SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

HALA XISAABTAMO!

9 Nin ayaa wexey sheegteen iney dhiseen isbahaysiga la dagaalanka "argagixisada soomaaliya"!! Belaayada waxa ugu daran mid kaa qoslisa.

Waxaa la yaab leh in sagaalkuba yihiin kuwa argagixiyey shacabka soomaaliyeed  guud ahaan, gaar ahaanna inta koonfur ku nool.

Wa sagaalka nin ee silica iyo saxariirka Soomaali ku haya Muddo 16 sano madaxa la gashay. Soomaalina, ka dhigay midey dilaan, midey dubeeyaan, midey dhaawacaan iyo midey dhacaan.  

Xadiisku wuxuu noo sheegay (Haddaadan xishoon waxaad rabto yeel!). 

Inta sagaalku miis soo faristeen, ayey ummadda soomaaliyeed, oo malaayiinta ah, oo ay 16 sano gummaadayeed, dhiigeedana ku dhaashanayeen, af buuxa ku yiraahdeen, waxaan idiin wadnaa baaqan soo socda: waxaa dadka qaarkiis is yiraahdeen, tolow masoo caqli ceshadeenoo, matoobad keeneen, oo ummada – kolley wax uma qabanayaane- dhibka iyo silica iney ka daayaan miyey go''aansadeen. Laakiin, malahaasu mid saxa ma noqon. Baaqii, sagaalka nin, wuxuu noqday sida soo socota:

Ku: Shacabka soomaaliyeed meelkastoo uu joogo
Ku: Adduunka ceebaha inuu dhegeysto jecel
Og: Dawladaha gaalo(kuwa dhow iyo kuwa fog) ee qandaraasyada ladagaalanka islaamka bixiya
Og: Dawladda Federaalka Ku meelgaarka ee Soomaaliya 

Ujeeddo: Baaqa xishood darida

Haddaanu nahay sagaalka nine ee ku bahoobey la dagaalanka diinta islaamka, Culimada iyo ducaada, iyo wixii ummadda wax tara, kadib markaanu fiirinay halgankii aan u soo galnay duminta diinta iyo dadka iyo dalka iyo dawladnimada iyo sharafta soomaaliyeed, ee guulaha aan gaarnay, soomaalina usoo hooyney eey ka mid tahay, inaanu:

  • -        Ilmihiini laynay ama sasinay

  • -        Odayaashiina gubney

  • -        Beelahaan ka dhalanayna ku ganacsanay

  • -        Dhalinyaradii beelahayagana inta aan dubaney oo   daroogo daacsiiney, ayaan qado inta qorya ugu dhiibney mustaqbal adduun iyo mid aakhiraba seejiney.

  • -        Dumarkiina diadda ku daadinay

  • -        Ummadda soomaaliyeedna guud ahaan adduunka ka reebnay

Waxaanu maanta qandaraaskii u dambeeyey kusoo qaadanay inaan dagaal ku qaadno sheyga ugu qaalisan ee ummadda soomaaliyeed leedahay, iyo dadka ugu qaalisan ee ummadda wax u tara, labadaas oo ah diinta iyo dadka diinta ummada ka dhex wada". Shirku waa xiranyahay.

Waxaa Filayaa in lasoo gaarey waqtigii ummadda soomaaliyeed ay runta isu sheegi lahayd. Meelna u dhigi lahayd waxaan adduun iyo aakhiro midna wax tarihayn, wax yeeladiisiina la wada arkay.

Gooba badan iyo Muxaaddaraad badan ayaan ka iri, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, weyna duubanyihiin: 

-        Haddaan inta caqliga u saaxiibka ahi ka bogsan, cudurka dilaaga ah, ee inna haya, ee (qabyaaladda), ee heerkan naxdinta iyo uur kutaalada leh inna gaarsiiyey, wax inoo hagaagayaa ma jiraan. 

Haddaan cudurkaas meesha xun inna dhigay jirin, kuwa meeshaas ka hadlay, sidaas uma hadleen, ummad sharafteeda iyo diinteeda iyo adduunyadeeda iyo aakhiradeeda intaba ilaashaneysa, lama soo hor fariisteen warkaas ceebta ah, ee foosha xun. 

Ummadda sida dhabta ah u rabta, iney noolaato, adduunna wax la qaybsato, sharafna adduun weynaha ku yeelato, wexey soo hormarisaa:

Dadka wax tarka ah, ee wax dhisa,

Wax garadka ah, ummaddooda dhawra, ilaaliya, daryeela, xag nololeed, xag wax barasho, xag caafimaad, xag bulsho,

Dadka meel uun wax ka tara. 
Wexey soo hormarisaa dadka
Amaanada, aqoonta, iyo caqliga  u saaxiibka ah,
Dadka khibradda u leh cilmiga diinta iyo kan adduunyada labadaba. 

Wexey soo hormarisaa, oo qiima siisaa,
Dadka umadda nooleeya ee aan dilin,
Kuwa wax dhisa ee aan dumin,
Kuwa wax daryeela ee aan dayicin,
Kuwa horumariya ee aan dib u dhigin. 

Haddeyse ummadi rabto iney duli ku jirto, dayacna ku duugowdo, dadkana ka harto, dawladna noqonweydo, wexey soo hormarisaa: 

Dad lamoodka iyo dugaaga,
Dad cunka iyo derbi jiifka,
Duuflaalka iyo danaystaha,
Dagaal oogaha, iyo daroogiistaha, 

Kuwa wax dila ee aan wax noolayn
Kuwa wax dumiya een wax dhisin
Kuwa Cadowgana u adeega ummadoodana gumaada 

Waxaa is weydiin leh marka hadaynu nahay soomaali, beelo iyo bulsho, sideey innoo dhex deganaan karaan kuwaas oo kale, sideey u dhex joogi karaan ummad dooneysa iney noolato kuwaan nolosha rabin?

Su''aasha kale waxa weeye: Dadka caqliga u saaxiibka ah ee soomaali ka buuxa, goorma ayey baraarugayaan oo caqligoodu hurdada ka toosi doonaa, sib eel kastaa ugu dhaqaaqdo dhexdeeda iney ka tiraahdo: belawadayaasha israbno, idinka daalney, na dulayse, oo na dishe, oo dayacde, na daaya. Intaasu nagu filan. 

Goorma ayey ummadda soomaaliyeed is weydiin doontaa, nimankan hogaamiyayaasha sheeganaya, ee qandaraasyada hadba gaal kasoo qaadanaya, mexey tareen ummadda? Mexey tareen beelohooda? 30 ayeynu adduunka ka dambeynaa iyagaana sababta ugu weyn leh. 

Goormaa la xisaabtamayaa?

Oo lays weydiinayaa:
Immissa cisbitaal ayey dhiseen?
Immisa iskuul ayey fureen?
Immisa jid ayey jeexeen?
Immisa wershed ayey taageen?
Immisa aqoonyahan ayey soo saareen?
Immisa Dhakhaatiir ayey wax bareen?
Immisa masaakiin ayey quudiyeen?
Immisa sarood ayey dayac tireen?
Immisa agoon iyo armalo ayey daryeeleen?
Immisa…. Immisa… Immisa… 

Waxaan filayaa inaaney waxaan dil iyo dulayn ahayn inaaney u sheegan Karin ummadda soomaaliyeed iyo xitaa beelohooda ay ku beer laxawsadaan iney ka mid yihiin oo difaacayaan. 

Waxaa la gaaray waqtigii ay sooomaaliyi ogaan lahayd, in nimanka soomaaliya 16 sano (turubka ku ciyaaray) ee mindida dhuunta ka geliyey ee dhiigeeda ku dhaashaday, oo inta xerya ku dangiigsadaan, deriskoodu gaajada iyo rafaadka u dhimanayo, la yiraahdo: ISTAAGA! IDIN MA RABNO! 

Markaas ayaa Soomaali xal ugu horraysa.

Akhri Qormada Xigta... GUJI >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD