Waxaa noo suurtagashay
inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo,
waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam
Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa
ilo kala duwan noo sheegeen in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar
tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku haysa kala
afkaar duwanaasha Xagga diinta, haddaba waxan idiin soo koobin
baaritankii waxa nooga soo baxay Sidatan:
Samsam oo ah gabar
ciyaalo madarisa oo ka timmid Gobalka Bari ayaa si kama ah u timmid
guriga madexwyne ku xigeenka ayadoo moodaysay guriga abtigeed oo ah
wasiir ku xigeen, haddaba waxaa dhacday in waardiyaashii guriga ay
ugu yeereen madexweynaha ku xigeenka,taasoo ka fajicisay madexwyne
ku xigeenka dabadeedna sas iyo baqdin ka qaaday aragtida gabadha
maadaama ay xijaabnayd Samsam oo waliba indho shareernayd, ayadoo
Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu
tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb wadaadada dhalinyarada ah
iyo kuwa ku dhegan xijaabka, ayadoo doodo iyo muramo badan ay isku
hayeen wadaadaas.
Waxaana madexwene ku
xigeenku si xanaaq iyo caro leh u amray in Samsam u baaritaan iyo
xarig lagu sameeyo isagoo raaciyay waa mu,aamaraad la rabo in laygu
khaarijiyo, Waardiyaashii oo amarkii kululaa ee madexwyne ku
xigeenka fulinaya waxay gabadhii u gaysteen baaritaan naxariis daro
ah iyagoo aakhirkiina ay faro xumeeyeen oo dhamaan wixii gabarnimo
lahayd laga takhalusay, kadibna gabadhii si loo qariyo uurku
taaladaas waxaa loogu marmarsiiyooday waxay rabtay inay khaarijiso
madexweyne ku xigeenka, taasoo ka degi wayday dhamaan Soomaalida
caqliga usaaxiibka ah waayo gabadh 16 sano jirta mu,aamaraad ay
hindisi karto ayaa iska yar bay leeyihiin .
Waxaa isku soo duubo
dhacdadaas isugu biyo shubanaysaa -walow uuna amrin in la kufsado
Samsam- madexweyne ku xigeenku inuu sabab u ahaa dhibka ku dhacay
Samsam, maadaama loo baahnaa inuu si caqli saliima u yiraahdo adeer
yaad doonaysay? maxaad usocotay? ee inuu kula galgasho wixii u
dhexeeyay isaga iyo wadaadada ay kala fikirka ahaayeen una qaato qof
isaga khaarijnaysa meesha ma oolin ayay dadka isku raaceen.
Xagga Cabaas Cabdi
Cali oo asbuucii la soo dhaafay lagu dilay xaafadda Suuqa xoolaha
isagoo ka soo baxay masaajidka,ayaan waxaa iyana baaritaankii nooga
soo baxay sidatan;
Cabaas Cabdi Cali oo
ahaa allaha u naxariistee nin taqiya oo aan jeclayn dadka Isticmaala
Qaadka iyo sigaarka, ayaa waxaa maalmo ka hor u yimmid dhalin yaro
ay ilmo adeer yihiin oo ka codsaday inuu shaqaaleeyo maadaama ay ka
jajaban tahay ,waxaa la soo wariyay inuu yiri shaqo idiima
hayo,haddi dabka idinka dansan yahay oo aad gaajaysantihiin wixii
aan idiin awoodo ayaan idinku kaalmayn,dad arrinta la scoday waxay
sheegeen inuu lacag fiican siiyay dhalintaas ay xigtada ahaayeen
balse uusan jeclaysan qaabka ay u dhaqmayaan oo malaha ay ka mid
yihiin ruugista qaadka iyo Dhuuqista Sigaarka iyo waliba hubka qarqarka
usaaran,waxaa la sheegay inay muddo ku soo noqnoqonayeen oo ka
quujeenayeen inuu meeleeyo,balse u ku gacansayray, ka dibna waxaa la
xaqiijiyay inay dhalintaas ay dad isu xigaan gacantooda ku baxay
Marxuum Cabaas Cabdi Cali oo la isku raacay inuu ahaa nin aad iyo
aad u dhowrsan oo ehellu diina.
Waxaa moodaa isku soo
xooriyoo in utina qarsoon oo xagga kala fikirka ah ay jiraan
kuwaasoo u dhexeeye,kuwa waxay liqaan mooyaane aan wax kale ku
xisaabtamayn iyo kuwa micnaha Aduunka loo yimmid fahamsan oo ah
inaad si nadiif ku dhaqantid oo laguu abuuray in wadadii ilaahay
jeexay martid.