SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA

Xaflada furitaanka dalada (YOU Umbrella) oo ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada Boorama.





Munaasibad aad u balaadhan oo lagu maamuusayay furitaanka dalad cusub oo ay ku bahoobeen 10 urur dhalinyaro oo ka jira magaalda Boorama, toban kan oo kala ah SOHURA(Somaliland Human Rights Association), AYODA, SAYS, DHYMON, UDUG, MOON LIGHT, BAXNAANO, ASC (Awdal Sports Club), AYOH, MTV, ayaa xadhiga lagaga jaray hoolka shirarka ee Hutel Rays oo ku yaala magaalada boorama.

xafladan lagu xusayay furitaanka dalada ururada dhalinyaradu ku bahoobeen oo loo yaqaan YOU UMBRELLA oo ahayd mid aad loo soo agaasimay dhalinyaraduna ay aad ugu faraxsanaayeen in ay arkaan u jeedada ay ku midoobeen oo la xusayo , waxaa ka soo qayb galay aqoon yahano, salaadiin, culamaa u diin ,ururdada haween ka, maamulka gobolka iyo kan dagmada, taliyaha saldhiga , hayadaha samofalka bulshada , ku wa caalamiga iyo ku wa wadaniga ah ba, iyo dadwaynekale oo ka tirsan bulshada reer Boorama.

waxa ugu horayn hadal kooban ka jeediyay xafladas gudoomiyaha dallada YOU umbrella mr. siyaad cumar cali, oo ugu horayn tilmaamay muuhiimada ay munaasabadani maanta u leedahay gobolka iyo guud ahaan cariga somaliland ba, waxa ay noo leedahay qiimo aad u wayn sababtoo ah waxaa midoobay maskaxo badan oo kala duwan , oo leh kartiyo kala duwan oo awal ku kala baahsanaa bulshada dhexdeeda.

sida la ogsoonyahay na aad ayay u adagtahay in dad intaa le eg ay isku yimaadaan oo ay fikir kaliya lahaadaan amaba shaqa kaliya wada fuliyaan, hadayse dhacday waxaa cad maanta amaba hubaal ah in hawsha ay ku midoobaan in siwada jir ah u gudan doonaan kuna guulaysan doonaan in bulsho badan hogaamiyaan dhalin yaradu waxay tahay laf dhabarta bulsha kasta oo dunida guudkeeda ku nool , waxaana laga sawiran karaa horumarka dhalinta wadan kaasi gaadhay , waxaan balan qaadaynaa anaga oo ah dhilinta ku bahawday dalada YOU. in aan ka soo dhalaali doono kaalintayada aaan bulshada ku leenahay , Gudoomiyaha dalada waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray "in hawlaha ilaa hada aan dhaqaajinay kuna guulaysanay ay ka mid yihiin isu keenida kooxaha ciyaartooyga dagmada dhamaantood,

waxan u jihaynay in aan u qabano tartano kubadaha kala duwan ah , anaga oo ku guulaysanay in aan dhamaantayo isla afgaranay sidii aan dib ugu soo noolayn lahayn sport tigii gobolka iyo dib u habaynta garoomada kala duwan ee ay dhalintasi ku ciyaari doonto , waxaan ka wacyi galinay khilaafaaadkii faraha badnaa ee mudo dhexdooda yaalay , waxanan isu afgaranay sidii aan dib ugu dhisilahayn mustaqbalkooda iyo aayahooda danbe . qorshahayaga wax qabad ee dallada YOU , waxa aanu ku tala jirnaa inaan xooga saarno lana shaqayndoono dadka samaha iyo horumarka gobolka danaynaya,

waxaanu ka shaqayn doonaa wacyi galinta cudurka halista ah ee HIV AIDS, horumarinta waxbarashada, nadaafada bulshada, iyo dhawrista iyo habsami ula dhaqanka xuquuqda aadamiga, waxa kale oo aan, ka qaadanay ololaha balaadhan ee lagu qaaday qashin gubka magaalada Boorama oo dhan.waxaan bulsha waynta gobolkan iyo guud ahaan dalka aan si wayn uga codsanaynaa in ay nala garab taagnaadaan taageeradooda anaguna dhalin yaro ahaan waxii xooga yaga ah waxba ka hagran mayno.waxa kale oo isaguna ka hadlay xubin ka tirsan dalada YOU isla makaana ah Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee Sportska Mr. Maxamed Sh.Farax (Lakers)oo sheegay in ay isku habeeyeen 60 kooxoood oo ka tirsan kooxaha kubada cagta koox walbana ay ka kooban tahay in ka badan 22 marka laysku geeyana tiradoodu dhan tahay 1320 ciyaartoy oo ay ku xukumeen in Ciyaartoykastaa keeno shan xabo oo jaajuur ah hawshaasna ay bilaw wanaagsan u tahaydhismaha cusub ee stadium ka kubada cagta ee magaalada Boorama , hadaba waxa is waydiin mudan siduu ugu filaanayo hal garoon dhalinyarta tiradoodu 3000 gaadhayso dhalinyarada intaa le eg hal garoon kaliya ayay lahaayeen waxaan se jecelahay in aan abuurno garooma kale.

Duqa magaalada Boorama mudane ,C/raxmaan Sh.Cumar Daahir , oo isaguna munaasabadaas hadal ka jeediyay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay fikirka ay ku bahoobeen dhalinyarada ka tirsan dalladan YOU, bulsha kasta waxaa ka dhexmuuqda dhalinyaradeeda waana lafdhabarta bulsha kasta , waxaan ku faraxsanahay in uu fikirkani yahay mid aan anigu ku dhaliyay markii hore,waaxanan la garab taaganahay taageero wayn ,ugu horayna waxaan ka caawin doonaa oo aan balan qaadayaa qalab ka xafiiska ay ku furanayaan. Bulshadana waxaan ka codsanayaa in ay taageero buuxda siiyaan dhalinyaradaas, oo runtii aan u arko in ay ku guulaysan karaan xalinta hawlo fara badan oo bulshada dhexdeeda ah , waxa kale oo C/raxmaan sheegay hawlaha kala duwan ee bishan ba dawlada hoose ka wado magaalada boorama , inay gacan wayn naga siiyeen dhalinyaradaasi, sida ololaha nadaafada iyo banaynta jidadka magaalada mahad balaadhana waan uga soo jeedinaynaa arinkaas isaga ah .

waxa kale oo isaga maaanta munaasabadaas hadal ka jeediyay ergey ka socda hay ada samo falka caalamiga ah eee ICD, mr maheesh, oo ah maareeyaha mashaariicda hayadaas , waxa uu tilmaamay qimaha wayn ee ay xafladani u leedahay iyaga iyo bulshada somaliland," waxaan aad ugu faraxsanahay in aan kasoo qayb galo furitaanka dalladan, waxaaanan gacmo furan ku soo dhawaynayaa sidii aan idinka caawin lahaa qaybaha kala duwan ee ay dalladiinani ku shaqaleedahay sida wacyi galinta HIV AIDS,nadaaffad, kor u qaadista waxbarashada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha, waxaan inaydaan shaqooyin kiina ku koobin Gobolkan ee aad gaadhsiisaan dhamaan dalka Soomaaliland,

Jaammacadda Cammuud oo Waddo cusub loo Sameeyey. Guji

waxaanu balan qaaday in uu dhinacyo badan kala shaqayn doono daladan ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada ee Youth Organization Umbrella (YOU) waxaa kalee oo munaasibadaas lagaga yaboohay deeqo kala heer heera oo isugu jira lacag iyo alaabo kale oo uu u baahan yahay dhismaha cusub ee loo diyaarinayo garoonka kubada cagta ee magaalada Boorame qaybo kale oo ka tirsan dadkii kasoo qayb galey xafladaasina waxay balan qaadeen inay iyaguna ka qayb qaadan doonaan taageeradaasi lagu dhisayo garoonka kubada cagta ee magaalada Boorama. waxa kale oo maanta munaasibadaas hadalo koob kooban ka jeediyay Gud.maxkamada degmada, C/raxmaan Cilmi Xuseen,X.Axmed Miisaan,X.Ibraahim magan ,X.maxamad badar,Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Waxa ay dhamaantood tilmaameen muhiimada ay leedahay midawga dhalin yartan ku bahoobay daladan waana arin marag ma doonta ah in ay is badal ku keeni donaan dibu dhiska qaybaha kala duwan ee ka qabyada ah bulshadeena waxaanay xuseen in dhalin yartan ku bahoobay dalada YOU ay hanan karaan hawlaha horyaala maanta iyo bariba waanan idin taageersanahay waxaanan idinla garb taaganahay taageero wayn.

Xasan Axmed Caynaan
hasanjacayl@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2005

»Jaammacadda Cammuud oo Waddo cusub loo Sameeyey  

»Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD