January 1, 2001. Shawal 5, 1421.
Anagoo kala ah:
Yusuf Abdihalim Kenadiid, Abdullahi Mohamed Abukar, Dr. Yusuf Ahmed Ali, iyo Mohamed Ali
oo ku nool London Ontario Canada waxaan tacsi u direynaa Eheladdii iyo
Qaraabadii uu ka geeriyoodey Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan oo 31dii Dec ku
geeriyoodey Bosaaso ee Puntland. Waxaan tacsi taas lamid ah u direynaa dhammaan
Maamulka,Isimada Salaadiinta iyo shicibka reer Puntland. Marxuumkana waxaan
Allah uga baryeynaa Naxariis iyo Janatul Fardowsa. (Aamiin).
sal@somalitalk.com
September 11, 2000. Jamadi Al-Akhir 10, 1421.
Abdulatif M. (maareeye)
Anagoo kala ah Abdulatiy, Xasan carab, Cabdifataax, Ramla, Layla. Waxaan
halkan ugu tacsiyeynaa Mustaf Maxamed Afgooye iyo ehelkooda Geeridii ku timid
walaalkii marxuum Sulaymaan Maxamed Afgooye oo dhawaaan ku geeriyooday wadanka
Holland.
Samir iyo iimaan Allah inagasiiyo
August 18, 2000. Jamadi Al-Awwal 18, 1421.
Anigoo ah MESBEL ABDI MOHAMOUD waxaan tacsi usoo gudbinayaa qoyska reer abdi mohamoud iyo reer ismail oo
dhan geerida naxdinta leh ee ku timid walaashay nasra abdi mohamoud oo 16 jir
ah, kuna geeriyootay dalka holland inaad ummada muslimiinta ah oo dhami ilaah u
soo baridaan in janadii fardowsa ahayd ilaah ka waraabiyo,aamiin aamiin,aamiin.Tacsida marxuumada waxaad kudirikartaan acrc@pacbell.net
August 17, 2000. Jamadi Al-Awwal 17, 1421.
Anigoo ah Axmed colow Axmed waxaan halkaan tacsi ugu diraya. dhamaan reer colow/ Abuukar colow Cabdi colow maxamuud colow yuusuf colow cabdule hagar axmed culumo colow hooyo muumina waasuge geeridi ku timid aabeheen colow Axmed alaha naxariistii jano geeyo aamiin aamiin aloow u naxariiso maxuumkaas amiin
Tacsida marxuumaka waxaa lagu dirikaraa olow13@hotmail.comM
August 13, 2000. Jamadi Al-Awwal 13, 1421.
DHAMAAN BULSHAWEYNTA SOMALIYEED EE HOLLAND waxaan tacsi u direyaan dhammaan bulshaweyta Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum SH.MOHAMMED MOALIN HASSAN oo 13-08-2000 ku geeriyoodey magaalada TORINO ee dalka TALYAANIGA Alla ha u naxariistee marxuumka waxa uu ahaa Alle kacabsade diinta faafinteeda u taagan.
INAA LILAAHI WA'INAA ILEYHU RAAJICUUN.
Dhegeyso taariikhdii marxuum Sh. Mohamed Moalin hassan oo Ahmed Xasan cawke uu warbixin kooban kabixinayo iyo waxqabadkii marxuumka oo uu kahadlayo Shiikh Cumar Faaruuq
Halkan kadhegeyso BBC
July 14, 2000. Rabi-I 17, 1421.
Annaga oo kala ah Jama Mohamud Mohamed, Ali Isse Mohamed, Said Jama Mohamud, Mohamed Jama Mohamud, Mohamud Jama Mohamud, Ahmed Jama Mohmud, Abdirahman, Yassin, Abdalla iyo Fathi waxaan tacsi u diraynaa qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Said Mohamud Ali oo loo aqoon jiray Said Geeljire. Marxuumku wuxuu ku geeriyooday magaaladda Nairobi maalintii axadda 9.july 2000. waxaan marxuumka Illahay uga baryaynaa inuu janaddii fardowsa ka waraabiyo dadkii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.
Waxaad ehelka marxuumka tacsidiina ugu dirikartaan Email: mohamed206@hotmail.com oo aad ka heli kartaan Mohamed Jama.
June 20, 2000. Rabi-I 17, 1421.
Bahda SomaliTalk waxa ay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allah ha u naxariistee marxuum
Muriyo Seed Maxamuud oo dhowaan ku geeriyootey magaalada Kismaayo.
Waxaan si gaar ah tacsidaan u gaarsiineynaa walaalkanaga qaaliga ah Ibrahim Salah Aden oo Muriyo habaryar u ahayd.
Ibraahim oo kamida qorayaasha SomaliTalk [Habnololeedkii Saxaabada] waxaad tacsisiina ugu tebin kartaan ibra88@hotmail.com
Samir iyo iimaan Ilaah hakasiiyo ehelka oo dhan, jannatul Fardowsana Allah haka waraabiyo marxuumadda.
May 19, 2000. Safar 15, 1421.
Anaagoo kala ah, Faisal, shukri Dulfukar, Hooyo MaaanaSitti, Kamaal, Osman yare'iyo reer LosAngeles oo dhan. Waxaan tacsi u direena walaal Halima Mumin oo dagan Magaaladda Toronto/Kanada geeridii ku timid ninkeeda marxuum G/S.MOHAMED SHEIKH YASIIN marxuumka waxuu geeriyowday maalinta Axadii April 2/2000 Illaahay ha u naxariisto jannaddii firduusa haka waraabiyo, Amiin
March 12, 2000. Zul Hijjah 6, 1420.
Qore: Deeq Aadan Mohammed
Waxaan Tacsi u dirayaa Dhamaan ehekada iyo Qaraabada uu ka
geeriyooday Ugaas Faarax Ugaas Cabdule oo bishan shanteedii ku geeriyoodey Degmada
Caabud-waaq.
Allah ha u naxariisto. Aamiin.
March 12, 2000. Zul Hijjah 6, 1420.
Qore: Warsame Abdi
Waxan Tacsi u dirayaa Saciid Cabdi Cafi iyo Dahabo Maxamud H.Cali oo
aan ka tacsiyeynaayo geeridii uu geeryoodey Maxamed Saciid Cabdi. Marxuunku waxa uu geeryoodey Jan.24,2000 waxa uu ku geeryoodey Magalada
Ceerigaabo.
Eebe naxariistii jano ha siiyo inaga Samir iyo Iiman hay naga siiyo. Aamiin.
March 11, 2000. Zul Hijjah 5, 1420.
Qore: C/xayi Sh. mohamed
Waxaan halkan tacsi uga diraya :
Mohamed Muhumed (Jananka) iyo C/wali Muxumed-dheere oo dagan Atlanta Ga. Adeerkood Maxamud
Sheekh Cumar oo ku geeriyooday March 5, 2000 magaalada Jigjiga.
Samir iyo Imaan Allaah ha innaga siiyo isagana Illaahay danbi dhaaf
iyo naxariistii Janno ayaan u baryayna Aamiin.
February 23, 2000. Zul Qaadah 18, 1420.
Qore: Ikraam Naasir
Waxaan katacsi u dirayaa qoyska reer Cismaan Rooraaye, oo
wiilkoodii Maxamed Cismaan Rooraaye oo kumaga dheeraa "Biibaaye"
ku geeroyoodey magaaladda Nairobi ee Kenya maalintii isniinta aheyd ee 21-2-2000, anogoo wiil ka ha kana tirsan qoyska reer Cismaan Rooyaaye.
Waxan ilaahay ugu baryayaa marxuumkaasi dhintay in ilahay ka waraabiyojanadii
fardowso,anagana nooga hanooga dabanaxariisto. Qoyskii u katagayna samir
iyo iimaan saadiq ah ha siiyo.
Aaamin Aaamin Aaamin.
Saturday December 10, 1999. Ramadaan 2, 1420
Qore: Maxamad M.Caddaawe "Geeddow"
Anigoo ah Geeddow waxaan tacsi u diraa Xuseen Sheekh Axmad "Kadare" oo
walaalkiisii Cali Sheekh Axmad ku dhitay Xamar. Waxaana ilaahay uga tuugaa
marxuumka inow jannada ka waraabiyo eheladiisana samir iyo iimaan kasiiyo.
Aamiin.
Saturday December 7, 1999. Sha'baan 29, 1420
Anigoo ah Cabdiraxiim Y. Diiriye kuna hadlaaya magaca dhamaan reer Yuusuf
Diiriye oo laga kala helo Koonfurta Gobolka California, Baltimore, Maryland iyo
Cujman, UAE. Waxaan halkaan Tacsi uga diraynaa
- Dr Cusman Xaaji Maxamud Dufle
- Cumar " " "
- Cali
- Faadumo
- Saciido " " "
iyo dhamaan reer Xaaji Maxamud Dufle oo geeridii naxdinta lahayd ku timd
walaalkood Marxuum Abuukar Xaaji Maxamud Dufle oo ku magac dheeraa Abukar Balac
ku geeriyooday Dalka Canada. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu janaddii ka
waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo
AAMIIN.
Hadii aad tacsi u tebineysid ehelka marxuum Marxuum Abuukar Xaaji Maxamud Dufle, fadlan email ugu hagaaji Cabdiraxiim Y. Diiriye, halkaas oo uu usii tebin doono ehelka marxuumka, Insha Allah.
Dhammaan bahda Somalitalk.com, waxaay iyaguna tacsidaas gaarsiinayaan ehelka marxuumka (Abuukar Xaaji Maxamud Dufle). Samir iyo iimaan Alla hakasiiyo, Aamiin
Saturday November 27, 1999. Sha'baan 18, 1420
MAXAMUD CALI SHEEKH ABUUKAR
WAXAAN TACSI HALKAAN UGA DIRAYAA DHAMAAN REER SHEEKH ABUUKAR MEELKASTA OO
AY JOOGAAN WAXAANA UGA TACSIYEEYNAYAA GEERIDII KU TIMID ADREERKEEY SHEEKH XUSEEN
SHEEKH ABUUKAR OO KU GEERIYOODEY MAGAALDA TORONTO 23 BISHAAN NOVEMBAR 1999.
WAXAAN GAAR AHAAN U TACSIYEEYNAYAA SEYNAB SHEEKH XUSEEN, MAYMUUNA,
MAXAMUUD,IBRAAHIM, SAALAX, NUUR IYO DHAMAAN REER SHEEKH ABUUKAR "JIIFQAALI"
WAXAAN ADREERKEEY SHEEKH XUSEEN EEBE UGA BARYAYAA INUU NAXARIISTII JANO KA
WARAABIYO ANAGANA SAMIR IYI IMAAN NAGASIIYO .
AMIIN
Wednesday November 24, 1999. Sha'baan 15, 1420
Dhamaan qoyska reer Bulxan oo degan dalka America iyo dalka England iyo
dalalka carabtu waxay tacsi u dirayaan qoyskii, asxaabtii iyo eheladdii uu ka
geeriyooday Cabdi Cabdale Jaamac oo ku geeriyooday badweynta u dhexeysa
Djabouti iyo Bari alle haw naxariisto. Aamiin.
Tuesday November 23, 1999. Sha'baan 14, 1420
Bahda somalitalk.com waxay tacsi u dirayaan dhammaan ehelkii uu ka geeriyoodey Aadan Ciise Muuse Xujaale, oo loo aqoonjirey Aadan Ciise Cadde.
Marxuumku wuxuu geeriyoodey maalintii Jimcada ee taariikhdu ay ahayd November 19, 1999. Wuxuuna ku geeriyoodey Baadiyaha Sool ee kuyaala Gabolka Bari ee Soomaaliya.
Waxaan tacsidaas gaarsiineynaa reer Aadan Ciise iyo dhammaan ehelkiisa oo ku kala nool Soomaaliya, Yurub, Kanada, iyo Mareykanka.
Waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan siiyo, marxuumkana jannatul-Fardowsa Ilaah haka waraabiyo.
Dhammaan inta Islaamka ah ee dhimatayna Jannadii Ilaah hakawaraabiyo. Aamiin
Walaalayaal idinkuna usoo ducaya marxuunkaas iyo muslimiinta kaleba.