SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA - ABSHIRDHEERE

Dhibaatooyinka lagala kulmo Computer ka iyo macluumaad guud

Qormadaan qormadii horeeysay baan waxaan uga hadalnay Hacker ku programa da uu isticmaalo marka halkaan waxaan si gaar ah ugu soo qaadnaynaa kuwa ugu dhibka badan , guud ahaan anagoo wada sheegayna dhamaan inta la ogyahay ee la isticmaalo , waxaan si gaar ah uga hadli doonaa hadii rabi idmo sedaxda ugu dhibka badan waxaana u sharxi doonaan sidaan soo socota .

(B) Awooda uu leeyahay program kasta (T) Siyaabha lagu garan karo (J) Siyaabaha aad uga saari karto computer kaada.

Kuwaana waa programyada ay isticmaalaan Hacker da sedax ka mid ah baan sharxaad ka bixinayaa sabatoo ah waa kuwa ugu dhibka badan uguna fudud in laguu soo marsiiyo shabakadda Internetka .

1-Net Bus  2-Back  Orifice 3-Sub Seven  4-Hack Atack 5-Master Pradise 6-Deep Throat

7-Girl Frein 8-Net Sphere 9-Win Crash 10-Big Cluck 11-Executer

Programka  Net Bus nin udhashay Sweden oo programiste ah ayeey usuura gashay oo lagu magcaabo “Carlo Nikter” 1998 in uu soo saaro coppy tijaabo ah oo ku shaqan karta Windows 95 macagna uma samayn ninkaas program ka, program kaas waxa uu usuura galinayaa qofka isticmaalaya inuu ka shaqaysiiyo asigoo fog asigoo usoo maraya computer fog (Remote) Program kaasna waxaa lagu magcaabaa Net Bus Baska internetka ama Gaariga internet ka , Waxaa ka soo daba baxay coppy yaal farbadan waxaan ka xusi karaa 1.6, 1.7, Net Bus Pro iyo Net Bus 2000

Siyaabaha uu ku maamulayo computer kaada waxaa ka mid ah asigoo isticmaalaya profram kaas (Remot) sidaan soo socota:

1-Adigoo ku arka murayada shaashadda sawir aadan adigu galin , ama wax laga badalay

2-Mouse ka oo laka badalo  qaybta bidix oo midig loo badalo

3-Si kadis ah program iskaga kaca oo shaqa bilaaba

4-Adigoo arka furid iyo xirid xagga CD-Rom ka

5-Adigoo arka file kasta oo cod ah oo iska shnqara si kadis ah

6-Tusaha ama falaarta Mouse ka oo meel isaga dhegta oo aadan ka wareeji karin

7-Adigoo arka mouse ka oo iska socsocda amar ala’aan

8-Adigoo ku arka qoraal yar Muraayada ku soo qorma isila markaana si kadis ah ku qarsanta

9-Computerka lagaa damiyo islamarkaana dib loo shido Rebooting si kadis ah

10-Web kuu furma markii aad damacdo inaad soo booqoto

11-In lagu bassaaso isla markaana la ogaado wax alla wixii aad qoreeyso

12-In la iska sawirto Desktop fogaan

13-In laga soo dirsado fariimo ama qoraalo computer kaada iyadoo la adeegsanayo Patch

14-Iyadoo la ogaado Hard Disk gaad waxa ku jira

15-In la soo dagsado Downloading File kasta computer kaada

16-In la soo galiyo computer kaada File kasta Upload

 17-In la xakumo codka computer ka hoos udhigid iyo kor uqaadidba

18-Marka uu micrphone ka ku xiran yahay waa lagaa dhageeysan karaa

19-Iyadoo la tiri karo Hard disk program kuugu jira

20-Iyadoo howl gab laga dhigo Disabile howlihii ay qaban jireen Pannello Di Controllo

21-Iyadoo lagaa xiro wax kasta oo kuu furan markaas

22-Iyadoo ay kuu furmaan waxyaabo aadan dalban

23-Iyadoo lagu xiro password computer kaad isla markaana kuu diida inaad furto

24-Iyadoo la badalo Passwoed yadii adiga kuugu xirnaa laguna badalo erayo kale….

Iyo waxyaabo kale oo banan laakiin intaa ayaan filayaa in dadka ay wada arkeen oo sabab u ah (file Patch) .

Dhamaan waxaan kor uga soo hadalnay waxaa laga yabaa in ay wel wel ku abuuraan cid alla cidii la kulanta dhibatadaas wax ka mid ah , laakiin waxaan kugula talinayaa intaadan tilaabo qaadin marka hore ka baar computer kaada File ka Patch ka la yiraah waxaad arkeeysaa shirkado waa wayn ee somalia ku yaal ayaad waxaad arkeeysaa iyagoo qalabkooda computer rada ay iskaga jiraan File ka Patch ka loo yaqaan sidaas daraadeed isku day inaad ka barato file kaas computer kaada ee lagu beeray computer kaada siyaabahaan soo socda : 

FG:- Patch ka oo dhan la dagaalan maaha micnaheeda sabtoo ah waxaa jira mid la socda windowska ayaa jira isla markaan aan suura gal ahayn inaad tirto hadaba xasuusnoow waxaan ka hadleeyno waa Net Bus Patch ka uu wato , Hadaba ukaalay qaabka aad ku ogaan karto irida ufuran ee uu computer kaada ka soo galo waxaana muhiim ah inaad Online tahay oo macnaheedu yahay internetka inuu ku xiranyahay computer ka :

(B) Start kadibna Run

(T) Qaanada afar geeska ah ku qor Commad

(J) Waxaa kuu soo baxaysa Habka Dos ta ee qor: Netstat –a Kadib Enter taabo

(X) Waxyaabahaas markaad samayso waxaa kuu soo baxaya dhmaan albaabada furan ee computer kaada laga soo gali karo waa waxa ku xiga (:) Calaamadaas laakiin waxa ka horeeya waa computer kaada magaciisa waxaana kuu sameeyey magacaas shirkada ku siiday Internet ka.

(KH) Hadda isku qiyaas Tirada port albaab ee kuu muuqata iyo kuwaan hoos ku qoran waa kuwa uu furo File ka Patch ka ee Net Bus ka hadii aad ku aragto kuwaan wax ka mid ah ogoow Computer kaada Beerka ayaa laga xashiriyey (J) oo waa laga dhex qaraabanayaa hadaba ka taqalus filka uu wato ee ah patch ka .

Meelaha uu ka soo duso Net Bus ka waxaa ka mid ah (Ports)

20034

1045

4590

6711

7300

7301

7306

7303

7308

30029

30100

30101

31337

31337

31338

31339

Hadii aad dooneeyso in aad iska xirto dhibkiisa Net Bus ka oo aad dooneeyso inaad xirto albaabada furan ee uu ka soo galo oo isku xireeysa computer kaada iyo midka uu isticmaalayo Hacker ka, waa inaad iska bixidaa File ka laguu qariyey ee ah Patch ka hadii aad tirto file kaas wadadii uu soo mari lahaa ayaa ka go’an oo waa buundo camal , laakiin alabaabada furan sidaan horay uga soo hadalnay waa qayb ka mid ah xasuus hayaha computerka wuu garanayaa inay tahay midka lagula soo xariirayey , Markaad tirtaba windows ka wuu is daminayaa dib ayuu isku soo shidyaa sababtoo ah waxaad tirtay file kii Patch ka ahaa.

 

Program ka “Black Orifice” Waa kan labaad ee ugu caansan program yada ay isticmaalaan kuwa xad gudbay ee xuquuqda gaar ahaaneed ku tuntay waana program ka ugu hormarsan , waxa uu siinayaa qofka isticmaalaya awood buuxda waxyaaba uu soo saaray waxaa ka mid ah ama lagu daray  asigoo wata N° 1.2 waxaana soo saartay Urur la baxay  “Cult Cow Of Death” Ururka sacii bakhtiyey, iyagoo ogaysiis ahaan usheegay ineey soo saareen sanadkii 2000 Black Orifice Sidaan horayba usoo sheegnay waxa uu awood buuxda siinayaa Hacker ka, computerka markaas buu maamulanayaa waxa uu soo saarayaa ila waxyaabihii aan kor uga soo hadalnay .

Ka howl gal hadda si aad isga bixiso ama aad u istaajiso howl qabad kiisa , sidaan horay usoo sharxay Netstat –a marka is bar bar dhig meelaha uu ka soo dusayo iyo tiradaan hoos ku qoran hadii aad ku aragto computer kaada tira ka mid ah tidaan waxaa ku haya “Black Orifice” .

31338

31337

31666

54320

54321

Hadaba isku day inaad samaydo waxyaabhii aynu ka soo hadalnay ee ahaa inaad ka tirto File ka Patch ka ah ee uu wato program kaan markaad gasho file ka regestry sii gal Curent Version marka  falaarta ku dhifo galka RunServices ka baar markaas file kasta oo la yaab leh ee wata *.*exe sabatoo ah adiga ayaa ka yaqaan computer kaada cid kasta hadii aadba ku argto waxyaabo oo aadan galinin adiga iska tirtir , soo shid mar labaad komputer ka marka uu shidmo kadib waxaad tagtaa System ka adigoo ka galaya Start ga  kadibna Run, ka baar markaaf File wata magacii oo kale  oo aad tirtay markii hore hadii aad arki waydo samee inaad isticmaasho Search file kadib isla magacii ku qor hadii aad argto iska tir , marka usoo laabo Systemka ka baar File kaan iskana tir Windll.dll soo shid mar kale Cpmputer ka  marka PC kaadu wuu ka nabad qabaa Hacker asigana waxa uu raadinyaa hawa been ah sabatoo ah wadadii uu soo mari lahaa ayaad goysay.

 

Parogram ka Sub Seven waxa uu ka mid yahay program yada ugu caansan waxaa isticmaala dadka bilaawga ah ama bar barad ka ah sabatoo ah wuu fududyahay sida ay leeyihiin qolooyinka ku xad gudba xuquuqaha dadka kale , lakiin wuu qiyaano badan yahay sabtoo ah mar walbo oo aad tirtaa wuu isi soo celinayaa markaad ka tirto Registry ga  sidaan horay usoo sheegnay laakiin waxaa jirta wada kale oo lagu tirtiri karo waan sharaxi doonaa.

Inta aanan sharxin ugu horeen ka howl gal sidaan horay usoo sheegnay isla markaana isku fiiri ama is bar bar dhig doleelada soo socda hadii aad ku aragto computer kaada waa lagu hayaa waxaana lagaa doonayaa inaad sii raacdo sharaxaada soo socota.

6711

6776

1243

1999

Hadaba siyaabahaan uga taqalus:

1-Fur File ka Win.ini ee ku jira garbadka windows ka ama Start Run  marka uu kuu furma dhexdiisa ka baar Qoraalada hore wax la mid ah waxyaabahaan soo socda :

Run= xxx.dl ama  Run= xxx.exe

Load= xxx.dl ama Load= xxx.exe

FG. Iska fiiri XXX waxaa loola jeedaa Server ka ama file ka magaciisa hadiiba aad argto iska tir si dheqsi ah , hadii aan si kale udhigo win.ini dhexdiisa oo ah bilaawgiisa waxaa lagaa doonayaa inaadan u ogolaan waxyaabahaas wax ka mid ah hadiiba aad ku aragto horyba ka tir.

2-System.ini ee laga helo galka windows ka waxaad ku arkeeysaa Saderka shanaad wax ah :

Shell= Explorer.exe

Hadiiba computer kaada uu jiran yahay waxaad ku arkeeysaa qaybtaan kore oo isku badashay sidaan ama wax la raaciyey tusaalo ahaan.

Shell=Explorer.xxx..exe.exe ama Shell= Explorer.xxx exe.exe

Ogsoonoow XXX in aan usoo gaabiyey magac kasta ama server ka kuwa ugu caansanna waxay uqormaan sidaan Rundlll6.exe ama Task_Bar.exe hadii aad ku aragto waxaad tirtaa oo kaliya Serverka si uu unoqdo sidaan camal:

Shell= Explorer.exe .

Waxaa laga yaabaa in ay is waydiiyaan dadka maxaa meeshaan ka quseeya Telnet  waana amar ku shaqeeya Dos ka isla markaana raacsan nidaamka TCP/IP .

Sidiisaba waa waxa ay isticmaalaan Telnet ka kuwa xadgudubka sameeya waa mid kaliya ee usahleeysa in uu kugula soo xiriiro.

Haba maxuu yahay Telnet ku? Sideesa loo isticmaalaa ? Waan kala dhigdhigayaa hadii rabi idmo , Waxa uu ka tirsanyahay Telnet ku Protocol lada TCP/IP ee isgaariisnta computerrada kala fog waxa uuna ka dhigayaa computer ka adigoo hor fadhiya.

Hadaba inta aanan guda galin sharaxaad yar aan ka bixiyo Protocol ka TCP/IP.

Dadka iyo computer ka waxay leeyihiin waxyaaba isi shaabaha, oo ah mid walibaa waxa uu isticmaalaa luqad uu fahmi karo, matalan hadii ay damcaan in laba qof wada hadlaan isla markaana ay kuwada hadlayaan laba luqad oo kala duwan sida somali iyo talyaani si ay isku fahmaan waxay ubaahanayaan turjubaan udhaxeeya ama mid ka mid ah inuu ku hadlo luqad ay isla garan karaan kaba soo qaad english .

Sidaas oo kale computerka qaabka loo sameeyey isku mid maaha iyo hab ushaqayntooda, waxay ku shaqaysaa luqado iyo habab kala gadisan waxaa ka mid ah habka loo yaqaan DOS iyo habka UNIX Iyo habka Machintosh iyo kuwa kale si ay usura gasho in ay kuwada xiriiraan hal shabakad (Internet) waxayna isku fahmayaan shabakadaas, Internet ka waxa uu adeegsadaa protocollo la ogyahay waxaana ku magacaabeeynaa Luqad oo ah Transmission control protocol/ Internet protocol si kooban waxaa loogu yeeraa TCP/IP waxaa la alifay sanadkii 1970 kii  waxay ka mid ahayd qayb ka mid ah baaritaan ay samaysay hay’ad lagu magacaabo DARPA oo dooneeysay in ay hor mariso luqadaas, natiijadiina waxay ay nuqotay wax lawada leeyahay, protocol ka TCP/IP waxa ay ka koobantahay Hardware iyo Software, sidaa daraadeed qof waliba waa usuuragal inay internetka kula xiranto haba isticmaalo nuuc kasta oo computer ah .

Protocol ku waa maxaay? Parotocol ka marka loo eego computer ka internetka lagu isticmaalo waa waxa saldhiga u ah suura galinta in ay isfahmaan computerada shabakada dhexdeeda, waxaa loola jeedaa shabakadda computer ka laba isku xiran ama kabadan taasina waxay suura galinaysaa in ay iswaydaarsadaan qoraalada .

Protocol ka wuu kala gadisanyahay sida ay ku shaqayso shabakada, tusaalo ahaan internetka waxaa loo sameeyey koox protoclaad ah taas oo ah kuwa isku reer ah TCP/IP TCP/IP .

TCP/IP run ahaantii labadaas way kala duwan yihiin laakiin way wada shaqeeyaan internetka nidaamkiisa sidaas daraadeed waa suura gal in ay yihiin hal nidaam.

TCP:- protocol kaan waxa uu qabtaa ama u howlgalaa siyaabaha ay ku suura galayso in la jajabiyo qoraalka oo uu ka dhigo waxayaabo yar yar si ay usura gasho in lagu diri karo internetka.

TCP:- kanna waxa uu sameeyaa qaybinta qoraalka iyo Galalka iyo garbayada kana dhigo walxo yar yar packets, markaas ayeey si dhaqsi leh bay ugashaa shabakada iyadoo tageeysa halkii luugu talo galay, waxa uu ka koobanyahay racket kasta 1 ilaa 1500 Bit kumaba sii jiraan computerka soo diraya iyo midka loo dirayo .

TCP:- computerrada qaarkood ee lagu magacaabo Router waxaa loo adeegsadaa protocol kaas si ay kuugu hirgasho waxyaabihii macluumaadka ahaa aad udirto meeshii aad ugu talagashay, tuse kasta waxa uu leeyahay ciwaan IP gaar ah oo lagu diri karo waxaas oo dhan sidoo kale computerka loo dirayo waxa uu leeyahay calaamad oo gooni u ah, waxa uuna ka koobanyahay afra qaanadood , si gaar ah baan uga hadli doonaa hadii rabi idmo IP iyo waxyaabo kale oo macluumaad ah hadii rabi idmo.

TCP/IP sida dhabta ah waa udub dhexaadka ay ku tiirsanyihiin dhamaan howlaha marka loo eego shabakada internetka, sideedaba protocoladaas oo dhan waa hal qoys protocol kaan inta lagu dhex jiro TCP/IP, kuwa ugu muhiimsan protocoladaas waxaa kamid ah SMTP (Simple mail tansfer protocol) waxaana lagu maamulaa E-mail lada diritaankood iyo sugitaankooda, FTP (File Tansfer protocol) kaasna waxa uu suura galiyaan in uu computero wax iskugu gudbiso, sidoo kale waxaa jira mid lagu magacaabo asna Hypertext Tarnsfer protocol kaasna waxa uu soo saaraan macluumaadka ku dhex jira shabakada caamaiga ah ee WWW (world wide web) protocoladaas waxay suura galiyaan nuucayad kala duwan ee computerada sida PC iyo machintosh iyo UNIX IWM, in ay isfahmaan protocoladaas ayaa suura galiyey, protocoladaas waxaa loo sameeyey si isku mida si ay isku fahmaan.

 

Halkaan ukaalay waxa uu yahay IP address

Sidaan horay usoo sheegay IP addrees ku waa number isku xiriirsan tira ahaana ka bilaawda 0 ilaa 9 waxa uuna ka koobanyahay afar qaanad tanna waa tusaalaha aan usoo qaadan karo

192.168.123.501

192.168.123.9

192.168.123.3

192.168.123.47

Waxaa shardi ah in aysan dhaafin 501 qaanad walibaa sedex

Maaxay tahay faa’iidada IP ?

waxa ay leedahay faaiidooyin farabadan sida ay sheegeen qolooyinka hackers ta  waxaana kamid ah inaad program wax uga baarato sida Superscan iyo scanport waxayna leedahay nuucyo badan, faa’iidooyinkeeda waxaa kamid ah inaad ku hesho meelaha lagaduso computerka Ports IP address kasta waxa ayna ku siinaysaa inaad ka hesho macluumaad ku saabsan qofka iska leh iyo meesha uu joogo adigoo adeegsanaya www.ripe.net  iyo midka kale ee looyaqaan www.checkdomain.com.

IP addreesta sidee ku arki kartaa? waa arinta muhiimka ah hadii uu qof msn kuugu jiro oo aad la sheekeeysanayso waxaad ogaan kartaa IP diisa waxaana ugu fiican si aad uqaadato IP address tiisa inaad udirto File culus kadib aad tagto MS-Dos adigoo ka bilaabaya Start Kadibna Run ku qor markaas amarkaan Command waxaa kuu furmaya Dos maxaa laga wadaa Dos oo ah shaqo ladiiday  DENAIL OF SERVICE markaad furto Dos amarkaan soo socda qor netstat –n  kadib guji click Invio waxaa kuu soo bayaya numero IP ah oo qaabkaan ah:

TCP waa protocol ka aad ku xirantahay ha ahaado web ama messenger ama wax kasto oo adiga howl ahaan kuugu socda oo internetka ku xiran.

Maxaa ku hoos qoran Local address oo loola jeedo ciwaanka gudaha nomberada ka hooseeyana waa ciwaanka gudaha kaasna waa ciwaan kaada, Foreing Adderess oo loola jeedo ciwaan layaab leh ama ciwaan shisheeye oo noqon karta web mar marna noqon karta IP saaxiikaa messenger kiisa mar marka qaarkood waxaa kuu muuqanaya server waa markaad ku jirto chat ka ama qololaka lagu sheekeeysto sida paltalk, ulajeedada waxaad fiirisaa markaad samayso netstat –n kadib oo aad Enter dhahdo daawo Foreing Address markaas arag IP address ta saaxiibkaa, waan ogaanay qaabka loo arko IP address ta laakiin maxaan ku aragnaa meesha shishe ee ah midigta waxaad ku arkeeysaan qoraal ah State waxaana loola jeedaa xaaladu uu ku sugantahay computer kaas hoosteeda waxaa laga helaa STABLISHED oo loola jeedo meesha laga gali karo IP address ta ee furan tusaale ahaan 192.168.3.2:80 hadii aan si kale ufasiro 192.168.2.3 ciwaankaada 80 na waa meesha laga gali karo ama furahiisa, laakiin qoraalka ah CLOSE WAIT waa caksigeeda oo loola jeedo way xirantahay dariishada , taasi waxay ahayd qaabka aad ku soo saari karto IP Address ta gaarka ah waxaa jira qaabab kale adigoo adeegsada IPsteler ama Ipattcker sabatoo ah IP da bay ka dhigeeysaa qaab ciwaan camal hyper tusaale yar baan ka bixinayaa kaba dhig IP da 192.168.2.3 waxaad rabtaa inaad ubadasho HYPER LINK oo kaliya adigoon is daalin samee inaad ku darto HYPER TEXT TRANSFER PROTOCOL si uu unoqdo sidaan oo kale </http://192.168.2.3> intaas ayaan ku soo gaabinayaa sababtoo ah howshaan sii wadideeda wax fiican maaha waxaana ula jeedaa hadii aad sii guda gasho waxaa laga yaabaa in computer kaadu uu noqdo mid ufuran cid walba

Hadaba u kaalay siyaaba ay ku suura galeeyso xiriirka adigoo isticmaalaya Telnet ka waxaa suura galiya qayb raacsan asiga ee Computer ka ku dhex jirta waana Telnet Daemon waxa uu ka bilaabaay xiriirka qaybta raacsan asiga ( Computer Local ) waxa uu ugudbinayaa protocl ka ku jira computerka Local ka ah markaas ayuu shabakada ku dirayaa kadib ayuu udirayaa Protoclka Telnet ka Markaas ayuu gaarsiinayaa Computerkaa la rabay ee fogaa waana midka la rabay in la dhex galo markaas ayuu qofka siiyaa amarka uu doono qoraal ahaana asigoo iticmaalaya shabakada ogsoonoow Telnet Daemon waxa uu isticmaalaa furaha ah 23 si loo sugo xiriirka .

Tusaalahaan maaha mid munaasab ku ah meesha laakiin waxaan usoo qaatay hab shaqaynta iyo inaad ogaato in ay wax waliba suura gal yihiin.

 

Howl galka Telnet ka

(B) Waxaad u adeegsan kartaa Telnet ka sida web camal website kasta laakiin waxa uu ku siinayaa HTML Source Code oo ah Hab qolaakii aslka ahaa ee web ka sidaa daraadeed waxaa la isticmaali jiray Telnet ka markii ay ahaayeen website yada qoraalo si toos ah uqoran .

(T) Waxaad kaloo u isticmaali kartaa Telnet ka FTP Client  asigoo kuu samaynaya Gute FTP waxaana kuu suura galinaya amaro lagu galo Telnet ka .

(J) Sidoo kale waxa ay kuu suura galineeysaa Telnet inaad ku furuf furi karto E-mail POP Mail iyo inaad ka aqrisan karto E-mail kaada isla markaana aad ka diri karto E-mail waxaana loo soo gaabiyaa Posto Office Protocol sida caadiga ah wuu ka badalan yahay web sida dhabta ah way ka duwan yihiin sida Hotmail iyo Yahoo  howshaas meelaha ay suura gal ka tahay waxaa ka mid ah Hotpop.com, Telnetka waxyaabo farabadan ayuu leeyahay laakiin anaga hadda uma baahnin sheeg sheegooda badankood waxay noqdeen wax duq ah waxaa laga yabaa qaarkood ineey yihiin kuwa faa’iido leh. 

Sida uu ku shaqeeyo Telnet ka :

Waxaad ka bilaabi kartaa shaqadiisa  Start Run Command Kadib Qor Telnet, sidoo kale waxaa kuu suura gal ah inaad ka gali karto web ka Explorer adigoo qora sidaan ///:Telnet .

Si uu sifiican ugu shaqeeyo waxaan samaunaynaa sidaan:

Waxaad tagtaa Terminal kadib ka dooro Proferences kadib waxaan ka dhigeeynaa mid shaqaysa oo calaamada ayaan saareeynaa mid kasta oo ka mid ah kuwaan ANSI/100 iyo Local Echo iyo Block Cursor Hadda way shaqayneeysaa Telnetka .

Markaad u isticmaaleeyso Telnet ka sida Protocol FTP :

Fur Connect kadib waxaad sii furtaa Remote System ku qor markaas Host Name  web ka aad rabto inaad booqato Tusaalo ahaan:

FTP.Yahoo.Com Qorna Porta sida badan FTP waxa uu qaataa 21 hadii ay kuu suura gasho waxa uu kaa dalbanayaa inaad galiso User iyo Password hadii aad taqaan gali ama gasho magac aan la aqoon Anonymouns hadii loogu tala galayba web ka howshaas , Email kaada ku qor iyo password kaada , kadib waxaa kuu soo baxaysa waxa ku tusinaya ainaad gashay shabakadda iyo inaad gashay computer kii aad dooneeysay inaad la xiriirto padanaa hadalku sidaan ayuu usoo qormayaa :

Logged in anoonymously 230 , marka waxaa lagaa rabaa inaad la xiriirto si aad wax kasta oo file ah aad uga soo degsato amarkaasna waxa uu ku suura galayaa markaad isticmaasho PASV , markaad siido waxa uu kugu soo celinayaa server ka aad la xiriirtay tiro ka kooban 6 qaanadood oo ah IP address ka qaaska u ah iyo meesha laga duso Port ee furan tusaalo ahaan:

Mode Passive Entring 227

208.189.65.69.14.48

Hadaba sidee lagu macneeyaa lixdaas qaanadood? , waa tan iyadoo faahfaahsan! :

Afarta qaanadood ee ugu horaysa ee laga bilaabo Bidix ilaa Midig waa IP address ta ee web ka aad furtay  waana sidaan 208.189.65.69

Laakiin labada qaanad ee dembe waa xisaab lagu sameeyo Port qaabkee loogu sameeyaa ? waan kuu sheegayaa ! Waana sidaan :

Adigoo isticmaalaya xisaabta isku garaacidda ama kudhifasho (14) lagu dhiftay 256 kadib waxii kuu soo baxa ku dar tirada udambaysa ee ah 48 waxaa kuu soo baxaysa Port ama Albaabaka laga duso ee web ka tilabadana sidaan bay udhacaysaa :

14*256 = 3548+48 = 3632

Tirada port waa 3632

Hadii aan sii furfuro waxaa laga yabaa in la is waydiiyo maxaa loogu dhiftay tirada ah 256  jawaabtu waxay tahay marka uu Server ka uu soo bandhigayo Web port  kasta si loo booqdo waxa uu noo soo dirayaa marka uu badalo nidaamka loo yaqaan lix iyo tobanaad (Hex) waxa uu uqaybiyaa tirada port 256 (16*16) waxaa kuu soo baxaysa tirada hore waxaa kuu soo haraya tirada dambe tusalahana waa sida aad aragto :

3632 (Port) , 256 = 14 (Tirada hore) , qaybiska titada ka soo hartay 48 (Tirada dambe).

Hadaba markaan ogaanay IP address ta iyo Port ka , waxaan fureynaa window cusub kaba soo qaad FTP.Yahoo.Com port na waa 3632 markaad furto waxaad kala soo bixi kartaa garbadyo ama file laakiin ogoow (Guest Name) Magaca martida ah oo loola jeedo qof aan diwaanka kujirin malaha awoodaha qaarkood.

Amarada kuu suura galka ah waxaa ka mid ah :

LS waxa uu kuu soo bandhigayaa dhamaan waxa ku jira garbadyo ah, amarkaasna waxa uu la mid yahay (Dir).

Del waa wax ka tiris.

List waxa uu kuu soo bandhigayaa garbadyada iyo file lasha.

Sysr waxaad ku ogaan kartaa nuuca uu yahay Server ka.

Abor Joojinta howsha aad markaas gacanta ku haysay

Renfr iyo Rento Inaad ku kala guurido ama aad isku bad badasho garbadyada

Rest howl sii wadid istaagtay ama aad joojiday

Help Inaad dalban karto caawinaad

Mkd Aasaasid Garbad cusub

Man waxaa loo soo gaabiyaa (Manual) kaasi waxa uu ku tusayaa waxa aad awood uleedahay.

Kadib markaad soo argaty dhamaan tusaalayaashii aan ka soo hadlay oo aan ula jeeday fahanka ah port iyo qaabka uu ushaqeeyo ayaan waxaan kuu raacinayaa siyaabaha aad isga xireeyso laakiin aan hadal yar ka hor mariyo aniga markaan qorayo waxyaabahaan maahi nin Hacker ah laakiin waxaa iwareeriyey Hacher sidaa daradeed ayaan khibrad yar uyeeshay inaan ka hadlo waxyaabahaan yar yar waxaana jeclaystay walaalaheeyga somaliyeed inaan ka caawiyo intii karaankayga dadbaa igu dhaleeceeyey waxa aan qorayo ama aan ka halayo laakiin aniga ma dhagaysanayo dadkaas, sababtoo ah hadii aan qabiil wax ka hori lahaa sida badan dadka jiran baa igu amaani lahaa,

Waxaa ka mid ah yar E-mail iisoo diray oo igu yiri anaga waxa aad ka hadlayso School laadka wuqooyiga amerika ayaa lagu bartaa waxaa dhacday ninbaa barwaaqo ku jiray waa’ ayaa arkay nin baahan oo jiifa meel dadku ku leersadaan ladan “Giardino” oo loo sheegay inuu baahanyahay ninka markaasuu yiri “”Miyaanuu cunin ninkaan Xalwo ama Xalwad subag leh!!!!!!”” waxa uu ka turjumay barwaaqada uu ku dhex noolyahay hadaba yarkaas waxaan usheegayaa waxaa jira Somali farabadan ee aan helin fursadaas wax barasho marka aniga waxaan ugu talo galay dadka bilaawga ah ama dhibaato kala kulmay PC da ee aan school ba ka baran ee PC iska soo iibsaday.

Hadaba ukaalay qaabka aad uxirayso Port ka:

  • Start Run
  • Command.com (qor amarkaas)
  • Ping Host (qor amarkaas) guji Enter
  • Ping Port (qor amarkaas) guji Enter
  • Ping Port1027 (qor amarkaas) guji Enter
  • Ping Port80 (qor amarkaas) guji Enter
  • Ping Proxy  (qor amarkaas) guji Enter
  • Ping Port (qor amarkaas) guji Enter

Howshaas halkaas bay ku dhamaatay oo waxaad xirtay Port ee Proxy gaarka kuu ah waxaadna uga nasanaysaa halkaan inuu soo maro hacker ka wadadaas.

 

Halkaan waxaan uga hadlaynaa macluumaad guud ee ku qancin kara isla markaama howlaha guud ee Pc wax utaraya.

Amarada ku shaqeeya Run:

  1. Winipcfg = IP Address taada baad ku ogaan kartaa
  2. Regedit = waxaad ku furan kartaa Regstry ga
  3. Msconfig = waxaad ka halaysaa hadii aad doonto inaad joojido wax shaqaynaya
  4. Calc = Waxaad ku furan kartaa Colcolater ka wax lagu xisabo
  5. Command = waxaad ku furan kartaa Dos ka
  6. Scandskw ama ScanDisk = waa isku mid oo ciladda hard Disk baa lagu ogaadaa
  7. Taskman = waxa uu kuu sheegayaa waxa markaas kuu furan
  8. Cookies = si aad ku gasho waxyaabaha haraaga ah ee internetka Qashin camal
  9. Defrag = Hard Disk ayaa lagu habeeyaa ama lagu qaabeeyaa
  10. Help = Caawinaad sidoo kale F1
  11. Temp = waxyaabaha Internet ka si ku meel gaar ah uga hara
  12. Dxdiag = Aad buu muhiim uyahay waxaa lagu ogaadaa PC macluumaad ku saabsan
  13. Pbrush = waxaa lagu furaa qaybta wax lagu sawiro (Paint)
  14. Cdplayer = CD qaybta laga shido
  15. Progman =  Qaybta maamul
  16. Tuneup = kashaqaysiin dacayrida PC da
  17. Debug + dc000 = waxaa lagu ogaadaa nuuga Card Muraydda ama shaashadda
  18. Hwinfo = macluumaad ku saabsan PC iyo Qaladaadka ku jira baa lagu ogaadaa
  19. Sysedit = System ka PC halka laga saxo
  20. Packager = Inaad ubadasho qaab kale Icon
  21. Cleanmgr = Waxbaa lagu nadiifiyaa
  22. Msiexec = Macluumaad ku saabsan shirkadda
  23. Imgstart = Ka shaqaysiinta cajalada (CD) Windows ka markaas kuugu jira
  24. Sfc = Waxaad ku soo ceshan kartaa “Dll” kaa tirmay ciladana wuu bixiyaa
  25. Icwscript = Dll inaad soo coppy gareeysato
  26. Recent = waxa uu ku tusayaa waxii la furay oo dhan oo File ah
  27. Mobsync = waxaa lagu soo dagsadaa Page Net
  28. Tips.txt = Waa File muhim ah waxaa ku jira sirar windows ka ku saabsan
  29. Drwatson = Progmakan Dr.watson si guud ayuu ubaraayaa qaladaadka
  30. Mkcompat = si gaar gaar ah inaad program yada wax ugabadasho
  31. Cliconfg = caawinaad inaad ka dalbato shabakada isgaarsiinta
  32. FTP = inaad file ku furto
  33. Telnet = Server  ayaa lagula xiriiraa.

 

 

Dardaaran:- PC da ha u ogolaan inaad wax walbo iska aqbasho adigoo aanan iska eegin waxa ay yihiin, maba ku sii jiraan program yada ah xxxxxxxxxxxxx.exe ee wax beera sabatoo ah waa la isku gaadaa oo waxbaa laguu hoos galinayaa File patch iyo Trojan koleey waan qiyaasayaa Trojanka waxa uu yahay in lawada yaqaan!!!!! Sabtoo ah ma jirto cid ku dhahaysa Virus kaan Gali Comuter kaada K Hadaba waxaa la isticmaalaa qaab qarsoodi ah oo qiyaano ah Trojan ka macnahiisa baa ah sidaas:

Waxaa laga yaabaa inaad badankiin maqasheen iska ilaaw hadii aad maqashay waxaan ugu talo galay dadka aan maqal, Waxaa jirtay magaalo ku tiil Tukiga dhalashada Nabi Ciise CS  ka hor waxay ahayd magaalo aad uwanaagsan isla markaana ah strategia xagga dalxiiska ah dakii markaa dagnaa waxay ahaayeen dad caabuda Sanamyada oo waxay ahaayeen Mushrikiin isla markaana caabuda Fardaha, Gariigga ayaa damcay inuu qabsado weerar bay ku qaadeen oo waxay go’doomiyeen 10 sano sabatoo ah way gudbi waayeen darbiga udhisanaa oo aad loo adkeeyey iyo ciidanka waardiyaha ka ahaa oo aad uxooganaa ninka ciidama hoogaaminayey waxa uu ahaa ninkii caanka ahaa ee falsafiga (Filosofia)   ,“Audysyos“ ayaa waxa uu qoray warqad isla markaana ku diray falaar uu ku xiray kdib ku ganay dhexdooda, Waxa uu ku qoray „“Dad yoohoow xurka (Gob) ah waxaa la soo gaaray waqtigii aan isdhiibi lahaa waxaa tihiin dad geesiyaal ah waxaan idinka codsanayaa inaad ii ogolaataan inaan hadiyad idinsiiyo cadayneeysa inaan ka xumahay wixii dhacay isla markaana ka shalaaynayo wixii dhacay“.

Ciidamadii Turkiga dib ugurasho bay ka sameeyeen darbigii, iyagana waxay sameeyeen faras wayn oo ay ka sameeyeen alwaax, luga soconaya bay usameeyeen markay iska hubiyeen kadib ayaa albaabkii iska fureen markaas bay galiyeen farskii, waxay bilaabeen inay ciyaaraan iyagoo ku faraxsan hadiyadda, habiinkii bay sidaa ku baryeen iyagoo leh waan guuleeysanay, laakiin Faraska alwaaxa kasamaysnaa waxaa ku dhex jira 10 nin oo dagaal yahano ah habeenkii dhexdiisa bay ka baxeen farskii isla markaana waxay fureen albaabadii intii ay hurdayeen Turkigii , Ciidamadii gariigga ayaa dib ugu soo laabtay oo la wareegay dhulkii oo dhan .

Sidaa daraadeed magaca ah Trojan waxa uu magac uyahay cid kasta ee qiyaano damacsan ama wax hugan ee dooneeysa inay wax hoosaasido.

Hadaba ogsoonoow Trojan inuu yahay magac guud ee cid waliba isticmaasho sila markaan iska dhigaya inuu hayo program faa’iido kuu leh sida in lagu yiraah Anti Virus wanaagsan waaye kan ee Download ku samee!!! Laakiin sida dhabta ah ku basaasaya isla markaana computerkaada walaaqaya sidoo kale Systemka kaa qaldaya.

Halkaas ayaan ku soo gaabinayaa qormadaan hadii rabi idmo waad mahadsantiin waxii qalad ah ama sida aan ucabiro hadalka iga raali ahaad.

Abshir Dheere | Brescia Italia
Email: abshirdheere@hotmail.com

LINK: http://www.somalitalk.com/abshir/

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD