|
IS XISAABI INTA AAN LAGU XISAABIN
|
- Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?
- Ma soontaa bisha barakaysanee ramadaan?
- Ma la baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?
- Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?
- Farriinta Alle ma akhrisatay - Al Quraan?
- Mase fahamtay faham saxiixa?
- Ma raacday rasuulkeenii calayhi salaam?
- Bidcada ma iska ilaalisaa maalin kasta?
- Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?
- Ma ku dadaashaa saburtaana kheyrka?
- Ma ka saburtaa carartaana sharka?
- Ma fartaa dadka samaynta waxyaabaha san?
- Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
- Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
- Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?
- Ma damcaysaa janatu Alfirdawsa al'aclaa?
- Ma ka baqaysaa gelista naarta jaxiima?
- Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?
- Ma ku salidaa nebiga calayhi salaam?
- Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?
- Hugaagu dhar islaam ma yahay?
- Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?
- Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
- Ma ka fekertaa nolosha ehel & ubadba?
- Ma ka mid tahay xisbiga Alle?
- Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
- Ma ka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?
- Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?
- Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?
- Ma ka toobad keentaa dunuubtaada?
- Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
- Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?
- Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
- Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?
Qore: Miskiin, Alle u baahan
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle.
www.somalitalk.com
Copyright © 2000
somalitalk.com
|
|
|