SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - POPUP
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA 14aad
[Sida loo sameeyo shaashad soo boodeysa]

POP UP WINDOW
Pop-up waa qaab sahlaya in lafuro shaashad iyada oo aan laxirin ama lagabixin boggii la akhrinayey.

Waxaa dhicikarta in aad u baahatid in aad akhristaha tustid akhbaar gaar ah iyada oo uusan kabixin halkii uu akhriyayey, taas oo lagayaabo in ay waqtibadan u xafido akhristaha, waana tab aad muhiim ugu ah qofka naqshadda dejinaya in uu maanka kuhayo si boggu uu u noqdo mid xiisabadan.

Si loo sameeyo "Pop up window" waxaa la adeegsadaa HREF ay lasocoto ama ku lifaaqantahay javascript.

Qaybtaan "Pop Up" waxaan u kala qaadeynaa dhawr qaybood ee soosocda.

Si xeerkani u hirgalo waa in aad samaysaa "file" aad u bixisid magicii aad doontid (waxaan u bixiyey "tijaabo.html") waxaadna "filekaas" ku xafidaa khaanada aad ku xafiday bogga aad samayneysid. 

1. Furidda Shaashad 400x400

Xeer
<A HREF="javascript:void(0)" ONCLICK= "open('tijaabo.html','shaashad', 'toolbar=1, location=1, directories=1, status=1, menubar=1, scrollbars=1, resizable=1, width=250, height=250')">Fur Shaashadda</A>

Maxsuul
Fur Shaashadda

Haddii aan markale eegno xeerka kor kuqoran oo dhammaan meelaha ay kuqoranyihiin tirada 1 (kow) aan kubedelo 0 (eber) waxaan soo baxaya sida hoos kuqoran:

Xeer:
<A HREF="javascript:void(0)" ONCLICK="open('tijaabo.html','shaashad', 'toolbar=0, location=0, directories=0, status=0, menubar=0, scrollbars=0, resizable=0, width=250, height=250')">Fur Shaashadda</A>

Maxsuul
Fur Shaashadda

Ufiirso

Marka aad eegtid labada xeer ee kor ku qoran waxaad arkeysaa faraqa u dhexeeya marka tirada lagadhigo 1 (hal) ama 0 (eber), taas oo uu soo baxayo laba maxsuul oo kukala duwan qaabka ay u muuqaneyso shaashadda soo bixi doonta, iyada oo qoraalka kudhexqoran shaashadda uu isku midyahay.

Fure

Halkaan waxaa ku muujisan macnaha ay u taaganyihiin erayada uu kakoobanyahay xeerka "pop Up".

  • location=1 (Address: url input) = Meesha cinwaanka laguqoro .Tijaabi
  • toolbar=1 (back, home, reload, etc.) .Tijaabi
  • directories=1 (favorites) .Tijaabi
  • resizable=1 (resize window) .Tijaabi
  • menubar=1 (file, view, edit, etc.) .Tijaabi
  • status=1 (bottom of page) = Bogga xagiisa hoose .Tijaabi
  • scrollbars=1 (scroll) = Shaashada kor iyo hoos maloo wadikaraa .Tijaabi
  • height=400 (height "pixels") =joog (dherer) .Tijaabi
  • width=400 (width "pixels") = Ballac .Tijaabi
Xusuus
Tusaale ahaan hadii laqoro location=1 macneheedu waa in meesha cinwaanka laguqoro ee shaashada soobaxda la arki doono, hadiise laqoro location=0 lama arkayo halkii cinwaanka lagu qori lahaa. Halkaas waxaa ka arkeysaa in;
  • 1 = Muuji (0n)
  • 0 = Ha muujin (off)

Shaashad Is-Fureysa Marka Lasoo Booqdo Bog

Waxaa dhicikarta in loobaahdo in shaashadu ay is furto marka labooqdo bog, si taas loo hirgeliyo waxaa laraacaa xeerka hoos kuqoran.

Xeer
<body onLoad="window.open('popuptijaab1.html', 'cusayb', 'scrollbars=0,resizable=0,height=125,width=175')">

 Xeerka kore waxaa lagu dhexqorayaa dhexda looxa <BODY> taas oo marka labooqdo boggaas ay isla markiiba kuufurmeyso shaashad yar oo ah tan aad cabirkeeda halkaas ku muujisay. Ufiirso markii aad boggaan soo booqatay waxaa kuufurmay shaashad yar oo ay ku qorantahay "Kusoo dhowaada Pop Up Window", taas oo ah maxsuulka kadhashay marka la adeegsado xeerka kor kusharaxan.

Shaashad Is-Fureysa Marka  Lagatago Bog

Waxaa dhicikarta in mararka qaarkood loo baahdo in shaashad yar ay soo baxdo marka lagabaxayo bog, si taas loo hirgeliyo waxaa la adeegsadaa xeerka hoos kuqoran.

<body onUnload="window.open('popupnabad.html', 'nabadey', 'scrollbars=0,resizable=0,height=125,width=175')">

Xeerkaan waxaa lagu dhexqorayaa looxa <body> dhexdiisa.

Qaabka Xiridda Shaashadda

Waa qaab sahlaya in laxiro shaashada taas oo muhiim u noqonkarta akhristaha marka uu dhammeeyo akhriska shaashadaas in uu si sahala u xirikaro. Si taas loo hirgeliyo waxa laraacikaraa midkamida xeerarka hoos kuqoran:

Qoraal:
Xeer: <a href="javascript:window.close()"><b>Xir Shaashadda</b></a>

Batoon:
Xeer: <form><input TYPE="button" VALUE="Xir Shaashadda" onClick="window.close()"></form>
Maxsuul:

Tusaale: Fiiri tusaalaha 2aad

Sawir:
 Xeer: <a href="javascript:window.close()"><IMG SRC="shash1.gif" BORDER=0 ALT="Xir SHaashadda"></a>  

Automatic:
Waxaa dhicikarta in loobaahdo in shaashaddu iyadu is xirto (automatic), si taas loo hirgeliyo waxaa laraacayaa xeerka hoos ku qoran:

<body onLoad="setTimeout(window.close, 3000)">

Xeerkaan waxaa lagu qorayaa looxa <body> dhexdiisa. Ufiirso halka ay ku qorantahay 3000 macneheedu waa 3 ilbiriqsi (3 seconds), oo ah in ay khaanadaasi xirmidoonta 3 seconds kabacdi.

Casharka xiga waxaan ku baran doonaa sida taariikhda loogu daro websiteka [DATE]


BOGGA HORE

BOGGA XIGA