TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii
10-aad

W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
QAYBTA:::
1aad |
2aad |
3aad |
4aad |
5aad |
6aad |
7aad |
8aad |
9aad |
RAADIYAHA
HORDHAC:
Raadiyuhu
wuxuu ka mid yahay aaladaha ugu caansan ee loo adeegsado warbaahinta;
wuxuuna adduunka u horseeday qaab war-isgaarsiineed oo si deg-deg ah u
xiriiriya daafaha dunida oo dhan. Haddii aaladda taleefoonka loo adeegsaday
isgaarsiinta qof - qof kale la hadlaya, aaladda raadiyaha waxaa loo
adeegsaday isgaarsiinta qof dad badan mar keliya la hadlaya. Waa aaladda
loogu magac daray wardiiq wadareed (mass
broadcasting).
Dunidan casriga ah ee aynu ku nool nahay qarnigan 21aad,
waxaan haysannaa raadiye aan wararka iyo macluumaad kaleba ka dhegeysanno,
oo guryaha, xafiisyada, iyo gaadiidkaba innoo yaalla. Isgaarsiinta raadiyuhu
waxay u muuqataa wax iska caadi ah, oo si fududna lagu heli karo; hase
ahaatee, waa wax la yaab leh marka aad u kuurgasho habka uu raadiyuhu u
shaqeeyo.
Marka aad raadiyaha daarato codka aad ka maqleysaa, wuxuu kuu
soo marayaa
“hawada”, isagoo kaaga
imanaya saldhig warbaahineed, warlaliye, wariyeyaal, iyo farsamayaqaanno ku
sugan goob aad uga durugsan halka aad raadiyaha ku dhegeysaneyso.
Haddaba, haddii aan dib u milicsanno qarnigii 19aad, kaddib
markii la helay farsamada taarka, dadku waxay ku fakareen in codna lagu
gudbin karo waayirro; taasina waxay u muuqatay wax macquul ah oo la fahmi
karo, balse in cod lagu gudbin karo hawo (air)
aan indhuhuba arki karin, iyadoo aan waayir la adeegsan, waxay u muuqatay
wax aan caadi ahayn, oo u baahan maskax-tuujin iyo kasmo xeel dheer.
Raadiyuhu wuxuu baahiyaa cod, hawada ayuuna marsiiyaa, dadka
ayaana sidaas uga dhegeysta. Haddaba, inta aynaan taariikhda raadiyaha u
gudbin, aan marka hore kala qeexo micnaha guud ee cod iyo hawo; iyo xiriirka
labadooda ka dhexeeya.
COD:
Codku waa wax dhegtu maqasho oo ka samaysma saylaanka hawada
(air
vibration);
wuxuu noqon kara dhawaaq afka kasoo baxa (tusaale ahaan: hadalka dadka iyo
dhawaaqa jirriqaaga), ama shanqar aan ahayn codka dadka iyo duunyada (tusaale
ahaan: gugaca).
HAWO:
Hawadu waa wax aan la arki karin balse mararka qaarkood aan
arki karno ama maqli karno jabaqda walax ay hawadu socodsiineyso. Ereyga
“Hawo” marka aad maqasho waxa durbadiiba laabtaada kusoo dhacaya - neefta
san-ku-neefluhu ku noolyahay oo kolna sambabada dhex gasha kolna kasoo baxda,
ama ufada, xagaayada iyo saxansaxada roobka kasoo
horreeya, ama dabaysha doonyaha wadda ee xilliba mar jiho u jeesata,
ama aaryada shaagagga baabuurta iwm. laga buuxiyo kolka ay banjaraan,
ama xanfarka kugu seyriya boorka iyo quruuruxa yar-yar ee indhaha
laga ilaashado - laakiin micnaha guud ee hawada waa dululaati (space)
oo ah walax ku xeeran koonkan aynu ku noolnahay, waana wax loo baahan yahay
oo aan la’aanteed cidi noolaan karin.
Haddaba, iyadoo laga duulayo baahida dadku u qabaan wararka
iyo macluumaadka, ina-aadane wuxuu ku fakaray in uu war isugu gudbiyo
hawadaas aynaan arki karin. Waxana lagu guuleystay in la ikhtiraaco aalado
kala duwan oo dira ama qabta wararka hawada dhex sabbaynaya. Codadka aan ka
dhegeysanno aaladda raadiyaha waxay innoo soo maraan mawjado ama hirar kala
duwan midkood, oo isugu jira kuwo gaa-gaaban, kuwo dhaa-dheer, kuwo dhexe,
iyo kuwo kale. “War baa ugu gaajo kulul” maahmaah Soomaaliyeed.
Dhawr qofood oo goob fadhi-ku-dirir ah xaajo ku gorfayna,
waxaa shaki la’aan inta iyaga u dhexeysa mar-maraya warar iyo xog kala duwan
oo dadka goobtaa ku sheekaysanayaa aanay u jeedin. Wararkaa waxaa jira
aalado gaar ah oo loo ikhtiraacay in ay qabtaan isla markaasna dadka ugu
beddelaan cod ay garan karaan.
SIDA
RAADIYUHU U SHAQEEYO:
War
ku dirista iyo war ka helidda aaladda raadiyaha waxaa ka qayb qaata saddex
curiyayaal: warlaliye (transmitter), hirar
raadiye (radio waves), iyo warqabte (receiver).
Warlaliyuhu baaqyada codka
ah ee uu ka helay makarafoon (microphone) ama
rikoor, ayuu u beddelaa hirar raadiye. Kaddib hirarkii raadiyaha waxaa
hawada usii bixiya (radiated) anteenno.
Anteennadu waxay hirarka
raadiyaha u kala firdhisaa sida hirarka biyuhu u kala firdhismaan marka,
tusaale ahaan dhagax yar lagu tuuro. (eeg: sawirka bidix ee muujinaya
hir-biyoodka). Hirarka raadiyuhu waxay ku socdaan xawaare le’eg kan
ileyska. Haddaba si loo dhegeysto baaqyadii codka ahaa ee warlaliyuhu u
beddelay hirar raadiye, kaddibna hawada soo maray, waa in dib loogu sii
beddelo hirar codeed (sound waves); taasina
waa hawsha uu hayo warqabtuhu. Markaa kaddib, codkii rasmiga ahaa oo fasiix
ah baa laga dhegeystaa warqabtaha isagoo kasoo baxaya samaacad (loudspeaker).
SOCODKA
HIRARKA:
Fikradaha ku
saabsan hirarka iyo socodkooduba waxay lagama maarmaan u yihiin sharraxa iyo
barashada tebinta ama mootinta, bixinta dhalanka iyo astaamaha guud ee
hirarka jabaqda, ilayska iyo hirarka kale ee birlab-danabeedka ah.
Sida cilmi-saynisku inna barayo, tamarta waxaa meel ka qaadi
kara oo meel kale geyn kara: hawo, hirka badda, ama gantaal la ganay.
Gudbinta kulka iyo danabkuna waa si labaad oo tamarta meel looga qaadi karo
oo meel kale loogu gudbin karo. Sida saddexaad ee tamarta loo gudbin karo
waa iyadoo ay qaadaan hirar soconaya. Eeg jaantuska hoose ee
muujinaya qaab-socodka hirarka:

Dhammaan
hirarku waxay leeyihiin saddex astaamo dhalaneed, oo kala ah: rakaad (frequency), hirbaac (wavelength), iyo
qoton (amplitude). Sidoo kale, hirarka
dhammaantood waxay leeyihiin xawaare lagu tibaaxo xarafka (V) oo had
iyo goorna lagu halbeego m/s. Xawaaraha hirka waxaa suga hadba abuurka
labidda hirka iyo dabeecadda dhexyaalka ee hirku dhex marayo. Xawaaruhu waa
mid gaabinaya (102 m/s) sida hirka biyaha; mid yara dheereynaya
(103 m/s) sida hirka jabaqda; iyo mid xawaaraha ugu sarreeya ku
soconaya (3 X 108 m/s) sida hirka birlab-danabeedka.
Hirbaaca
ama dhererka mawjadda (wavelength) waa
fogaanta u dhexeysa laba hir oo isku weji ah. Waxa kale oo la oran karaa waa
fogaanta u dhexeysa laba tuurood (crests) ama
laba diisan (troughs) oo hir leeyahay.
Hirbaaca waxa lagu tibaaxaa xaraf giriig ah:
lambda
(λ) oo loo akhriyo lamda, inta badanna waxa
lagu cabbiraa mitirro (m). Sida sawirka bidix ka muuqata: Tuur – waa
meesha taagan ee qaab-socodka hirka. Diisan – waa meesha daacsan ama
godan ee qaab-socodka hirka.
Rakaadka hirka (wave
frequency)
waa tirada hirar ah ee dhaafa bar taagan sekenkii walba. Halbeegga
rakaadkuna waa Heertis (Hertz). Hal heertis wuxuu la mid yahay hal wareeg
sekenkiiba ama (S-1 = / S). Sida badan rakaadka (frequency)
waxaa lagu tibaaxaa xarafka (f).
Kal (period)
waxaa lagu tibaaxaa xarafka (T), waana amminta (time)
uu u baahan yahay hal hir oo dhan in uu bar dhaafo. Kalku Wuxuu la mid yahay
socodka fudud ee isku-dubbaridan ee tusaale ahaan walhaduhu (pendulum)
sameeyo.
HINDISAHA RAADIYAHA IYO HEERARKII UU SOO MARAY:
Inkastoo
helitaanno kala duwan oo la xiriira farsamada danabka ay muhiim u ahaayeen
hindisaha iyo horumarinta raadiyaha, haddana, hindisaha taariikhda raadiyaha
waxaa dhab ahaan laga soo billaabaa sannadkii 1873-kii, waxaana gundhig u ah
buug xambaarsan aragti uu lahaa Fiisikisyahan
Iskootish ah (Scottish),
oo magaciisa la dhaho James Clerk Maxwell;
buuggaas wuxuu ku diiwaan geliyey fikrad ku saabsan hirar
birlab-danabeed ah (electromagnetic
waves). Fikraddii uu Mr.
Maxwell uu
diiwaan-geliyey waxay sheegeysay in ay jiraan hirar birlab-danabeed ah oo si
dhakhsi ah u leexeysanaya (oscillating)
hawada, iyagoo ku soconaya xawaaraha ileyska oo kale.
Qiyaas
ahaan 15 sano kaddib, aragtidii
Mr.
Maxwell
waxaa ficil ahaan isugu
rakibay isla markaasna danabeeyey Fiisikisyahan kale oo Jarmal ah, oo
magaciisa la dhaho
Heinrich Hertz.
Ninkaasi waxa kale oo uu cabbiray hirarkii uu danabeeyey wuxuuna u bixiyay
hirarka Hertiz (Hertzian
waves) oo ay ku
jiraan hirbaaca (wavelength)
iyo kaynaanka (velocity)
hirarka. Mr. Hertz,
waxaa kale oo uu soo bandhigay:
-
in hirarku ay dib-u-noqdaan (reflected)
kolka ay meel gabiib ah ku dhacaan, si la mid ah dib usoo noqoshada banooni
meel lagu dhuftay.
-
in hirarku ay qalloocsamaan (refracted)
kolka ay galaan hir-dhexaad ka duwan xawaarihii ay ku socdeen.
-
in hirarku ay gadaal-baahaan (diffracted),
kolka qayb hirka kamid ahi ay marin-xiranto.
Waxa xusid mudan in halbeegga rakaadka oo ah heertis (Hertz)
loogu magac daray Mr.
Heinrich Hertz, waxana sida badan loo
soo gaabiyaa Hz.
Hal heertis wuxuu la mid yahay hal wareeg sekenkiiba.
Sidoo
kale, nin Maraykan ah oo magaciisa la dhaho
Lee De Forest
ayaa isaguna kamid ah aqoonyahannada horseedka u ah horumarinta isgaarsiinta
raadiyaha. Ninkaasi wuxuu sameeyey gudbiye aasaas u noqday ikhtiraacidda
aaladda raadiyaha. Waa qalab yar oo quraaradi ay ku dahaaran tahay, una eg
guluubka nalka. Qalabkaasi wuxuu qabtaa baaqyada hawada usoo mara, wuxuuna
suurta geliyey in la dhegeysto cod fasiix ah oo la fahmi karo. Qalabkaas yar
ee uu sameeyey wuxuu u bixiyey “audion
tube” oo ah tuubbo
madhan (vacuum tube).
Sidoo kale waxaa loo yaqaan saddex-qotinle (triode),
wuxuuna ahaa xubin aad muhiim ugu ah aaladda raadiyaha, iyo waliba sidoo
kale raadaarka, iyo telefishinka ilaa iyo horraantii 1950-aadkii. Markaas
kaddib, waxaa la helay qalabka warlaliyaha (transmitter)
oo beddelay tuubbooyinkii la adeegsan jiray.
DHALASHADII AALADDA RAADIYAHA:
Mr.
Guglielmo Marconi
oo ah aqoon yahan u dhashay dalka Talyaaniga ayaa noqday ninkii ugu
horreeyey ee ku guuleysta ikhtiraacidda aaladda isgaarsiineed ee raadiyaha.
Ninkaas ilaa yaraantiisiiba wuxuu xiiso weyn u qabay isgaarsiinta aan waayir
la adeegsan.
Sannadkii
1895-kii ayuu ku guuleystay in uu baaq ku gudbiyo hawada, isagoo u tebiyey
goob dhawr kiilomitir (km) u jirtay.
Sancadiisa
wuxuu ka diiwaan geliyey dalka Ingiriiska, wuxuuna ku qaatay laysin ay
siisay dowladdii Ingiriiska, ee xilligaas jirtay.
Sannadkii
1897-kii, ayuu magaalada London ee dalka Ingiriiska ka hirgeliyey shirkad uu
u bixiyey
Marconi's Wireless Telegraph
Company, Ltd,
isagoo da’diisu ay xilligaas ahayd 23 jir.
Sannadkii
1899-kii, ayuu sidoo kale hirgeliyey isgaarsiin raadiye oo isaga gudubta
dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.

Mr. Marconi oo fadhiya saldhiggiisii loo yiqiin Signal Hill, ee ugu
yiil magaalada St John's, ee ka tirsan gobolka Newfoundland, dalka Canada.
Sannadkii
1901-gii, wuxuu ku guuleystay in uu hirgeliyo isgaarsiin raadiye oo isaga
gudubta Bad-weynta Atlantiga (inta u dhexeysa Poldhu, Cornwall ee dalka
Ingiriiska iyo St. John's, Newfoundland ee dalka Canada).
Inkastoo
Mr. Marconi uu ikhtiraacay aalado fara badan oo uu curinta qalabka raadiyaha
u adeegsaday, haddana waxa ugu weyn ee uu soo kordhiyey waa in uu is-waafajiyey
isla markaasna uu sii hagaajiyey aalado kale oo hore loo ikhtiraacay.
Tusaale ahaan, Mr. Marconi wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee samaynta
raadiyaha u adeegsaday aaladda loo yaqaan (Branly
coherer) ee uu hore
u ikhtiraacay Fiisikisyahan Faransiis ah oo magaciisa la dhaho
Edouard Branly,
isagoo ku xiriirinaya aalad kale oo magaceeda la dhaho
(spark
oscillator), taas oo iyadana uu hore u sameeyey
Fisikisyahan kale oo Jarmal ah, oo magaciisa la
dhaho Heinrich Hertz.
Farsamadii
Mr. Marconi waxaa durbadiiba dhaqan-geliyey ciidamadii badda ee dowladihii
Ingiriiska iyo Talyaaniga. Sannadkii 1907-dii, ayaa dadweynaha rayidka ah
loo oggolaaday adeegsiga isgaarsiinta raadiyaha, kaddib markii Mr. Marconi
uu aad u horumariyey.
Muddadii uu socday
dagaalkii 1-aad ee adduunka, Mr Marconi wuxuu mas’uul ka ahaa adeegga
isgaarsiinta aan waayirrada lahayn. Xilligaas wuxuu soo kordhiyey habka la
iskula xiriiro hirarka gaa-gaaban (shorwave),
waxaana la isugu tebin jiray wararka qarsoodiga ah ee ciidamada.
…La
soco qaybta 11-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA
WAR-ISGAARSIINTA, Alle idankiis.
Aad
baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin
ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Raadraac:
- Early Electronic
Communication: E. A. Marland; Abelard-Schuman Ltd.
New York,
1964.
- Microsoft Encarta
Reference Library 2005.
-
http://electronics.howstuffworks.com/radio.htm
-
http://inventors.about.com/library/inventors/blradio.htm
- SAWIRRADA:
www.google.com & Microsoft Encarta Encyclopedia.
- JAANTUSYADA: C/fataax M.
Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2006
QAYBTA
9aad |
QAYBTA
1aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|