SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DAREENKA DADWEYNAHA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan

Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

Febraayo 10, 2003 

Waa Taxane Todobadle ah, Faalo iyo Falanqeyn. Waa Fahamka siyaasada fashilan ee Soomaalida. Waa Fiiro Dheer iyo Fahamka Dadweynaha. Waana Faaqidaada Todobaadka ee dhacdooyinkii ugu xiisaha iyo hadal haynta badnaa ee Soomaalida iyo Caalamka.

Qodobada Todobaadkan:

  • Maxaa Xigi Doona Soo Dhoweynta Diiran ee Cabdiqaasim ka Helay Melez Zenawi?
  • Muxuu Xuseen Caydiid Ka Doonay South Korea?
  • Kiplagat Ka-Dare Mise Ka-Roone?
  • Rajadii Furitaanka Dekeda iyo Garoonka Muqdisho oo Quus Taagan
  • Khatarta Dhalinta Soomaaliyeed u Maraan Gelitaanka Yurub

Khatarta Dhalinta Soomaaliyeed u Maraan Gelitaanka Yurub

Waxaa dhowaanahanba socday safaro ay dhalinyaro Soomaaliyeed kaga soo baxayeen magaalooyin kala duwan ee Soomaaliya iyagoo ku socda dalka Liibiya oo la sheegay iney uga sii gudbi karaan wadamada Yurubta Galbeed.

Dhalinyaradan ayaa badankood sii mara wadamada Itoobiya iyo Suudaan, iyagoo u bareera khatar badan oo lagu sheegay dhulka ay sii marayaan, khatartaas guudna ay usii dheer tahay iyagoo aan wadan haba yaraatee wax document ah oo u sahlaya safarkooda.

Hadaba waxaa dhowaan xuduuda u dhexeysa Suudaan iyo Liibiya laga soo qabtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar kuna sii jeeday dalka Liibiya. Dhalinyaradan oo gareysay 38 qof ayna makid ahaayeen 12 dumar ah ayaa soo maray safar dheer oo dhib badan, iyadoo wadanka Suudaan uu yahay wadanka ugu weyn qaarada Afrika dhul ahaan una badan dhul lama degaan ah, hadana dhalinyaradu ay u bareereen iney lug ku galaan dalka Liibiya.

Dhalinyaradan ayaa iminka ku jira xabsiga weyn ee Khartoum taasoo ay dowlada Suudaan dooneyso iney dib ugu celiso Soomaaliya, hase yeeshee kol haduusan jirin duulimaad toos ah oo ka dhexeeya Suudaan iyo Soomaaliya, su’aashu waa halkee la marin.? Arintan ayaa welwel weyn ku abuurtay waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtoodu u safreen dhulkaas balse aan wax war ah laga hayn halka ay ku sugan yihiin.

Rajadii Furitaanka Dekeda iyo Garoonka Muqdisho oo Quus Taagan

Waxaa in dhowaalaba jiray dadaal ay wadeen hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayna doonayeen iney ku mideeyaan siyaasadooda iyo sidii ay u furi lahaayeen Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho. Hadaba iyadoo uu weli dadaalkaa socdo ayaa waxaa muuqda kala qeybsanaan weyn oo soo kala dhex gashay hogaamiye-kooxeedyadan taasoo welwel hor leh ku abuurtay bulshada Muqdisho.

Rag ay ka mid yihiin Maxamed Dheere oo ka taliya Degmeda Jowhar iyo Cumar Filish oo taladii Degmeda Madiina ka faro marooqsaday Muuse Suudi ayaa la sheegayaa iney diidan yihiin dadaalkan loogu jiro mideynta siyaasada Beesha Hawiye iyo furitaanka Dekeda iyo Garoonkaba.

Labadan Hogaamiye Kooxeed oo ku abtirsada beesha Mudulood ka sokow waxaa shaki ku jiraa mowqifka Cusmaan Caato ka taagan yahay arintan. Dad badan oo arrimaha Muqdisho aad ula socda ayaana sheegaya in Cusmaan Caato aanu marnaba si cad u muujin mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan mideynta siyaasada beelaha Hawiye, waxeyna sabab uga dhigayaan in Cusmaan Caato cabsi weyn ka qabo beesha Mudulood oo midowda hal magacna isku soo taagta taasoo halis gelin karta magaca uu iminka ku leeyahay siyaasada Muqdisho iyo guud ahaan siyaasada Soomaaliya. Sidoo kale Maxamed Qanyare oo ay xulufo yihiin Cusmaan Caato ayey dad badanu sheegayaan inuu fikradan la wadaago Cusmaan Caato. Arintu si kastaba ha ahaatee dadaal walba oo Muqdisho nabad lagu doonayo waxaa bur burin kara hal hogaamiye Kooxeed oo arintaa is hortaaga, waxeyna u muuqataa in ay iminka dhowr hogaamiye kooxeed diidan yihiin dadaalkan.

Kiplagat Ka-Dare Mise Ka-Roone?

Wakiilka Cusub ee Dowlada Kenya u magacawday shirka Eldoret uga soconaya hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida Mr. Kiplagat ayaan waxba kusoo kordhin qaab socodka shirka, iyadoo ay muuqato in shirku qarka u saaran yahay burbur.

Kiplagat oo la filayey inuu nolol cusub geliyo shirkan ayaadba moodaa inuu noqday KADARE waayo tan iyo markii uu la wareegay xilkan cusub ayaan la gaarin haba yaraatee wax horumar ah. Waxaana iminka la sheegayaa in bishan 15keeda shirka loo rari doono magaalada Nairobi.

Waxaa sidoo kale muuqda dhaqaale xumo soo food saartay habsami u socodka shirka taasoo uu Mr. Kiplagat ku guuldareystay inuu wax ka qabto.

Dad badan ayaa saadaalinaya in soo rarida shirka ay keeni doonto dib u dhac ku yimaada habsami u socodka shirka, kaasoo ay horayba u haysatay carqaladooyin iyo cabashooyin is daba joog ah. Shirkan oo loo fadhiyey mudo aad u dheer aysana jirin horumar la taaban karo oo laga gaaray xal u helida mashaakilka Soomaaliya ayey dad badanu kasii rajo dhigayaan dowlad ka dhalata.

Muxuu Xuseen Caydiid Ka Doonay South Korea?

Xuseen Caydiid ayaa la sheegay inuu ka degey caasimada Seoul ee Koofurta Korea, isagoo waqti yar kusii hakaday magaalada London ee wadanka Ingiriiska. Xuseen Caydiid ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo shir ka dhacayey magaalada Seoul kadib martiqaad uu ka helay Dowlada Korea uuna shirka ku metelayo dowladii Salbalaar ee uu aabihii madaxweynaha ka ahaa kana jirtay koofurta Muqdisho.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyey safarkan Xuseen Caydiid iyo muhiimada ka dambeysaba, waxaana leys weydiinayaa cida martiqaad u direysa Xuseen Caydiid oo aan xataa booqan karin magaalada Muqdisho. Warar leysla dhex marayo ayaa sheegaya in Xuseen u aaday wadankaas arimo la xiriira ganacsi balse dadka qaarkii ayaa is weydiinaya ganacsi caynkee ah buu doonay.

Waxaan baaray wakaaladaha wararka ee Dunida bal iney wax ka qoreen shirkan Xuseen sheegay balse wax natiijo ku saabsan shir noocan ah oo Koofurta Korea ka dhacaya ma aanan helin. Waxba yaanan hadalka idinku daaline waxey dad badan qabaan inaaney jirin cid Xuseen Caydiid martiqaad caalami ah usoo direytay, safarkiisana uu yahay mid tuhun abuuraya maadaama ganacsatada Bariga fog lagu yaqaano iney usoo diraan Soomaaliya maraakiib sun xambaarsan iyo kuwo si sharci daro ah uga kaluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Maxaa Xigi Doona Soo Dhoweynta Diiran ee Cabdiqaasim ka Helay Melez Zenawi?

Madaxweynaha DKMG Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa si diiran ugu soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha dowlada Itoobiya Melez Zenawi. Cabdiqaasim oo ka qeyb galayey shirka Midowga Africa ku yeesheen xarunta ururkaas ee Adis Ababa ayey filan waa’ ku noqotay soo dhoweyntan aan horay looga baran dowlada aanu deriska nahay.

Hadaba dad badan oo u dhuun daloola arrimaha Geeska Afrika ayaa maalmihii ina dhaafay qaarba si u macneeyeen waxa ka dambeeya soo dhoweyntan aan caadiga aheyn. Iyadoo in badan rumeysan yihiin in Hogaamiyaha Liibiya Col. Qadaafi ka dambeeyey arintan uuna ku amray Melez Zenawi inuu sida madaxweynayaasha kale usoo dhoweeyo Madaxweyne Cabdiqaasim, halka dad kale leeyihiin mayee waxuu Zenawi arintan ula jeeday maleeg uu la damacsan yahay Cabdiqaasim.

Isku soo wada duuboo waxaa cad in siyaasada Soomaaliya misana qaalma rogatay iyadoo uu jiro isu soo dhowaasho u dhexeeya Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yusuf iyo wejigan cusub ee ay dowlada itoobiya la timid. Hadaba arintan ayaa walaac weyn ku abuurtay badiba shacabka Soomaaliyeed iyagoo ka cabsi qaba in Dr. Cabdiqaasim gacanta u galo dowlada Itoobiya sida ay horayba ugu gacan galeen hogaamiye kooxeedyada ku bahoobay ururka magac ahaanta u jira ee SRRC.

I  I  D  H  E  H

QORMADII TODDOBAADKII HORE.... GUJI......

Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.

XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA.... 

FAAFIN: SOMALITALK.COM

QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1