Marka aad Hargeysa ku soo dhowdahay waxaad arkaysaa
dhulka dadka Somaliyeed oo hoostaada ka muuqda,
runtiina waxaa ku gelaya shucuur waddaninimo. Waxaadna
dareemeysaa dhul qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay.
Shucuurtaasna waxaan filayaa in ay aad ugu weyn tahay qofka isagu ku dhashay kuna koray
magaaladaas Hargeysa.
Marka diyaaradu soo caga dhigaynayso waxaad arkaysaa Hargeysa
oo bilicdeedu ku cajabineyso. Waxaana aad
arkaysaa baabuurta magaalada dhex yaacaysa. halkaasna
waxaad kaga cabir qaadan kartaa hawl maalmeedka ka
socota magaaladaas. Waxaad si fiican u arkaysaa toga
dhexmara magaalada oo quruxmiiran ah, marka kor aad ka
argtid. Waxaana filayaa in uu aad uga qurux badnaan
lahaa hadii uu biyo lahaan lahaa markaas.
Diyaarada waxaa laga soo degaa 10 daqiiqo marka
diyaaradu gegida soo caga dhigato. Waxaan ku soo
dhoweynayaa gaadiidka dab damiska oo durbadaba ka
arkaysid meesha diyaaradu ku degto dhineceeda. Marka
diyaaradu soo istaagto airport-ka hortiisana waxaad
arkaysaa dadkii oo markaba istaagey oo diyaarada
albaabkeeda ku cararaya. Waxaadna maqlaysaa madaxii diyaarada [Cheif
Cabin Crew-ga] oo ka codsanaya in si tartiib tartiib
iyo is xaq dhowr ah loo dego laysna dhowro oo fursad laysasiiyo.
Airport-ka Hargeysa wuxuu ku yaal meel buur balaaran ah dusheeda [ama taag sare], magaaladuna waa ay ka yara hoosaysaa. Marka
aad diyaarada ka soo baxdona waxaad markaba ka
helaysaa dabaysha qabow ee wejiga kaaga dhacaysa.
Runtii dabaysaas waa mid aad iyo aad sanka qofku ula
raaco. Khaasana marka aad ka urinayso dhulkaagi hooyo.
Waxaadna dareemeysaa in urkaas dabayshu uu aad iyo aad
uga duwan yahay kuwii hore. Waxaa dareenkaaga urka
durbadaba saaqaya udgoonka dabaysha Hargeysa oo isaga
ka duwan ka meesha bada amaba xeebata ah.
Airportka Hargaysa waa mid aad casri u ah, waxaana ka
dhisan daaro dhowr ah oo aad u waaweyn. Waxaa u
danbeysa mid dhowaan dhamaatay oon weli la degin,
waxaana lay sheegay in ay noqondoonto xafiisyada
gegida diyaaradah. Waxaa kale oo airport-ku leeyahay
hal Tawarka diyaaradaha haga ah. waxaana uu dusha kaga
yaal( sida aad sawirka ugu sareeya boggaan ku argtaanba) daartii hore ee
Airportka oo la dhisay xoriyadii ka hore.
WAXAA DIYAARADA DAMAL
KUGU SOO DHOWEYNAYA:
Cabdikarim Cilmi Cali ( Chief Cabin Crew)
Axmed Farax Cali "Shahiid" (Station Manager)
Cabdicasiis Maxamed Maxamud "Madoobe" ( Crew Member).
|
Waxaad ka helaysaa maamulka airport-ka oo runtii
suurta geshey in airport-ku u shaqayo sidii kuwa
caalamka oo kala. Airport-ka waxaa jooga dadka
diyaarada alaabta ka roga oo isticmaalaya qalabka loo
adeegsado howlahaas noocaas oo kale ah. Waxaadna
arimahaas ka arki kartaan sawirada qoraalakan la
socda. Waxaa kale oo aad iyo aad ii cajabiyey qalabka
dabka lagu damiyo oo rag iyo baabuurba ka kooban oo garoonka dhex hoganaya, diyaarna u ah hadii dab
bilaamo. Iyagana sawirada ayaad ka arki kartaan.
Garoonka marka aad u kuurgasho waxaad kale ood
arkaysaa in uu yahaya mid awood u leh in uu diyaarado
badan xamilikara. Sawiradana waxaad ka arki kartaan
diyaaradaha fadhiya badnaantooda, iyo sida hawshooda
ka dejinta alaabta iyo raridaba loo kala waddo.
Waxaana howlahaas qaabilsan shirkad gaar ah oo
diyaaradaha rara waxna ka dejiya.
Garoonkaas waxaan kale oon ku arkay, khaasatan meesha
ka soo horjeeda daaraha airport-ka, dhor kamid ah
diyaaradihii dagaalka ee dawladii burburtay ee
Somaliya. Diyaaradahaas dagaalkana waa MIGs aad moodo
in ay weli cusub yihiin, khaasan marka aad uga fogtahay.
Garoonku waxaa uu leeyahay qayb dadka sii gudbaya ama [transit-ka] ah. Waxaana
meeshaas wada fadhiya dad badan oo u kala gooshaya
Muqdisho, Burco, Boorame, Jabuuti, iyo Addis Ababa.
Waxaadna had iyo jeer maqlaysaa dadka oo loo sheegayo
in ay diyaar tahay diyaaradii ay raacilahaayeen ee
magaalooyinkaas middood u baxaysa.
Airportka waxaa ku yaar makhaayada aad ka heli kartid
cuno fudud iyo cabitaan. Waxaana wax lagu gataa
lacagaha Somaliland, Dirhamka UAE, iyo Dollarka
Maraykanka. Waxaana kula talinayaa qofkii halkaas maraya in aanu filan in uu wax ku gato lacagtii
Somaliya ee hore, haatan laga isticmaalo Somalia
inteed kale. Mase aan garanyo in Hargeysa amaba
magaaloyinka kale ee Berbera amaba Burco oo kale laga
isticmaalo lacagtaas. Airport-ka lacagahaas aan
sheegay ayaa la isticmaala.
Waxaad kale oo Airprt-ka qaybta transit-ka ka heleysaa
wiil yar yar oo gada journalada ka soo baxa magaalada
Hargeysa. Warsidayaashaasi waa kuwo aad u qurxoon,
qaarkodna ay sidaan sawiro midabo ah oo indhaaga soo
jidanaya. Waxaa inamadaasi kale oo ay leeyihiin
qalabka kaba lagu casayo, amaba lagu baalsho. Waxaana
badanaa lagama maarmaan ah in aad kabahaaga baalshto
amaba casayso marka aad halkaas ka duulaysid ood u
baxaysid waddanka dibadiisa.
Dad kala noocnooc ah ayaad halkaas ku arkaysaa,
waxaana dadkaas ka mid ah dad cadaan ah oo u shaqaya
hay adaha UN amaba NGO's oo waadanka dhexdiisa isaga
gooshaya amaba waddanka ka baxaya. Waxaad kale ood ku
arkaysaa dad Asian iyo Indina ama ka yimid qaarada Aasiya [sub-continent] oo ka shaqaya maraakiibta ajnemiga ah ee bada
Somaliyeed ka kaluumaysta. Dadkaas, oo sida warka
laygu sheeegay, qaarkood ka kala yimaadeen Puntland
amaba Muqdisho amaba Berbera.
Diyaarada Bosaaso u socota waxaa ay Hargeysa Airport
fadhidaa hal saac oo rakaabka alaabtooda iyo alaabta
bagaashka ah laga dejinayo. Waxaana halkaas ka raaca
dad iyaguna u socda Bosaaso iyo Dubai amab aduunka
daafihiisa.
Qaybtaani Intaas ayaan ku soo koobayaa, qaybta kale
waxaan kaga hadlidoonaa Bosaaso iyo gadaal ugu soo
noqoshada Dubai marka lasoo marayo Yaman [Dubai via Yemen].
Lasoco qaybta labaad ee Dhollowaa iyo
Safarada Soomaaliya.
==============================
Ciise Maxamuud Dhollowaa
61 415 172 025
imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Australia
SOMALITALK.COM | Janaayo 22,
2003
Wafti
Kasocda Jaamacadda Latrobe oo Booqanaya Jaamacadda Boosaaso
Waftiga oo uu hogaaminayo Dr. David Dorward, uuna
kamid yahay Ciise Dhollowaa waxa ay Australia ka ambabaxayaan 27ka bishan
Janaayo. GUJI
19/1
Cusmaan
Muumin oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud
Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya
kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI.
18/1
LIFAAQ.1
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan
cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay
loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan cudurada carruurta
yaryar. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta
lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr.
Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo
batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh
cilmigaas......
SOMALITALK AUSTRALIA:
Powered by
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...