Qodobada Todobaadkan:
- Sahanka Somaliland ee Sool iyo Sanaag iyo Saadaasha Dadweynaha
- Cabdiqaasim Waa Caqabada Shirka Dib u Heshiisiinta
-
Cabdullaahi Yusuf oo Caadeystay "Car Yaa Hadla"
-
Xaaji Muuse Xabada Jooji
Xaaji Muuse Xabada Jooji
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemay
xasilooni iyo degenaan, waxaana yaraaday dilkii, dhacii iyo afduubkii. Mudadaas
xasiloonidu jirtay waxaa magaalada ka maqnaa dhamaanba hogaamiye-kooxeedyada
Muqdisho kuwaasoo ku sugnaa magaalada Eldoret ee ay kaga qeyb galayeen shirka
dib u heshiisiinta halkaa ka soconayay.
Hogaamiye-Kooxeedyada Muqdisho oo intii ay ku sugnaayeen Eldoret yeeshay kulamo
fara badan ayaa waxey maalin walba ka hadlayeen sidii Muqdisho nabad loogu soo
dabaali lahaa iyo furitaanka dekeda iyo Garoonka diyaaradahaba.
Hadaba Muuse Suudi oo ah hogaamiye-kooxeed awood ku leh waqooyiga Muqdisho,
qeybna ka haysta degmeda Madiina ayaa bishii Janaayo kasoo tegey shirka ka
soconaya Kenya sababna uga dhigay inaan shirkaasu u cantamin beesha uu ka
dhashay.
Muuse Suudi ayaa markuu cagaha soo dhigay garoonka Cisaley u sheegay
warfidiyeenada inuu dadaal walba u gelayo nabadeynta Muqdisho, wuxuuna sheegay
inuu la kulmi doono cid kasta oo ay nabada Muqdisho quseyso. Dadka iyo saxaafada
Muqdisho ayaa laga dareemay farxad weyn iyagoo aaminsan in hadii Xaajigu nabad
doonayo sahlanaan doonto nabadeynta magaalada. Wargeysyada Muqdisho ayaa qorayey
cinwaano ay ku muujinayeen in Xaajigu fikrad cusub kala yimid Eldoret ayna ka
muuqato nabad jaceyl, xasilooni iyo deganaan aan horay looga baran.
Amaantaas waxey noqotay mid aan waxba ka jirin waayo Muuse Suudi wuxuu dagaal ku
qaaday degmeda Madiina oo uu qeyb ka haysto, dagaalkan oo u dhexeeyey Xaajiga
iyo Cumar Finish ayaa waxaa ku dhintay dad 15 kor u dhaafaya halka dad kaloo
badanina ku dhaawacmeen.
Dad badan ayaa qaba in Xaaji Muuse magac ku leeyahay xabada haduu dhigana uusan
waxba ka noqon doonin magaalada maadaama ay jiraan dad aragti iyo aqoonba dheer
kana dhashay beesha uu isagu kasoo jeedo ee Mudulood.
Waxaa sidoo kale dhowaan kusoo laabtay Muqdisho dhamaan hogaamiye-kooxeedyada
magaalada sida Cismaan Caato, iyo Maxamed Qanyare. Soo laabashadii Xaajiga iyo
hogaamiye-kooxeedyadan kalena waxaa daba socday dilkii, dhacii iyo afduubkii oo
mar kale kusoo batay magaalada dadka reer Muqdishana dib usoo xusuusisey
xaaladii lagu jiray bilowgii sagaashanaadkii ee uu dhaca, dilka iyo afduubka
badani jiray.
Hadaba reer Muqdisho ayey arintanu layaab ku noqotay waayo colaadii, dhacii iyo
afduubkii laga reystay mudadii ay hogaamiye-kooxeedyadu maqnaayeen ayaa dib u
bilowday markey kusoo laabteen magaalada. Dad badan ayaana aaminsan in
hogaamiye-kooxeedyadan laftooda ka dambeeyaan falalkan, ayna doonayaan in
magaaladu xaaladan ku jirto inta ay danahooda xukun doonka ah ka gaarayaan.
Cabdullaahi Yusuf oo Caadeystay "Car Yaa Hadla"
Sidii loo aasaasay maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa mar walba la maqlayey
hanjabaado, xayiraado iyo xarig maamulka Col. Cabdullaahi Yusuf u geysanayey
dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda maamulkiisa. Waxaa taas xigtay Saxaafada xorta
ah oo uu mudooyinkii dambe afka qabtay.
Waxaa ugu dambeeyey xiritaankii xafiisyada ururo u dooda Xuquuqda Aadanaha oo ka
jira gobolkaas ayna kamid yihiin Dulmi-Diid, IXNA iyo WAWA. Maalinimadii
Arbacada ee ay bishan Maarso aheyd 5 ayuu maamulka Col. Cabdullaahi Yusuf soo
saaray wareegto lagu mamnuucayo ururadaas taasoo dhaqan gashay isla maalintaas.
Arintan ayaa walaac ku abuurtay aqoonyahanada iyo waxgaradka gobolkaas, waxaa
sidoo kale walaac arintaas ka muujiyey hay'ado caalami ah. Hadaba xaalada ka
jirta degaanka Puntland ayaa lagu macneyn karaa "CAR YAA HADLA". Waayo cidii
muujisa fikrad ka duwan mida maamulka Korneylka wuxuu la kulmayaa falal
hanjabaado ama dil ah, haduu nasiib leeyahayna xabsiga ayaa loo taxaabayaa waayo
xarigu dhimashuu dhaamaa.
Dadka gobolka Puntland ayaa indhowaalaba gacanta afka ku hayey iyagoo ka
cabsanaya in hadal afkooda kasoo baxsaday noloshooda galaafto.
Cabdiqaasim Waa Caqabada Shirka Dib u Heshiisiinta
Bilowgii shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Kenya ayuu Cabdiqaasim Salaad
muujiyey inaanu diyaar u aheyn ka qeyb galka shirkaas, wuxuuna soo diray ergo
dowladiisa ka wakiil ah. Ergedan oo uu hogaaminayo Xassan Abshir ayaa waxaa
bilihii tegey soo baxayey khilaaf dhex yaala Cabdiqaasim iyo ergeda uu shirka
usoo diray kadib markey ergedu diideen amar uu Cabdiqaasim ku siiyey iney isaga
soo tagaan shirka kuna soo laabtaan Muqdisho taasoo u cuntami weyday Xassan
Abshir iyo Cabdalla Deerow.
Iyadoo uu jiro khilaafkaas ayey Xassan Abshir iyo Cabdalla Deerow socdaalo
shakhsiyadeed u aadeen wadamada Imaaraadka Carabta iyo Suuriya, taasoo hogaanka
ergeda DKMG ee shirka ka dhigtay Cabdiraxman Ibbi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo
labada gole ee DKMG kala metala.
Markii shirka loosoo raray nawaaxiga Nairobi waxey ergeda DKMG degeen hoteel
waxeyna sheegeen inaaney ka qeyb galeyn shirka ilaa shirka la keeno maamulka
Somaliland. Arrintan ayaa layaab ku noqotay gudiga farsamada IGAD, iyo dhamaanba
umada Soomaaliyeed waayo wuxuu shirku soo socday mudo 5 bilood ah ergeda DKMG
ahna marna shuruud kama dhigin Somaliland oo shirka la keeno.
Hadaba dhamaadkii todobaadkan ayaa waxaa kala jabay ergadii DKMG iyadoo 21
xubnood oo uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga ee DKMG Cabdiraxmaan Diinaari
sheegeen iney ku laabanayaan shirka, halka koox kale oo ay hogaaminayaan Maxamed
Cabdi Yusuf iyo Cabdiraxman Ibbi daacadna u ah Cabdiqaasim sheegaan inaaney ka
qeyb galeyn. Taasoo keentay in aan iminka la garaneyn cida metasha DKMG.
Waxaase dad badan la yaabeen markii wasiirka gacansiga ee DKMG Cabdiraxman
Diinaari wareysi uu siiyay Idaacada BBC laanta afka Soomaaliga uu ku sifeeyey
ergeda DKMG "koox" taasoo muujineysa in xubnaha DKMG laftooda ay qirsan yihiin
inaaney meesha dowlad ka jirin balse ay yihiin koox kamida kooxaha isku haysta
xukunka wadanka.
Somaliland kama qeyb gelin shirkii Carta ee lagu soo doortay Cabdiqaasim, hadaba
waxaa lala yaaban yahay sababta Cabdiqaasim iminka shardiga uga dhigayo ka
qeybgalka Somaliland ee shirkan?. Dad badan ayaa qaba in bilowgii shirkan ilaa
iminka Cabdiqaasim dadaal walba u galay uguna jiro sidii uu u fashilin lahaa
shirka si uu usii haysto jagadan magac u yaalka ah ee uu hayo.
Hadaba Cabdiqaasim waa caqabada shirka hortaagan wuxuuna habeen iyo maalin mar
marsiiyo ka dhigtaa Itoobiya ayaa shirka faraha kula jirta waxeyse xaqiiqadu
tahay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Cabdiqaasimba dadaal
walba ugu jiraan sidii shirkanu u fashilmi lahaa.
Sahanka Somaliland ee Sool iyo Sanaag iyo Saadaasha Dadweynaha
Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinka soo socda ee ka
dhici doona maamulkaas ay ka qeyb geli doonaan labada gobol ee Sool iyo Sanaag.
Labadan gobol oo sal u ah khilaaf xoogan oo u dhexeeya maamul goboleedyada
Somaliland iyo Puntland ayaa waxey dad badani muujinayaa cabsi muuqata oo soo
fool leh.
Dhamaadkii sanadkii tegey ayey dagaalo ka dhaceen deegaanka Sool kuwaasoo ka
dambeeyey booqasho uu Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale ku yimid magaalada
Laas Caanood taasoo keentay iska hor imaad dhex maray ciidamo u kala daacad ah
labad maamul.
Hadaba iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka af ka dirirka ah ee u dhexeeya
hogaanka labada maamul kadib markii ay Col. Cabdullaahi Yusuf iyo Daahir Riyaale
hadalo kul kulul isku dhaafsadeen wareysiyo ay si gooni gooni ah u siiyeen BBC
laanteeda afka Soomaaliga ayaa hadana waxaa muuqda walaac weyn oo ay qabaan
dadka Sool iyo Sanaag iyagoo ka cabsi qaba waxa ka imaan kara go'aanka ay
Somaliland ku gaartay iney sanaadiiqda cod bixinta geyso goboladaas iyo
digniinta maamulka Puntland ee sheegeysa in goboladaasu hoos yimaadaan
maamulkooda.
Isku soo wada duuboo dadka Sool iyo Sanaag ayaa badankood qaba in labadan
maamul midkoodna aanu danta goboladooda ka shaqeyneyn balse ay doonayaan oo
keliya iney colaad dhex dhigaan dadka walaalaha ah ee fikrad ahaan kala
taageersan maamulada Somaliland iyo Puntland.