Qorrida Liisku waa habka ugu fudud marka laga hadlayo xeerarka HTML.
Badanaa liiska waxaa loo kala saaraa laba qaybood oo kala ah:
- Liiska aan tirooyinka wadan [UN-ORDERED LIST]
- Liiska tirooyinka wata [ORDERED LIST]
- Liiska Qeexidda [DEFINITION LIST]
Waakuwan xeerarka HTML ee labada nooc ee liiska ah:
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
Liiska aan Tirada Wadan [Unordered List]:
<UL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL> |
|
Liiska Tirada Wadata [Ordered List]:
<OL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Halkan waxaan ku eegeynaa qaababaka kaladuwan ee loo
qorikari karo liiska aan kor kusoo xusnay. |
NOOCYADA LIISKA AAN TIRADA WADAN |
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
Liiska Saxanka [Disc bullets]
<UL type="disc">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL> |
|
Liiska Goobada [Circle bullets]
<UL type="circle">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL> |
|
Liiska Labajibbaranaha [Square bullets]
<UL type="square">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL> |
|
|
NOOCYADA LIISKA TIRADA/XARFAHA WATA |
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
Liiska Tirada wata [Numbered list]
<OL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Liiska Harfaha Yaryar wata [Lowercase letters]
<OL type="a">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Liiska Xarfaha waaweyn wata[Letters list]
<OL type="A">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Liiska Tirada Romanka-Yaryar wata [Lowercase Roman]
<OL type="i">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Liiska Tirada Romanka wata [Roman numbers]
<OL type="I">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Sida ka cad tusaalayaasha kore, waxaad raki kartaa in
qaabka uu noqonayo liiskaagu aad xakumi kartid adiga oo adeegsanaya
weedha "TYPE" [<OL type=" ">].
<OL start=" ">
Kasoo qaad in aad aad rabtid in liiskaagu uu kabilaabmo tiro aan
ahayn bilowga xarfaha ama tirada. Si arrintaas loo hirgeliyo waxaa
la adeegsadaa [<OL start=" ">] taas oo start=" " lagu qorayo
tiradii larabey in in tirsigu kabilaabmo. Tusaale ahaan haddii aad
rabtid in liisku uu kabilaabmo 9, markaas waxaad qoreysaa [<OL
start="9">] sida hoos kamuuqata.
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<OL start="9">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Sidoo kale haddii larabo in xarfuhu ay kabilaabmaan [tusaale
ahaan xarafka J] halkii ay kabilaaban lahaayeen A, si taas
loo hirgeliyo waxaa latirinayaa halka xarafka larabo in uu
kabilaabmo uu kagajiro xuruufta, [tusaale ahaan J waa xarafka 10 ee
Alif-beetada Ingiriiska]. Markaas waxaa laqorayaa <OL type="A"
start="10"> sida hoos kamuuqata.
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<OL type="A" start="10">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL> |
- Caano
- Hilib
- Subag
|
Xeerkaas oo kale ayaa laraacikara dhamaan noocyada
liiska si looga bilaabo meel dhexe, waxa keliya oo labedelayaa nooca
ama type iyo tirada larabo in lagabilaabo, <OL type="A"
start="10">
XUSUUS
<LI>Caano</LI> waxay lamid noqonkartaa hadii laqoro <LI>Caano taas
oo aan ugajeedo in ay isku midtahay haddii looxa <LI> laxiro iyo
haddii aan laxirinba, waxaase haboon in laxiro </LI>. Laakiin ogow
in OL iyo UL ay khasab taahy in laxiro oo aan ugajeedo <OL> waxay u
baahan tahay in lagu xiro </OL> , sidookale <UL> waa in laguxiraa
</UL> had iyo jeer.
Tixraac:
mcli
| w3schools
| echoecho |
webfrontier |
LIISKA KUHOOSJIRA LIISKALE [Nested List] |
Waxaa dhicikarta
in marmarka qaarkood loobaahdo in liis socdey lagusii hoosqoro
liiskale oo kasii farcama. Xeerkan hoose ayaana laraacaa si
arrintaas loo hirgeliyo.
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<UL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<UL >
<LI>Bawdo</LI>
<LI>Leg</LI>
<LI>Awlal</LI>
</UL>
<LI>Subag</LI>
</UL> |
|
|
LIISKA QEEXIDDA [Definition List] |
Liiska noocan ah
waxaa badanaa loo adeegsadaa qoraalada dhaadheer oo isfasiraya ama
marka larabo in weero laqeexo oo markaas lagayabo in qeexdu
aydheertahay, tusaale waxaa kuugu filan habka ay u qoranyihiin
qaamuusyadu. Waanakan xeerkii
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<DL >
<DT>Ugaar</DT>
<DD>Waa nooc xayawaan ah oo inta badan duurjoog ah.</DD>
<DT>Neberi</DT>
<DD>Waa kalluun aad uweyn oo kunool badweynta.</DD>
<DT>Doon</DT>
<DD>Waa loox/bir la'isku rakibay si loogu goosho badaha.</DD>
</DL> |
- Ugaar
- Waa nooc xayawaan ah oo inta badan duurjoog ah.
- Neberi
- Waa kalluun aad uweyn oo kunool badweynta.
- Doon
- Waa loox/bir la' isku rakibay si loogu goosho badaha.
|
|
TAB
IYO XEELAD - TIPS |
LAMMAANE:
Waa habka aad u qori lahayd tiro ama xaraf kor/hose kaga lamman tiro
ama xarafkale.
KOR - (Superscript).
Xeer: <sup>....</sup>
Tusaale: x<sup>4</sup>+ 3x<sup>2</sup> + 5 = 0
Maxsuul: x4 + 3x2 + 5 = 0
HOOS - (Subscript).
Xeer: <sub>....</sub>
Tusaale: H<sub>2</sub>SO<sub>4</sub>
Maxsuul: H2SO4
DHEXDA KAXARRIIQ
Xeer: <strike>....</strike>
Tusaale: <strike>Malaha qoraalkaani waa khalad</strike>
Maxsuul: Malaha qoraalkaani waa khalad
QARSOODI
<!-- qoraal-qarsoon -->
waxkasta oo lagu dhexqoro <!-- --> kasoo biximaayaan bogga marka la
akhrinayo, laakiin waxaa laga arkikaraa xeerka HTML, waana hab
wanaagsan oo loo adeegsao si farriin aad ugu dhaaftid qofka kale [ama
adiga] oo lagayaabo in uu waxkabedelayo HTML, si ay ugu sahlanaato
waxa la gudboon in uu qofkaasi qabto.
REFRESH
Kasoo qaad in aad kasoo guurtey server horay aad u adeegsan
jirtey oo usoo guurtey serverkale. Maxaad kayeeleysaa dadkii kugu
yaqaaney cinwaankaa hore. Si arrintaas loo xalliyo waxaa la
adeegsadaa waxa loogu yeero "Refresh" taas oo suurta gal kadhigeysa
in marka qof uu cinwaankii hore yimaadu isla markiiba boggaasi usii
xawilayo bog kale. Waxaana la adeegsadaa xeerka hoos kuqoran oo la
dhexgelinayo <HEAD> .... </HEAD>
Tusaale:
<HTML>
<HEAD>
<TITLE> Bog laga guurey - goorma! </title>
<meta http-equiv="refresh" content="1;url=http://bogga-looguurey.com/">
</HEAD>
<BODY> Waxyar sug waxaan kuu xawileynaa bogga cusub ee aan u guurey.
hadii kale halkan guji. Mahadsanid!
</BODY>
</HTML>
Maxsuul: Guji halkaan si aad u aragtid
maxsuulka xeerka kore.
Xusuus:
Meesha ay kuqorantahay Content="1; waa meesha laga xakumo
xawliga uu boggas cusubi isku bedelaayo, waana inta "second" ama
ilbiriqsi ee bogga soo baxaa uu taagnaanayo inta uusan kuu xawilin
bogga cusub ee aad u guurtey.
Adeegsiga FTP - waa qaabka aad
boggaaga u geyn lahayd Internetka.
|