SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DAREENKA DADWEYNAHA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan

 
WD. Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

Febraayo 17, 2003    

Waa Taxane Todobadle ah, Faalo iyo Falanqeyn. Waa Fahamka siyaasada fashilan ee Soomaalida. Waa Fiiro Dheer iyo Fahamka Dadweynaha. Waana Faaqidaada Todobaadka ee dhacdooyinkii ugu xiisaha iyo hadal haynta badnaa ee Soomaalida iyo Caalamka.

Qodobada Todobaadkan:

  • Cabdiraxman Tuur oo Hargeysa Kusoo Laabtay
  • Hogaamiye-Kooxeedyada Muqdisho oo shaki weyn ka qaba shirka Soomaalida ee Kenya
  • Gaadiidleyda Eldoret oo Isbaaro u Dhigtay Ergeda Soomaalida
  • oo ma ciid baa jirtay?

oo ma ciid baa jirtay?

Maalintii Ciida ee sanadkan ayaa dad badani wax ka yiraahdeen sidii ay u dareemeen   maalintaas. Soomaali ku sugan wadamada Mareykanka, Yurub, Masar, Kenya iyo Australia oo aan ka wareystay sidii ay u ciideen maalintaas ayaa intooda badan iigu jawaabay ma aheyn maalin aanu dareenay   wax farxad ah waayo maba jirin damaashaadyadii laga sameyn jirey wadankeena malamaha ciida ah.

Hadana arday wax ka dhigta jaamacada Azhar ee magaalada Qaahira oo fikradiisa ka dhiibanaya su'aal aan ka weydiiyey sidii uu u ciiday ayaa  iisoo diray qormo uu cinwaankeedu yahay " Ciid Ma Dareemo Nimaan Ciidiisa Joogin" taasoo cabireysa fikrad ay qabaan Soomaali badan oo ku nool dalka debediisa. Ardaygan ayaa muujiyey inaan leys barbar dhigi karin ciidihii uu ku ciiday Soomaaliya iyo kuwa uu debeda ku qaatay.

Wiil Soomaaliyeed degan Mareykanka oo la weydiiyey sidii uu u ciiday ayaa isaguna ku jawaabay "oo Ma ciid baa jirtay?". Hadaba in badan oo Soomaalida debeda ku nool ayaad moodaa iney qabaan dareen la mida midkan ay muujiyeen dadka aan la xiriiray. Waxaana muuqata in aan dareemin ciidaheena balse aanu dareeno ciidaha wadamada Galbeedka laga ciido sida Christmass, New Year iwm taasoo ah nasiib daro haysata dhamaan Soomaalida debeda kunool.

Gaadiidleyda Eldoret oo Isbaaro u Dhigtay Ergeda Soomaalida

Maalintii jimcaha ee 15ka bishan ayey aheyd goortii ay gudiga farsamada IGAD u qorsheeyeen in ergooyinka Soomaalida loo raro madasha cusub oo noqon doonta agagaarka Nairobi, hadaba kolkii ay soo istaageen basaskii daad gureyn lahaa ergooyinka ayaa waxaa bilowday mudaaharaadyo ay soo abaabuleen gaadiidleydii qandaraaska   shirka haystay, hadaba gaadiidleydan oo sheeganayey iney lacag fara badan ku leeyihiin gudiga farsamada ayaa ku dhawaaqayey erayo ay  ka mid ahaayeen "Hadaan lacagi jirin Safarna Ma Jirayo" waxayna  baska   walba oo ka mid ahaa basaskii ergooyinku saarnaayeen  ku hor gudbeen shan gaari oo yar yar si aysan wax dhaqdhaqaaq ah u sameyn.

Arintaas ayaa waxay keentay in uu gudiga farsamada igad wada xaajood rasmi ah la yeesho gudiga gaadiidleyda ayna u balan qaadeen iney  sida ugu dhaqsiyaha badan u  bixin doonaan lacagaha ay ku leeyihiin gudiga farsamada. Hadaba arintan ayaa sababtay dib u dhac maalin  qur ah oo ku yimaada safarkii ergada shirka.

Hogaamiye-Kooxeedyada Muqdisho oo shaki weyn ka qaba shirka Soomaalida ee Kenya

Dhamaan hogaamiye-kooxeedyada ugu magaca dheer beelaha hawiye ayaa isaga soo dareeray shirka Soomaalida uga soconaya kenya. Muuse Suudi, Cusmaan Caato, Maxamed Dheere iyo Maxamed Qanyare ayaa dhamaantood kusoo laabtay Muqdisho iyagoo sheegay iney wada tashiyo yeelan doonaan.

Waxaa in dhowaalaba muuqday dagaal fadhi ku dirir u dhexeeya qaar kamida hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho iyo ninka ugu magaca dheer shirka Nairobi Col. Cabdullaahi Yusuf  oo ay dad badani qabaan inuu balanqaadyo ka haysto dowladaha shirka soo abaabulay.

Hadaba dad badan oo u dhuun daloola arimahan ayaa sheegaya in siyaasiyiinta beelaha Hawiye shaki weyn ka qabaan waxa kasoo bixi doona shirkan hada loosoo raray duleedka Nairobi, shakigoodan ayaana la sheegayaa inuu ku saleysan yahay iyagoo ka cabsi qaba in dowladaha shirka soo abaabulay ay jagada Madaxweynenimada la doonayaan Col. Cabdullaahi Yusuf.

Cabdiraxman Tuur oo Hargeysa Kusoo Laabtay

Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland ayaa Todobaadkan kusoo laabtay magaalada Hargeysa kadib sanado badan oo uu baxsad kaga maqnaa gobolkaas. Waxaa la sheegayaa in madax sare oo ka tirsan maamulka gobolkaas ay garoonka kusoo dhoweeyeen Cabdiraxman Tuur.

Tuur oo madaxweyne-ku xigeen ka noqday dowladii Salbalaar ee uu hogaamin jirey Gen. Caydiid ayaa si aad ah uga soo horjeeday madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Iyadoo la sheegayo in soo laabashadiisan ay  soo dedejisay geerida Cigaal.

Dadka reer Hargeysa ayaa u arkay siyaabo kala duwan soo laabashada Tuur iyadoo qaarkood u arkaan inuu yahay halyey usoo halgamay gobolkaas halka qaar kalena qabaan inuu yahay nin aan la aamini karin oo kursi doon ah.

I  I  D  H  E  H

QORMADII TODDOBAADKII HORE.... GUJI......  

WD. Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.

XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA.... 

FAAFIN: SOMALITALK.COM

QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1