Sida la wada
ogsoon yahay, waxaa dalka Soomaaliya ka jireyn
ka hor intuusan dillaacin dagaalkii sokeeye oo
lagu hoobtey sanadkii 1991dii, saddex bankiyo
oo milkiyadooda uu iska lahaa Qaranka Somalida
sida hay’adahii farabadnaa ayadoo dhamaan ay la
wareegtey dawladda sanadkii 1970kii. Bankiyadaas
magacyadood waxay kala ahaayeen: Bankiga Dhexe
ee Somalia, Bankiga Ganacsiga Somaliyeed iyo
Bankiga Horumarinta Somalida.
Bankiga Dhexe
ee Somalia
Hawshii lagu
aas aasay Bankiga Dhexe ee Somalia waxay
bilaabatey xilli dalka Somalia (dhiniciisa
koonfureed) uusan weli hantinin gobanimadiisa
siyaasadeed ama uu ahaa oo keliya dhul
(trusteeship territory) oo maamulkiisa uu u
xilsaarnaa Talyaaniga. Magacii u horeeyey looga
yeero bankiga wuxuu ahaa: “Circolazione
Monetaria della Somalia”, hawsha uu dalka u
qabanaayeyna, waagaa, waxay ahayd soo saarida
lacagta ayadoo hawshaasu ay ka mid tahay hawlaha
aasaasiga u ah banki dhexe kasta laguna aqoon -sado.
Sanadkii 196okii magacaas waxaa loo beddeley
“Banca Nazionale Somala” ama “Somali National
Bank”kaddib markii dalku uu madaxbaanaaday ayna
midoobeen goboladii koonfur( former Italian
colony) iyo waqooyi(former British protectorate
of Somaliland).
Taariikhdaas waxii ka dambeeyey
ayaa si rasmi ah Bankiga Dhexe ee Somalia u
bilaabay hawlahiisa kala duwanaa; hase ahaatee,
ilaa dhammaadka sanadkii 1970kii bankiga wuxuu u
shaqeynaayey sida bankiyada kale ee caadiga ah
oo waxaa halkii uu ka waday macaamilkii uu la
lahaa dadweynaha ayadoo laamo ay uga furnaa-yeen gobolada dalka oo dhan. Nassibdarrose,
wadciga oo maarkaas uu waddanka ku suganaa iyo
siyaasadda dawladda daraadood, waxyaabo badan oo
uu bankiga rabay inuu sameeyo ma u suura galin
inuu sameeyo, waxyaabo kalena uu sameeyey waxaa
haboonayd inuusan sameynba ama uu u sameeyo si
ka duwan. Hase ahaatee, qaldaad badan oo la galo
ayadoo aqoon iyo khibrad midna loo lehayn
hawsha la qabanaayo, badanaa waxaa laga
kordhistaa waayo-arag markaas waxaa laga yaabaa
in, ayagoo laga faa’idaysanayso waayo-aragaa,
qaldaadkaas ayan mar labaad ayan dhicin ama kugu
soo laaban. Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah in
halkan laga sheego qaldaadkaas ayadoo immikaan
aan u diyaargaroweyn dib u dhiska dalka oo muddo
14 sano uu ahaa dawalad la’aan iyo sidii aan uga
gudbi lehayn dib-u-dhaca.
Lacagtii
Soomaalida ee 1962
|
Haddaba, haddii
aan ka ammaan galo gef, ayaa waxaan dhihi karaa
in Bankiga Dhexe ee Somalia, waagaa, uu haystey
dhaqaalo lexaad leh oo leysku haleyn karey xag dheelitirka
dhaqaalaha dalka iyo xag horumarinta
dhaqan-dhaqaale ee ummadda somaliyeed intaba.
Run ahaani, muddadii u dhaxeysay sanadihii
1960kii iyo 1970kii qiimaha shilling somali
wuxuu ahaa mid sugan oo isbeddel lehayn ayadoo
lacagta uu bankiga soo saaro ay ku dheelitirneyd
badeecada ay taalo suuqa, iyo iyadoo lacagaha
qalaad oo bankiga ay ugu jirtey xisaabaatka
dibedda ay ahayd mid aad iyo aad ay u fiicnayd .
Sidaa daraadeed, waxaan dhihi karaa in waagaa
dhaqaalaha waddanka uu ahaa mid iska
hormarsan oo mashaakil qabin.
Nasiibdarro,
dhaqaalahaas wuxuu noqday, kolkii dambe, mid
maalinba maalinta ay ka dambeysa uu sii
xumaanayey ayadoo ugu wacnay dawladda oo faraha la gashey arrimaha bankiga, dabadeedna
ay bilaabatey in si xad dhaaf ah loo gurto keydka bankiga ( shilling somali iyo lacagaha
qalaad) laguna kharajgareeyo mahrajaan oo sanadka kastaba dalka gudihiisa lagu qaban jirey,
iyo safaro isdabajoog ah oo wufuud ka socota dawladda
ay u kacaayeen dibedda.
Muddo gaaban dhexdeeda
horumariskii uu bankiga siinjirey dawladda (oo
sanadkii 1970kii uu ahaa shilling somali 17
milyan oo keliya), wuxuu noqday kumanaan milyan
shilling somali; taasina micnaheedu waxay ahayd
in lacagtaas farabadan ay soo galeysey suuqa
ayna sababtay in cirka ay ku shareeraan
ascaarta badeecadaha iyo in uu hoos u dhoco
qiimaha shilling somali ama ay yaraato wax
goyntiisa (purchasing power). Natiijada waxay
noqotey in aan fooda la soo galno qiime dhac “inflation” oo
joogta ah, maxaa yeeley, waxaa yaraatey xitaa
wax soo saarkii dhinaca beeraha iyo wershedaha
ee dalka.
Duruuftaas dhaqaale
waxay sii adkeeysay kolkii la bilaabay daabicid
lacag dheeraad ah oo Bankiga Dhexe sidaa uu ku
amraayey si loo daboolo baahida dawladda ayadoo
lacagtaas lagu kharajgareynayey shaqo siinta ama
meeleynta ardayda ay ka soo bixi jirtey dugsiyada
sare iyo in lagu bixiyo biilsha caadiga ah ee
dawladda sida mushaharada shaqaalaha. Runtii,
sanad kasta dugsiyada sare waxay ka soo bixi jirtey
kumanaan arday ka dib markii la fududeeyey
imtixaanadii looga bixi jirey dugsiyadaas.
Midda
kale, ayadoo duruuftaas adag ay ka jirtay dalka
gudihiisa, ayaa haddana waddanku wuxuu fooda la galey
dagaalkii 1977dii oo sababiyey in dadka ay ku
adkaato nolosha, maxaa yeeley, khasaaradii dagaalka ka
sokow, waxaa dalka ku soo kordhey mashaakil kale
oo la xiriirtey qaxooti tiro badan oo ka yimid dalka Ethiopia dagaalka ka dib.
Bilowga
sanadkii 1981dii, waxay dawladda Somalia oggolaatey
in dib loo qiimeeyo shillinga so-mali oo markaas uu
taagnaa 7.24 halkii dollar; ayadoo dawlada heshiis la gashey hay’ada IMF-ta si bal looga gudbo
marxaladda adag ee uu waddanka maraayey. Taarikh- daas
waxii ka dambeeyey qiimo dhaca xoog leh ayaa ku
yimid shilling somali ; kaasoo uu socday ilaa
dhamaadka sanadkii 1990kii isagoo qiimo dhacaas uu
wehliyo maamul xumo oo, guud ahaan, uu saameeyey
dhamaan xafiisada dawladda, bankiyada iyo hay’adaha
kale. Sanadkii 1988dii madaxda Bankiga Dhexe iyo
madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax talo ah fara kuma
ay hayn. Run ahaan, madaxdaas ma ahayn kuwo lahaa
aqoon duruqsan xagga dhaqaalaha; sidaa
daraadeed, awoodna uma lehaynay in ay adeegsa- daan siyaasada
bankiga oo afka qalaad loogu yaqaano “monetary
policy” iyo tan wasaaradda oo iyadana loo yaqaano
“fiscal policy” si bal ay u suurtowi lehayd
waxkaqabashada dhibaatada dalka ka haystey
dhinaca dhaqaalaha. Waddama dhaqaalahooda aad u
hormarey waxaa aad ay u daneeyaan doorka bankiga
dhexe iyo wasaaradda maaliyada ay ka ciyaaraan
dhinaca dheelitirka dhaqaalaha iyagoo adeegsanayaan
labadaas xeer ee aan soo sheegay. Tusaale,
korsaarka (interest rate) oo qayb ka ah awooda
bankiga dhexe, waxaa wadamadaas loo adeegsadaa xagga
kordhinta iyo dhimiska lacagta soo gasho
suuqa ayadoo ujeeddada laga leeyahay fulinta
hawshaasu ay tahay in la kobciyo ayadoo isla
markaa leyska ilaalinaayo qiimo bararka .
Haddaba, waddamada aan soo sheegay guusha
madaxtimada badanaa waxaa nasiib u yeesha
siyaasigii ku guuleysto inuu hoos u dhigga
heerka korsaarka (si dadka ku hawlan
waxsoosaarka ay u helaan amaah qiimo jaban) iyo
inuu xaqiijiyo dheelitirka dhaqaalaha dalka.
Nasiibdarro, waddankeenna waa lagu guuleysan
kari waayey meel marinta arrimaha oo kale ama
xilweyn leys kama saarin xalintooda, maxaa
yeeley, ma nihin dad dadaal badani ama ay ku
jirto wadanimo. Laga yaabo in dhaqaalaha
dalkeenna uu ka sii daro markii aanu eegno dhinaca tirada xildhibaanada barlamaanka iyo tirada
wasiiradda dawladda; taasoo aad moodo in ay ku
bixi doonto kharajyada aan awood u yeelan
doonin . Hubaal, in aan laga faa’idaysan
waayo-aragii laga dhaxley qaladaadkii horey u dhecay.
Bankiga
Ganacsiga Somaliyeed
Bankiga
Ganacsiga Somaliyeed waxa uu ka mid ahaa
bankiyada ay lehayd dawladda, waxaana laga
soo aas aasay isugeyn laysugu geeyey bankiyadii
ka jireyn dalka oo milkiyadooda ay iska lahaayeen dad shisheeye ahaa (markii lala
wareegay ka dib) sida “Banco di Napoli”, “Banco
di Roma”, “Bank of Port Said” iyo kuwo kale oo
isla dawladda ay iska lehayd sida “Banco
Credito”. Waxaa kaloo bankiga isaga ah la
dhaxalaysiiyey dhammaan laamahii Bankiga Dhexe;
kuwaasoo oo ku baahsanayeen gobolada dalka oo
dhan, maadaama waxii ka dambeeyey sanadkii
1971dii macaamishsa Bankiga Dhexe ay ka
koobnaayeen wasaaradaha iyo hay’adaha oo keliya
. Sidaa daraadeed, Bankiga Ganacsiga wuxuu ahaa
bankiga ugu weyn uguna dhaqdhaqaaq badanaa dalka
gudihiisa ayadoo ay badnaayeen dadka ay la
macaamili jireen. Hawlaha farabadan uu bankiga
ganacsiga u qaban jirey dadweynaha waxay kala
ahaayeen: furid xisaabaha keydka( saving
accounts), xisaabaha socda(c/c accounts),
furid buugag keydka, furid L/Cyaa, xawilaad
lacageed, iyo amaah siin. Hase ahatee, hawlahaas
si la rabay oo maslaxadda bankiga iyo tan
dalka ay ku jirto uma fuli jirin.
Haddaba,
waxay caado ahayd in saraakiisha Bankiga
Dhexe ay cabasho ka muujiyaan sida ay wax u maamuli jireyn saraakiisha Bankiga Ganacsiga,
gaar ahaan, madaxda laamaha bankiga siibo
hawlaha ku saabnaayeen bixinta amaahda , xoolo
dhoofinta, iyo xawilaada. Madaxdaas waxay mas'
uul ka noqdeen bixin amaah oo kor ay u
dhaafeen malaayiin shilling somali ; taasoo ka soo horjeeday xeerka u degsanaa bixinta
amaahda.
Sidoo kale, waxaa iyadana laga caban
jirey dhoofinta xoolaha nool iyo u
xawilaada; hawlahaasoo dhan waxay ahaayeen kuwo
la dhaliiley oo aan waafaqsanaan jirin xeerka u
degsanaa. Mathalan, waxaa dhici jirtey in xoolo
badan la dhoofiyey haddana aan la arki jirin
wax lacag ah oo ka soo noqoto xoolahaas la
dhoofiyey iyo lacagyo badan oo laxawili jirey
iyadoo loo haysan wax ruqsad ah.
Haddaba
xaaladdaas bay ahayd tan uu ku sugnaa Bankiga
Ganacsiga ilaa dhammaadka sanadkii
1981dii; iyadoo madaxda Bankiga Dhexe dhawr goor
ay isku dayeen inay wax ka beddelaan siyaasada
amaahda haddana gefafka ay gali jireyn madaxda
Bankiga Ganacsiga halkii bay ka socon jireen;
taasoo ay ugu wacnayd nidaam darri iyo maamul xumo ka jireyn dalka gudihiisa. Midda
kale, amaahda ay bixin jireen madax-daas ma
ahayn mid loogu daneyn jirey danyerta!
Midda kale,
tobankii sano u dambeeyey ka hor inta uusan
dhicin dagaalkii sokeeye, xaaladda Bankiga
Ganacsiga way ka sii dareysay ayadoo asbaabaha
taa ay ugu wacaneyd ay ka mid ahayd kordhinta
shaqaalaha bankiga; Runtii, shaqaale farabadan
ayaa lagu soo wareejiyey bankiga; kuwaasoo ka kala yimid wasaaradaha iyo wakaaladaha
dawladda iyagoo wax aqoon ah ay u lahaayeen
shaqada bankiga aysan jirin; hase ahaatee,
wareejintooda waxay iska ahayd arrin ay u
horseedeen raggii markaas haayey talada dalka , ujeeddada laga lahaana ay ahayd raalli galinta
taageerayaasha dawladda. Shaqalahaas ka sokow,
waxaa bankiga lagu meeleyn jirey sida bankiyada
oo kale, ardayda kaddib markii ay dhamaysataan
shaqada qaranka. Runtii, tirada shaqaalaha
bankiga aad bay u badnayd; tusaale ahaan, qayb
kasta oo fulinta hawsheeda ay ku filnaayeen jirtey
tiro yar oo shaqaale ah ayaa waxaa ka shaqeyn
jirtey soddon shaqaale ama ka badan. Intaas waxa
dheer in ay dhici jirtey in hawlaha qaybta sida
la rabay aanay u socon jirin. Kartidii iyo
hufnaatii lagu yaqiini shaqaalihi bankiga ee
waagii hore oo shaqada bankiga lagu gali jirey
imtixaano waa la waayey.
Nasiibdarro, sanadihii
dambe, Bankiga Ganacsiga madaxdiisa waxay
ahaayeen rag karti iyo khibrad shaqo midna aan
lagu arkin; run ahaan, mana ahayn madax awoodi karta in horey u arkaan caaqiba xumada
ka imaan kartey go’aanadii ay qaadan jireyn
xagga bixinta amaahda xad dhaafka ah iyagoo isku
haleyn jirey taageerada ay ka haysteen
dawladda;amaahdaas sida aan horey u sheegay, ma
ahayn kuwo waafaqansan xeerka u degsanaa
bixintooda oo ay ilaalin jirtey madaxda Bankiga
Dhexe. Haddaba, waxaa dhici jirtey in lacag
amaah ah loo oggolaado qof oo wax damaanad
ah uusan heli karin oo damaanad uu ka dhigto
guri uu ka gatey lacagtii amaah ahaan loo
siiyey. Fowdadaas waxaa aad uga faa’idaysteen
kooxo dhalinyaro ahayd oo magacaabidooda aan
laga taxadirin; kuwaasoo, run ahaan, waxa ay mas’uul
ka noqdeen fashilka ku dhacay bankiga kadib
markii dhalinyaradaa si sharci darro ah ay ku
bixiyeen amaah xitaa lacagtii keyd ahaan loo
keensadey bankiga.
Sharcidarradaas
waxaa ka mid ahaa in malaayiin shilling
somali ah loo bixin jirey amaah ahaan ayadoo
macaamiisha loo caseyn jirey xisaabaha
socoda (c/c account) ee ay ku lahaayeen bankiga;
taasoo micnaheedu ahayd in macaamiishaas la siin
jirey horumaris oo danahooda ay ku fushaan
ayadoo wax korsaar ah lagu xisaabinayn.
Waagaasna heerka korsaarka uu Bankiga Dhexe u
xadiday si uu u xakameeyo amaahda wuxuu maraayey
22% ; shaki la’aan in habka xisaab caseynta uu
ahaa mid ay ka faa’idaystaan madaxda bankiga iyo
macaamishooda ayadoo la caadeystey in la
maalgaliyo L/Cyo (oo qiimahooda aad u badanaa)
xag keenid badeeco iyo xag dhoofin xoolo nool
intaba. Amaahda kale oo caadiga ahayd, qofkii
loo oggolaan jirey boqolkii shilling oo amaah ah
wuxuu ka nasiibsan jirey 68 , maxaa yeeley,
bixinta korsaarka bankiga oo sida aan kor ku soo
sheegay uu ahaa 22%, waxaa u dheeraa bixin hawl
fududeen ay iska lahaayeen madaxdii u dabirtey amaahda. Runtii, waxaa Bankiga
Ganacsiga ku batey deymo badan oo laga
quustey(bad debts), maxaa yeeley, dad badan,
gaar ahaan, kuwo ku xirnaa madaxda sare ee
talada dalka haayeen, xilweyn iskama ay saari
jirin dib u celinta deymanka lagu lahaa. Dhinaca
kale, danyartii ka tirsanayd macaamishii
Bankiga Ganacsiga waxay u suura gali weyday in
lacagtii u tiiley bankiga dib uga soo
ceshtaan ayadoo taasi ugu wacnayd “bankruptcy”; ku dhacay isla bankiga; kaasoo uu
saameeyey xitaa Bankiga Dhexe. Inkastoo
akhbaarta “bankruptcy”ga si rasmi ah aan loogu
dhawaaqin haddana wuxu ahaa mid aan marna la
qarin Karin. Intaa waxaa dheer in rabshadahii ka dambeeyeen dagaalkii sokeeye waxay fursad
u siiyeen dad badan in ay boobaan hantida
bakiyada intii ka hartey. Midda kale, ilaa
waqti dhow shakhsiyaad ayaa fursad u helay in
ay lacag kala baxaan xisaabaadka dibedda ee
labada banki!!. Taasina waxay marqaati-kac u
tahay maamul xumo iyo dagaal waxay wadankeenna
u sababeen oo ah dib u dhac hal qarni ah.
Bankiga
Horumarinta Somalida
Muddadii u dhexeeysay sanadihii 1950kii iyo 1960kii waxaa
dalka Somalia(dhinaca koonfur) ku badnaa
warshado yar-yar oo ay sameeysteen talyaanigii
badnaa ee joogey dalka gudihiisa, gaar
ahaan, magaalooyinka sida Laas Qorey, Jowhar,
Balcad, Muqdisho, Marka, Baraawe, iyo Kismayo
ayadoo waxsoo-saarka warshadhaas uu ka koobnaa
cabitaan kala duwan, hilib iyo kalluun qasa- ceysan, saliida wax lagu karsado(sisinta iyo
looska), saliida madaxa la marsado ee qumbaha,
saabuunta iwm. Nasiibdarro, warshadahaas oo ay
qayb ka ahaayeen tilaabo horumar ah oo markii
dalka uu amba qaaday kaddib markii sanooyin
badan uu ku jirey gumeysi, haddana ma ay noqon
kuwo sii jira sababtoo ahayd in faraha laga
qaaday kolkii raggii talyaaniga dalka ay ka
dhoofeen gobanimad ka dib.
Haddaba, ujeeddada
laga lahaa aasaa-sida Bankiga Horumarinta
Somalida toddobaatankii iyo waxii ka dambeeyay
waxay ahayd in dib loo abuuro warshadahaas iyo
in la sameeyo kuwo kale si loo hormariyo
dhaqaalaha dalka. Sidaa daraadeed, tilaabadii
ugu horeeysay uu bankiga qaado xagga xaqiijinta
hilimadaas waxay ahayd, iyagoo uu kaashanaayo
Bankiga Dhexe ee Somalia iyo Bankiga Horumarinta ee Africa, sameynta warshada
baastada, tan cambaha iyo yaanyada iyo kuwa
kale. Hase ahaatee, dhammaan warshadahaas
yar-yar waxay ahaayeen kuwo milkiyadooda ay iska
leedahayd dawlada. Run ahaan, waxay wanaagsanaan
lehayd in milkiyadoodi loo daayo shacbiga, maxaa
yeeley, sida badanaa ka dhici jirtey
dalkeenna(waagaa) waxii dawladda ay lehayd waxaa
loogu daneyn jirey dad gaar ah oo keliya.
Hase ahaatee,
waxii ka dambeeyey sanadkii 1985tii Bankiga
Horumarinta Somalida waxaa amaah uu ku bixiyey
dhowr makiinooyin oo ah kuwo saliida,
matoorooyin oo loo deegsado xagga waraabinta
beeraha iyo qalabyo kale. Nasiibdarrose,
alaabtaasoo oo dhan waxaa loo gacan galiyey
shakhsiyaad oo sida la rabay aan uga faa’idaysan.
Qarkooda way iska iibiyeen alaabtii amaah lagu
soo siiyey , lacagtii ka soo gasheyna waxay
ku isticmaaleen arrimo kale ayadoo lacagta lagu
soo gadey alaabtaas ay ahayd amaah uu bixiyey
Bankiga Horumarinta ee Africa si loogu gargaaro
dalka Somalia xagga abuurida warshado yar-yar.
Dr. Abucar Said
Abubaker
Dh. Yaaqaan,
sarkaal B. Dhexe, B. Ganacsiga,
Iyo Shirkadda
Shifco
E-mail:
rerhamar@hotmail.com