Dood Cimiyeed kusaabsan Burcad Badeedda oo ka Dhacday Magaalada Bosaaso.
Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Hay’ada Tadamun Social Society (TASS) oo ku
Saabsanayd: Burcad badeedda iyo khatarta Soo wajahan, ayna soo jeediyeen
Aqoonyahno Somaliyeed ayaa lagu qabtay Boosaso 25-12-2008, waxaana ka soo qaybgalay Musuuliyiin katirsan Wasaarada
Kaluumaysiga Puntland, Culumo, Waxgarad, Aqoon yahano, Ururada Bulshada iyo
haweenka.
Ujeedada doodaan waxay ahayd in bulshada laga wacyi galiyo khatarta
burcadbadeedda, ka digista duulanka calamiga ah ee badaha soomaliya iyo
falanqaynta saamaynta burcad badeeda dhinacyada: dhaqaalaha, ganacsiga,
deegaanka, bulshada, amniga , siyaasada iyo waxay shareecadu ka qabto falalka
burcad badeednimada.
Dood cimiyeedkan ayaa waxaa looga hadlay Mawaadicdan kala ah: Saamaynta burcad
badeedda dhanka Amniga iyo Siyaasada Waxaana ka hadlay Gen.Ali Ismacil,
Saamaynta burcad badeedda dhanka Deeganka, kaluumaysiga waxaana jeediyay
Dr.Ibrahim Guure. saamaynta Buracad badeedda dhaqaalaha iyo ganacsiga uuna soo
jeediyay Eng.Yusuf Ali Bihi waxaana ugu danbeentii laga hadlay dhinacyada ay
burcad badeedu ka saamaysay bulshda iyo waxay shareecadu ka qabto falalka burcad
badeeda waxaana jeediyay Dr.Ahmed Xaji C/raxman.
Aqoonyahanadii iyo wax garadkii ka soo qayb galay ayaa aad u canbaareeyay
falalka burcadu ka wado badaha somaliya sidoo kale waxay wax laga xumaado ku
tilmaameen duulanka Caalamku ku soo qaaday badda somaliya waxayna uga digeen
aduunka cawaaqib xumada ka imaan karta duulankaas waxayna kutaliyeen in xalka
kaliya ee burcada looga hortiga karo yahay in Somaliya laga caawiyo in ay hesho
Dowlad Xoog leh oo hanan karta xuduudaheeda bariga iyo badahaba.
sidoo kale waxay ka sooqayb galayaashu ku baaqeen in ay muhiim tahay in la
sameeyo Urur difaaca Khayraadka Badda kana hortaga dhibaha loo gaysanayo
badaheena somaliya waxaana u mahad celiyeen Hay’adda Tadamun, kana codsadeen in
ay doodahaanoo kale soo qaban qabiso.
Xiliga lagu soo aadiyay doodaan ayaa ah xili mushkilada burcad badeedu noqotay
dhibtaatooyinka ugu waa wayn ee kajira aduunka.
Gabagabadii dooda ayaa waxaa ka soo baxay Bayaan ay soo saareen Aqoonyahanadu.
waxuuna ahaa sida tan:
بسم الله الرحمن الرحيم
Bayaan ka soo baxay dood cilmiyeed ku saabsan Burcad badeedda
Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hay’ada Tadamun Social Society (TASS) kana
dhacay Magalada Bosaaso Taariikhdu markay ahayd 25-12-2008 oo ay kasoo qayb
galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Kaluumaysiga Puntland, Aqoonyahan,
Culumo, Waxgarad, Haween, Ganacsato, Ururada Bulshada.
Waxaana lagu falanqeeyay dhinacyada kala ah: Saamaynta burcad badeedu ku
leedahay Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada, Deegaanka, Khayraadka Badda
iyo waxay Shareecadu ka qabto falalka burcad badeednimada.
Gabagabadii Dooda Waxaa ka soo baxay Bayaankan:
- Waxaan cabaaraynaynaa dhamaan falalka jariifka ay maraakiibta shisheeye ku
boobayaan khayraadka badaheena Soomaaliya iyo sunta lagu aasayaba.
- Waxaan cadaynaynaa in shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed ayna ogalayn
dhac iyo burcad badeednimo, hadaba waxaan eedaynaynaa falalka lagu afduubanayo
maraakiibta.
- Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay sugaan Amniga badda xoojiyaana
ciidkan ilaalinta xeebaha, dhaqan celina u sameyaan dhalinyarada burcad
badeedda.
- Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada in ay maamulka kala shaqayaan xal u helida burcad
badeedda iyo sugida amniga.
- Waxaan cabaaraynaynaa duulaanka lagu soo qaaday badaha soomaliya iyo go’aanka
Golaha Amaanku ku ogaaladay arintaas iyo waliba in lagu weerari karo burcad
badeedda bariga Somalia.
- Waxaan u aragnaa in xalka burcad badeedda soomaaliya uu ku jiro dhismaha dowlad
xoog leh awoodi karta sugida amniga xuduuddeeda sidaa darteen bulshada caalamka
waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan dib u soo celinta qarankii
soomaliyeed.
- Waxaan ugu baaqaynaa Dowladaha Carabta, iyo Ururka IGAD in ay gacan dhab ah ka
gaystaan xalinta mushkilada somaliya iyo in la iska kaashado ilaalinta baddaha
naga wada dhexeeya.
ILAAH BAA MAHAD LEH
Sawiradii Dooda:
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)

.JPG)
Waxaa soo tebiyey:
Abdifitah Mohamed sugulle
Boosaso – Somalia
cabdisugulle@hotmail.com