SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Safar aan hore loo sheegin oo Madaxweynah Dowlad Goboleedka Puntland uu ugu amba baxay Dalka Dibadiisa
Boosaaso (18-04-2005): Waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso ka duulay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland DGPL Gen: Maxamed Muuse Xirsi (Cade) Safarkaan oo ah kii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu ku tago Dalka dibadiisa intii la Doortay.


Madaxweynaha DGPL iyo Wasiiradii oo ku sii socda Diyaarada.


Agaasimaha Garoonda iyo Duulista DGPL Duuliye Sare Xaaji Dhagax

Safarkaa oo aan hore loo sii sheegin ayaa waxaa ilo ku dhowdhow Madaxtooyada aan ka helnay ay noo sheegeen in uu madaxweynaha uu u anbabaxay Dalalka Jabuuti iyo Imaraadka isagoo safarkiisa uu ku saabsan yahay in uu kala hadlo Dalalkaa sidii ay ugala Qayb qaadan lahaayeen sidii loo tageeri lahaa Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda DGPL kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismayaasha Garoonka Diyaaradaha Puntland Guud ahaan oo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo hada la bilaabay Dhismihii Xafiisyada, Hoolasha iyo Taawarka Diyaaradaha laga hogaamiyo. Waxaa kaloo uu madaxweynaha kala hadli doonaa Dekada Magaalada Boosaaso sidii loo balaarin lahaa.

Madaxweynaha DGPL ayaa sidii loogu doortay Xilka uu ku howlanaa sidii dib loogu habeeyn lahaa Ilaha Dhaqaalaha DGPL, Waxaana Safarkiisan ku weheliyay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Kaluumaysiga iyo Dekadaha DGPL Ismaciil Buraale, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPl Axmed Xaabsade, Agaasimaha Guud ee Garoonada iyo Duulista Hawada DGPL Duuliye Sare Xaaji Dhagax, Xubno Sarsare oo ka mida DGP iyo Ganacsato ka tirsan DGPL.

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...

Waxaa isku soo dubaridey
C/fataax Jaamac | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

Maalinta Dhirta Adduunka oo laga Xusay Gobolada Puntland
Xaflado lagu qabtay Boosaaso iyo Galkacyo.. Guji Apr 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD