SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IMAGEMAP
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA 12aad
[IMAGEMAP]

IMAGE MAP
Waa qaab sawirku  u yeelan karo qaybo midwalba ay goonideeda u madaxbannaantahay oo marka la riixo qayb walba ay ku geyneyso meel gaar ah.

SAWIR (IMAGE) 

Ugu horrayn waxaad u baahantahay in aad samaysid sawir. Kaas oo ah mid si sahala qaybo kaladuwan loogu kala calaamadin karo (tusaale ahaan maabka).

CO-ORDINATES (CALAAMDIN QAYBAHA SAWIRKA)

Sawirkii dhexgeli barnaamij kamida kuwa loogu talagal sawirada (sida Paint). Taas oo kuu sahleysa in aad aragtid "coords ama bog-cadda aad karabtid in aad calaamadisid.

QAABKA (SHAPE)

Waxaa jira saddex qaab oo "ImageMap" uu yeelankaro waana

  • RECT
  • CIRCLE
  • POLYGON

RECT: Waxay u taagantahay Rectangle, waxaadna u baahantahay in aad heshid laba bogcadood (co-ordinates) kuwaas oo ah dhanka midig ee kore iyo dhanka bedix ee hoose (Top right and bottom left).

CIRCLE: Waa goobo, waxaadna u baahantahay in aad heshid bartamaha (xudunta) iyo dhererka gacanka.

POLYGON: Waa geesoole, waxaadna u qortaa sida ay geesuhu isugu xigaan. Taas oo aan uga jeedo haldhina uun kabilow oo sidaas kusoco ilaa aad dhanka kale kagaartid adigoo aan geesna kaboodin.

AREA

Waa halka lagumuujiyo qaabka (shape)-ka aan kor kusoo xusnay, xeerkuna waa: <area shape="rect"> , kaddibna ku xiriiri (link) bogga lategidoono marka qaybtaas sawirka ah lariixo, Sidan oo kale:

<area shape="circle" coords="240,25" href="http://www.somalitalk.com">

MAP NAME (MAGAC)

Xusuusnow in sawir kasta uu u baahanyahay magac lagugarto. Xeerka soosocda ayaana cadaynaya arintaan.

<IMG SRC="sawir.gif" USEMAP="#khariidad">

<map name="khariidad">

 

XEER

Dhammaan marka la isku daro xeererka kor kuqoran waxaa soo baxaya sidan hoos kuqoran.  (Xusuusnow waxaan adeegsaneynaa "RECT")

<html>

<body>

<p><img border="0" src="wordmap.gif" width="120" height="47" usemap="#wordmap"></p>

<map name="wordmap">

<area shape="rect" alt="NorthAmerica" coords="1,0,49,18" href="/webdesign/imagemap/northamerica.html">

<area shape="rect" alt="Latin America" coords="11,21,46,46" href="/webdesign/imagemap/latinmerica.html">

<area shape="rect" alt="Africa" coords="52,15,74,41" href="/webdesign/imagemap/africa.html">

<area shape="rect" alt="Europe" coords="56,2,76,15" href="/webdesign/imagemap/europe.html">

<area shape="rect" alt="Asia" coords="77,3,118,28" href="/webdesign/imagemap/asia.html">

<area shape="rect" alt="Australia" coords="93,31,108,42" href="/webdesign/imagemap/australia.html">

</map>

</body>

</html>

MAXSUUL: Maabkan hoos kuqoran waxa uu kudhisanyahay xeerka kore, marka aad taabatid qaaradkasta waxaad tegeysaa meel u gaar ah. Tusaale ahaan marka aad riixdid (guji) Africa waxaad toos u tegeysaa meel kusaabsan Africa.

NorthAmerica Latin America Africa Europe Asia Australia

 

TIXRAAC: wsabstract.com


Boggaggan hoose toos ulama xiriiraan habka kusharaxan boggaan laakiin waxay kusaabsanyihiin dhisidda bog internet ah, guud ahaan.


Web Review
Dynamic Drive
Developer earthweb
FreeIndex.com CGI 
 

Free java
Just Javascript
Javascript Code Library
Freejava.com
Webmonkey Special Characters
Link PopUps


Casharka xiga waxaan ku baran doonaa Screencapture...


BOGGA HORE

BOGGA XIGA