasalka labaad waxaa ku jira 36 dhedig

  • fasalka sadaxaad waxaa ku jira 18 lab iyo 7 dhedig

  • fasalalka afaraad waxaa ku jira 9 lab iyo 10 dhedig

ibraahin daauud waa fasamo yaqaanka sameeyo sanduuqyada yar yar oo ay ardaydu ku xafitaan buugaagtooda iyo qalimadooda wuxuuna sheegay in uu ka soo shaqeyey meelo badan shaqadane uu biloaabey 1963  meelaha uu horey uga so shaqeeyey waxaa ka mid ahaa qeybtii dhismaha ee jeenyo iyo xeradii weyneyd ee damaanyo oo uu hada burburxoogani heysto iyane  

tirada macalimiintu waa afar macalin fasaladune waa afar  

  • 1 macalin xuseen cabdi heerka waxbarashadiisu waa dugsi sare

  • 2 macalin cabdidaahir maxamuud cusmaan waxbarashadisu waa jaamacada muqdisho

  • 3 axmed nuur maxamed cali heerka waxbarashadiisu waa dugsi sare

  • 4 cabdimajid sh: maxamed waxbarashadiisu waa jaamacada muqdisho

maadooyinka aad dhigtaan bal wax nooga sheeg. 

mudo ayey nagu qaadatey in aan isku so dubaridno intaa oo arday iyo qalabkooda iyo macaliindugsigaan waa u dhan yihiin  qeybihisa qey xanaano ayaa jirta.

 fiiga waa halmar  

looxyadii iyo buuga  wuxuu ka war bixiyey sida ay ku kala duwan yihiin looxa iyo qalintaka

canuga marka uu loox ku soo barto lama qabsan karo buuga labadii qeybood oo carabi iyo Somali  

maadooyinka lugada carabiga siirada nabuiga NNKH xisaabta jurafi taariikh culuum farta Somalia sidoo kale anaashida kutubada yaryarka ee axaadiisa iyo akaarta kala duwan ee mutaniwicaadka ah

1 somali, 2 carabi, 3 diin, 4  tarbiyad, 5 saynis, 6 xisaab, 7 taariikh, 8 juqrafi xisaab 9 juqrafi 10 taariikh 11  wadani  

WARBIXIN: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Bustaale

Waxaa isku soo dubariday

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006

Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho