somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
DHAQAN XUMADA AROOSYADA QAARKOOD
Qore: Suleiman Abdi
sabdi@yahoo.com
March 13, 2000

Waxaa beryahan danbe soo badanayey Aroosyada Soomaalida ku Nool dibadaha Ay qabtaan.. Waxaa farxad ah markaad maqashid aroos sababtoo aha waxaa aas aasmaya reer Islaam ah iyo Soomalinimo. Guurku wuxuu reebaa xumaanta oo dhan waxaana ka yimaada wanaag iyo isku xirinaan dad aan is aqoon jirin.

Hadaan tusaale u soo qaadano Aroosyada lagu Qabtay magaaladaan Qaarkood waxay keeneen Allaah ka fogaansho iyo Dhaqankii Soomaliyeed oo Dhan, Waxaa dhacda in Hotel la kireeyo, Meeshaa Waxaa ka dhaca Aroos aan ka duwaneyn kan Gaalda dhinac walaba, Waxaa Gabadha loogu soo Lebisaa sida naagta Gaalada oo kale dhar cad cad ayaa waxaa soo xirta iyada iyo Malxiisadeede, Meeshaa waxaa isigu yimaadan niman iyo naago ajnabi kale ah, waxaa ka dhaca qoobkacayaar, Allaah Oo lagu caasiyo, Ceeb aduun iyo mid aakhiraba. Qoobkacayaarku waa arin aad ugu soo badatay dadka Soomalida xataa gaaladu ma sameeyaa , Naag weyn oo Jirkeeda dadka oo dhan Vidoe ka fiirsan Waa wax laganoxo lagana yiq yiqsooda, aakhirana xujo ayey ku noqo, waxaana ku makhraanti furi Wixii daawad oo dhan denbina ka qaadin.

Guurka Allaah wuxuu Quraanka ku yiri " Allaah Aayadihiisa Waxaa kamida inuu idinka Abuuray naftiisna Rag iyo Dumar , si aad isugu degtaan" meeday deganaantii Sheikh kamida culimada magaalada wax ka meherisa ayaa wuxuu yiri furiinka iyo guurka waxaa badan Furiinka, arintaa miyaan is weydiinay waxa sabab u ah, waa Allaah oo lagu caasiyey, sidee loo helayaa Jacayl iyo muxabo aan Allaah la weydiisan, waxaa fiican in Guurka laga raaco wadadii Nebiga salalaahu Caleyhi wasalam Allaah wuxuu yiri " Waxaa tusaale lagu daydo idiinku filan Nebiga".

Waxaa dhacda In Dumar badan la yiri xumaan hakudhaqina, waxay ku jawaabeen Habeenkaas ayaan aduunka ku lee yahay ama heblaba sidaas oo kale ayaa loogu dhigay, arintaa waxaa ka oran Habeen kaliya oo Allaah lagu caasiyo ayaad cadaab ku mudan kartaa ama Allaah caradiisa, waxaad sameyn oo Arooska ah waxaad jeceshay in Allaah adiga iyo ninkaaga isku kiin waariyo marka miyaadan Allaah ixtiraamayn, Mida kale oo ah waxaan ku dayn heblo, Wax xun laguma daydo ee waxaa la raacaa wanaaga iyo samafalka, Waxaad helin ha dhowto shaleygiisa waana arin dhacda mar badan.

Xumaanta Aroosyada oo dhan Badankooda waxaa Masuul ka ah Wiilka gabadha doonaya, Allaah ayaana weydiin Aakhiro, sababtoo ah isaga ayaa Allaah masuul ka dhigay, Nebigu wuxuu xadiis ku yiri saxiix ah "Qof walaba Aakhiro waa la weydiin Wixii la raaciyey, ninkii waxaa la weydiin reerkiisii" marka maxaad Allaah agtiisa la hor imaan markaad Dadka dhexdooda ku dhunkan Xaaskaag ama Cake afka u gelin ama faraanti, Istustus iyo Gaalo Raacnimo darteed, Arintaasi waxay daliil u tahay Xadiiskii Nebigu Salalaahu caleyhi wasalam ku yiri " Waad raaci doontaa ood Raaci doontaa dadkii idinka horeeyey xataa hadii mid ka midi ihi Hooyadii banaanku ku naageysto waxaa Arintaa sameynin qof umadeyda ka mid ah". Waxaa Xadiis kale Nebigu salalaahu caleyhi wasalam ku yiri "Dayuus Jannada magalo, Asxaabta ayaa weydiiyey nebiga wuxuu Dayuus yahay wuxuu yiri, ninka reerkiisa ugu raali noqda wax xun (sida fasaadka).

Arintaa waxaa loo baahan yahay in dadka wax-garadka ah ay wax ka qabtaan oo baajiyaan bur burka umadeena, waxaana haboon in aan laga qaby gelin Fusuqa iyo Fasaadka meelaha lagu qabto,

Ugu danbeyn waxaan hadal kayga ku soo dhameyn hadal Soomaalidii hore tiri oo ahayd "Wiilkaagu mar ayuu Hiilo kaaga baahan yahay waa marka aad Hooyadii Dooraneysid" macnaha Marwo wanaagsan oo Allaah ka cabsata oo Asturan oo markaad aragtid wanaag iyo kheyr ka muuqdo, maha mida aad ka naxaysid markaad ardtid sida mid ku taagan Surweel ku dhagan, madax qaawan oo aadan garenayn iney Muslim tahay iyo iney Gaalo tahay, waana arin dhacda marar badan.

Waxaan Allaah ka baryeynaa inuu wanaaga natuso iyo waxa fiican.

Qore: Suleiman Abdi


Guji halkan si aad ra'yigaaga toos uga dhiibatid qoraalkan.

Carruurtaada iyo Khatarta Internetka

Allah Is Great
.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback