SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
C/QAASIM SALAAD XASAN
March 29, 125

Madaxwayne C/Qaasim oo Maanta Shir-jaraa'id ku Qabaty Gurigiisa

Mugadisho | Oct 23, 2002

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

Madaxweynaha dowlada K.M.G ah Dr. C/qaasim Salad Xasan ayaa Oct 23, 2002 shir jaraa,iid oo uu kaga hadlayay marxalada uu dalku uu marayey ku qabtay gurgiisa madaxtooyada oo ku yaala magaalada muqdisho .

Madaxweynaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku xusay in ay jiraan wadamo shisheeye oo aan raalli ka aheyn geedi socodka nabada soomaaliya taas oo uu sheegay inay ugu soo horeeyaan wadamada deriska nala ah oo uu san carrabaabin .

C/qaasim ayaa sheegay in sidoo kale wadamadaasi shisheeye ay soomaalida u maleegayaan siyaasad oo ay rabaan wadanka inay ka dhigaan meel imaarado ahaan loo maamulo .

C/qaasim waxa uu tibaaxay wadamada shisheeye inay soomaaliya u kala qaybiyaan koonfur iyo waqooyi, C/qaasim waxa uu sheegay inay soomaaliya ka koobantahay 18 gobal taasoo uu C/qaasim sheegay inaanay suurtagal noqoneyn (kalaqaybintaasi) “ walaalaheen reer waqooyi waa in ay ilaaliyaan midnimadeena iyo wadajirkeena” ayuu yiri C/qaasim oo intaasi sii raaciyay inaanay soomaaliweyn sinna u kala qaybsamin yihiinna ul iyo diirkeed.

Dhinaca kale C/qaasim ayaa wax rajo ah u muujiyay shirka Eldoret waase ayuu yiri hadii ay ku wada niyadsanyihiin oo ay daacad ka yihiin nabad ka wada is laaxda dhamaan gudaha dalka soomaaliya .

 waa c/laahi mire (qadaafi)  
qadaafi114q@hotmail.com 
 SomaliTalk.com Muqdisho

Oct 23, 2002

Shaar Gaduud: "Heshiis ayaan kala saxiixanay Deeroow" GUJI [waraysi IQRA]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.