Qodobada Todobaadkan:
- Caloolyowga Shacabka
- Cabashada Doofaarka
- Camal Xumada Siyaasiyiinta
Caloolyowga Shacabka
Laga soo bilaabo kasoo noqoshadii dagaalkii lala galay Itoobiya ayaaney shacabka
Soomaaliyeed ka bixin dhibaatooyin kaga yimaada siyaasiyiinta kursi doonka ah ee
ilaa maanta isku haya hogaanka Soomaaliya.
Dad lagu qiyaasay ilaa hal Milyan Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaaladan soo
bilowday 1978-dii waxaana ku barakacay Malaayiin kale. dhibaatooyinkan ay
bulshadu la ciirsan tahay ayaa sal looga dhigaa mid xukun doon ah oo isla
badasha waqtiga ama daruufaha lagu jiro oo dagaal -oogayaashu ka kaluumaystaan
dhiiga shacabka oo aan
loo daynin dhinacna, ka sokow barakaca ganacsatada ka tanaaday canshuur
la,aanta
ayaa xiriir dhaw la leh qab-qablayaasha ayagoo danta ugu wayn ee ay isugu
xiran yihiin
ay tahay inaanay helin dawlad xakamaysa dhaca toosan ee ay ku hayaan shacabka.
Shacabka ayaa ka warsugaya shirka laga soo wareejiyay Eldoret oo la filayo
inuu ka
bilowdo Mbagathi maalinta isniinta ee bishan Febraayo tahay 24, waxaanu
shacabka dib u laqay damiciisii ka dib markii qab-qablaashu intoodii badnayd
aysan ka muuqan goobta shirka.
Saluuga siyaasiinta,oo ka biyo diidsan gogosha oo wararka ka soo yeedhayana
qiil ka dhigtay inaysan ahayn goob u qalanta shaararka ay huwan yihiin ayaan
garawsan kumanaanka ku jira xeryaha qaxootiga wadanka ay doonayaan inay
sariiro wacan ku seexdaan, kumanaanka maalin walba ku hafta biyaha bada cas
ayagoo raadsanaya sidii ay u heli lahaayeen nolol, kumanaanka gaajada ugu
dhinta saxaraha u dhaxeeya waqooyiga afrika iyo aasiya, kumanaanka dhalinyarada
ah ee ku naafoobay dagaalada ay ku qaldeen dagaal-oogayaashu oo u baahan
daryeel , iyo guud ahaan bulsho waynta ay daashatay dilka, sicirbararka,
afduubka, iyo malaayiinta ku kala firdhay daafaha dunida oo u taahaya inay
arkaan wadankoodii hooyo asagoo dawlad dhab ahi ka jirto.
Cabashada Doofaarka
Xarunta cusub ee loosoo raray shirkii ka soconayey Eldoret ayaa ah kuleejo ku
taala duleedka Nairobi laguna magacaabo Mbagathi. Xeradan ayey ergeda badankood
diideen iney degaan kadib markii la sheegay iney ka jirto jiif xumo, biyo
lan'aan, qabow iyo dhaxan badan iyo dhibka ugu weyn oo ah in ay xeradu ku nool
yihiin doofaaro aad u fara badan.
Arintan ayaa ka careysiisey in badan oo ah hogaamiye-kooxeedyada shirka ka qeyb
gelaya keentayna iney badankood yiraahdaan Mbagathi ma aha goob u qalanta
degaan amaba in shir lagu qabto.
"Doofaaro ayaa sidii adhigii goobta tuban" ayuu yiri mid kamida ergeda DKMG oo
sheegay in ergadiisu degen yihiin Hotel ku yaala Nairobi aaneyna damacsaneyn
iney kuleejka degaan.
Ergeygii hore ee dowlada Kenya uga wakiilka ahaa shirkan Mr. Mwangale ayaa horay
ugu eedeeyey in ergeda Soomaalidu doonayaan oo keliya cuno iyo jiif balse aaney
meesha u iman iney heshiis gaaraan, Soomaali badan oo aan la sheekeystay ayaana
qaba inuu dhaboobay hadalkii Mwangala waayo maalmahan waxa keliya ee ay ergedu
ka hadlayaan ayaa ah cuno iyo jiif xumada kuleejada ka jirta.
Soomaalida oo aad u neceb xayawaanka Doofaarka ayaaney u muuqan iney ogolaan
doonaan ku noolaashaha xeradan loo bixiyey Doofaarey.
Camal Xumada Siyaasiyiinta
Laba iyo Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la qabtay 12 shir dib u
heshiisiin Soomaaliyeed kuwaasoo lagu kala qabtay wadamo badan oo Soomaaliya
deris la ah uuna ugu dambeeyey kii lagu soo dhisay dowlada la magac baxday
Carta.
Shirarkan oo inta badan qaata bilooyin fara badan ayeysan marna kasoo bixin
guulo la taaban karo ama heshiis lagu xalinayo dhibaatooyinka ka taagan dalka
Soomaaliya.
Hadaan soo qaadano shirka iminka ka soconaya Kenya ayaa waxaa muuqda inuu yahay
mid fashil qarka u saaran kadib markii uu soo baxay khilaaf aan la xalin kerin
una dhexeeya hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida.
Mudo gaareysa 5 bilood ayey ku heshiin waayeen qeybsashada tirada ergeda Gudiga
Farsamada IGAD ogolaaday iney shirka ka qeyb qaataan oo dhan 300, waxaana
maalin walba muuqda is qabqabsi ku aadan qeybsashada tirada ergeda.
Mowliid Macaane iyo Dr. Gaandhi ayey ahaayeen kuwii uu dagaalka gacan ka hadalku
ku dhex maray Eldoret halka Muuse Suudi iyo Cabdullaahi Yusuf hadalo qalafsan is
dhaafdhaafsanayeen.
Hogaamiye-Kooxeedyada Muqdisho ayaa badankood Muqdisho ku laabtay, Xassan Abshir
iyo Cabdalla Deerowna safaro shakhsiyadeed ayey u aadeen UAE iyo Syria, Barre
Hiiraale oo carooday ayaa isna ka degey Kismaayo, Cabdullaahi Yusuf iyo ninka ay
beryahan saaxiibka yihiin ee Shaati Guduud ayaa degen hotel weyn oo ku yaala
magaalada Nairobi, halka afhayeenka Shaati Guuud la sheegay inuu degen yahay
xero qaxooti oo ku taala magaalada Muqdisho. Intii ka hartay ergeda shirka u
tagtay Kenya ee aan awoodin iney huteelo degaan ayaa habeen iyo maalin ka
cabanaya cuno xumo, jiif xumo iyo doofaarada xerada kula nool.
Isku soo wada duuboo Soomaali badan ayaa qaba in ay adag tahay heshiis ay
gaaraan hogaamiye-kooxeedyadan aan kasoo sheekeynay, waayo midkoodna malahan
sifaaalihii lagu yiqiin hogaamiye.