MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY?
(Dawladnimada Soomaaliya Ha Hir-gasho)
*Tabaabulshaha siyaasadda dibedda*
*Qorshe dejinta siyaasadda gudaha*
*Yagleelidda Dhaqaalaha*
Qaybta 1aad
W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi | Kenya
May 1, 2005
GOGOL-DHIG
Dad badan oo hannaan dawladnimo oo hir-gala u jibbaysan ayaa is weydiinaya
dawladdii Kenya uga dhalatay halka ay hawlaheedu marayaan. Waxaa la leeyahay
dawladdii ma fadhiid bay noqotay? Ma tashi qaran iyo sahan baa ku dheeraaday?
Mise deeq xagga Alla ka timid oo ay Soomaali oo dhani ka hirqan doonto ayeey
ku garba beeshay oo la soo socotaa?. Ma dibad wareeg bay ku dal xiistay? Ma
tabaabulshihii ay hogaanka dalka ku hanan lahayd ayuu qorshihiisii iyo ka
baraandegiisii ku dheeraaday oo maantana far baa maydh la’ baa imaatinkeedii
dib u ridey? Ma iyagii baa isku buuqsan oo boqonta is heerayana waa la lahaa
oo waa guux ay dadku maalmo hadal hayeen. Beeneey lagu barey ee minankayaga
dhaaf!. Waa gar ee gardarro ma aha inay ummadda soomaaliyeed wax iska
weeydiiso Dhaanka dawladnimo ee u maqani xaaladda uu ku sugan yahay,
hawlihiisu halka ay marayaan iyo goorta uu bulshada dhawraysa ku soo beegan
yahay. Waa sidaase shacbi weynuhu dhinacooda ma dareensan yihiin inay
dawladda lafteedu xiise weyn u qabto la noolaanshaha dadkeeda iyo hanashada
maamulka iyo fulinta adeegyada ay ka sugayaan. Laba kala bariday kala war
la’.
Mar walba, niyadda wanaagsan iyo dareenka diirran ee shacbi weynaha
Soomaaliyeed ee ay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aantu daashadeen waa kuwo
si toosa ugu soo wajahan xarunta ay dawladda cusubi ku sugan tahay ee
Nairobi. Jabaqdii xagga dawladda ka soo yeedhaba waxaa loo wad-wadaa oo la
isugu tebiyaa si xamaasadaysan oo ay caadifad wadaninimo iyo dawlad jacayl
ku dheehan tahay. Taasi waa daw oo wax loo baahan yahay iyo wax la jecel
yahayba waa la hadal hayaa oo la saadaaliyaa. Mararka qaarkoodna hamuunta
waxa la sugayo loo qabaa waxay dadka ku dhalisaa samir la’aan iyo in waxa la
jantay ee loo jeel qabo la raagsado.
Siday doonaanba dawladda iyo dadkeedu jaanta ha isula heleene, nidaamka
Mbagathi ka dhashay wuxu ifka u soo baxay isagoo dhan loo eegaba ka qaawan
wax kasta oo aysan dawladi adeegsigiisa ka maarmin. Isla markaana baaxadda
iyo ballaca hawsha culus ee hor taal wax ka qabshadeedu ka weyn tahay wax si
fudud loo maarayn karo. Dhismihii dhibka badan laga soo maray ee xukuumadda
iyo baarlamanka Soomaliyeed ka sokoow, Dawlad aan wax dhaqaale ah haysan oo
maaliyaddii ay shaqadeeda ku meel marin lahayd inay baadi doonto laga sugayo.
Maamul dal aan wax nidaam ah lahayn u dhashay ee inuu wax kasta abuuro looga
fadhiyo. Dawlad u dhalatay waddan aan hayadihii nabad gelyada iyo ciidamadii
qaranka lagu arag oo laga dhawrayo inay dalka oo dhan ka hir geliso jawi
nabddoon oo damaanad qaadi kara amniga iyo xasiloonida dalka ay dawladda u
tahay. Xukuumad aan xitaa dalka gudihiisa ku lahayn xarumihii iyo
xafiisyadii ay ku shaqayn lahayd oo inay wax kasta eber ka bilowdo ku
khasban. Dawlad aan caalamka ka haysan aqoonsi ay ku meel marto oo sidii ay
ictiraaf ku heli lahayd inay ka shaqayso ku gawracani, waxay u baahan tahay
inay wakhti ku filan u hesho dejinta iyo isku dubba ridka barnaamijkii ay
baahiyaha intaas baaxadda le’eg ku fulin lahayd.
Sidaa awgeed, iyadoo aan marnaba laga boodin in wax walba ka fiirsigiisa iyo
ka fekerkiisa muddada la siiyo iyo sida looga baaraan-dego ay faa’iidadiisu
le’ekaato. Sidoo kalana laga gaashaantay qaababkii ay nidaamyo hore ku
khasaareen ee ahayd markii dawladda la dhisayba dal aysan nabad gelyo xumada
ka taagan iyo nolol xumida dadka haysata waxba ka qaban karin in si aan
qorshaysnayn la isugu miidaamiyo, ayeey dawladdu gashay tabaabulshe
siyaasadeed, yagleel maamul, qorsho dejin dhaqaale. Maxaa yeelay tegitaanka
gudaha dalka oo aan cilmi iyo caqli lagu salayn, iyo in bilaash xaytanimo
lagu sifoobaa waa sifayaal aysan danta ummaddu ku jirin oo khayru masluunimo
xad dhaaf ah xambaarsan. Isla markaana fashilaad iyo ceeb dawladda cusub u
soo jiidi lahaa. Waa middaas arrinta kaliftey inay dawladdu inta ay
hawlaheeda sida ugu macquulsan uga baaraan degeyso oo ay wax Soomaali u
cuntami kara ula guryo noqonayso Nairobi muddo ugu negaato. Si ay haddaba
shacbi weynaha soomaaliyeed ula socdaan oo u fahmaan waxqabadka bilowga ah
ee ay dawladda Soomaaliya dadkeeda ugu abuurayso nidaam iyo maamul
joogtaysan oo dawladnimo iyo nabad gelyo waarta lagu gaadhi karo, waxaa
lagama maarmaan ah in si guud looga xog warramo arrimaha yagleelka,
tababulshaha iyo qorsho dejinta u badan ee ay dawladdu ilaa iyo hadda ku
talaabsatay. Maxaa qabsoomay?.
TABAABULSHAHA SIYAASADDA DIBEDDA
Dawladdu waxay ku dhalatay madal ay hareeraha ka taagan yihiin beesha
caalamka oo ilaa iyo biloowgii shirka taageero aan caadi ahayn shirka
nabadynta iyo natiijadiisaba la garab taaganayd. Caleema saarkii iyo
dhaarintii madaxweynaha waxaa ka soo qayb galay masuuliyiintii ugu tirada
badnaa madaxweynayaal ka soo qayb gala dhaar madaxweyne soomaaliyeed.
Diblumaasiyiin ka kala socda dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah iyo ururada
caalamiga ah ayaa iyana xafladaas si heer sare ah u soo camiray. Taasina waa
astaan rejo qaranimo oo muujinaysa sida ay beesha caalamku hiil iyo hoo’ba
dawladda cusub ula garab taagan yihiin ee ay ula jiraan.
Mar kasta madaxda sar-sare ee dawladda waxaa hor taaley xaqiiqda ah
haddaysan dawladdu wadamada dibedda taageero wax ku ool ah ka helin inay
fulinta hawsha culus ee laga sugayaa ku adkaan doonto, sidaa daraadeed
madaxweynaha iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo u aaday dalal ay ka
mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Yaman, Aljeeriya, Saudi Arabiya, Naigeria,
Imaaraadka Carabta, Uganda, Masar, iyo Liibiya. Madaxweynaha iyo weftigiisu
madaxdii ay wadamadaas kula kulmeen waxay u sharxeen inay Soomalaiya 15 sano
kaddib, dib u dhalatay, ayna dadka Soomaaliyeed maanta nabad iyo dawladnimo
diyaar u yihiin. Isla markaana ay walaalohooda Carbeed, walaahooda
Afrikaanka ah iyo saxiibadooda beesha caalamkaba ka sugayaan gacan dhaqaale
iyo mid farsamo si ay dawladdu amniga iyo kala dambaynta dalka u hanato.
Socdaaladaas waxaa la odhan karaa waxay ahaayeen kuwo ummadda soomaaliyeed
guul u ahaa oo baahida haysata ka turjumayey. Wuxuuna madaxweynaha
jamhuuriyaddu mar kasta ku dadaalayey sidii uu xiriirka dalalka aynu
saaxiibka nahay iyo kuwa aynu walaalaha nahayba u xoogaysan lahaa. Wada
hadaladii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxdii dalalka uu soo maray waxay
dhinacooda ka soo dhoweeyeen dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay oo ay
ku tilmaameen nidaam muhiim ah oo rabitaanka dadka ku yimid. Waxaana la
odhan karaa muddo yar ayeey dawladda soomaaliyeed ku soo noolaysey xiriirkii
ay Somaliya la lahayd ururada caalamiga ah, urur goboleedyada, iyo dawladaha
madaxa banaan ee dunida ka jira.
Waayo aragnimadii laga dhaxlay dawladihii hore u fashilmay waxaa ka mid ah
inaysan dawladdu waajibaadyadeeda gudan karin, isla markaana ay fulinta
hawlaheedu caqabad gelayaan haddii aan ciidamo shisheeye oo hub-ka-dhigis
dalka oo dhan ka sameeya la helin. Sidaa awgeed markii la doortayba
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ururka midowga Afrika ka dalbaday in
ciidamo nabad ilaalin ah oo amniga suga Soomaaliya la geeyo. Taas oo ay
badiba madaxda afrikaanku si niyo ah u ogolaadeen. Wadamada Yaman,
Tuuniisiya, Suudaan, Uganda, iyo Aljeeriya ayaa ilaa iyo hadda ajiibey
baaqii madaxweynaha Soomaliya waxayna diyaariyeen ciidamo leh istiraajiyad
qorshaysan oo ay Soomaliya kaga hawl gelayaan. Iyadoo ay saadka iyo
baahiyaha deg-degga ah dalalka kale ee IGAD qaabilsan yihiin. Waxaa kaloo
jira waddamo kale oo ciidamo hor leh Soomaaliya u qorshaynaya oo ka
dambaynaya ciidamada hor dhaca ah ee dhowaan dalka gelaya. Tabaabulsha
siyaasadda dibedda ee dawladdu wuxu iminka marayaa heer guul ku dhow oo gebi
ahaanba ujeedadii laga lahaa laga gaadhey. Waxaa iyana jirta safaro ay xubno
labada gole ka tirsani wadamo caalamka ka mid ah ku soo mareen oo looga gol
lahaa in siyaasadda dibedda ee dalka lagu dhiso oo dhamaantood guulo iyo is
afgarasho ku soo dhamaaday. Waxaa kaloo waxqabadka dawladda ee siyaasadeeda
dibedda laga sheegi karaa inuu maanta fagaarayaasha caalamka calankii
Soomaliya ka babanayo oo inay Soomaaliya dawlad tahay caalamku aqoonsaday.
Taasina waa midhihii ka dhashay safardii shaqo ee uu madaxweynaha cusub ee
hirgelinta dawladnimada Somaliya daacadda ka ahi isagoon marnaba hawsha
culus ee loo doortay ka daalin waddamo badan si hawl-karnimo ah ugu soo
maray.
Isku soo wada duuboo, haddii ay dawladdu caalamka aysan ka maarmin aqoonsi
iyo ictiraaf lagu shaqayn karo ka diyaarisay oo ciidamadii nabad ilaalinta
ee aan la’aantood ammaan iyo nabad lagu laabandoodo la haweysan karin
horumar weyn oo la taaban karo ka gaadhey. Waxaa lagu dhiirran karaa inay
dawladda cusubi tabaabulshaheeda siyaasadda dibedda si muuqata uga soo
dhalaashay oo ay waxa ka dhimanna dhowaan ka meeqaan gaadhi doonto. Taasina
waa mid dadweynaha amniga iyo dawlad u shaqaysa oo la aqoonsan yahay
niyeystey dareenkooda kalsooni meel-mar ah ku abuuri karta. “Dawladnimada
Somaliya ha soo noqoto” waa hal-hayska iyo hal-ku-dhegga Soomaalida cusub ee
xilligan kala guurka.
AKHRI QAYBTA 2AAD: Qorshe dejinta siyaasadda gudaha....
W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi, Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005
DANTA DADWEYNAHA IYO DOONISTA
DANAYSTAYAASHA
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|