SomaliTalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
"Naga mid ma ah ninkii ku talaabsada is ka horkeen ku jeeda marwo iyo mudanaheed". (Abuda'uud)
Toosinta Dhaqandhaqaale ee Beesha
Qore: Osman [Sherifosman]
Email: sherifosman1@yahoo.com
May 15, 2000
Asalaama calaykum

Waxaan shaki ku jirin hadaba in dhismaha qoysku uu yahay waxa ugu muhimsan umuurta ay sida goonida ah diintu u abaartay, si markaa si adag oo xoog badan loogu dhowro oo loo ilaaliyo qawaaninta lagu dhisay ama salka looga dhigay noloshaa qoyska,.

Si markaa uu sharcigu u sugo qorshaa isaga ah waxa uu unkay ama dhaliyay ugu horanytaba qoys isagu ka biloowda laba qof oo lamaane isu ah, tanoo ka dhigaysa in labadaa qof ee lamaanaha isu ahi mid waliba laga doonayo in uu ilaalyo qawaaniinta iyo qodobada rabigu u dajiyay barnaamijkaa isaga ah,.

Xuquuqdani ayaa iyadu waxa ay tahay xariga adag ee damaanad qaadaya ama xoojinkaraya jiritaanka qooys caafimaad qaba oo ku salaysan ahmiyada dhaqanka diintu u leedahay bulshada muslimka ah, waxaa kalo iyana meesha ku jirta oo aan ka marayn in uu qoys caafimaad qabaa iman karo goorta ay timaado in ay si dhan u qaybsadaan lamaanaha doonaya in ay wadaagaan nolosha qooys,.

Tani hadaba waxay ka dhigaysaa lamaanaha is jecel ee isu dhaxaa in ay si dhan oo kooban ogaga baaraan dagaan, iyagoo wax walba oo keeni kara iska hor imaad islamarkaana taraanturo ku noqon kara noloshan oga wada shekaysta si taxadar iyo feejignaan leh,.

Goorta aynu mar walba fiirino un waxa bulshadayada ka dhigi kara mid marwalba ku talabsata xumaha un ee aynaan marnaba ku dayin wanaaga, marka aynu argno uun iyagoo is dhaafsanaya xumo un, oo aynaan maraba hagaag ku arag, tani waxa ay soo dhawaynasaa quus aad iyo aad u fog, iyada oo qayb ka noqon doonta marin habawga bulsha waynta dunida iyo inagaba,.

Si hadaba ayan marnaba u dhicin arintanoo kale waxa aynu ku qasbanahay in aynu xooga saaro daraasad dhan oo ku jeeda sidii sharciga loogu soo dabaali lahaa dhamaan qoysas waynaha dunida, si gaar ahna kuwa muslimka ah, sidan waxaa inoo bidhaaminaya qoowlka ilaaha ee suurada ma'idah, akhriska labaad, rabbigu waxa uu oranaya " isu kaashada wanaaga iyo dhoowrista Eebbe ee ha isku saacidaynina dembiga iyo dhagarta",.

Sida qoran akhris kale rabigu waxa uu ku oranayaa anfaal, akhriska koowaad " rabbiga dhoowra oo hagajiya dhexdiina, ogolaada eebbe wayne oo qaada dariiqii suubanoow nebigii, hadii markaa aad tihiin kuwa Imaanka".

Waaxaanu eebbe wayne ka rajaynaynaa inuu naga dhigo dadka khayrka sharta iyo dadkeedana na dhinac mariyo, xaga wanaaga noo dhigo oo xumaha na dhaafiyo, ka dhigo falalkayaga kuwa waafaqsan dariiqiisa iyo kii suubanaha, nagu badbaadiyo inta aynu ku howlan nahay in aan walaalaheen khayrka u sheegno shartana kala dagaalanno,.

Ilaalinta Qoyska

Diinteenu waxay aad xooga u saartay sida aan horay u soo taabtayba ka ilaalinta qooyska dhibaatada dhaqan akhlaaqeed iyo burburkaba, waxa uu islaamku dhigay teed wayn oo u dhexeeya qoyska iyo gebiba wixii keeni kara burbur dhaqan dhaqaale iyo mid akhlaaqeedba, waxa hadaba si arintaasu aad dhidabada loogu aaso uu soo rogay islaamku qawaanin ay tahay in la dhowro, si markaa logaga horgeeyo musiibo kasta oo kusoo fool leh bulshada muslimka ah meel kasta oo ay joogto,.

Waxa hadaba diinteena macaani ka dhigtay qof walba oo ka mid ah bulshawaynta muslimka ah mas'uul uu isagu daneeye ka yahay wixii markaa ku xiriira, suubanuu waxa uu inoo sheegay in nin waliba haweenaydiisa uu mas'uul ka yahay, oday walibana caruurtiisa, hogaan walibana beeshiisa, tani waxay xadidaysaa in wax halaabaaba aanay jirin, haday dhacdana meel laga soo qabto iyo meel loogu hagaago ay leedahay,.

Waxa laga doonayaa hadaba odayga qoyska in uu si wacan oo hagaagsan ola socdo habsami u socodka aqalkiisa iyo xaaskiisa, oo uu ku dadaalaa sidii uu u qabadsiin lahaa dariiqa khayrka iyo wanaaga, ogalana dagaalami lahaa kan sharka iyo duuflaalka,.

Intaa kadib sharcigu waxa uu aad iyo aad ogaga dhowray qoyska qorshaha dibada ee kaga iman kara bulshawaynta dunida inteeda kale, isagoo ugu baaqay in hogaanka bulshadu uu isku dayo ama u guto la socodka dhamaan qaybaha kal duwan ee beesha uu hogaanka u hayo, tani waxay iyana baajin kartaa xumo badan oo bulshada dhexdeeda kusoo gali kara ka warqab la'aan ama dayac Iwm.

Sidoo kale islaamku waxa uu ka reebayaa hablaha in ay ka qayb qaataan qorshe hoowled kasta oo wax magaratadu ku doonayaan wiiqida iyo jeexjeexida sharaftooda marwanimo, suubanuhu waxa uu yiri; [naga mid ma ah ninkii ku talaabsada is ka horkeen ku jeeda marwo iyo mudanaheed], aqri kitabka Abuda'uud,.

Qooyska hagaagsani waa kan dhidibada u aasa jiritaanka insaaniyada

Sharcigu waxa uu habeeyay qaabka hay'ada qoyska la doonayo amaba ay tahay in ay ku socoto oo lagu wado iyo qaybinta waajibaadka arintaa iyadoo la siinayo qof waliba oo kamid ah qooyska qaybta uu markaa gudan karo, eebbe wayne waxa uu yiri " ragii waxaa mas'uul loogaga dhigay haweenkii tanoo qayb ka ah sida ilaaha wayni ukala fadilay iyaga, iyo quudka ay tahay inay bixiyaan,.

Waxaa intaa kadib ilaah ina barayaa isagoo inagoo waramaya nafta iyo nolosha lamaanaha, in sida qoran ay meelkaliya ama naf keliya kawada yimaadeen raga iyo dumarkuba, kadibna rabigu doonay inuu kasii tarmiyo ama beero qaar kale oo iyaguna ka qayb qaata tarinta iyo kobcinta uunka dunidan ku nool, aqri qoowlka ilaah anisaa aayada 2aad,.

Tani waxay mar kale ka kaalaysaa dhamaan noolaha oo idil in ay helaan arinta ay doonayaan ee ku jeeda kulan laga helo nolol wacan oo wanaagsan, mid ay ku dagaan oo raaxo iyo baraare ay ka helaan, dejiya oo qaboojiya dareenkooda, xasilooni xeel dheer kusoo dabaala nafta iyo nolosha labada isu dhaxda ee is danaynaya, dhoowra oo ku ilaaliya seerohooda oo keliya(aan gogoldhaaf iyo wax la too ah ku talaabsan), ugu dambayntana badsha oo tarmiya bulsha waynta caalamka iyo ummadda suubanoow nebigeeni N.N.D.H,.

Calaamadaha waaweeyn ee rabiga waxaa ka mid ah in uu idiinka sameeyay noocyo kala duwan oo lamaane ah si markaa aad ugu dagtaan, oo misana rabigu waxa uu dhexdiina dhigay naxariis iyo kalgacayl, aqri qoowlka ilaah 21:Ruum

Rabigu waxa uu meelo kale oo badan inoogu qeexay in ay raga iyo dumarku wa lamaanahee ay isu yihiin hu? haweenkeenu ay raga u yihiin sida beer oo kale, deetana ay qofwaliba beertiisu u egtahay in uu u gurto sida uu markaa isagu jecel yahay[marka laga reebo duburka], iyadoo intaa uu sharcigu ku xoojiyay in ay dabataal cabsida rabbi oo la doonayo in aad ogaato meel walba oo aad tagto iyo wax waliba oo aad damacdo in aad ku talaabsato in rabiga wayni ku dul taagan yahay oo uu ku daawanayo,.

calamado badan oo hadaba waxaa jira quraanku ka bixinayo in ay tahay in ay laraaco, sidaa markaa loo dareemo muhimada ay u leedahay Ummada islaamka ahi in ay raacaan oo is garaab taagaan qodobadaa iyaga ah, tanoo ay ugu wayn tahay calaamadaha Eebbe sida Nuur, Axzaab, Dalaaq, iyo meelo kale oo badan oo dastuurka rabbiga ka mid ah, tanoo ay tahay in ay muslimku ka biyo cabaan ama ay ka tusaale qaataan,.

Waxaa markaa in badan aad ku arki doontaan dastuurka Ebbe in ka qayb qaadashada raga arinta taranka ama howl galka loogu gogol xaarayo uu yahay mid aad iyo aad u gaaban, markase la eego kan dumarka uu yahay mid in badana ka dhib badan kan aabaha, oo iyadu waxa ay howshaa si toos ah oga qayb qaadanaysaa waa hooyadee mudo ilaa sagaal bilood ah, halka ragu ay ku siman tahay ka qayb qaadashadooda waqti yar, taanoo hadaba ka dhigaysa iyadu xaqa dheeraadka ah ee uu rabigu siiyay hooyada, tanoo suubanuhu uu ku tilmaamay meelo badan in hooyadu sadex xaq ay leeahay, halka aabuhuna mid keliya leeyahay,.

Waxaan filaya in ay sheekadaa halkaa inooga sii socondoonto hadii eebbe yiraahdo marka xiga, waa qaybaha soo socodee,.

Qore: Osman [Sherifosman]
Email: sherifosman1@yahoo.com
May 15, 2000
Posted SomaliTalk.com team
May 15, 2000
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka (scw)
Allah Is Great
.
Qur'an
. Abdulrahman Al-Sudays
. the-quran.com
. The Noble Quran
. quran.al-islam.com
. islamiccity.tsx.org
. Qur'an Word Search
Sunnah
. sunnah.com
. al-sunnah.com
. Sahih Al-Bukhari (Arabic)
. Sahih Al-Bukhari (English)
. Al-Bukari Hadith Audio
. Sahih Bukhari -Tarnsl.
. Sahih Muslim -Transl.
. Sunan AbuDawud -Transl.
. Hadith Qudsi
. alsunnah -arabic

Islamic Banks
. Islamic Develop. Bank
Useful Islamic Sites
. Moon Sighting
. Prayer Times
. Date Converter
. Calculation of Zakah
Prophet Muhammad
Read the letters that Prophet Muhammad (scw) sent to Kings & Emperors at that time.
. Click to read the Letters
Help Khalidmosque
Choose a form, click, print, and pledge as much as you could afford. Allah may reward you.
. MSWORD Pledge Form
. PDF Pledge Form
. Click here for more info
Muxaadarooyin
. Sh. Shariif Abdi Nur
. Moh'ed Sh Osman
More Islamic Sites
. SomaliTalk Islamic Page
. Tafsiirka Qur'aanka
. Halal & Haram Food
. Sakada Maalka
. Saxaabada Rasuulka
. Soomidda Ramadaanka
. Shuruudaha Xajka


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback