|
Baafin (Missing Persons)
|
Guji halkan si aad toos ugu soo daabacdid dadka warkooda la doonayo.
|
Mahamud Geegle
|
Waxaan halkan idinkala socodsiinayaa inaan usheego Faarax Deeq oo ahaa ninkii raadinayey
MAHAMUD GEEBLE inuu ka heli karo Gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada St. Paul oo kamida labada magaalo ee mataanaha ah.
Magaca magaalada looga yaqaana waa JIGJIGAAWI, cinwaanka Mahamud Geeble waa:
yonis_lee@hotmail.com
December 26, 2000
|
Maxamad c/raxman Maxamd
|
Waxaan baafinayaa, nin la yiraahdo Libaan Foodcade oo abihiis bisha Cas
u shaqeyn jirey, dhigan jireyna kuliyadii dhaqaalha ee Xamar, waxaa baafinaya
saxiibkiis Maxamad c/raxman Maxamd oo isagunu dhigan jirey kuliyada dhaqaalha.
Waxaan hada ku sugnahay wadanka Australia marka walaal hadii aad aragtid
fariintaan ama cid kale oo ninkaa taqaana oo leygu sheegey wadanka Mareykanka
waxaan jeclaan lahaa in leyga la soo xiriiro e-meilkaan
nugaal1@hotmail.com
June 5, 2000
|
C/rahmaan Maxamed Barre
|
Walaalayaal anigoo magacayga la yiraahdo C/rahmaan Maxamed Barre waxaan halkaan
ka baafinayaa dhamaan dhalinyaradii reer wardhiigleey gaar ahaan kuwii deganaa
Barxadda ama suuqaxoolihii hore. Waxaad igala soo xiriiri kartiin
Barreabdul@hotmail.com
June 4, 2000
|
Casha Mahat Hussien
|
waxaan halkani ka baafinayaa dhammaan walaalahay oo magacoodu yahay
fardowso salax mohammed, Libaan salax mohammed, abdikhadir salax
mohammed, Falis salax mohammed, waxaana iigu wardambaysay mudo ugu yaraan
afarsano ah, wadanka carabta ee qaas ahaan Yaman, sidaa awgeed hadii ay
aqristaan qoraalkan ha igu soo hagaajiyaan warkooda omarhussien@hotmail.com
Please look for my brothers and sisters whom I didn't see for approximatelly four years,
I am living in U.S.A columbus ohio. Qore Casha Mahat Hussien
May 26, 2000
|
Ahmed Abdi Osman
|
Waxaan baafinayaa Saxiibkey Sayid Ali Suudi oo markii iigu danbeysey lagu sheegey U.S.A ee magaalada Chicago, haddii ay jirto qof war iyo wacaal u
heysa fadlan ha, ilasoo xiriiro Qadar32@hotmail.com, waa SayidCali Suudi oo reer Karaan Ahaanjirey kuna magacdheer EElaay.
May 23, 2000
|
Fartuun Omer
|
Waxaan baafineynaa walaashey oo markii ugu danbeysay dooniyi la dhacday
ka diba nala ku yiri way noo shahay iyada oo magaceeda la yidhaahdo Khadra Mohamed Jama.
Fadlan haddii aad war iyo wacaal u haysid Khadra Jama kusoo hagaaji Bogga Baafinta.
February 2, 2000
|
Maryan Polomba Stefano
|
Hi, My name is MARYAN POLOMBA STEFANO and I am looking for my half sister, MARISSA CARBONE. The last time I saw here was in JAWHAR, SOMALIA, after we left Mogadishu 1991.
When the civil war began, we did go together to JAWHAR . She, then went to Kenya and I never see her since then.
I heard that she is in Italy, but I am not sure. So if any one knows her or she sees this message, please e-mail me at AWESO@HOTMAIL.COM. Now I am living in New York, USA.
Please help me find my sister MARISSA CARBONE or her brother JOHN CARBONE .
THANKS SOMALITALK
Fadlan haddii aad ogtahay ama garaneysid MARISSA CARBONE, warkeeda u sootebi walaasheed oo aad u raadineysa.
February 2, 2000
New York, USA
|
Farah Deeq
|
Waxaan halkan ka baafinayaa Mohamud Geegle oo markii iigu danbaysay
joogay dalka Holland, markalena waxaan ku maqlay Seatle Washington USA.
Fadlan haddii uu Mohamud Geegle akhristo boggan ama cid garaneysaa ay jirto, warkiisa noogu soo hagaajiya halkan si aan ugu sii tebino Farah Deeq.
Halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa baafinta waxaan aqaanaa wiil
layiraahdo Maxamed geele oo reer holland ahaan jiray hadana jooga mpls,mn hadii
kaa yahay ila soo xiriira. Waad mahadsantihiin
Qore: Abdi Hassan
Email: anaz2000@hotmail.com
March 18, 2000
|
Missing Persons Websites
|
mispers.com
Child Quest International
klaaskids.org
missingkids
missingpersons.org
Missing/Runaway Children
|
Waxaad warkaaga kusoo diri kartaa adigoo soo buuxinaya
bogga jawaab-celinta
|
|
Luuq Ganaane, Somalia 1987
Bilicda Soomaaliya oo nabada.
|
|